Casharka 60aad.
Habdhiska dheefshiidka (digestive system)
Casharka 60aad.
Hepatic artery thrombosis (HAT)
Waa in ay xidho xinjir halbowlaha beerka. Taasoo cadaadineysa xiddidada kaddib waxa hoos u dhacaya dhiigga uu beerka uu heli lahaa, taasoo keeneysa nafaqada iyo dhiigga beerka meesha ka baxdo ama beerka uu fashilmo. Halbowlaha beerka waxa uu quudiyaa 25% qulqulka dhiigga, arooro xiddideedka 75 waxa uu quudiyaa inta soo hadhay. Marka xinjirta xidho waxa dhacaya inuu dhiigga yaraado waxana ka dhasha, inuu yaraado ogsijiinta uu heli lahaa nuddaha beerka ugu dambeyn waxa uu keenayaa dhimashada unugyada beerka. Dhiig yaridaasi waxay saameyneysaa marrinka dacarta(bile ducts) taasoo keeneysa ololka marinka dacarta, ama inuu dhinto marrinka dacarta. Waxaa kaloo keenna dhibaatooyin ka dhasha qaliin. Waxay la xidhiidhaa qaliinka qofka beerka looga beddelayo ama xiddidada beerka qofka qaliin looga sameeyo sitaas ay ku sameysanto xinjirta.
Hypercoagulable States: kororka waxyabaha ka qeyb qaata sameysanka xinjirowga ayaa isbeddel ku imanaya, isbeddelkaasi waxa uu keenayaa in uu siyaado sameysanka xinjirowga. Haddii ay kacsan yihiin waxyaabaha(fibrinogen iyo prothrombin) keena sameysanka xinjirowga, waxay keeneysaa siduu ku sameysmi lahaa hannaanka xinjirowga. Waxaa kaloo ka qeyb qaadan kara haddii ay jiraan xanuunnada qaar sida dhiig karka, xanuunka macaanka, iyo xad dhaafka duxda,waxay sarre u qaadayaan sameysanka xinjirowga, waxay hoos u dhigayaan waxyaabihii dhiigga furfuri lahaa ee xinjirowga ka bi'in lahaa.
Atherosclerosis: awdanka xiddidka. Waxa xiddidda darbiyada ku ururaya dux am waxyaabo kale kuwaasoo saameynaya xiddidada beerka. Waqti dheer kaddib waxa uu keenayaa ciriirsanka dhexroorka xiddidka waxa yaraanaya qulqulka dhiigga. Taasina waxay keeneysaa inuu dhaawac soo gaaro indhosiiliyamta taasina waxay siyaadineysaa qalaad isjiidka xinjirowga dhiigga, kaasoo ka qeyb qaadanaya sameysanka xinjirowga. Ugu dambeyn waxa uu keenayaa in uu xiddidka qarxo.
Vasculitis: Ololka ku dhaca xiddidada dhiigga, waxa uu si toos ah u saameynayaa darbiyada halbowlaha beerka. Ololka waxa uu kor u qaadayaa waxyaabaha ka qeyb qaata sameysanka xinjirowga, waqti badan haddii uu sidaas ahaato xiddidada waxa uu keenayaa xirran ama si dhammeystan inuu xiddidka u xirmo.
Trauma: waxa kaloo keenna jug soo gaadha, sidaasna uu xiddidka beerka xinjir ku sameysanto.
Tumors: burooyinka beerka ku sameysma waxay cadaadis saarayaan halbowlaha beerka kaasoo keenaya inuu xumaado qulqula dhiigga, sidaasna uu ku sameysmo xinjirowga.
Calaamadaha.
1:Abdominal Pain: calool xanuun gaar ahaan qeybta midig ee sarre.
2:Nausea and Vomiting: matag iyo lallabo, taasoo ugu wacan qalqalka ku yimid dheefshiidka.
3:Fever: Qandho taasoo muujineyso inuu jirro caabuq.
4:Jaundice: maqaarka iyo indhaha oo jaalle noqda, taasoo ugu wacan shaqa xumada beerka ku timid.
5:Signs of Shock: haddii ay xaalada aad u daran tahay bukaanka waxa uu yeelanayaa dhiigga oo hoos u dhaca, garaaca wadnah oo siyaado.
Baadhitaanka.
1:Ultrasound with Doppler: waxa la isticmaalaayaa kombuyuutarka si markaasi loo qiimeeyo socodka dhiigga.
2:CT Angiography: iskaankan waxa uu inna siinayaa faah faahin dheeraad ah , waxa lagu arkayaa halbowlaha beerka, heerka xirrinka xinjirta ay xidhay.
3: Laboratory Tests: waxaa loo dirayaa dheecannada beerka, haddii ay kacsan yihiin iyo haddii kale waa la fiirinayaa. Iyo heerka maadada jaallada(bilirubin)
4:Coagulation Studies: waxa loo dirayaa sheybaadhka xinjirowga dhiigga si loo ogaado sababta keentay xinjirowga dhiigga.
Daaweynta.
1:Anticoagulants: waxa la siinayaa dawooyina liddiga xinjirowga, kuwaasoo dhiigga furfura ka dhigga hoore furfuran. Kana hortaga hannaanka uu ku sameysmo xinjirowga dhiigga. Waxa ka mid ah dawooyinkan Heparin,Low Molecular Weight Heparin (LMWH),Warfarin, dawooyinka waxay sidoo kale ka hortagayaan sameysanka xinjirowga.
2:Antiplatelet Agents: waxaa kalloo la siinayaa dawooyinka dhiigga hoos u dhiga xinjirowga, sida aspirin, waxaa kaloo la siinayaa Clopidogrel.
3:Daaweynta kale ee loo sameeyaa waa qaliin(Surgical and Interventional management).
Thrombectomy: waa in la galshaa soo qaade(catheter-based) kaasoo lagu soo saarayo xinjirta. Waxa ka galinayaa halbowlaha beerka.
Liver Transplantation: haddii intaas aa soo sheegnay lagu fashilmo, beerka sidaas ku dhinto, waxa loo sameynayaa in qofkaasi beerka loo beddelo oo beer loogu deeqo qofkaasi.
References.
Websites:
1. Medscape (medscape.com)
Provides updated clinical guidelines and articles on hepatic artery thrombosis.
2. Mayo Clinic (mayoclinic.org)
Features patient education and detailed discussions on liver-related conditions, including vascular disorders.
3. Amboss (amboss.com)
A high-quality medical resource with detailed explanations on hepatic artery thrombosis, especially in the context of liver transplantation.
4. National Library of Medicine (nlm.nih.gov)
Offers a vast collection of medical literature, including studies and case reports on hepatic artery thrombosis.
5. Cleveland Clinic (clevelandclinic.org)
Provides comprehensive information on liver diseases, including hepatic artery complications.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment