Casharka 54aad

 Habdhiska dheefshiidka(digestive system).


Casharka 54aad


Hepatic encephalopathy (HE) 


Waa sumow saameeya maskaxda marka beerka uu shaqadiisa gabo, taasoo keeneysa in qulqulka dhiigga uu sumoowo sidaasna maskaxda shaqadeeda isbeddel ku yimaado. Waxa uu la xidhiidhaa xanuunnada beerka ku dhaca sida adkaansha beerka( cirrhosis). Caadiyan beerka waxa uu nadiifin ku sameeyaa amooniyada, haddii uu beerka shaqo gabo waxa yaraanaya awoodda uu ku beddeli lahaa amooniyada si uu uga dhigo yuuriya oo jirka looga saaro.


 Taasoo keeneysa in dhiigga ay ku badato amooniyada. Haddii ay dhiigga ku badato amooniyada  waxay ka gudbeysaa lakabka difaaca maskaxda dhiigga inta u dhexeysa(Blood-Brain Barrier) iyo nooc ka mid ah unugyada dareensida ayaa barara(astrocyte), waxa siyaadaya in la beddelo dhambaal laliyaha(glutamate)  loo beddeolo amino aysiidh (glutamine) waxay keeneysaa in maskaxdu bararto, isbeddelna ku yimaado hannaanka farriin gudbinta.  Amooniyada waxay carqaladeynsaa hannaanka farriin gudbinta, sida iyadoo xidheysa farriin gudbinta( gaba) iyo in ay isku dheellitirka ka lumiso hannaanka kicinta ee maskaxda. Tani waxay keeneysaa inuu yeesho calaamado la xidhiidha xagga dareensidaha. Waxaa kaloo keeni kara in ay siyaado amooniyada bakteeriyada si xad-dhaaf ugu korta xiidmaha, iyadoo soo saareyaa amooniyada, iyo sumooyin kale. Sumooyinkan waxa lagu sameynaya nuugitaan, kaddib waxay keeneysaa sumowga maskaxda.


Portosystemic shunts:  Marka  dhiigga beerka  uu soo galo wereegga dhiigga isagoo aan laga soo saarin waxyaabaha sunta sida amooniyada, sida caadiga beerka waxa aynnu ognahay inuu jirka ka saaro waxyaabaha qatarka ku ah ama uu shaandheeyo, gaar ahaan amooniyada. Isku noqodka dhiigga, waxay markaasi keeneysaa in ay xumaato shaqadii uu beerka ku nadiifin lahaa dhiigga sunta soo raaci lahayd.  Amooniyada iyo sumooyinka kale  haddii aysan soo marin beerka uuna soo shaandheyn waxay toos ugu badanayaan qulqulka dhiigga. Sidaan kor ku soo sheegnay waxay u gudbeysaa maskaxda.


 Acute liver failure:  shaqo gabka dagdaga ku dhaca beerka waxa uu si dagdag u lumiyaa shaqada beerka taasoo keeneysa in ay hoos u dhacdo dheefshada, iyo sun saarista. Taasoo keeneysa in ay maskaxda sumowdo(hepatic encephalopathy).

Dhaawaca beerka soo gaara  ma awooddayo inuu beddelo amooniyada uu ka dhigo yuuriya, si markaasi jirka looga saaro amooniyada, taasina waxay keeneysaa in ay ku ururto amooniyada qulqulka dhiigga, sidaasna ugu talaabto maskaxda.


Cunooyinka borotiinka xad-dhaadka ku jirra:  waxa ku jirra amooniya  la soo saaro xilliga ridqida, iyo dheefshada. Beerka waxa uu la halgamayaa inuu beddelo amooniyada tira badan una beddelo uuriya si markaasi looga saaro jirka, tani waxay keeneysaa in dhiigga sidaas ugu ururto amooniyada, kaddib u talaabto maskaxda. Sidaasna shaqada maskaxda ayaa hoos u dhaceysa.


Waxaa kaloo keena dhiig baxa uur ku jirta, in amooniyada dhiigga ku badato.


Waxaa kaloo cariyaa in amooniyada dhiigga ku badato caabuqa.


Waxaa kaloo keenna  calool fadhiga,  taasoo uu siyaadinayo sumowga xiidmaha in ay kordhaan.


Waxaa kaloo keenna qalqalka ku yimaada curaarta jirka(Elecrrolytes, hypokalemia)


Calaamadaha. 


1:Early Symptoms (Minimal HE): calaamada ugu horreeya lagu arko waa , qofka oo hurdada ka carqalowda,  xasilooni darro uu dareema.


2: Moderate Symptoms:  qofka lagu arko gariir, isku dhex yaac,  hannaanka garashada qofka hoos noqda ama caafimaad qabka dhimirkiisa. Hadalka oo qofka ku adkaada, ama inuu qofka isku aadin waayo ereyada. Qofka oo awooddi waayo inuu wax qoro. Xuus yari.


3:Severe Symptoms:  qalal, inuu miir daboolmp, murqaha oo adkaada, maxkax barar.


Baadhitaanka. 


1:Blood Ammonia Levels:  in la baadho  heerka dhiigga amoonaliyada.


2:Electroencephalography (EEG):  In la eego shaqasa maskaxda iyo dareensidaha heerka shaqadiisa.


3:Doppler ultrasound: waxa la eegayaa qulqulka dhiigga beerka.


 Daawaynta 


1: Waxa xoogga la saarayaa sidii loo yareyn lahaa heerka amooniyada dhiigga ku jirta, taasoo xumeyneysa shaqada maskaxda. Daawooyinka waxa ka mid ah


1:Lactulose (daawada ugu horreysa)


Lactulose waa sonkor aan jirku nuugi karin oo ay bakteeriyada mindhicirka ka dhigaan asiidhyo yaryar. Tani waxay keentaa in pH-ga mindhicirka hoos u dhaco, taasoo ammonia (NH₃) u beddesha ammonium (NH₄⁺), taas oo aan sahlanayn in jirku nuugo, waxaana la soo raaciyaa saxarada. Nidaamkani wuxuu yareeyaa heerka ammoniyada ee dhiigga, si markaasi loo yareeyo calaamadaha. 


2:Rifaximin (antibaayootik)


 Rifaximin waa antibaayootik aan jirku nuugi karin oo yareeya soo saarista ammoniyada iyadoo yareyneysa bakteeriyada ammoniyada soo saarta ee ku jirta mindhicirka. Waxaa badanaa lala isticmaalaa isku-dar ah lactulose, gaar ahaan marka cudurku soo noqnoqdo ama lactulose keliya aan ku filnayn.


3:L-ornithine L-aspartate (LOLA)


Waxay carisaa walxo kor u qaada hannaanka yuuriyada sameysankeeda iyo samaysanka glutamine, taasoo ammonia u beddesha urea, kuwaas oo aan sun ahayn. Tani waxay yareeysaa heerka ammoniyada ee dhiigga.


4:Zinc:


Waa curiye muhiim u ah ka qaybqaata yareynta  ammoniyada, inuu ka dhigo yuuriya. Kaabista zinc waxay innaga caawineysaa kor u qaadista in la saaro ammoniyada  jirka.


5:Dietary Protein Restriction: si ku meel gaar ah in qofka looga ilaalsho cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinka si markaasi loo yareeyo xaddiga amooniyada.


6: Daweynta ugu dambeysa oo ah in beerka laga beddelo bukaanka.


References:


Amboss: Provides detailed information on hepatic encephalopathy, including treatment strategies and diagnostic algorithms.


Medscape: Offers comprehensive clinical guidelines and the latest updates on HE management.


National Library of Medicine: Features research articles and clinical studies on the pathophysiology and treatment of HE.


Mayo Clinic: General patient-oriented overviews and information about hepatic encephalopathy.For further detailed reading, refer to:


"Harrison's Principles of Internal Medicine" for in-depth coverage of liver-related diseases.


"Current Medical Diagnosis & Treatment" for a clinical approach to HE.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad