Casharka 49aad
Habdhiska dheefshiidka.
Casharka 49aad
Ololka ku dhaca xuubka ubucda( Peritonitis).
Waa lakab jilcan ku wareegsan godadka caloosha, waxa uu daboolaa xubnaha ku jira uurku jirta. Waxa innoo qabtaa dhowr shaqo:.
1:Protection and Support: xuubkan waxa uu difaacaa xubnaha caloosha ku jirra, sida caloosha, xiidmaha, beerka.
2:Fluid Secretion: xuubkan waxa uu soo sii dayaa dheecaan kaasoo ah subkiye, si markaasi loo yareeyo is xoqida u dhexeysa xubnaha marka lagu gudda jirro dheefshiidka.
3:Immunological Defense: xuubkan waxa ku jirra unugyada difaaca, kaasoo difaacaya caabuqa.
4:Absorption and Exchange: xuubkan waxa uu door ka ciyaaraa nuugitaanka hooraha, macdanta, waxaa kalo isku dheellitiraa hooraha godadka caloosha.
Peritonitis waa olol saameeya xuubka caloosha dahaara, xaalad waa mid qatar ah haddii aan la daweyn. Ololkani waxa uu noqon karaa mid meel gaar ah saameeyaa, ama gabi ahaanba, waxa uu maraa marxalad koowaad, labaad, ilaa seddexaad, waxyaabaha kale loo aaneyn karro waxa ka mid ah caabuq saameeyay, jug gaadhay, ama diisan kale ku yimid xubnaha caloosha ku jirra. Ololkani waxa bilowdaa marka ay bakteeriyo, cagaarisad(bile), aysiidha caloosha ay isbeddel ku yimaada, waxa ay soo galayaan gododka caloosha, taasina waxay horseedayaan inuu yimaado falcelin ololeed la baxsho(Inflammatoryresponse). Waxa uu maraa heerar kala duwan sida:
1:Invasion of Pathogens: noolaha ugu badan ee keenna waa bakteeriyada, taasoo ka soo gudbeysa godadka caloosha. Tani waxay dhacdaa marka ay diismaan xubnaha gododka ku jirra sida qabsinka, caloosha,xiidmaha, taasina waxay keeneysaa in sidaasi olol ku yimaado.
2: Inflammatory Response: cudur dhalliya waxa uu carinayaa waxyaabaha ka falcelsha ololka ( Inflammatory response), xuubka waxa uu noqonaya mid barara, guduuta, soona daaya maadooyinka sida cytokines, chemokines kuwaaso soo jiidanaya difaca jirka
3:Fluid Shift and Fibrin Deposition: ololkan waxa uu keenaa in ay ka buuxsamaan godka caloosha hoore, hoorahaasi waxa uu keenayaa in maadada fibrin ka buuxsanto godadka. Ka buuxsanka madaada fibriinta waxay keeneysaa in uu dhaca qalaad isjiid iyo sameysanka malax haddii markaasi aan la xakameyn caabuqa m
Maxaa keenna
1:Nabarro kuus kuusan ka soo baxa beerka(Liver Cirrhosis): waa waxa ugu caansan ee kaan ololka xuubka ubucda, taasoo keenta gododka caloosha in uu hoore ku ururo. Hooraase waxa uu noqonayaa caabuq badanaa waxa keenta bakteeriyo.
2:Gastrointestinal Perforation: Isbeddel ku yimaada xubnaha ku jirra uur ku jirta, sida qofka qaba boog calooleed, ololka qabsinka, ololka xiidmaha oo soo kuus kuusma, waxay saameeyaan xuubka ubucda, taasoo imaaneysaa caabuq darran.
3:Infections: caabuq ka yimid xubnaha kale sida xameetida, ama gacana kaasoo keenna ololka xuubka dahaara uur ku jirta.
4: Nadiifin la'aan: haddii bukaanka qaliin loo sameeyo, aan la isticmaalin waxyaabo nafiid aan ahayn waxa uu keenayaa ololka xuubka dahaara caloosha.
5:Waxaa kaloo keeni kara xanuunnada is weerarka difaaca jirka( autoimmune). Sida xanuun SLE. Xanuunkan waxa uu saameynayaa xuubka dahaara caloosha. Difaaca waxa uu weerarayaa xuubka, waxa uu sababayaa olol(inflammation) isagoo aanu caabuq jirin.
6:Waxaa kaloo keeni kara caabuq soo noq noqday, Daaweynta la daaweeyayna aysan iska caabin uu sameeyay noolaha keenay caabuqa.
Calaamadaha.
1: Calool xanuun darran, danqasho.
2: Caloosha oo weynaata.
3:Qandho, jarreys.
4:Matag iyo lallabo.
5: Qofka oo wax cunni waaya.
6:Garaaca wadnaha oo kordha.
7: Socodka kaadida oo yaraata.
8: Dhiigga oo hoos u dhaca.
Baadhitaanka.
1:Laboratory Tests: waxa la baadhayaa dhiigga guud, macdanta. Waxa la qiimeynayaa haddii ay kacsan yihiin, unugyada dhiigga cad.
2:Abdominal X-ray: waxa la saarayaa raajada caloosha. Haddii ay hawo jirto.
3:Ultrasound: waxa innaga caawinayaa dheecaanka ku ururay haddii uu jirro, ama malax.
4:CT Scan: waxa uu inna siinayaa war bixinno dheeraad ah ama in la gaaro go'aan sax ah.
Daaweynta.
1:Waxa la siinayaa kooxda seddexaad cephalosporins ee qalijiyaha sida:ceftriaxone ama cefotaxime, qofka qaba ololka xuubka gaar ahaan qofka qaba beer kuus kuusanka( Liver Cirrhosis).
2:meropenem: haddii uu jirro caabuq darran bukaanka dawadan ayaa la siinayaa, ama haddii ay jirraan iska caabin daaweed.
3:Surgical intervention: haddii uu caabuqa ka yimaaday nabar ama cad caabuq ah sida ololka qabsinka bukaanka waxa u baahanayaa qaliin.
4:Supportive care: bukaanka waxa la siinayaa fuuq celin, xanuun bi'iyayaal.
References:
Cleveland Clinic: Peritonitis Overview.Mayo Clinic: Peritonitis Causes and Treatments."Surgical Treatment: Evidence-Based and Problem-Oriented" by Hans-Joachim Schmoll and Thomas J. Büchner: Chapter on Peritonitis.Current Medical Diagnosis & Treatment 2024: Sections on Infectious Diseases and Gastrointestinal Disorders.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment