Casharka 48aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system)
Casharka 48aad
Diverticulosis
Waa kuusyo yaryar ka soo baxa xiidmaha waa wayn,gaar ahaan guddaha mindhicirada. Waxa ay soo muuqdaan marka uu daciifo xuub xaleedka ku wareegsan xiidmaha, kaasoo dib ugu soo riixaya banaanka. Waxa aynna qaadataa waqti badan in ay soo muuqdaan. Waxa aynna siyaadinayaan cadaadiska xiidmaha. Sidee ayuu ku yimadaa xanuunka? Calool fadhiga raaggay waxa uu siyaadinayaa cadaadiska xiidmaha waa wayn kaaso sababaya xuub xaleedka lakabka ku xiga in ay ka soo dhex baxaan barta dafiicank noqotay ee xiidmaha.
2:Dietary Factors: cunnooyinka ay ku yartahay qolofta(fibers) waa ay ka qeyb qaadan karaan kuusanka xiidmaha. Sidaan ogsoonahay cuntooyinka qolofta leh waxay ka qeyb qaataan jilcinta saxarada, nuugitaanka cunnooyinka qolofta ah waxa laga dhigaa xab si markaasi saxarada u noqoto mid fudud. Haddii cunnada qolofta leh ay yartahay saxarada waxay noqoneysaa mid yar, adag, soo bixisteeda ay adkaato. Tani waxay keeneysaa calool fadhi, xiidmaha waxa uu ku qasbanaanaya inuu si xooggan u dhaqdhaaqo, taasina waxya kordhineysaa cadaadiska xiidmaha inuu siyaado. Cadaadiskaas waqtiga badan waxa uu keenayaa in ay murqaha daciifaan, kaddib sidaasi kuusmo ku sameysmaan, uu diisan ku dhaco.
3:Da'da: dadka da'da xanuunka waxa ugu dhacaa cadadka daboollaha ee xiidmaha waxa uu noqonayaa mid aan kala jiidmin, taasina waxay sababeysaa inuu dafiico xiidmaha. Kala jiidankaasi waxa uu nugleynayaa darbiyada xiidmaha in ay u nuglaadaan inuu soo kuusmo goorta uu siyaado cadaadiska xiidmaha. Jilcanka xuub xaleedka kuu wareegsan xiidmaha waxa fududaaneysa inuu si fudud ku soo kuusbo. Da' weyninka sidaas ayuu ku keenayaa. Wayninka waxa uu hoos u dhigaa awoodda muruqa sisibsan ee xiidmaha. Haddii uu muruqa daciifo waxa hoos u dhacaya socodka urursanka muruqa xiidmaha si markaasi saxarada u socoto.
4:Genetics: mararka qaar xanuunnada la iska dhaxlo hidda sidaha, kaasoo keenna kuus kuuska xiidmaha.
5:Lack of physical activity: socodka joogta ama jimicsiga waxa uu kiciyaa socodka xiidmaha, waxa uu innaga caawiyaa urursanka si ay cunnada u dhaqaaqdo. Dhaqaaq xummada waxa ay hoos u dhigtaa socod xummada ee saxarada. Marka socodka saxarada ay hooseyso, waxa laga nuugayaa biyo badan, nuugitaankaas badan waxa uu keenayaa in ay saxarada adkaato. Waxa siyaadayo cadaadiska guddaha xiidmaha waa wayn, taasina waxay ka qeyb qaadaneysaa sameysanka kuus kuuska.
6:Cayilka: xeydha caloosha oo xad dhaaf ah, xeydha ku ururta caloosha waxay siyaadinaysaa cadaadiska caloosha. Waxa uu saameynayaa xiidmaha caloosha, taasina waxay keeneysaa inuu sameysmo kuusmo yaryar. Cadaadiskan sareeya guddaha caloosha waxa uu saameynayaa darbiyada xiidmaha, waxa siyaadaya qatarta inuu ka soo duso xuub xaleedka xiidmaha.
Calaamadaha.
1:Calool xanuun gaar ahaan qeybta bidix ee hoose.
2: Qofka aanan dareemin nafis.
3:Isbeddel ku yimaada xiidmaha, sida calool fadhi.
4:Dhiig bax caloosha, se wa dhif in la arko.
5: Saxarro dhiig.
Baadhitaanka
1:Colonoscopy: waa hubbinta ugu caansan ee loo isticmaalo kuusan xiidmaha. Waxaa si nadiif loogu arkayaa halka cilladu ka jirto.
2:CT Scan: waxaa kaloo loo isticmaalayaa iskaan si markaasi loo cadeeyo haddii uu ka dhasho dhibaato olol ah.
3:Barium Enema: waxa la siinayaa dareere si markaasi loogu arko raajada si nafiif ah.
4:Stool Test: saxarada waxa laga baadhayaa haddii uu keenay caabuq.
Daaweynta.
1:Cunnooyinka Kala Duwan ee qolofta ku Badan: bilowga daaweynta kuusan xiidmaha waxa la siiyaa bukaanka cunnooyinka qolofta ku badan tahay, taasoo ka caawineysa in saxarada ay jilicdo. Waxay hoos u dhigeysaa kuusanka xiidmaha ama in ay noqdaan olol. Waxa la siinaya cunnooyinka sida qamadiga, digirta miraha, khudaarta.
2:Cabitaanka Biyaha Badan: cabista biyaha badan waxay muhiim u yihiin dhaqdhaaqa xiidmaha, waxay ka hortagayaan calool fadhiga taaso siyaadinka karra kuusan xiidmaha.
3:Jimcisiga jidhka: jimicsiga joogtada ah waxa uu innaga caawinayaa in habdhiska dheefshiidka qummanaado, taaso siyaadineysa fiicnaanta dheefshiidka. Waxay hoos u dhigeysa kuusan xiidmaha.
4:Antispasmodic Drugs:sida dicyclomine waxay hoos u dhigaysaa kogitaanka xiidmaha. Si markaasi loo yareeyo xanuunka ubucda.
5:Probiotics:Daraasado qaar waxay soo jeedinayaan in probiotics ay kaa caawin karaan isku dheellitirka mindhicirka, in kastoo cilmi baaris dheeraad ah loo baahan yahay si loo xaqiijiyo waxtarkooda daweyneed ee kuusan xiidmaha( diverticulosis).
6:Waxa kaloo uu qofka ka fogaanayaa wax walba kicinka karra, ama caloosha adkeyn karra.
Tixraaca
References"Current Medical Diagnosis & Treatment" by McPhee SJ, Papadakis MA.Amboss: Online medical resource with up-to-date information on gastroenterological conditions.Medscape: Comprehensive medical articles and clinical practice guidelines."Gastrointestinal Physiology" by Leonard R. Johnson.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment