Casharka 4aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca


Casharka 4aad


Cidhib(Epiglottis):


Cidhib(Epiglottis): carjawyadaani qaabkooda waa sida digirta oo kale waxayna ka sameeysan yihiin carjawyo jilicsan oo loo yaqaanno (fibro elastic cartilage) waxayna ku dhegan yihiin gunta dabacsan ee carjowga ee gudaha oogada darbiga hore ee carjada tayroodhka (thyroid cartilafe-ka) ayagoo ka hooseeyaan oogada adhaxda tayroodhka (thyroid notch).Cidhibta(Epiglottis-ka) waxay xiraan qulaanqushta(larynx-ka) inta lagu guda jiro liqida raashiinka ayagoo sambabada ka difaacaya in ay si lama filaan ah ugu galaan waxyaabaha banaanka ka yimid.


Qeybta hore ee qulaanqushada (larynx-ka) sida godka codka(vocal cords-ka) waa laba god oo midab leh waa sida xarig geeso leh oo kale wuxuuna u dheer yahay qeybta qulaanqushada (laryngeal-ka) furan waxayna ku fidsan yihiin gidaarka gudaha tayroodhka (thyroid- ka).

Marka ay murqaha koontaroolka codka ay soo saaraan waxaa kala baxa xariga codka (vocal cord) xariga codka ayaa u furmaaya marinka hawomareenka qulaanqushada taasoo ka dhalaneysa in ay gariirka ay gariirayaan xargaha codka ay soo saaraan dhawaq yar oo cod ah.


Marka ay murqaha maamula xargaha codka ay isku soo aruuraan xargaha codka waxay ku fidsamayaan oo ay daboolayaan qulaanqushta( larynx-ka) howshaas inta ay socoto qulaanqushta (larynx-ka) wuu xiran yahay.

Marka ay xargaha codka ay kala fidsamaan oo ay balaartaan aynna gariiriso ama ay ku dhacdo hawada ka imaaneysa sambabada, codka soo baxaya wuxuu noqonayaa cod dhawaq sare leh intaas kadib dhawaqa codka waxaa go,aaminaya xariga codka ayagoo go’aaminayaan murqaha howshaasi loogu talagalay.Soo saarida codka wuxuu leeyahay astaamaha dhawaqa sababtoo ah dhawaqa codka wuxuu ku xiran yahay dhererka iyo toosanaanta xargaha in kastoo ay xilliga qaangaarka xargaha codka ee ragga waxay bilaabaan in ay koraan oo ay dheeraadaan.Muga codka wuxuu ku xiran yahay awoodda ay ku gariirayaan xargaha codka sababtoo ah codka wuxuu ku xiran yahay muuqaalka afka, halka uu ku yaalo carabka iyo bishmaha, murqaha wejiga iyo hawada ku jirta gododka sanka(paranasal sinuses-ka).Hadalka waxaa soo saara marka xargaha codadka ay soo saaraan dhawaqa kaddib ayaa waxaa xoojiya oona ka qeyb qaata carabka, daamanka iyo bishmaha.Inta lagu guda jiro liqida raashiinka qulaanqushta (larynx-ka) wuxuu u baxaa kor asagoo xiraayo dalqada( pharynx-ka) halka cidhibka( epiglottis) ay xirayaan qulaanqushta (larynx-ka) tani waxay xaqiijineysaa in cuntada ay marto marinka dheer ee lagu magacaabo marrinka dheefshiidka( elimantry canal-ka) ee aysan marin hawo mareenka.Marinka ay hawada marto qulaanqushta (larynx-ka) xagga sare wuxuu ku xirmaa dalqada(pharynx-ka) xagga hoosane wuxuu kaga xirmaa hunguri cadka(trachea).

Huurinta kala shaandheynta iyo quudinta ayaa hababkaan waxay u horseedeysaa in ay hawada si fiican ugu gudubto qulaanqushta.


Dhiigga iyo dareemaha mara (larynx-ka):qulaanqushta waxaa quudiya oo dhiigga u keena halbowleyaasha kore iyo kuwa hoose ee halbowleyaasha ee loo yaqaanno qulaanqush halwbowleed(laryngeal arteries) waxayna ku soo shubmaan xididada ama arooreyaasha lagu magacaabo aroore tayroodh(thyroid vein) kuwaas oo ku soo darsama gudaha xididka qoorta ku yaalo ee lagu magacaabo aroore sureedka( jugular vein).


Habdhiska naxariisashada(Parasympathetic nerves) waxay quudiyaan xagga sare ee qulaanqushada (laryngeal-ka) waxayna ku soo noqdaan qulaanqush dareeneed(laryngeal nerves) kuwaas oo ah qeyb kamid ah dareensidayaasha  loo yaqaanno dareensidaha tobnaad (vagus nerves) laakin firkanaxa (sympathetic nerves) waxay ka yimaadaan xagga sare ee (cervical ganglia) arrintaan ayaa u sahleysa in dareenwada dhaqaajiyaha( motor nerves-ka ) ay quudi yaan murqaha qulaanqushta (larynx-ka) iyo unugyada dareemaha qaada ee ku dahaaran xuubka.


Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan casharkan bulsho u faa'idaynta ah ilana soco (Follow) haddii aadan ila socon si aad bogan uga hesho casharo faa'ido leh.


W/DIndha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad