Casharka 51aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 51aad


CIRRHOSIS


Beerka waa xubin aad muhiim ugu ah jirka bini'aadanka, waxaa loo yaqaanaa kushiinka ama jikada jirka, wax kasta oo jirka qaato cunno ama daawo wixii ahaadaba, beerka ayaa kala habeeya oo sunta ka saaro, kadibne ka dhigo wax saafi ah oo jirka ka faaidaysan karo.Beerka wuxuu kaloo soo saaraa waxyaabo jirka mihiim u ah sida borotiinka iyo waxyaabaha ka qeyb qaato xinjiroobidda dhiigga iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah.Beerka markuu jirado, howshaas uu qaban jiray wuu gabaa, waxaana keeni karo xanuunnada sida cagaarshowga oo dhaawac gaarsiiyo beerka ama cabidda khamriga ama xanuunno beerka sidiisa ugu dhaco.

Beerka markuu howl gabo calaamdada ugu horreeyo oo lagu garto waxaa ka mid ah in qofka indhaha midab jaallo yeeshaan, bog xanuun, caajis, cunno xumo iyo miisaanka oo qofka ka lumo.


Howlgabka beerka waxaa loo qeybiyaa laba nuuc:

1) Mid degdeg ah: oo qofka markuu beerka ka xanuunsado maalmo ka diba howsha uu joojin karo

2) Mid raaga: oo qofka iska wadan karo oo uu la noolyahay dhowr bilood ama sanadood


Cirrhosis ku waa xanuun ku dhaca beerka kaas oo ay sababto nabaro ku samaysba beerka  ama beerka oo unugyada uu ka samaysan yahay qalafsanaani ku dhacdo(Fibrosis) oo ay sababaan xanuunno kala duwani sida hepatitis  C oo ku daba dheeraada iyo qabitanka cabitaanka khamriga kuwaas oo sida uu beerka ula tacaalayo inuu fuliyo shaqadiisa isuna kabayo marka dambe uu gaadho keer ay ku adkaato inuu fuliyo shaqooyinka uu qabto (decomposated cirrhosis) . Kuusanka beerka waxay ka dhashaan dhaawaca waqtiga dheer beerka soo gaadhay, noqnoqdka dhaawaca beerka waxa uu horseedayaa inuu beerka olol ku dhaco(inflammation), taasoo keeneysa in beerka ka buuxsamaan miiqyo. Xadkaafka nabarka waxa uu isbeddel xooggan ku keenayaa shaqada beerka, iyo qaab dhiska beerka,  isagoo noqonaya mid adag beerka, waxa kaloo xumaanaya hannaanka qulqulka dhiigga ee beerka. Haddii ay shaqada beerka xumaato beerka waxa uu awooddi weynayaa inuu shaandheeyo dhiigga,inuu soo saari waayo borotiinnada muhiim ah.


1:Chronic alcoholism: waa mid kamid ah kuwa sababa qamriga kuusanka beerka ku dhaca. Beerka waxa uu door muhiim ka ciyaaraa burburinta qamriga, laakiin haddii ay xad dhaaf noqoto beerka waxa uu awooddi weynayaa inuu si qumman u shaqeeyo sidaasna beerka uu ku dhaawacml.


Alcohol Metabolism: dheefsashada qamriga, meesha koowaad lagu shaandheeyo waa beerka, waxa jirra faldajiyayaal la yiraahdo alcohol dehydrogenase (ADH) and cytochrome P450. Hannaanka marka la beddelo waxay soo saarayaa faldajiye la yiraahdo acetaldehyde,  taasoo dhaawaceysa beerka unugyadiisa. Marka uu siyaado burburinta qamriga waxa la soo saarayaa mulukuyuul aan nidaamsaneyn oo ku jirra ogsijiin(reactive oxygen species) kaasoo keenaya qalqal, mulukuyaalkan aan qummaneyn waxay sababayaan dhaawac kaasoo isbeddel ku keenaya qaabdhiska unugga, duxda, borotiinka, iyo hidda sidaha beerka. Qamriga oo wakhti dheer qofka caba waxa ku keenayaa dhaawaca beerka inuu soo noqnoqda taasina waxa keena cagaarshowga beerka ku dhaca, beerka waxa uu noqonayaa mid dhinta, difaaca jirka waxa uu sameynayaa falcelinno taasina waxay keeneysaa inuu beerka dhaawacmo. Qamriga sidaas ayuu beerka u dhaawacayaa.


2:Waxa Kaloo keenna qofka qaba cagaarshowga noocyadiisa kala duwan


3:Non-alcoholic fatty liver disease (NAFLD): Waa xaalad ay saameyso dadka aan qamriga cabin,  ama waxyar ka caba,taasoo beerka uu noqonayo mid duxda ku ururta. Waxa ay la xidhiidhaa ololka beerka, iyo dhaawaca xooggan beerka soo gaara. Haddii ay ku ururto duxda beerka waxay keeneysa olol, qalqal aan qummaneyn, iyo dhaawac soo gaara unugga beerka. Waqti dheer kaddib beerka waxa uu falcelin ka bixinayaa dhaawaca, taasoo uu noqonayo mid adkaada, ugu dambeyna kuusanka beerka sidaas ku dhaco.


4:Primary Biliary Cirrhosis (PBC):  waa xaalad uu difaaca jirka is weeraro, difaaca jirka waxa uu si qaldan u weerarayaa marrinka yar ee xameetida guddaha beerka. Tani waxay abuureysaa in marrinka xameetida  uu burburo, taasina waxay sababeysaa dheecanka xameetida inuu ku ururo beerka(cholestasis). Waxa ka dhalanaya ololka beerka, iyo adkaanshaa beerka. Waxa kaloo uu beerka dhaawac ku soo gaari karaa haddii uu xirmo marrinka dheecaanka xameetida( haddii uu  xidhay dhagax, buro, ama ceejisan ku yimid waxa uu sababayaa inuu dheecanka xameetida beerka dib ugu laabto, taasin waxay hormuud u noqoneysaa inuu beerka olol ku dhaco, taasoo keeneysa inuu beerka adkaado haddii aan la daweyn xirrinkaasi waqtiga dheer.


5:Wilson disease: Waa xanuunnada la iska dhaxlo taasoo markaasi keeneysa in maadada copper loo yaqaaan ay ku ururto xubno badan oo jirka ka mid ah gaar ahaan beerka, maskaxda,indhaha. Natiijada waxay ka dhallaneysaa isbeddel ku yimaada hiddaha sidaha(ATP7B) kaasoo ka felcelinaya gudbinta iyo saarista maadada kuubarka. Ku ururka beerka maadadan(copper) waxay dhaawaceysaa beerka, sidoo kale waxay keeneysaa olol, sidaasina waxay ku sahlanaaneysa adkaanshaha beerka inuu haleelo qofka. Qofka xanuunka hiddaha sidaha leh ma awooddayo in jirka laga saaro maadadan kuubarta.


6:Hemochromatosis: Waa xanuunnada hiddaha sida ah ama la iska dhaxlo. 

Waa kororka ay badato birta jirka nuugitaankeeda(iro) waxa ugu wacan isbeddelka ku yimaada hidda sidaha(HFE). Jirka waxa uu leeyahay keydad lagu keydsho kororka birta,  meelahaasi waxa ka kamid ah beerka . Waqti badan kaddib birta waxay ku urureysaa unugyada beerka, taasoo keeneysa  qalqal. Waxa dhaawacmaya unugyada beerka kaasoo keeneysa olol iyo adkaansho. Adkaanshaha beerka waxa dhacaa marka beerka iska beddelo qaabdhiskiisa, ugu dambeyn isbeddelkaasi uu keenayo adkaansho.


Calaamaddaha xanuunka .


Calaamaddaha xanuunka waxa ka mid ah,daal,lallabo,miisaanka qofka oo hoos u dhaca,xiddida hunguriga oo kala baxa dhiiggana  (esophageal varices),dareeri ku kaydsama uurkujirta oo qofka uu hayaa u ekaado marwo uurleh 9 bilood ah(ascites) cagaha oo ay sidoo kale barara dareere ku hakada waaxyaha hoose  ama kuwa sare dartood(peripheral edema) madaama uu shaqadiisa gabay ahayd dhiig sifaynta (detoxification) inay qofka ku dhacdo waxa loo yaqaan (hepatic encephalopathy) oo ah xanuun maskaxda ku keena dabeecada qofkoo isbeddesha sidoo kale haddaan la dawayn markuu beerku dhiigga ka saari waayo sunta(toxins)  ku bataan maskaxdana waxa bukaanka ku dhaca gacmaha oo gariira marka la kala fidiyo (asterixis)hadday sii socotoo la dawayna waxa uu  bukaanka gala miir daboolan (coma).


Sidoo kale beerku waxa uu u rogaa hormone ka estrogen ka hab dhiigga looga saari karo se marka aanu ka saari kari waxa kor u kaca xaddiga estrogenka dhiigga ku jirta waxaanay sababtaa ragga inay naaso yeeshaan ama xadigoodu waynaado(gynecomastia) ,xiddida maqaarka dhiigga siiya oo oo kala baxa sameeya qaab caarada u eeg (spider angiomata) dhiigga oo ku urura baabacooyinka (palmar erythema) .


Sidoo kale madaamuu beerku shaqadiisa u fulin karin siday tahay waxa uu beerku ku guul daraysanayaa inuu walaxda Bilirubin la yidhaah ee midabkeedu huruuda yahay u beddelo nooc biyaha ku milma sidaana dhiigga lagagag saari karo waxaanay ku badanaysaa dhiigga dhexdiisa waxaana ta keenta waxa loo yaqaan jooniska(jaundice) .


Baadhitaanka. 


1:Liver function tests (LFTs): waxa la baarayaa dheecannada beerka haddii ay kacsan yihiin. 


2;Serum albumin: waxa la baarayaa borotiinka(albumin) haddii uu hooseeyo waxa uu muujinayaa qalqalka shaqada beerka.


3:Platelet count: waxa la eegayaa xinjirowga dhiigga.


4: Ultrasound:  waa hubbinta ugu muhiimsan kombuyuutarka, waxa inna tusinayaa haddii shiiqay beerka ama kuus kuus uu yeeshay.


5:CT scan/MRI: waxay inna siinayaan warbixinno faah faahsan si markaasi loo ogaado qaabdhiska beerka iyo looga sooco kansarka beerka.


 

Sidee loo daweeyaa ?


Cirrhosis dawo u gaar ah malaha se waxay tahay in la daweeyo sababta keentay haday tahay xanuunnada iyo haday tahay inuu qofku joojiyo cabitaanka khamriga ,sidoo kale waxa la daweeyaa xanuunada kale ee uu isagu keeno ee aan soo taxay ee ka mid ah calamaadaha lagu garto.


References


"Harrison's Principles of Internal Medicine."Mayo Clinic, Cleveland Clinic, and Amboss for liver disease management.Drmawliid ku-dar


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad