Casharka 47aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 47aad
Proctitis
Waa olol (inflammation) ku dhaca dahaarka malawadka, waana qeybta u dambeysa xiidmaha waa wayn kuna dhammaata marrinka saxarada. Xaaladan waxay keeneysaa nafis xumo, xanuun. Ololkaasi waxa uu horseedayaa xuub xaleedka inuu dhaawac soo gaadho, nabar uu yeesho, iyo xanuun dhiig bax, iyo isbeddel ku yimaada xiidmaha. Ilolkaasi waxa ugu wacan waxyaabo kala duwan, sida caabuq, is-weerarka difaaca jirka, ama shucaac qofka lagu daaweeyay. Haddii ololkaasi uu sii raago waxa uu keenayaa dhibaatooyin. Sida dilaaca marrinka saxarada.
Maxaa Keena?
1:Caabuq: bakteeriyada sida: Neisseria gonorrhoeae, Chlamydia trachomatis, and Treponema pallidum (which causes syphilis) waxay si toos u saameynayaa xuub xaleedka malawadka iyagoo keenaya olol. Bakteeriyada badana waxay ku soo gudubtaa galmada, gaar ahaan galmada marinka saxarada.
Ololka waxa ka dhallanaya: bakteeriyada waxay dilaacineysaa unugyada ibisiiliyamta ee malawadka, waxay sababeysaa in difaaca la cariyo, taasina waxay keeneysaa olol, barar iyo dhaawac soo gaadha xuubka. Waxay keenayaan xanuun, qoyaan, iyo dhiig bax.
2:Fayraska: sida herpes simplex virus (HSV) waxa uu sababayaa ololka malawadka, badanaa waxa uu la xidhiidhaa xubnaha taranka, waxa uu ku soo gudbaa galmada, taasoo keeneysa caabuqa malawadka. Waxa ka dhallanaya in fayraska uu ku tarmo guddaha unugyada, taasina waxay keeneysaa in unugyada dhintaan, iyo in uu nabar ku sameysmo malawadka. Waxa ka dhallanaya xanuun darran, dilaac, Qandho, saxarada soo bixisteeda oo adkaata.
3: Caabuqa dulinka(Parasitic Infection): waxa keenna sida:Entamoeba histolytica, waxay ka dhex dusayaa xuub xaleedka malawadka kaddib qofka marka uu liqo cunto wasaqeysan ama biyo wasaqeysan uu cabbo. Waxa ka dhasha, dulinka inuu xiidmaha duleelsho, taasina waxay sababeysaa inuu burburo cadka, iyo olol. Waxay horseedeysaa in uu qofka saxarro dhiig leh dhigo, malawadka oo xanuunno, iyo olol.
4:Ulcerative colitis:Waa xaalad olol ku yimaada iyo nabar ka soo baxa guddaha xiddimaha waa wayn. Waa midka ka mid ah olol ugu caansan. Waxa uu saameeyaa qeybta hoose ee dahaarka ee xiidmaha waa wayn(colon), iyo malawadka.
Haddii aan la daweyn xaaladani waxay keeneysaa qatar halis ah, waxa ka dhallan kara dhibaatooyin. Falcelinta difaaca: waxa uu weerayaa xuub xaleedka malawadka taasina waxay keeneysa olol.
5:Crohn’s Disease:Waa xanuun ka mida kuwa loo yaqaan IBD(Inflammatory bowel disease) waxaanuu ku dhuci karaa meel kasta oo ka mid ah inta u dhaxaysa afka ilaa marrinka saxarada walow uu ku badan yahay qayb ka mid ka ah mindhicirka yar ee loo yaqaan Ileum oo ah qaybta ay iska sii galaan mindhicirka wayn ,waa xanuun burburiya ama dhaawac u gaysta afarta lakab ee uu ka samaysan yahay gidaarka mindhicirku(mucosa,submucosa,muscle ,serosa). Waa uu sabayabayaa ololka malawadka.
6:Ischemia: haddii dhiigga uu ku yaraado malawadka, waxa uu keeni karaa ololka malawadka.
7:Waxaa kaloo keeni kara haddii qofka jug ku dhacday malawadka.
8: Radiation Therapy: Daaweynta shucaaca ee kansarka gaar ahaan kuwa miskaha waxay keenayaan ololka malawadka.
Calaamadaha
1: Malawadka oo qofka xanuunka
2: Malawadka oo dhiig ka yimaada.
3: Calool fadhi ama shubban
4:Calool xanuun.
Baadhitaanka.
1:Anoscopy/Sigmoidoscopy: waxa lagu ogaanayaa haddii uu jirro olol, ama nabar, iyo waxyaabo kale.
2: Stool Tests: waxa saxarada la ogaanayaa haddii uu jirro caabuq.
3:Blood Tests: hubbinta dhiigga waxa laga baarayaa haddii uu jirro olol, ama dhiig yaraan, ama calaamad caabuq ah.
4:STD Screening: waxa l baadhayaa cuddurada lagu kala qaado galmada.
Daaweynta.
1:Antibiotics. Haddii ay bakteeriyo keentay waxa la siinayaa Doxycycline.
2:Antivirals. Haddii uu fayras keenay waxa la siinayaa lidiga dawooyinka fayruska sida acyclovir.
3:Crohn's haddii uu qabo xanuunka bukaanka ( kor ayaan ku so sharxay) waxa la siinayaa dawooyinka azathioprine,infliximab.
4:Sulfasalazine ama mesalamine waxa lagu daweynayaa xuunka ulcerative colitis( oo aan kor ku soo sharxay).
5:Topical Treatments: sanboosto ama enem ku jirta hydrocortisone waxay yareyneysaa ololka.
6:Waxaa kaloo la saxayaa ama la daweynayaa waxyaabaha keenay.
Tixraaca.
Books:Current Medical Diagnosis & Treatment by Maxine A. Papadakis, Stephen J. McPheeGastrointestinal and Liver Disease by Mark FeldmanSleisenger and Fordtran's Gastrointestinal and Liver Disease by Mark Feldman
Websites:
Medscape
Amboss
Mayo Clinic
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment