Casharka 64aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 64aad 


Pancreatic Pseudocysts


Waa kiishyo hoora ah oo ku sameysma  ganaca, badanaa waxa uu ka yimaadaa ololka ku dhaca ganaca(pancreatitis). Waxa uu ka yimaadaan kiishka hooraha ku jirra ee ganaca uu yeesho  tubbooyinka ganaca oo carqalad ku timaada ama olol ku yimaada, badanaa waxay dhacdaa qofka marka uu leeyahay ololka dagdaga ee ganaca, iyo ololka waqtiga dheer soo jiitama. Ololka ganaca waxa uu dhaawacayaa asalka unugyada ganaca, iyo tubbooyinka(ducts), taasina waxay keeneysaa dilaaca  dheecaannada ganaca gaar ahaan amylase iyo Lipase  waxay ku ururayaan hareeraha ganaca. Haddii uu hoorahaasi muddo sii jirro waxa uu keenayaa inuu adkaado ganaca  qudhiisa.  


Waxaa keenna!


1:Ololka dagdaga ee ganaca ku dhaca, ololkaasi dagdaga waxa keenna dhagax ku sameysma xameetida, ama qofka aad qamri u cabba, taasina waxay keeneysaa burburinta nuddaha  ganaca,  iyo dheecaannada ganaca oo marrin yeesha ama ku urura ganaca.


Waxaa kaloo keenna ololka muddada dheer soo jiitama ee ganaca ku dhaca, waxa uu la xidhiidhaa qofka oo qamriga cabistiisa caado ka dhigta, taasoo keeneysa dhaawac joogta ah oo soo gaara  ama inuu nabar sameysto ganaca. Taasina waxay kaaneeysaa ganaca dheecaannadiisa in ay ku ururaan ganaca bannaankiisa.


Jug ku dhacda ganaca,  jugtaasi waxay noqon kartaa jug toos qofka kaga dhacda caloosha, ama ha noqoto mid qaliin ku timid, taasina waxay keensyaaa in dheennacada ay dilaacaan,  ama kuusyo uu sameysto ganaca.


Waxaa kaloo keenni kara marrinka dheecaannada ganaca, waxa xirri kara dhagax ama buro taasina waxay keeneysaa inuu hoore ku ururo ganaca ama uu sameysto kuusyo.


Calaamadaha 


1: Caloosha qofka xanuun ka dareema ilaa dhabarka dambe.

2: Lallabo iyo matag.

3: Caloosha marka qofka laga taabto kuus laga dareemo.

4: Qandho.

5: Qofka jaalla noqda indhaha iyo haraga.


Baadhitaanka. 


1:Waxa la saarayaa iskaan, waa midka ugu fiican go'aan looga gaari karro xanuunkan. Isagoo innoo sheegaya barta saxda iyo inta uu la egyahay.


2:MRI  waxa uu innaga caawinayaa inuu noo caddeeyo heerka cillada ay la egtahay.


3:Ultrasound: waxa sheegayaa hooraha ku urursan hareeraha ganaca ayuu innoo sheegayaa.


Daaweynta. 


1:Haddii uu ku jirro qofka hoore badan, waxaa loo sameynayaa in horahaasi laga soo saaro(endoscopic drainage). Ama in mudaal lagu sameeyo haraga kaddib laga soo nuugo hooraha ganaca ku ururay(percutaneous drainage).


2:Waxaa kaloo la siinayaa xanuun baa'biye haddii uu jirro xanuun darran sida waxa la siinayaa dawooyinka non-steroidal anti-inflammatory drugs sida ibuprofen.  Haddii ay wax ka beddeli waayaan waxaa loo gudbayaa kuwa opioid sida Morphine. 


3:Haddii looga shakiyo caabuq( sida malax) ama la xaqiijiyo caabuq inuu jirro waxa la siinayaa jeermis dile(antibiotics)  si markaasi looga hortago caabuqa, waxa la siinayaa ciprofloxacib ama levofloxacin.  Waxaa kaloo la siinayaa  metronidazole. 


4:Waxaa kaloo la siinayaa Octreotide (somastatin analogues) waxay innaga caawineysaa in ay hoos u dhigto dheecaannada ganaca uu soo daayo.


5:Waxaa kaloo la siinayaa daawada lagu xakameeyo Mataga iyo lallabada sida metoclopromide ama ondonsetron.


References from Books and Websites:


1. Harrison’s Principles of Internal Medicine


2. Sleisenger and Fordtran's Gastrointestinal and Liver Disease


3. Schiff's Diseases of the Liver


4. Current Diagnosis & Treatment: Gastroenterology, Hepatology, & Endoscopy


5. Cecil Essentials of Medicine


6. Textbook of Gastroenterology by T.Yamada


7. The Pancreas: An Integrated Textbook of Basic Science, Medicine, and Surgery


8. Amboss (Medical platform)


9. Medscape (Professional medical resource)


10. Mayo Clinic (Health information website)


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad