Casharka 56aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 56aad
Beer-wayninka(Hepatomegaly )
Waxa lagu qeexaa marka uu beerka ka weynaado xaddiigii loogu talagalay, ama cabirkiisa saxda ahaa. Waxa keenna xaaladdo kala duwan inuu beerka ka weynaado xajmigii loogu talay, haddii aan la sii dhaadin, aan loo sii dhugma lahaan uu keeni karo in qofka noloshiisa halis wayn ku soo korodho.
Weyninka beerka waxa uu dhacaa marka beerka carin uu ku sameeyo waxyaabah jirka isbeddel ku keena, ama xubnaha jirka haddii ay saameeyaan shaqadooda isbeddelka ku keenna sida ololka, duxda uu beerka sifeyn waayo(fatty infiltration), xanuunnada ku dhaca wadnaha gaar ahaan fashilka qeybta midig, kansarka beerka ku dhaca.
Waxyaabaha keenna mid mid ayaanu u sharaxeynaa sababaha uu la weynaado beerka.
Inflammation: qofka qaba hafeefka beerka(Hepatitis) iyo xanuunnada isweerarka difaaca jirka, taasi waxay keenayaan in ay dhaawacmaan unugyada beerka, waxay carinayaan maadooyinka ka falcelsha ololka(TNF, a Il6), kuwaasoo kenaya in beerka uu bararo ama weynaado.
Steatosis (Fatty Liver): duxda ku ururta unugyada beerka ,taasoo keeneysa inuu adkaado beerka. Duxda xad-dhaafka unugyada ku urureyso waxay keeneysa inuu beerka adkaado, shaqada beerka ee dheefsashada ay lunto, iska caabinta insuliinta(waa maadaada ka ururisa sokorta dhiigga) in ay dhacdo. Duxda ku urureysa beerka mararka waxay keeni kartaa olol taaso keeneysa inuu beerka bararo ama uu weynaado.
Congestive heart failure: Fashillanka wadnaha gaar ahaan qeybta midig(right side heart failure) waxay keeneysaa inuu siyaado cadaadiska xiddidada, waxa dhacaya calool yarta midig( right ventricle) in ay ku fashilanto in ay dhiigga u buufiso wareega sambada(pulmonary Circulation), taasi waxay keeneysaa in dhiigga dib ugu laabto xiddidka hoose wadnaha dhiigga soo garsiiya(inferior vena cava) taasina waxay keeneysaa inuu siyaado xiddidada cadaadiska beerka. Ciriirsanka xiddidada beerka waxay sababayaan inuu beerka ku ururo dhiig( xiddidada yaryar) taasina waxay keeneysaa inuu beerka jiq isku noqdo, ugu dambeyn uu beerka weynaado.
Kansarka beerka ku dhaca(hepatocellular carcinoma), asalka waxa uu ka imanayaa unugyada beerka oo si xad-dhaaf u qeybsama. Si xad ka bax marka uu qeybsankaasi u dhaco waxa uu keenayaa inuu beerka ballaarto xajmigii loogu tala galay uu dhaafo. Taasina waxay muuqalka ka lumimeysaa qaabdhiska beerka, shaqada beerka hoos ayay u dhigeysaa, waxay ka qeyb qaadaneysaa inuu beerka weynaado. Kansarka beerka waxa uu sameynayaa xiddido cusub, taas oo quudineysa nafaqana siineysa burada beerka ku sameynsantay, qulqulka dhiigga xiddiida cusub waxay keenayaan xaddiga beerka uu weynaado.
Amyloidosis: waa Borotiin ku urura beerka inta u dhexeysa unugyada beerka iyo xiddidada dhiigga. Taasina waxay carqaladeyneysaa qaabdhiska beerka, iyo shaqada beerka, taasoo keeneysa inuu beerka weynaado
Glycogen Storage Diseases: waa xanuun hidda sida ah taasoo keenaya in ay beerka ku ururto sokorta, kaddiba unugyada beerka ay bararaan sidaasna uu beerka ku weynaado ayay keeneysaa xaaladi sokor ku ururka beerka.
Hemochromatosis: kororka xaddiga birta( iron) waxay keeneysaa in ay isbeddel ku keento hidda sidaha nidaamiya birta, gaar ahaan hidda sidaha(HFE). Xiidmaha waxay soo nuugayaa xaddi badan oo bir ah taasoo saameyn xooggan ku yeelaneysa xubna badan oo jirka ka mid ah sida beerka. Birta waxa lagu keydinayaa unugyada beerka. Keyda lagu keydiyo unugyada beerka waxay keeneysaa in ay dhaawacmaaan unugyada beerka, waxaa kaloo ay keeni kartaa olol(inflammation), in ay dhintaan unugyada beerka. Ugu dambeyn uu sidaasi beerka ku weynaado.
Schistosomiasis: waa cabuq uu keenno dulin(Schistosoma), ukumaha dulinka uu sameysto ayaa waxay ku ururayaan beerka. Sidee ayay beerka ku soo gaadhayaan ukumaha? Dulinka waxa uu ku nool yahay xiddidada quudsha xiidmaha, waxa uu soo deynaya ukumo, qaar ka mid ah ukumahaasi waxay soo raacayaan qulqulka dhiigga, kaddibna waxay soo gaadhayaan beerka iyo xiddidada beerka. Jirkeenna waxa uu leeyahay hannaan difaac, marka dulinka soo galaba waxa uu bixinayaa falcelinno, taasoo keeneysa in au sameysmaan kuusyo(granulomas) kuuskaas beerka ku sameysmay cadka beerka waxay keenayaa olol, taasoo keeneysaa inuu beerka bararo, waxayna ka qeyb qaadaneysaa weyninka beerka.
Liver cyst: waa kiishyo yaryar aan kansar ahayn, ku jirra hoore, taasoo dhaca olol la'aan ama dhaawac la'aan. Kiishashkaasi haddii waqti badan uu sii jirro taasoo ay ugu wacan tahay hooraah ku ururaya Kiishka waxa uu keenayaa in beerka uu weynaado. Kiishkaasi cadaadiska uu saarayo cadka beerka ayaa keeneysa inuu ballaarto beerka, beerkana waxa uu noqonayaa mid fida.
Kansarka dhiigga, waa nooc kamid ah kansarada ku dhaca dhiigga iyo dhuuxa lafaha. Kaasoo keenaya inuu beerka weynaado. Unugyada dhiigga cas ma ahan miduu beerka shaandheynayo, taasina toos waxay u keeneysaa inuu beerka weynaado. Unugyada marka ay noqdaan kuwa aan caadi ahayn waxay noqonayaan kuwa tarankooda uu xad dhaaf noqdo, kansarkani waxay unugyada beerka ku keenayaa in ay weynaadaan taasoo ugu wacan shandheyn la aanta unugyada Cas. Shandheyn la'aanta unugyada isbeddelkooda waxay xumeynayaan shaqada beerka.
Calaamadaha.
1: Daal.
2: Miiska oo luma.
3: Qofka nafis xuma ka dareema qeybta sarre caloosha.
4: maqaarka iyo indhaha oo jaalla noqda.
5:Hoore ku urura caloosha.
6: QANDHO
7: Cago barar.
8: Calool xanuun.
9: lallabo iyo matag.
Baadhitaanka
1: Blood Tests: waa hubbin loo isticmaalayo shaqada beerka in lagu hubbiyo, sida kacsananta dheecannada beerka. Haddii ay badan tahay heerka cagaarisada.
Waxaa kaloo la baadhayaa heerka birta jirka.
2:Viral serologies: waxa kaloo laga baadhayaa hafeefka beerka noocyadiisa kala duwan(A, B, C, and other viruses.)
3:Ultrasound: waa hubbinta ugu horreyso loo dirayo bukaanka si beerka cabirkiisa loo hubbiyo.
4:CT scan/MRI: waxay inna siinayaan baadhitaanadan faafaahin dheeraad ah.
5:Liver biopsy: beerka in cad lga qaado si markaasi loo baadho haddii uu kansar jirro.
Daaweynta.
Waxa la daweynayaa sabab walba oo keentay.
1:Haddii uu keenay hafeefka beerka waxa la siinayaa dawooyinka lidiga hafeefka( antiviral agents) sida: Tenofovir, Entecavir), kuwa difaaca xoojiya sida:Prednisone, Azathioprin. Dawooyinka waxay hoos u dhigayaan inuu fayruska uu tarmo, waxay hoos u dhigayaa ololka beerka iyo dhaawaca. Kuwa difaaca xoojiya waxay hoos u dhigayaan weerarka difaaca uu beerka u geysanayo.
2:Non-Alcoholic Fatty Liver Disease (NAFLD). Duxda ku ururta beerka qofka waxa la siinayaa dawooyinka insuliinta cariya sida:Pioglitazone, waxay markaasi hoos u dhigayaan iska caabinta qaabilaha insuliinta. Iyagoo hoos u dhigaya in duxda ku ururto beerka
3:Vitamin E waxa la siinayaa bukaanka aan macaanka lahayn. Waxa uu hoos u dhigayaa qalqalka beerka ku yimaada.
4:Hemochromatosis: qofka qaba xad dhaafka birta waxa la siinayaa sida dawooyinka Deferoxamine, Deferasirox) si markaasi birta kaadida loo raacsho.
5. Neoplastic Causes: haddii uu kansar keenay waxa la sameynaya in beerka badh laga jarro ama gabi ahaanba loo beddelo qofkaasi, haddii uu kansarka faafayna, waxa loo bilaabayaa dawada chemotherapy
6:Haddii uu keenay weyninka beerka fashilkanka wadnaha waxa la siinayaa dawooyinka ACE INHIBITORS, SIDA LISINOPRIL, ENALAPRIL, dawooyinka waxay hoos u dhigayaan shaqada xooggan ee wadnaha,cadaadiska dhiiggana wey xakameynayaan.
Beta-Blockers: waxay hoos u dhigayaan garaaca wadnaha, shaqada wadnaha waa ay wanaajinayaan, iyagaoo hoos u dhigaya cadaadiska dhiigga. Waxa la siinayaa dawooyinka sida carvedilol, metaprolol.
Diuretics: waxa la siinayaa dawooyinka hooraha jirka ka yareeya, waxa innaga caawinayaan in hoora xad dhaafka ay hoos u dhigaan, cadaadiska xiddida hoos ayay dhigayaan, ee la xidhiidha xiddida beerka. Waxa ka mid ah daawooyinkamln, Furosemide, bumetanide
References:
Harrison's Principles of Internal Medicine (Latest Edition)
Current Medical Diagnosis & Treatment
Davidson’s Principles and Practice of Medicine
Washington Manual of Medical Therapeutics
American Association for the Study of Liver Diseases (AASLD)
Amboss
Medscape
National Library of Medicine (NLM)
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment