Casharka 1aad.

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca(Respiratory system and disorders).


Casharka 1aad. 



Habdhiskaan wuxuu diirada saari doonnaa shaqooyinka kala duwan ee uu qabto neefsashada sidoo kale habdhiskaan wuxuu ka kooban yahay xubno badan oo si weyn ugu qeyb qaata habdhiska neefsashada.

Habdhiskaan waa habdhis aad iyo aad muhiim uguah habdhisyada kale ee jirka bani’aadamka asigoo is guud iyo si gaarba uga qeyb qaata shaqooyinka ka dhaca jirka.

Unugyada jirka waxay u baahan yihiin ogsijiin (hawo) si ay u qabtaan dhammaan shaqooyinka looga baaahan yahay jirka.Habdhiska neefsashada waa habdhiska neefmarka jirka, waxaana kamid ah habdhiskaan sida sanka, dhuunta, hunguriga cadaha,iyo sambabada waxaa kale oo jira murqo caloosha ku yaala oo lagu lifaaqo habdhiskaan kuwaas oo caawiya neefta jirka gasha kana baxda.



Tamarta ugu badan waxaa laga soo dhiraandhiriyaa isku dhisyada kiimikeed (chemical reactions) taasoo dhacda marka la helo hawo (ogsijiin), falgalada kiimikeed ee ka dhaca jirka waxaa ka dhasha hawo wasaqeysan kaarbon laba ogsaydh Co2sida caadiga ah waxaan isticmaalnaa oo qaadanaa ogsijiinta nagu hareersan waxaana soo saarnaa hawo wasaqeysan (Co2).

Hawada aan isticmaalno wey kala duwan yihiin waxayna ku xiran tahay hadba qofka meesha uu joogo ama uu ku noolyahay sababtoo ah hawada aan qaadano waxay noqon kartaa mid qaleel ah, mid qoyan iyo mid diiran waxayna wadaan waxyaabo wasaqeysan sida busta iyo jeermisyada kala duwan.



Hawadda aan qaadanno waxay soo martaa marino loo yaqaanno hawo-mareenno (air passages) ilaa ay kasoo gaaraan sambabada, sambabada waxaa ka dhaca isbeddelka hawada sida (exchange of gases).Laba qaab ayuu u dhacaa isbadalada hawada ee jirka kuwa loo yaqaano dibad u neefsasho (external respiration) oo u dhexeya dhiigga iyo sambabada iyo kuwa loo yaqaanno gudde neefsasho (internal respiration) wuxuuna u dhexeeya dhiigga iyo unugyada kale ee jirka.


Neefsashadu waa habka naflaydu ay u neef qaadato ogsijiinta una soo qashinsaarto inle'eg oo ah Kaarboon laba ogsaydh, waxayna ka dhacdaa sambabada. Sambabadu waxay leeyihiin malaayiin ah kiishash yar yar oo hawo galeen ah, oo la yiraahdo alfiyooli. Gidaarrada kiishashkaasi aad bay u jimir yar yihiin, waxana ku dul falkan tiiftaafyo fara baban oo wada dhiig aan safaysneyn. Hawada ku jirta alfiyooliga iyo dhiigga maraya kabilaariyada oo uu u dhexeeyo xuubka jilicsani ayaa waxa ka dhex dhaca iswaydaarsi gaasyo.


 Ogsi- jiinta ku jirta hawada kiishashka, ayaa u gudubta dhiigga ka bilaariska, dhiiggana waxa ka soo gudba oo u gudba alfyooliga CO, si loo qashin saaro. Gudubkaas ogsijiinta iyo kaarboon laba ogsayhdka waxa keena curisyada ogsijiinta iyo CO, ka oo kala duwan. Sidaas darteed si curisyada labada geesood ay isu le'ekaadaan ayaa waxa dhaca faafida. Faafidu waa mar- ka laba waxyaalood oo ay wax u dhexeeyaan, midiba dhinac ku badan tahay. Si haddaba la isu le'ekaysiiyo curisyada labada dhinac ayaa middii walba ku faafta, dhinaca ay ku yar tahay.


Ogsijiintu waxay ku badan tahay hawada ku jirta alfiyooliga. Waxase jirta in aanay marnaba isle'ekaanin curisyada labada geesood. Had iyo jeer dhiig aan safaysnayn oo uu ku badan yahay kaarboon laba ogsaydh ayaa ka soo buuxsama kabilaariska ku falkan alfiyooliga, marka uu qofku neef qaatana, hawo cusub oo ay ku badan tahay ogsijiintu ayaa soo gasha alfiyooliga.


1. Moqorka sanka 2. Moqorka afka 3 Carrab 4. Marinka hawada 5. Dhuun yar sambab gale 6. Dhuun sambab gale 7. Sambab gale 8. Dhuun yar sambab gale oo la weyneeyey 9. Alifooliya la weyneeyey 10. Xuubka biluu- ra 11. Qulaanqulshe 12. Cagagi 13. Dalqo.


Dhismaha marinnada neefsashada.


Habdhisku wuxu ka kooban yahay marinno ay hawadu mar- to iyo labada sambab marinnada hawadu waxay u sii kala baxaan:-


1. Labada dul ee sanka, 2.Dalqo  (Pharynx) : oo ah meesha ay iska. ga darsamaan dhulka sanka iyo dalqadu, 3. Dalqada, 4 Qulaanqulshaha(larynx), 5. Laba sambab galayaasha, 6. Hunguri cad. ka, 7. Dhuunyarooyinka sambab galayaasha, 8. Kiisha- sh hawada (alfiyooli).


Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan casharkan bulsho u faa'idaynta ah ilana soco (Follow) haddii aadan ila socon si aad bogan uga hesho casharo faa'ido leh.


W/DIndha_caad 


Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad