Casharka 3aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca


Casharka 3aad


Qulaanqusho (Larynx):


Waa xuubyo masuul ka ah sameynta iyo soo saarka dhawaaqa codka hadalka iyo neefmareenka jirka wuxuu ku yaalaa dhuunta waxayna ka kooban yihiin 9 nooc oo carjaw, seed iyo murqo isku haayo waxaana kor kaga daboolan xuub.


Qulaanqushada ama sanduuqa codka (voice box) wuxuu ku xiran yahay qulaanqusho-dalqeedka(laryngo-pharynx-ka) iyo hawo mareenka wuxuu dhacaa xagga sare ee qulaanqusho dalqeedka( laryngo-pharynx-ka)  qeybaha 3rd, 4th, 5th iyo 6th ee luqumo ricidheed( cervical vertebrae) ilaa iyo xaalada qaan gaarka laga gaaraayo waxaa jira farqi u dhexeeya cabirka qulaanshqushada (larynx-ka) sababtoo ah marka loo fiiriyo ragga qulaanqushada(larynx-ka )wuxuu noqdaa mid aad u kora kaas oo noo qeexaya lafta dhuunta ka soo dheer ee loo yaqaano (Adams apple) aan si kale u dhahno Adams apple waxaa laga wadaa lafta dhuunta ka soo jeeda oo ragga kaliya gaar u ah.


Larynx-ka wuxuu ka kooban yahay carjawyo badan oo ku dhegan seedo iyo xuubyo, carjawda ugu badan ee qulaanqushada(larynx-ka) ku dhegan waxaa kamid sida.

1: carjaw tayroodhka (Thyroid cartilage)


2: Carjaw giraaneed(Cricoid cartilage)

3:Gunbur carjaweed(Aryteniod cartilage).


4:Cidhib(Epiglottis)

5: Toobin carjaweed(Corniculate cartilage)

6: Carjaw kala jiidanta(Cuneiform cartilage 2)


Noocyaadan aan kor ku soo sheegnay waxay u kala baxaan kuwa ka sameeysan hyaline cartilage oo ay kamid yihiin thyroid cartilage,circoid iyo aryteniod cartilage, halka kuwa kalena ay ka sameeysan yihiin elastic cartilage sida epiglottis, corniculate iyo cuneiform cartilage-ka.

Carjawada mid walba waxaa ku dhegan seedo badan iyo lafta bocorka(hyoid bone), marka aan ka hadleyno thyroid cartilage waa midka ugu badan ee carjaw-qulaanqusheedka(laryngeal cartilage-ka) waxayna ka sameeysan yihiin carjawyada loo yaqaano hyaline cartilage waxayna dhacaan xagga hore ee qoorta ama dhuunta.


Qeybtiisa hore wuxuu u soo baxsan yahay nudeyaasha jilicsan xagga hore ee qoorta ama dhuunta wuxuuna sameeya laryngeal prominence or adam’s apple kaasoo si fiican looga dareemi karo inta badan in lagu arko ragga qaan gaarka ah.Darbiga hore ee qeyb ahaan waxaa qeybiya godka qanjirka(thyroid notch) carjawga xagga gadaale kama dhammeystirna waxaana lafta kore ee lafta bocorka(hyoid bone-ka) ku haya seedo xagga hoosane waxaa ku haaya carjawada loo yaqaano cricoid cartilage.


Qeybta kore ee carjawada thyroid-ka waxa ku dahaaran (stratified squamous epithelium) isla sidii hunguri cadaha oo kale qeybta hoosane waxaa ku dahaaran (ciliated columner epithelium) sida hawomareenka oo kale (trachea) murqo badan ayaa ku dhegan oogadiisa sare ee banaanka.Qulaanqushta(Larynx-ka) gidaaradiisa hore iyo kuwa dhinacyadiisa inta badan waxaa sameeya carjawga lagu magacaabo (thyroid cartilage).


Cricoid cartilage: waxay ku yaalaan thyroid-ka hoostiisa waxayna ka kooban yihiin carjawga loo yaqaano hyaline cartilage muuqaalkoodana waa sida faraanti wareegsan oo kale waxayna ku jiraan qulaanqushta l qeybtiisa hore ee cariirga ah.

Qeybta baaxada weyn waa qeybta gadaale waxayna ku xiran tahay carjawyada kala ah aryteniod iyo thyroid cartilage waxaana ku dahaaran (ciliated columner epithelium) oogadiisa banaanka waxaa ku dhegan murqo iyo seedo, xudunta hoose ee cricoid cartilage-ka waxay calaamad u tahay dhammaadka marinka sare ee neefsashada.


Aryteniod cartilage: waa laba carjaw oo muuqaalkooduna yahay sida seddex xaggal aan toosneen oo ku yaala qeybta baaxada weyn ee cricoid cartilage-ka ayagoo sameeyna darbiga gadaal ee qulaanqushta(larynx-ka) waxayna ku xiran yihiin xargaha codadka iyo murqaha waxaana ku wareegsan xuubka loo yaqaano joog-utaxa ibisiiliyamta( ciliated columner epithelium).


Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan casharkan bulsho u faa'idaynta ah ilana soco (Follow) haddii aadan ila socon si aad bogan uga hesho casharo faa'ido leh.


W/DIndha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad