Casharka 46ad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 46ad
Intussusception waa xaalad dagdag ah waxay ku bada tahay carruurta, waa marka qeyb ka mid ah xiidmaha ay isku Laab laabmaan, taasoo keeneysaxirrinka xiidmaha.
Waxa ay cadaadis saarayaan xiddidada dhiigga siiyo haddii aan la daweyn ugu dambeyn waxa ay sababeysaa in qeyb ka mid ah xiidmaha ay dhintaan. Isku laab laabanka xiidmaha waxa uu ka bilowdaa qeyb ka mid ah xiidmaha marka ay sidii caadiga ahayd u dhaqaaqi waayaan, taasina waxa ugu wacan, kuusyo ka soo baxa xiidmah, buro ka soo baxda, qanjir linfeedka oo weynaada. Taasina waxay hoos u dhigeysaa dhaqaaqa cunnada, qeyb kamid ah xiidmaha. Taasina waxay keeneysaa in xiddidada cariirsamaan, sidaasna uu barar ku yimaado, iyo in ay noqoto bilaa ogsijiin iyo nafaqo. Haddii dhiig la'aan dhacdo waxa imanaya in ay dhintaan xiidmaha. Waxa uu saameyaa badanaa barta dhammaadka qeybta xiidmaha yaryar ay iskulla kulmaan xiidmaha waa wayn(ileocolic region).
Maxaa keenna
1:Idiopathic: waxa badanaa keenna lama yaqaanno, gaar ahaan carruurta lixda bilood ilaa seddexda sanno, badanaa waxa uu la xidhiidhaa weynaanta qanjir linfeedka dhammaadka guddaha qeybta ugu dambeysa xiidmaha yar( ileum).
2:Viral infection: caabuqa fayraska(adinovirus)waxa uu sababayaa is dhex gal xiidmaha, waxa weynaanaya qajir linfeedka ee xiidmaha, bararka cad linfeedka gaar ahaan dhammadka gudaha xiidmaha yar waxay sabeysaa in socodka xiidmaha uu xumaado, kaddib olol ka dhasho, taasina waxay dar dar galineysaa in xiidmah is dhex galaan.
3:Cystic fibrosis: waa xanuun hidda sidaha oo saameya xubna badan gaar ahaan sambabada iyo dheefshiidka. Xanuunka waxa uu ka qeyb qaadanayaa is dhexgalka xiidmaha, waxa uu abuurayaa xaalado kala duwan in ay adkaato dheecaanada laga soo daayo xiidmaha, qeyb ka mid ah in ay xirranto xiidmaha, isbeddel ku yimaado socodka xiidmaha, iyo olol daba dheeraada. Qodobadan aan soo sheegnay waxay keenayaan sameysanka ama carqaladeynta guddubka cunnada, taasina waxay siyaadineysaa qatarta in xiidmaha is dhex galaan.
Dadka waa wayn maxaa ku sababa
4:Neoplasms burada kansarka ah iyo midda aan ahayn waxa ay keeni karaa laab-mitaanka xiidmaha, burooyinka waxay carqaladeynayaan shaqada xiidmaha, waxay isbeddel ku keenayaan socodka cunnada, waxay sare u qaadayaan inuu olol yimaado( inflammation) Dhammaan waxay ka qeyb qaadanayaan inuu xiidmaha laab laabmo qeyb ka mid ah xiidmaha.
5:Post-surgical adhesions( qalaad isjiidka kaddib qaliinka) , waxa uu sababayaa isku laab laabmitaanka xiidmaha, waxa uu isbeddel ku kenayaa qaliinka qaabdhiska iyo dhaqaaqa xiidmaha, qalaad isjiidkan waxa uu abuurayaa in ay xiidmaha noqdaan kuwa ceejisan taasina waxay keeneysaa inuu is ku laabmo xiidmaha. Taasina waxay xumeyneysaa socodka cunnada. Xaalada qofka waxa lagu arkaa qofka caloosha qaliin looga sameeyay.
6:Waxaa kaloo keeni kara kuusyo ka soo baxa xiidmaha(intestinal polyps).
Calaamadaha.
Carruurta.
1: Calool xanuun darran.
2: Matag.
3: Saxarrasa oo dhiig iyo xab ku dhex jirra lagu arko.
4: Marka caloosha la taabanayo kuus lagu arko. Dabar darro.
Dadka waa wayn.
1: Calool xanuun raaga.
2: Lallabo, matag, isbeddel ku yimaada xiidmaha socodkiisa.
Baadhitaanka.
1:Ultrasound: waxa loo isticmaalayaa carruurta, markaasi waxa uu inna tusayaa barta cillada ka jirto.
2:X-ray: waxa inna tusinaysaa xirranka xiidmaha.
3:CT scan: waxa loo isticmaalayaa dadka waa wayn si uu markaasi u cadeeyo barta saxda iyo waxa sababay isku laab laabanka xiidmaha. Ama wax kasto cudur keeni kara.
4:Barium or air enema: waa dawo lagu gaaro go' aan si cudurka loo xaqiijiyo, waxa lagu daaweeyaa carruurta xanuunka qabta.
Daaweynta.
Children: carruurta xanuunka qabta qaliin la'aan ayaa la yareyn karaa isago la siinayo dawo dareera ah( Barium enema) badana waa lagu guuleystaa. Qaaliinka waxa uu imanayaa marka daawadan ay shaqeyn weyso, ama la arko dusanka xiidmaha( perforation)
Adults: dadka waa wayn badanaa waxay u baahanayaan qaliinka gaar ahaan marka uu jirro kansar.
References
Books such as Current Diagnosis & Treatment: Surgery and Sabiston Textbook of Surgery provide detailed insights into the condition.
Websites like Medscape and Amboss offer up-to-date information on the diagnosis and management of intussusception.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment