Casharka 2aad.

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca(Respiratory system and disorders).


Casharka 2aad. 


SANKA


Moqorrada sanka waxay ka bilaabmaan labada dul ee dibadda, waxayna ku dhammaadaan meesha ay iska galaan dulalka sanka iyo dalqadu. Labada dul ee sanka waxa dhex marta carjow kala qaybisa. Saqafka sare waxa kaga yaala lafta hoostana waxa kaga yaala dhanxanaga adag iyo ka jilicsan. Moqorka sanka waxa hoos ugu soo farcama laba dalool oo gala, meesha dulka iyo dalqadu iska galaan. Labada dul ee sanka, waxa midkii kasta ku yaala saddex lafood oo u eg faro, oo ka soo baxsan dhinacyada dulalka, moqorkana kala qoqoba. Qoqobada moqorka iyo gidaarka intiisa kaleba waxa ku dahaaran xuub axal oo gas leh, oo uu ka soo dhigo hoor ka reeba hawada, boodhka iyo jeer- miyada la socda. Meelaha gidaarada sanka aan xuub dushiisa axal ahi ku dahaarnayn waxa ku yaal timo yar yar oo dib axalka ugu riixa dalqada si loo liqo. Xuubabka axalka ee sanka dushiisa waxa ku yaala dhammaadyada dareenwadayaasha urinta.


Hawsha Sanka


1. Sanku wuxuu diiriyaa, meeraana hawada galaysa marinka hawada. Marka ay hawadu sii dhul marayso Xididada dhiigga ee dahaarka heer kulkeeda ayaa kor u kaca, waxaana sii qooya uumi baxa axalka reeba hawada boorka iyo jeermiyada.


2. Sanku waa xubinta aynnu wax ku urino. 


3. Sanku wuxuu caawiyaa Codka.


Seddexda shaqo ee aan soo sheegnay haddii uu sanka qaban waayo hawada waxay si toos ah dhibaato ugu geysaneysaa sambabada sababtoo ah gudaha sanka waxaa ku dahaaran xuubab qoyan oo jilicsan oo nude ah waxaana lagu magacaaba axal xuubeed (mucus membrane) waa maado dhag dhag ah oo ka hortagta waxyaabaha ilma aragtada ah sida bakteeriyada, feyruska iyo busta waxayna ka hortagaan in ay gudaha sanka u galaan waxaana ka ilaalinayo xuubkaan loo yaqaanno axal xuubeedka( mucus membrane) waana sababta keeneysa in uu qofka hindhiso marka uu jirka so galo jeermis.


Haseyeeshee hindhista waxay ka macno tahay ama tusaale u tahay in mucus membrane-ka ay qabsadeen busta ama waxyaabo isla markaana hindhis ahaan isaga soo saara jirka.

Mucus membrane-ka waxay soo daayaan maado lagu magcaabo axal( mucosa), waa maado dhag dhag ah sida xabagta oo kale ah maadadaas iyo timaha ku yaala sanka waa kuwa isla shaqeeya waxayna shaqadooda tahay in ay qabtaan busta iyo jeermisyada kala duwan ama waxyaabaha kale ee dhibaateyn kara sambabada.Timaha ku yaala godadka hore ee sanka ayaa soo qabta waxyaabaha yar yarka ah sida busta iyo bakteeriyada waxayna ku dhegaan axalka(mucosa-) aha,axalka ayaa ka difaaca ibisiiliyamta( epithelium) ku daaharan wuxuuna ka hortagaa in uu axalka qalalo.Marka axalka uu wasaqoobo maadadii dhag dhag ahayd ayaa qaleleysa wayna isku imaaneysaa kaddib ayaa qofka hindhisa.Taasi waxay ahayd aragtida guud aan ku sharxeynay sanka hada aan u imaano sida uu sanka u sameeysan yahay iyo meesha uu ku yaalo sanka.


Sida aan hore u soo sheegnay sanka wuxuu ka kooban yahay laba godad oo lagu magacaabo sanyaroolayaal (nestrioles) labadaasi godad ee  lagu magacaabo waxaa kala sooca waxa loo yaqaano qoqob (septum).Sida aad sawirka hoose ku aragtaan waa qaab dhismeedka uu u sameeysa yahay sanka.


Dul dalqo


Waa meesha ugu dambeeya duleelka sanka ee ay ka bilaabanto dalqadu. Waxa dusha kaga wada dahaaran xuubab axal, oo ay xagga hore kaga yaala nudo limf ah. Nudahaasi haddii ay bukoodaan waxa xirma marino yar yar oo u dhexeeya, qofkuna wuxu ka neefsadaa afka, (afka in laga neefsada way xun tahay, waayo hawada oo aan safaysneyn, heerka kulkeeduna uu hooseeyo ayaa gasha sambabada taas oo dhib u keenta qofka.Laba dalool oo yar, oo la yiraahdo dhuumaha maqalka ayaa ka baxa moqorka dalqada oo taga labada dhegood. Marinnadaas waxaa ku dahaaran xuub axal, haddii ay bukoodaan maqalka ayaa wax noqda.


Dalgada


Dalqadu waa moqor wayn oo ku yaala gadaasha sanka, afka iyo dalqada. Gidaarada moqorku waxay leeyihiin muruqyo ay dusha kaga dahaaran yihiin xuubab axal an. Waa marin ka dhaxeeya cuntada iyo hawada marka ay ka kala socdaa hunguriga iyo hunguri cadka. Wuxuu u daloolaa moqorkaasi afka iyo sankaba, xaggiisa hoosena waxa ka bilaabma labada marin e hawada iyo cuntada. Si aanay haddaba cuntadu aanay u raacin marinka hawada, waxa is xira marinka hawada marka aynnu wax liqayno, waxaana kor u soo kaca qulaanqushaha si daloolka ay xirto cagagadu, ku dultaala qulaanqushaha.


Jantuska marinka hawada (ee alka)


1. Moqorka sanka


2. Dhanxanaga adag


3. Afka


4. Carrab


5. Qulaanqusha

 6Ricraha luqunta

 7.Dalqo

 8. Duldalqo


9. Dhanxanaga jilicsan.


Hunguriga cadi waa dhuun gaaban oo ka bilaabanta qulaanqushada hoostiisa, una marta luqunta hoose. Marka ay dhuu- ntaasi gaarto sambabada agtooda ayay u kala qaybsantaa laba sambab gale,, oo kala gala samababada. Hunguriga gidaarradiisa waxa ku dahaaran muruqyo sulban oo ma lafare ah, oo Iskood u dhaqdhaqaaqa iyo nudo liifsan oo ay tiiriyaan carjow u dhisan sida erayga C oo ka faran dhinaca dambe ee hunguriga cuntadu kaga soo tiirsanyahay dhismahaasi wuxu dhib yareeyaa marinka cuntada si uu u kala baxo marka cunto ay marayso, lakabada carjowda ah ee hunguriga dhiniciisa debedde soo xiga ku yaala, waxay ilaaliyaan marinka hawada si aanu isugu dumin marka hawada debeddu soo cadaadiso. Hunguriga boggiisa gudaha waxa ku yaala xuubab axal oo gas leh, gaskaasi wuxuu kor u riixaa axalka.


Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan casharkan bulsho u faa'idaynta ah ilana soco (Follow) haddii aadan ila socon si aad bogan uga hesho casharo faa'ido leh.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad