Casharka. 66aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka. 66aad
Dhagaxa Xanjareerta (Gallstones).
Dhagaxaanta xameetida waa walxo adag oo ku sameysma xameetida (gallbladder), taas oo ah xubinta kaydisa dheecaanka xameetida ee caloosha ka caawiya shiidista dufanka. Dhagaxaanta waxay ka sameysmaan kolestarool, biliribin.
Xameetida waxa uu ka samaysmaa dhagax marka dheecaannada iyo dufanka cusbada jirka uu soo daayo ay ku badato xameetida.
Beerka oo kamid ah xubnaha ugu muhiimsan ee jirka wuxuu kamid yahay xubnaha ka qeyb qaata burburinta cunnada waana qanjirka ugu weyn jirka marka laga soo tago maqaarka oo ah xubinta ugu weyn ee jirka.Beerka wuxuu si weyn ugu qeyb qaata shaqooyin badan oo ka dhaca jirka, wuxuu dacarta u sameeyaa xameetida inta aysan u gudbin mindhiciir weynaha waxayna gaarsiiyaan xammeeti hayeha taasoo jirka u kala qeybiso.Wuxuu kaloo qabtaa burburinta iyo kala qeybinta nafaqada jirka qaato, sidoo kale wuxuu masuul ka yahay keydinta xubnaha xinjireeya dhiigga taasoo aad muhiim ugu ah nolosha dadka, wuxuu kale oo qabtaa in uu sunta ka saaro jirka iyo keydinta fitimiinada jirka gaar ahaan A, B12 D iyo K sidoo kale beerka wuxuu sameeya maadada midabka u yeesha saxaradda taasoo lagu magacaabo stercobilinogen.Waxaan si kooban uga hadleena qaabka ay maadadan u midabeyso saxaradda sameeysanka maadadaan waxaa si weyn ugu qeyb qaata bilirubin.Bilirubin-ta waxay ka timaadaa hemoglobin sida caadiga ah sababtoo ah unugyada cas cas ee dhiigga (RBC) marka uu gaaro 120 maalin waxaa lagu sameeynaa burburin bilirubin-ta marka ay dhiigga soo gasho waxaa lasoo marsiinaa beerka, beerka wuxuu sameeynaa dacar (bile).
Bile ka iyo bilirubin-ta oo wada socda ayaa lagu soo shubayaa xammeeti haye aha (gall bladder)-ka muhiimada laga rabo dacarta waa in uu ka qaybqaato burburin sida dufanta.Mindhiciir yaraha qaybtiisa hore ee lagu magacaabo laba iyo tabon laha(duodenum)-ka waxaa kasoo baxa tubbo loo yaqaano wadaag hooseeye( common bile ducts), common bile ducts waxaa ku jira qaraartada(bile)-ka iyo bilirubin-ta, bile ka waxay qabanaysaa shaqadeeda laakin bilirubin-ta waxay u soo gudbaysaa mindhiciir weynaha (large intestinal)bilirubin-ta marka ay mindhiciir weynaha soo gaarto waxaa loo beddeli doonnaa urobilinogen, urobilinogen dib ayaa loo nuugi doonnaa waxaana lagu darayaa qulqulka wareegga dhiiga waxaa lasoo marsiin doonna beerka urobilinogen-ti waxaa ayaa loo nuugi doonnaa waxaana lagu darayaa qulqulka wareegga dhiigga waxaa lasoo marsiin doonnaa beerka urobilinogen-ta waxaa mar labaad loo badali doonnaa stercobilinogen, stercobilinogen waxay midab u yeeshaa saxaradda, urobilinogenta marka ay kelida tagto waxa loo beddelaa urobilin, urobilin waxay midab u yeeshaa kaadida.Beerka wuxuu gacan weyn ka geeystaa in la soo saaro nooc kamid ah dheecaannada jirka ay u baahan yihiin sida dheecaanka loo yaqaano angiotensinogen, waa dheecaan masuul ka in uu sare u qaado cadaadiska dhiigga, dheecaankaan waxaa lasoo daayaa marka ay keliyaha dareemaan in cadaadiska dhiigga hooseeyo sida uu u shaqeeyo waxaad ku arki doontaa habdhiska qanjirada jirka.Beerka waxaa soo gala laba xidid mid dhiigga soo gaarsiiya beerka iyo mid dhiigga ka qaada dhiigga.
Habdhiska dhiigga ee beerka waxaa isku xiriirya tiftaafyada dhiigga, tiftaafyada dhiigga waa kuwa isku xira tubada dheer ee kasoo bilaabata afka ilaa iyo qeybaha beerka waana kuwa ku dhamaada qeybta hoos ee dabada, sababtoo dhiigga ku jira nafaqada ee laga dheefshiiday cuntada waxaa si toos ah loo keenaa beerka inta aan loo gudbinin wadnaha.Bile waa dheecaan si weyn ugu qeyb qaata burburinta raashiinka gaar ahaan raashiinka ka sameeysan dufanta ama baruurta.
Waa dheecaan dacar adag ah oo jiidjiidma kaas oo ka soo burqada beerka isla markaana lagu keydiyo unug tuubbo oo kale u sameeysan oo beerka ku ag yaalo waxaa lagu magacaaba xameeti haye (gall bladder) haseyeeshee dheecaankaan waxaa beerka kasoo qaado tubbooyin yar yar kuwaas oo halmeel ku kulma marka ay kasoo qaadaan beerka waxay ku keydiyaan xanjareeri(gall bladder)-ka kadib waxay ku soo shubaan mindhiicr yaraha.
Xanjareerta(Gall bladder)-ka waa xammeeti dacar haye ama sidoo kale haddii loo dhigo waa meesha lagu keydiyo dheecaanka xameetida ama dacarta, waa shay u eg sida dhalada oo kale dabada u ballaaran afkana u dhuuban kaas oo ku yaala qeybta hoose ee dhanka midig ee beerka.
Xammeetida waxay kasoo baxdaa meesha lagu keydiyay waxay martaa tubbo beerka ka timaado oo diyaar u ah sii deynta dheecaanka xammeetida marka ay mindhiciirka soo gasho cunto.
Dheecaankaan wuxuu leeyahay ilaa iyo seddex midab oo kala duwan sida midabka jaalaha ama huruudka, cagaar iyo gaduud ama midab gaduud dilan, xammeetida shaqo badan ayay qabtaan mida ugu muhiimsan waxay tahay in uu caawiyo beeryaraha marka dheefshiidaayo cuntada la cunay.
Xammetida waa meesha lagu arko dhagaxaanta jirka gasha.
Maxaa keena?
In kastoo aynna jirin sabab gaar ah oo keenta dhagaxa xameetida in uu sameysmo haddana waxaa la’aamin san yahay in isu dheellitir la’aan ku timaada walxaha dheecaanka bayl uu ka sameysan yahay in ay keenan dhagaxa xameetida. Waxaa dhacda in dhagaxa xameetida ay sameysanto hasdii dheecaaanka bayl ay ku badantahay maadooyinka qaar sida kolesteroolka, bilirubin, amaba marka cusbada ay ku yartahay dheecaanka. Sida aan loo ogayn waxa sababa dhagaxa xameetida sidaa si la mid eh ayay cilmi baaris yahannada aynna u fahansanayn waxa sababay isu dheellitir la’aanta ku dhacaysa dheecanka bile.
Xameetida waxa ku jirra xaddi badan kalistorool. Caadiyan xameetida waxa ku jirra kiimikooyin isku dheellitiran, beerka waxa uu soo deynayaa xaddi badan kalistarool, xaddigaas badan waxa uu keenayaa inuu ka sameysmo dhagaxaan.
Xaddi badan oo maadada jaalisada(bilirubin), waxay ka timaadaa burburinta unugyada dhiigga cas. Waxa keenna xaalado gaar ah oo beerka la xidhiidha sida beerka oo adkaado, xaaladaha qaar la xidhiidha dhiigga. Xaddiga badan maadada jaalisada waxay ka qeyb qaadaneysaa sameysanka dhagaxa xameetida.
Labada nooc ee dhagxaanta xameetida ee sameysma waxa ay kala yihiin kuwa kolestoroolka iyo kuwa midabka leh. Waxaa dhacda in dheecaanka bayl in ay ku adkaadaan xameetida gudaheeda taas oo keenta dhagaxa xameetida ku sameysma, 80% ee dhagaxa xameetida waxa ay ka sameysan yihiin kolesterool, halka 20% ay ka sameysan yihiin cusbada kalshiyamka iyo maada bilirubinka, kuwani waxaa looyaqaanaa dhagxaanta midabka leh.
Calaamadaha Dhagaxaanta Xameetida (Gallstones):
1. Bilio Kolik (Biliary colic): Xanuun daran oo ka bilowda xagga sare ee midigta caloosha (dusha feeraha) kaas oo badanaa yimaada kaddib cunista cunto dufan leh. Xanuunku wuu sii socon karaa saacado wuxuuna u gudbi karaa dhabarka ama garabka midig.
2. Lalabbo iyo Matag (Nausea and Vomiting): Dhagaxaanta xameetida waxay sababi karaan lalabbo iyo mararka qaar matag.
3. Joonis (Jaundice): Dhagaxaanta oo xannibaya dhuunta xameetida waxay sababi kartaa midab jaalle ah oo ku dhaca indhaha iyo maqaarka (tani waxay dhacdaa haddii dhuumaha xameetida ee beerka ay xirmaan).
4. Qandho iyo Jarays (Fever and Chills): Haddii xameetida ay olol (cholecystitis) ama cabauq ku dhaco, waxaa imanaysa qandho.
6. Saxarada oo midab barxan leh (Pale stools) iyo kaadi madow ah (Dark urine): Haddii dhuumaha dheecaanka xameetida ay xirmaan, saxarada waxay noqon kartaa mid aad u iftiin ah, halka kaadida ay noqon karto madow.
Dadka halista ugu jiro dhagaxa xameetida waxaa ka mid ah
1:Dadka miisaankooda culus yahay
2:Dadka cuna cunooyinka ay ku badantahay kolestaroolka.
3:Dadka qaba xanuunka sonkorowga nooca 2 aad.
4:Dumarka.
5:Waqtiga uurka.
6:Dadka da’da ah gaar ahaan kuwa 60ka iyo kor usii dhaafaya.
7:Dadka qoyskeeda qaba amaba laga helay dhagaxa xameetida
8:Dadka isticmaalaya dawooyinka hoos u dhiga kolesteroolka.
Baadhitaanka.
1: Baadhitaanka ugu horeeyo loo sameynaayo waa in la saaro kombuyuutarka(ultrasound).
2: Waxaa kaloo loo dirsan karaa iskaan (CT) si markaasi axwaal dheeraad ah aan uga helno. Haddii ay jiraan dhibaatooyin kale oo dheeraad ah.
Blood tests. Waxaa kaloo loo baahanayaa hubbin dhiig, sida inuu jirro caabuq, ama ololka ganaca. Iyo dheecaannada beerka.
Daaweynta.
Qalitaanka lagu saarayo xameetida waxa loo yaqaanaa cholecystectomy. Xameetidu waxay ku taallaa dhinaca midig ee calooshaada sare. Saarista xameetida waxay noqon kartaa mid loo baahdo marka ay dhagaxaan ku samaysmaan gudaha ama dhuunta xameetida, taas oo sababi karta barar ama caabuq (fashfash).
Noocyada Qalliinka:
Waxaa jira laba hab oo loo sameeyo qalitaanka:
1. Qalitaanka Saarista Xameetida ee Laparoscopic.Habkan waxa caloosha lagu sameeyaa 3 ama 4 dalool oo yaryar. Dhakhtarku waxa uu isticmaalaa kamarad iyo qalab kale oo la dhex marinayo dalooladaas si loo soo saaro xameetida. Faa’iidada habkan ayaa ah in qofku uu si dhakhso ah u bogsado, xanuunku yaryahay, dhibaatooyinka dhaawacuna yaraadaan. Badanaa waxa aad guriga ku noqon kartaa 24 saacadood gudahood kaddib qalliinka.
2. Qalitaanka Saarista Xameetida ee Furan (Open).Habkan waxa lagu sameeyaa jeexitaan weyn oo ku yaala meel ka hooseysa feeraha dhinaca midig ee caloosha. Dhakhtarku waxa uu ku shaqeynayaa gudaha jeexitaanka si uu u soo saaro xameetida. Qofka waxa laga yaabaa in uu cisbitaalka ku sii jiro ilaa 3 maalmood kaddib qalliinka.
Tixraaca.
Som doctors.
Schwartz's Principles of Surgery – For surgical treatment of gallstones.
2. Sabiston Textbook of Surgery – A comprehensive guide to gallbladder disease management.
3. Bailey & Love's Short Practice of Surgery – Provides surgical perspectives on gallstone management.
4. Current Medical Diagnosis & Treatment – Covers diagnostic and medical treatments for gallstones.
Buugga habdhiska shaqada iyo jirka.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment