Casharka 67aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 67aad


Ololka ku dhaca Xanjareerta (inflammation gallbladder). 


Ololka Xanjareerta (Cholecystitis)  waa olol saameeya Xanjareerta,  badanaa waxa ugu wacan oo keenna,  dhagaxa ku sameysma xameetida,  taasina waxay keeneysaa in ay dacarta ku ururto, waxa kaloo keenna xoqmitaan ku yimadaada Xanjareerta darbiyadeeda.  90 ilaa 95% waxa  keenna dhaxaga xameetida ku sameysma,   marka uu dhagaxa xidho marrinada dacarta marto, dacartaadi waxay ku urureysaa Xanjareerta,  taasina waxay keeneysaa inuu siyaado cadaadiska xanjeerta iyo in ay ka ballaarato xajmigeeda. 


Dacartaasi ku ururtay Xanjareerta waxay keeneysaa olol iyo caabuq,  Xanjareerta waxay noqoneysaa mid bararta, iyo in ay adkaato. Ugu dambeyn waxa imaneysa in ay heli weyso dhiig ku filan Xanjareerta,  kaddib ay sidaas ku dhimato haddii aan waqti hore la daaweyn. Waxaa kaloo keenna caabuqyada ku dhaca dheefshiidka,  waxay keeni karaan ololka Xanjareerta.  


 Waxaa kaloo ay ku dhici karaa qofka leh xanuunka aydhiska,  ee difaaciisa aadka u hooseeyo. Waxaa kaloo keeni kara buro ku timaado Xanjareerta  taasoo keeneysa xirrinka xanjeerta waxay horseedeysaa inuu haleelo olol xanjeerta. Waxaa kaloo keeni kara dhaawaca soo gaara xiddidada xameeyida quudsha, kuwaasoo keeni kara ololka xanjeerta. 


Calaamadaha 


1:Waxa uu xanuun ka dareemayaa qeybta sarre ee midig caloosha, xanuun mudaal ah, oo joogta ah, kaasoo u faafaya garabka ama garabka.


2:Qandho iyo jareys.


3:Lallabo iyo matag.


4:Joonis qofka yeesha (Jaundice).


5:Murphy’s Sign: waa calaamad muujineysa inuu jirro ololka xanjeerta. 


Baadhitaanka. 


1: Baadhitaanka ugu horeeyo loo sameynaayo waa in la saaro kombuyuutarka(ultrasound).


2: Waxaa kaloo loo dirsan karaa iskaan (CT) si markaasi axwaal dheeraad ah aan uga helno. Haddii ay jiraan dhibaatooyin kale oo dheeraad ah.


3:Blood tests. Waxaa kaloo loo baahanayaa hubbin dhiig, sida inuu jirro caabuq, ama ololka ganaca. Iyo dheecaannada beerka. 


Daaweynta. 


Qofka xanuunkaan qabo waa in isbitaal la jiifiyo khaasatan hadduu soo booddo yahay, ma ahan xanuunada bukaan socotada lagu daaweeyo, waxaa dhici karto in cuntada iyo cabitaanada lagaa joojiyo si xameetada ay u nasato, in xanuun baa'biyayaal lagu siiyo, in cirbado antibaayootik lagugu xiro iyo dareerayaal faleebo ah si aa dawoo u heshid lagaagana ilaaliyo fuuqbaxa.


Pain Control:  xanuun baabi'iyaha waxa la siinayaa NSAID sida ibuprofen,  ama opioid sisa Morphine. 


Antibiotics:  qalajiyaha waxa la siinayaa kuwa xooggan  gaar ahaan waxa la siinayaa piperacillin-tazobactam, ceftriaxone, ama metronidazole).


Haddii uu dhagax jirana waxaa loo sameynayaa qaliin.


1. Qalitaanka Saarista Xameetida ee Laparoscopic.Habkan waxa caloosha lagu sameeyaa 3 ama 4 dalool oo yaryar. Dhakhtarku waxa uu isticmaalaa kamarad iyo qalab kale oo la dhex marinayo dalooladaas si loo soo saaro xameetida. Faa’iidada habkan ayaa ah in qofku uu si dhakhso ah u bogsado, xanuunku yaryahay, dhibaatooyinka dhaawacuna yaraadaan. Badanaa waxa aad guriga ku noqon kartaa 24 saacadood gudahood kaddib qalliinka.


2. Qalitaanka Saarista Xameetida ee Furan (Open).Habkan waxa lagu sameeyaa jeexitaan weyn oo ku yaala meel ka hooseysa feeraha dhinaca midig ee caloosha. Dhakhtarku waxa uu ku shaqeynayaa gudaha jeexitaanka si uu u soo saaro xameetida. Qofka waxa laga yaabaa in uu cisbitaalka ku sii jiro ilaa 3 maalmood kaddib qalliinka.


Tixraaca. 


Som doctors.


Schwartz's Principles of Surgery – For surgical treatment of gallstones.


2. Sabiston Textbook of Surgery – A comprehensive guide to gallbladder disease management.


3. Bailey & Love's Short Practice of Surgery – Provides surgical perspectives on gallstone management.


4. Current Medical Diagnosis & Treatment – Covers diagnostic and medical treatments for gallstones.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad