Casharka 14aad

Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.


Casharka 14aad


Oofwareen(pneumonia).


Oof wareenku waa xanuun ku dhaca sambabada kaas oo ay keento jeermiyada sida (Virus,Bacteria ama Fungi) kuwaas oo sambabbada gudihiisa dhammaan ama qayb ka mid ah ku samaynaya olol(inflammation) kiishashka hawada (alvеoli) ka buuxsamayaan dareere ama malax. Ololka ku yimaada oof-wareenka waxa ugu wacan caabuq ay keento bakteeriyo, fayrus,  fangas  ama noole kale.  Hannaanka waxa uu ka bilaabanayaa liqitaan, kaasoo uu marayo habdhiska neefsashada qeybtiisa hoose, cudur dhalliyaha marka uu soo galo waxa ka hor imanaya difaaca, kuwaasoo weerar ku qaadaya. Haddii uu cudur dhalliyaha soo gaadho kiishashka hawada, liqaha kiishashka waa uu aqoonsanayaa isagoo qabsanaya qaabilaha(TLRs), waxa la soo daynayaa maadooyinka ololka ka hortagga, halkaas waxa ka curanaya dagaal xooggan, unugyada dhiigga cad waxay soo aadayaan barta uu caabuqa ka jiro, unugyada cad waxay ku ururayaan kiish haweedka. Ku ururka kiish haweedka waxa uu keenayaa isbeddel ku yimaada hawo qaadashada iyo soo saaritaanka kaarboon labo ogsaydha, kaasoo soo yaraanaya fogaan haweedka sambabada.  Haddii ololka uu noqdo mid xooggan waxa uu keenayaa in ay dilaacaan tiiftaafyada, taasina waxay keeneysaa in borotiin, hoore ay ka buuxsamaan kiish haweedka.


Waxa loo qeybiyaa dhowr qeybood oof-wareenka.


1--Oof-wareenka bulshadda dhexdeeda laga qaado(Community acquired Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto jeermis sambabada gala meel aan ahayn isbitaalka dhexdiisa .


2--Oof wareenka isbitaalka dhexdiisa laga qaado(Hospital acquired Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto jeermis isbitaalka dhexdiisa hawada uu ka raaco.


3--Oof wareenka qalabka isbitaallada laga qaado(Ventilated associated Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto qalabka isbitaalka sida tuunbada qofka afka loo galiyo marka  hawo(oxygen)la siinayo ama qaliin uu galayo .


4--Oof wareenka shay hungiraga-cad maray  laga qaado(Aspiration Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto cunto ama biyo ama hungaaco kasoo aad ku saxatay kabacdina hunguriga cad martay waxaad qufacdo aan dib u soo noqon sidaana ku fadhiisatay meel ka mid ah sambabadda taasoo xambaarsaneyd jeermis keenaha oof- wareenka .


Nimooniyada carruurta ku dhacda waxaa loo kala saaraa labo nooc oo kala ah:


Nimooniyada Baakteeriyadu keento waxay leedahay calaamado degdeg ah – Qandho sare, hawada oo cunnugu boobo iyo qufac. Carruurtu cuntada way ka go’aan waxayna u eg yihiin kuwo aad u jirran. Waxay yeeshaan neef-qabatin, hunqaaco iyo shuban. Nooca ugu badan ee baakteeriyada ah ee keena Nimooniyada waa Streptococcus pneumoniae.


Nimooniyada Fayrasku keeno waxay ku bilaabataa sida hargabka oo kale, inkastoo calaamaduhu dib ka xumaadaan sida qandho sare, neef-qabatin, matag, qufac foori leh, tabardaro iyo mararka qaarkood shuban. Nimooniyada viruska waxaa inta badan keena noocyadaan  syncytial virus (RSV), parainfluenza virus, adenovirus, iyo firaska keena hargabka caadiga ah.


Maxaa keenna.?


Noocyada iyo waxa sababa oof-wareenka


Bakteeriyada oof-wareen

Waxay saameyn kartaa qof kasta da’duu rabo ha jiro, waxay ka dhalan kartaa hargab daran, bakteeriyaasha ugu caansan ee sababa waxaa la yiraahdaa: “Streptococcus pneumoniae” Chlamydophila pneumonia”  ama Legionella pneumophila, Pneumocystis jiroveci.

Oof-wareen waxaa inta badan lagu arkaa dadka qaba difaaca jirka oo itaal daran, sida dadka qaba Aydhiska, ama Kansarka. Marka bakteeriyada ay ka soo dhex huleesho habdhiska neefsashada qeybtiisa hoose,bakteeriyada waxa ay gaadheysaa kiish haweedka, marka ay gaadho waxa la carinayaa difaaca jirka ama kuwa wax liqa ama nadiifiya. Waxa ka falcelinaya difaaca jirka gaar ahaan unugyada cad, waxa la soo deynayaa ololka ka falcelsha,  waxay siyaadinayaan hooraha iyo borotiinka ka soo baxa dilaaca xiddidka,  taasoo uu ku ururayo kiish haweedka.  Waxa ka dhallaneysa in isbeddel ku yimaado hannaanka hawo qaadashada iyo soo saarista, taaso keeneysa hawo yari.


Fungi.  Noocani waxa uu caan ku yahay dadka qaba xanuunada raagga ama dadka dicaafoodu yaryahay,  ama dadka qaata(liqa) xaddi badan noolaha.  Fungi waxa laga helaa badanaa Carada waynna kala duwan tahay iyadoo ay ku xiran tahay   dhul ahaan( geographical). Oofwareenka waxaa sababa fangasyo kala duwan oo ku dhaca sambabbada, taasoo keenta barar iyo dhaawac unugyada sambabbada. Waxa fangaska laga helaa deegaanada sida ciidda, qashinka, ama cudur sidaha. Markii abuurkaasi(noolaha)  galo sambabbada, wuxuu gaaraa kiish haweedka sambabbada, halkaas oo uu la macaamilo unugyada difaaca sida liqaha wayn(macrophages).


Dadka caafimaad qaba, nidaamka difaaca jirkooda ayaa si fiican uga hortaga cudurka. Si kastaba, dadka qaba liidnaanta difaaca jirka, sida dadka qaba HIV/AIDS, kansarka,  awoodda jirka ee ka hortagga fangaska ayaa hoos u dhacda, taasoo fursad u siisa fangasku inuu sii fido. Fangasku wuxuu ku kori karaa unugyada sambabbada, isagoo keena barar, sameysanka kuusyada unugyada difaaca(granoloma), iyo dhimashada  unugyo. Fangasyada keeni kara oofwareenka waxaa ka mid ah Histoplasma capsulatum, Coccidioides immitis, Blastomyces dermatitidis, Aspergillus spp., iyo Cryptococcus neoformans. 


Viruses.  Nimooniyada viruska waxaa inta badan keena noocyadaan  syncytial virus (RSV), parainfluenza virus, adenovirus, iyo firaska keena hargabka caadiga ah.Covid-19.    Qaar kamid ah fayrusyada keenna hargabka waxay keeni karaan oof-wareen.   Fayruska  waxa uu caan ku yahay carruurta ku dhacda oofwareenka( 5years).   Xaaladaha qaar waxay noqon karaan kuwa aad u daran.


Qof walba wuu qaadi karaa xanuunkan balse dadka qaar waxay ooga halis badan yihiin dadka kale, carruurta ka yar shan sanno iyo dadka ka wayn 65, dadka sigaarka cabba, dadka difaacoodu yar yahay, dhawaanahan galay qalliin, iyo kuwa wax liqiddu ay dhibto. Dhammaan dadkan iyo kuwa qaba xanuunada raaga waxa ay u nugul yihiin oof-wareenka.


Oof-wareenku waa xanuunka keliya ee keena dhimasahada ugu badan ee carruurta adduunka oo idil, sannadkii 2015, waxaa u dhintay 920,136 carruura oo ka yar 5 sanno, 16% waxa loo tiiriyaa dhammaan dhimashada carruurta ka hoose shan sanno, marka la isku geeyo caruurta u dhinta xanuunada kale waxaa ka badan kuwa u dhinta oof-wareenka.

Xanuunkan waxa uu fara ba'an ku hayaa carruur iyo qoysas badan 99% dhimashada qaar-jeexa waxa ay ka dhacdaa dunida saddexaad, siiba South Asia iyo sub-Saharan Africa,, balse cudurkan waa laga hor tagi karaa si fudud, waxaana lagu daweyn karaa wax ka yar hal Doollar.


Maxaa looga hor-tagi karaa?


Waxa ugu wanaagsan ee looga hor-tagi karo waa tallaal, nadaafadda oo la ilaaliyo, isticmaalka sigaarka oo laga fogaado, naas- dhuujin dhammeystiran oo la siiyo carruurta iyo difaaca qofka oo aan hoos u dhicin.


Calaamadaha 


 Caalamadaha ka soo muuqanayo qofka waxay ku xiran tahay dhexdhexaadnimada iyo darnaanshaha, iyo waxa keenay.  Waxa lagu arkaa.


1:Xabad xanuun qofka marka uu neefsanayo.

2:Isku dhexyaac ama isbeddel ku yimaada maanka{65 age}

3: Qufac uu la socdo xaaqo.

 4:Daal.

5: Qandho, dhidid, iyo jareer.

6:  Qarqaryo.

7: Hunqaaco iyo jarees ayaa lagu arkaa  carruurta. 


Baadhitaanka.


1:Baadhitaan jireed: Dhageysiga sambabada iyadoo la isticmaalayo stethoscope si loo maqlo qallafsanaanta codka sambabbada ('crackles).


2:Raajada Laabta (Chest X-ray): Si loo arko bararka sambabada.


3:Baadhitaan candhuufta (Sputum Culture): waxa laga qaadayaa candhuuf si loo ogaado jeermiska keena, ama noolaha sababay, waxaana lagu ogaan karaa 24 ilaa 48-saacadood gudahooda.


4:Baaritaanka Dhiigga (CBC):  waxaa loo isticmaalayaa si loo xaqiijiyo caabuqa, loona cadeeyo nooca noolaha keenay ama sababay caabuqan,markaas lagu arko unugyada dhiigga cad-cad(WBC) oo kor ukaca .


5:Pulse oximetry. Waxa laga cabirayaa heerka ogsijiinta dhiigga.

6:CT SCAN: waxa inna siinayaa xog dheeraad ah, iyo go'aan qaadasho sax ah.


 Daaweynta. 


1. PARACETEMOL: si loo qafiifiyo qandhada 


2: Oxygen therapy: waxa lagu xidhayaa ogsijiin  si markaasi sarre loogu qaado heerka ogsijiinta jirka ,loona wanaajiyo quudinta nuddaha jirka. 


3:Haddii uu qabo qofka oofwareenta bulshada dhexdeeda laga qaado(

Community-Acquired Pneumonia ():  waxa la siinayaa :Amoxicillin ama doxycycline; macrolides (if atypical pathogens). Ama waxaa kaloo la siin karaa  Beta-lactam (tusaale ceftriaxone) + macrolide (tusaale azithromycin).


4:Haddii uu qabo bukaanka oof-wareenta laga qaado isbitaalka

(Hospital-Acquired Pneumonia): waxa la siinayaa: Piperacillin-tazobactam, meropenem, ama vancomycin, haddii markaasi looga shakiyo iska caabinta dawada bakteeriyada. (if MRSA is suspected).


Dawooyinka jeermis dilayaasha hadafkooda waxa waaye in ay unugga bakteeriyada darbiyadiisa,sameysanka borotiinka  ama isbaddinta DNA in ay xidho, si loo yareeyo caabuqa.


5:Haddii uu fayrus keenay(Viral Pneumonia) wax la siinayaa dawooyinka lidiga fayruska sida: oseltamivir, remdesivir.  Iyadoo ay ku xidhan tahay nooca keenay. Dawooyinka waxay xidhayaan faldajiyayaasha fayrus in uu isbadiyo.


Si loo yareeyo saameynta iyo dhimashada ka dhalata oofwareenka, waxaa muhiim ah in la raaco talooyinka soo socda:


1. Ka Hortagga Xanuunka:


Tallaalal: in carruurta laga tallaalo, sida tallaalada:Haemophilus influenzae nooca b (Hib) iyo tallaalka ka hortagga Streptococcus pneumoniae. Kuwani waxay si weyn u yareyn karaan halista oofwareenka. 


Nafaqeyn Wanaagsan: Carruurta oo la siiyo nafaqo ku filan iyo naasnuujinta 6-da bilood ee ugu horreysa waxay xoojinaysaa difaaca jirka, iyada oo yareyneysa khatarta cudurka.


2. Helitaanka Daaweyn Degdeg ah:


Carruurta leh calaamadaha oofwareenka sida neef-qabad, qufac, ayaa u baahan in si degdeg ah loogu geeyo xarun caafimaad si ay u helaan daaweyn, sida antibiyootiko iyo oksijiin marka loo baahdo.


3. Tababaridda Bulshada iyo Shaqaalaha Caafimaadka:


Tababaridda shaqaalaha caafimaadka iyo bulshada si ay uga gartaan calaamadaha khatarta leh ee oofwareenka mid muhiim ah, si carruurta xaaladdoodu halis tahay loo gaarsiiyo xarrumaha caafimaadka.


4. Xoojinta Adeegyada Caafimaadka:


Kor u qaadidda adeegyada caafimaadka iyo hubinta in xarumaha caafimaadka ee aagga miyiga ay helaan antibiyootiko iyo oksijiin waxay si weyn u yareyn kartaa dhimashada ka dhalata oof-wareenka.


5. Wacyi Gelinta:


Ololeyaal wacyi gelin ah oo bulshada lagu barayo muhiimadda nadaafadda iyo tallaalka ayaa sare u qaadi kara kahortagga iyo yareynta saameynta xanuunka.


WHO waxay ku talinaysaa in tallaabooyinkan si wadajir ah loo qaado, gaar ahaan waddamada dakhligoodu hooseeyo halkaas oo saameynta cudurka ay aad u sarreyso【9】【10】.


Tixraac.


Harrison's Principles of Internal Medicine

. Davidson's Principles and Practice of Medicine


 Murray & Nadel's Textbook of Respiratory Medicine


. Nelson Textbook of Pediatrics (for pediatric cases)


Medscape

 Amboss

National Institutes of Health (NIH)

Centers for Disease Control and Prevention (CDC)

 World Health Organization (WHO).


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad