Casharka 62aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 62aad


Acute Pancreatitis


Waa ololka ku dhaca gacana, kaasoo carinaya difaaca jirka, difaaca jirka waxa uu keeyaa inuu gacana bararo, xanuun yeesho(olol).  Waa olol ku dhacaya si dagdag, waxa siyaadada dheecannada gacanna uu soo daayo(enzymes), waxa uu noqon karaa ololka mid daran ama mid dhex dhexaad ah.


 

Qanjirka dheefshiidka (pancreas) wuxuu leeyahay laba door oo waaweyn. Wuxuu soo saaraa insulin, taas oo ka caawisa jirka inuu ka  maareeyo oo isticmaalo sokorta.

Qanjirka dheefshiidka sidoo kale wuxuu soo saaraa dhacaanno cuntada ka qeyb qaata ridqideeda, oo loo yaqaan dheecaanno( enzymes), kuwaas oo  caawiya dheefshiidka. Qanjirku wuxuu sameeyaa oo keydiyaa noocyada aan loo baahneyn dhaacaannada( enzymesl-ka. Kadib marka qanjirku soo fasoxo dheecaannada (enzymes)-ka mindhicirka yar, waxay "ku shidmaan" oo burburiyaan borotiinada ku jira mindhicirka yar.Haddii enzymes-ka la shiido waqti hore, waxay bilaabi karaan inay u dhaqmaan sidii casiirro dheefshiid oo ku jira qanjirka dheefshiidka. Tani waxay keeni kartaa inay kacaan, dhaawacaan ama burburiyaan unugyada. Dhibaatadan waxay keentaa in nidaamka difaaca jirku uu ka jawaabo, taasoo sababi karta barar iyo dhacdooyin kale oo saameeya sida qanjirka dheefshiidka u shaqeeyo.Wuxuu hoos u dhigaa biyaha ku jira unuga ama jidhka iyo bicarabonate ka ku jira dhuumaha yaryaree unugga sidoo kale waxa uu siyaadiyaa soo daynta unugyada ganaca ee loo yaqaan (acinar cells )ku inay soo daayaa Zymogen fara badan  intaas ka bacdi waxa ribanaan noqonaya enzymes ka uu soo daayo ganacu waxaana dhacda inay xidhmaan dhuumaha yaryar ee soo qaada, isla unugyada(cells) ka mid ka ah ganacana gudahooda waxa ka dhaca inay meel ay kala maraan waayaan waxaa ku xigtay inay enzyme ka loo yaqaan trypsinogen ee uu soo daayo ganacu oo ganaca dhexdiisa isugu beddelo tripsin halkii uu isugu beddeli lahaa markuu gaadho mindhicirka labiyotobanlaha loo yaqaan sidaa daraadeed halkii uu borotiinka mindhicarkaas ku jira uu u shiidi lahaa ayuu wuxuu shiidayaa ganaca laftiisa waxaana dhacda(autodigestion).


Maxaa keena?


1:Dhagaxa xameetida(Gallstones:) dhagaxa ku sameysma xameetida waxa uu ka  iman karaa qaraartada, ama kolastaroolka, ama maadada jaalisada, cabirka iyo baaxadda kasoo uu xirayo marinka dacarta ama marinka dheecaannada gacana(pancreatic duct). Xirrinkaasi waxa uu keennayaa tafaalyada u dhexeeyaa marrinka gacana iyo marinka jaallisada. Gacanada qudhiisa ayaa ku sameysma xirritaan uu ku sameeyo dheecannada uu soo daayo.  Xirrankaasi waxa uu siyaadinayaa cadaadiska ganaca. Waxa la carinayaa dheecaanada gacana(enzymes)  caadiyan dheecannadan waxa la soo saaraa iyago aan shaqo qaban karin, kaddib waxa lagu beddelaa xiidmaha, si ay markaasi shaqo u qabtaan. Haddii uu marinkaasi xiran yahay dheecaannadani waxay noqdaan aan qaangarin sidii la rabbay u shaqeyn guddaha ganaca, taasi waxay keeneysaa dib isku burburin isku sameeyo ganaca, taasoo keeneysaa olol iyo in a dhintaan unugyada ganaca. Waxa la soo deynayaa waxyaabaha ka falcelsha ololka, waxay dhaawacayaan unugyada ganaca, waxayna keeneysaa barar,  taasoo ay keeni karti dhibaatooyin badan sida qalqal ku yimaada  habdhiska neefsashada,ama. Fashillanka xubna badan oo jirka ka mid ah


2. Alcohol Consumption: cabdida qamriga waxa ay saameysaa ganaca, qamriga waxa ku jirra, maadada ethanol  taasoo ah sun si toos u dhaawacaysa unugyada ganaca, taaso keeneysa dhaawaca unugga, iyo olol. Qamriga waxa uu carqaladeynayaa dheecannada uu soo daayo ganaca. Dheecannada waxay noqdaan kuwa firfircoon kuwaasoo keenaya isla ganaca qudhiisa ay dagaal ku qaadaan. Qofka qamriga caba waxa uu keenaa sameysanka borotiinka ku sameysma marrinnada  ganaca, taasoo ay ka dhallaneyso xirrin. Dhaawaca unugga iyo xirranka marrinka ganaca  waxay carriyaan maadooyinka ka falcelsha ololka ( cytokines iyo chemokines) waxay keenayaan inuu bararo ganaca, qandho, xanuun.


3:Waxaa kaloo keenna dawooyinka istiiroydka(Corticosteroids), in ay keennaan waa dhif, ololka dagdaga ee ganaca, sidaas ay tahay macadda sida dhabta ay ku keenaan, waxajirro hannaan kale waxaana ka mid ah.

 Direct Toxicity:  in ay toos u saameyso sumowga daawada) corticosteroids)  waxay dhaawaceysaa unugyada ganaca, somowgaasi waxa uu keenayaa in la soo daayo dheecaannada dheefshiidka ee ganaca uu qeyb ka yahay  taasi waxay keeneysaa  inuu gacana qudhiisa is burburin ku bilaabato, iyo olol(inflammation). Istiiroydka waxay sarre u qaadaan heerka duxda jirka(hypertriglyceridemia) taasoo ah qatar keeni karta ololka dagdaga ee ganaca. Xad dhaafka duxda waxay siyaadinayaan duxda bilaashta ee aysiidha taasoo qatar ku ah ganaca keeni kara tiiftaafyada in ay xidho,  waxay keeneysaa olol. Istooroydka sidoo kale waxay keenaan in ay wax ka beddelaan hannaanka difaaca jirka iyo shaqadiiss taasoo keeneysa inuu difaaca yaraado taasina waxay saameyneysaa ganacaa ugu dambeyn waxay keeneysaa olol.


4:Dawooyinka kaadi badi yayaasha(Thiazides) waxay keenaan ololka dagdaga ee ganaca , iyagoo habab kala duwan u keenaya waxa ka mid ah.


Kororka kalsiyamta( Hypercalcemia):


Dawooyinka waxay siyaadinayaan in kelyaha ay soo nuugaan kalsiyam badan taasoo keeneyaa kororka kalsiyamta.  Badnaanshaha kalsiyamta  heerkeeda waxay keeneysaa in la cariyo dheecannada ganaca, kuwaasoo keenaya olol iyo dhaawaca nudaha ganaca. Dawooyinka somowgooda waxay toos u saameynayaan unugyada ganaca, sumowgaasi waxa uu keenayaa dhaawaca unugga, iyo olol kana qeyb qaadanaya inuu qofka haleelo ololka gacana.  Dawooyinka waxay carinayan falgalka difaaca jirka kuwaasoo ku keenaya olol xubna kala duwan ee jirka sida ganaca.


 Xad dhaafka duxda( Hypertriglyceridemia):  Xad dhaafka duxda marka muudda duxda ay ka badato 100mg/dl waxa siyaadaya qatarta ololka dagdaga ee ganaca. Marka ay sarre noqoto duxda, ama ay bataan dheennacada duxda si caadiyan waxay burburiyaan duxda, Tani waxay keeneysaa in ay duxda ku ururto ganaca. Marka duxda la milo laga dhigi kuwa xor (free fatty acids) waxa badanaya ribanaanta tani waxay keeneysaa sun toos u saameysa unugyada ganaca taasoo keeneysa dhaawaca unugga. Dhaawaca unugga waxa uu keenayaa olol, waxa la carinayaa dheecaannada ganaca uu soo daayo kaasoo bilaabaya ridqin nuddaha qudhiisa  taasina waxay keeneysaa  ololka dagdaga ee ganaca.


5: Trauma: waxa kaloo keenna jug xooggan haddii qofka laga dhifto caloosha waxay keeni kartaa ololka dagdaga ee ganaca.


 

6:Caabuqa fayraska (Viral infections) waxa uu keenaa ololka dagda sababo kala duwan.


  Direct Viral Damage:  waxa keenna dhowr fayrus mumps, coxsackievirus, hepatitis B, Epstein-Barr virus, iyo cytomegalovirus,waxay dhaawacayaa unugyada ganaca. Taasi waxay keeneysaa in la soo daayo dheennacada wax shiida iyadoo aan qaan gaarin kuwaasoo keenaya olol iyo dhaawaca nuddaha(ganaca). Jirka waxa uu leeyahay difaac ka war celiya cabuqa iyo waxa jirka soo gala kuwaasoo la carinayo maadooyinka olol ka qeyb qaata. Unugyada difaaca  iyo maadooyinka ololka ka qeyb qaata waxay qeyb ka noqonayaan burburinta nuddaha ganaca, waxay dardagalinayaan hannaanka ololka ku sameysmi lahaa.  Caabuqa fayraska mararka qaar waxa uu keenayaa in xiddidada dhaawacmaan ama xinjir ay sameysanto taasoo hoos u dhigeysa qulqulka dhiigga ee ganaca. Dhiig yaradi(ogsijiin la'aanta) waxay keeneysaa dhaawaca nuddaha ganaca kaasoo ka qeyb qadanaya inuu yimaado olol. Qaar ka mid ah caabuqyada fayruska waxay keenaan barar ama xirranka marinka ganaca, taasoo carqaladeyneysa dheecannada wax ridqa,  kuwaasoo dib ugu laabanay ganaca,  waxay keenayaan olol.


 

Calaamadaha. 


1:Severe Abdominal Pain: calool xanuun aad u daran, gaar ahaan qeybta sarre ee caloosha, kaasoo u faafaya dhabbarka dambe.


 2:Nausea and Vomiting: matag iyo lallabo. 


3:Fever: Qandho taasoo ugu wacan ololka 


 4:Tachycardia: Garaaca wadnaha oo kordha. 


 5:Abdominal Distension:  caloosha oo bararta.


6:Abdominal Tenderness: caloosha oo danqata haddii qofka laga taabto.


7:Hypotension: dhiigga hoos u dhaca, taasoo ugu wacan fuuq Bax.


Grey Turner's Sign: waa calaamad ama midab ka soo muuqata dhinaca taasoo dhiig bax ay sameyso barta dambe ee dahaadka caloosha(retroperitoneal)  waxa ugu wacan ololka ganaca.


.Cullen's Sign: waa calaamad midab beddel lagu arko xundhurta taasoo muujineysa dhiig bax gudeed gaar ahaan marka uu qofka leeyahay ololka ganaca.


Baadhitaanka. 


1:Laboratory Tests: hubbinta sheybaadhka. Waxa la fiirinaya muudda amylase iyi lipase  waana labada ugu muhiimsan marka la rabbo in go'aan laga gaarayo xanuunkan. Heerka dheecaanka burbursha duxda uu heerkiisa uu badan yahay ayaa la eegayaa.


2:Complete Blood Count (CBC):  dhiigga si guudna aaa laga baraaya haddii ay unugyada cadcad kacsan yihiin.


3:Liver Function Tests (LFTs):  waxaa kaloo loo dirayaa dheennacada beerka.


4:Imaging Studies: Hubbinta sawirrada. 


5:Abdominal Ultrasound:  kombuyuutarka caloosha kaasoo innoo sheegaya haddii uu jirro dhagax kaasoo keenna ololka ganaca. 


6:CT Scan of the Abdomen: iskaanka caloosha isagoo lala siinayo dawo waana mid ugu diifan lagu xaqiijin karro ololka dagdaga ee ganaca. 


Daaweynta. 


1:Dawo u khaas ahi ma jirto oo bukaanka la siiyo caabuqa iyo is shiidka uu isa shiido ganacuna(autodigestion) wuu iska xalismaa muddo ka bacdi waxase qofka la siiyaa oo lagu rakibaa faleemooyin ,sidoo kale  waxa laga joojiyaa cunta afka laga qaato si uu u nasto ganacu oo aanu wax shaqo ahna u samayn waxaana cuntada bukaanka loogu beddelaa nafaqooyin laga siiyo xididka ,sidoo kale waxa la siiyaa dawooyin hoos u dhiga xanuunka ama kaarka  uu dareemayo .Sidoo kale hadii marka CT lagu eego uu tuso burbur ku dhacay qaybo ka mid ah ganaca (necrosis)waxa la siiyaa antibiotics sida (imipenem ama meropenem) kuwaas oo hoos u dhiga infekshanka .


2:In laga daaweeyo waxyaabaha keenay,  sida dhagaxaanta xameetida, loona sameeyo dhagax saarida xameetida qaliinkiisa( cholecystectomy). 


3:Haddi jirray qamri uu cabo, in isaga laga joojiyo,  taas ayaa lagula talinayaa.


4:Waxaa kaloo la siinayaa xanuun baabi'iye sida opioid  ay ka mid tahay Morphine.

 

Tixraaca. 


1. "Harrison's Principles of Internal Medicine" (20th Edition)Chapter: Gastrointestinal Disorders (Acute Pancreatitis)


2. "Current Medical Diagnosis and Treatment" (2024 Edition)

Chapter: Gastroenterology (Acute Pancreatitis)


3. "Sleisenger and Fordtran's Gastrointestinal and Liver Disease" (11th Edition)

Chapter: Acute Pancreatitis


4. "Yamada's Textbook of Gastroenterology" (6th Edition)

Chapter: Pancreatic Disorders (Acute Pancreatitis)


5. "Schiff's Diseases of the Liver" (12th Edition)

Chapter: Acute Pancreatitis


Websites


1. Mayo Clinic

Mayo Clinic: Acute Pancreatitis


2. Cleveland Clinic

Cleveland Clinic: Acute Pancreatitis


3. Amboss

Amboss: Acute Pancreatitis


4. Medscape

Medscape: Acute Pancreatitis


5. National Institute of Diabetes and Digestive and Kidney Diseases (NIDDK).NIDDK: Acute Pancreatitis


Drmawliid kudar.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad