Casharka 57aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 57aad
Hepatocellular carcinoma (HCC)
Waa kansarka ugu caansan ee ku dhaca beerka, asal ahaan wuxuu ka yimaadaa unugyada beerka oo xargaha goosta qeybsankooda. Badanaa wuxuu la xidhiidhaa xanuunada raaga ee ku dhaca beerka sida adkaanshaha beerka (cirrhosis). Waa kansarka ugu badan ee adduunka lala xidhiidhiyo dhimashada kansarka beerka.
Kansarka beerka waa nooc kansar ah oo ka soo bilaabma unugyada uu beerka ka sameysan yahay ee loo yaqaanno beer-unugeed (hepatocyte). Beerka waa xubin ku taala qeybta kore ee uurkujirta, wuxuuna ka hooseeyaa muraqa kala bara xabadka iyo uurkujirta. Waxaa jira noocyo kala duwan oo kansar ah oo ku dhaca beerka. Nooca ugu badan ee dadka ku dhaca waxaa la yiraahdaa Hepatocellular carcinoma, kansar ka soo farcama unugyada shaqada qabta ee beerka. Waxaa jira noocyo kale oo aan caan ahayn sida intrahepatic cholangiocarcinoma iyo hepatoblastoma. Kansarada saameeya beerka dhammaantood ma ahan kuwo beerka ka askumay, waxaa jira kansaro ka bilowda xubno kale oo jirka ka mid ah kuna faafa beerka, sida kansarka xiidmaha iyo kansarka sambabaha.
Sidee ayuu ku yimaadaa kansarka beerka?
Sida aan horrey u soo sheegnay, kansarka beerka waa unugyada beerka oo xargaha goosta qeybsankooda. Taasi waxay keentaa qeybsanka ama badashada xadkii loogu talagalay inuu unugga dhaafo, taasoo sababaysa kansarka beerka.
Cirrhosis: Adkaanshaha beerka wuxuu ka dhashaa waqti dheer oo uu beerka ahaado mid olol leh (inflammation). Sababaha ugu badan waa qofka oo qaba hafeefka beerka (hepatitis), cabbitaanka qamriga, iyo qofka oo xeydha (dux) ku urursanta beerka. Marka uu beerka ku dhaco olol, waxaa la soo deynayaa maadooyin (cytokines, ROS) kuwaas oo dhaawaca DNA-ga unugyada beerka. Dhaawacaasi wuxuu sababayaa in hiddaha isbeddelo, taasoo faragalinaysa qeybsanka unugyada beerka. Qeybsanka qaldamay wuxuu keenayaa inuu qofka ku dhaco kansarka beerka.
Faafitaanka iyo koritaanka xawliga ee burada kansarka waxaa ka qeyb qaata sameysanka xiddiddo cusub (angiogenesis), kuwaas oo door muhiim ah ka qaata baahida kansark, siinayana nafaqo iyo oksijiin ee burada kansarka.
Hepatitis Viruses: Hafeefka beerka (hepatitis) wuxuu kordhiyaa fursadda kansarka ku dhaca beerka, gaar ahaan hepatitis-ka noocyada B iyo C oo sababa olol raaga iyo dhaawac joogto ah oo ku dhaca unugyada beerka.
Non-Alcoholic Fatty Liver Disease (NAFLD): Qofka leh buurni, xanuunka macaanka, ama xad-dhaafka dufanka (hyperlipidemia) waxay kordhin karaan qatarta duxda ku ururta beerka iyo kansarka beerka.
Cabbidda Qamriga: Waqti dheer oo qofku cabbo qamriga wuxuu keenaa ololka iyo adkaanshaha beerka, taasoo sare u qaadda qatarta kansarka beerka.
Sunta Aflatoxins: Waa sun ka dhalata cuntooyinka aan si wanaagsan loo kaydin sida galleyda iyo lowska. Suntan waa mid ku badan waddamada Afrika.
Astaamaha kansarka beerka:
Dad badan ma laha astaamo muuqda, laakiin haddii aad isku aragtid astaamahan hoos ku qoran, waa muhiim inaad dhaqtar la xiriirtid:
1:Miisaanka oo luma isku day la’aan.
2:Abataydka oo yaraada.
3:Xanuun laga dareemo qeybta kore ee uurka.
4:Lallabo iyo matag.
5:Awood la'aan iyo daal guud.
6:Caloosha oo bararta.
7:Maqaarka oo huruud/jaale noqda.
8:Saxarada oo caddaan ama dambas u ekaata.
Baadhitaanka.
1:Baaritaanka dhiigga: Waxaa laga ogaan karaa haddii dheecaannada beerka ay cilladaysan yihiin.
2:Baaritaanada sawirka: Ultrasound, CT, iyo MRI ayaa loo adeegsadaa in lagu arko burada kansarka. Xaaladaha qaar waxaa lagu sameeyaa qeyb laga soo jaro beerka oo lagu baaro mikroskoob.
Daaweynta:
Kansarka beerka waxaa lagu daweeyaa qaabab kala duwan, sida dawooyinka kansarka. Haddii buradu aysan beerka ka faafin, waxa ugu wanaagsan waa in la jaro qeybta burada leh. Haddii tan lagu guuldareysto, waxaa mararka qaar qofka beer laga beddelaa.
References:
Amboss
Medscape
Mayo Clinic
Harrison's Principles of Internal Medicine
National Library of Medicine
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment