Casharka 10aad
Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.
Casharka 10aad
BUUFSAN-SAMBABEED(Emphysema).
Waa xanuun ku dhaca sambabada kana mid ah loona yaqaan kuwa aan soo noqodka lahayn(chronic obstructive punmonary disease) qofka ay ku dhacdana waxa ku adkaata neefta soo saarideeda maadama oo ay dhaawacmaan kiishashka hawadu (alveoli) waanay isku darsamaan halkay marka hore kala xadidan yihiin,mudo kaddibna way adkaanayaan waxaana ay waayayaan dabacsanaantii ama awooddii kala bax-ururka (elasticity) sidaana waxa qofka ugu adkaanaysaa hawo qaadashada.
Burburka ku yimaada kiishashka hawada waxa uu ka yimaadaa isku dheellitir xumada ku timaada faldajiyayaasha (protease) kaasoo burburinaya borotiinka ilastiinka ee darbiyada kiishka hawada iyo faldajiyaha (alpha-1°antitrypsin) kaasoo isagana xidha. Marka faldajiyaha (protease) la cariyo, waxa uu noqdaa mid kordha, kaaso burburinaya darbiyada kiishashka hawada,kaasoo soo yareynaya fogaanta isbeddelka hawada meesha ay ka dhacdo.
Borotiinka(elastin) marka la burburiyo waxa yaraanaya in kiishashka hawada ay ururaan sida markaasi qashinsaar haweed loo sameeyo, taaso keeneysa hawo xumo. Haddii ay darbiyada kiishashka hawada meesha ka baxaan ama burbur ku yimaado waxay keenayaan inuu faracyada hunguri cadka in ay isku soo uruuran xilliga hawada banaanka loo soo saarayo, taasina waxay keeneysaa in qofka hawadiisa xumaato.
Waxaa loo qeybiyaa seddex qeybood:
1:Centriacinar. Waa nooca ugu caansan waxay la xidhiidhaa sigaarka, waxay badanaa saameysaa badh ka mid ah ee sambabada gaar ahaan qeybta sarre.
2:Panacinar. Badanaa waxay ku dhacdaa qeybta hoose ee samababada, lamana xidhiidho sigaarka, waxay la xidhiidhaa yaraanshaha borotiinka difaaca sambabada (Alpha-1 antitrypsin).
3:Paraseptal. Badanaa Tani waxay saameysaa qeybta bannaanka ee samababada. Sida qoqobaha(septa) ama moqorka sambabka(pleura).
Maxaa keena
1;Smoking: sigaarka waa midka ugu caansan ee keenna, ama dhaawac gaarsiiya unugyada asalka ee samababada, waxa uu keenayaa olol, iyo qalqal ku yimaada borotiinnada kiishashka kaga qeyb qaata hawo qaadashada iyo saarida.
2:Sidoo kale hide ahaan ayay ugu dhici kartaa qofka(dhaxal) kaas oo qofku aanu lahaanayn borotiinka ka ilaaliya dabacsanaanta sambabada waxaana nooca dhaawac hawo kiisheedka(emphysema) ah la kala dhaxlo loo yaqaan (alpha-1-antitrypsin deficiency emphysema).
3:Environmental Pollutants: waxa keenna waxyaabaha wasaqeysan ee daagaanka ka jirra, sida kiimikada, meelaha warshadaha, busta, ama wasaqowga hawada.
4:Respiratory Infections: waxaa kaloo keeni kara caabuqa ku dhaca hawo mareenka, kaasoo carinaya hannaanka ololka(inflammation), kaasoo keenaya in la burburiyo kiishashaka hawada.
Calaamadaha.
1:Dyspnea: qofka waxa ku adkaanaya neefsashada.
2:Chronic Cough: Qufac waqti dheer soo jiimata.
3:Wheezing: Qofka oo yeesha dhawaaq xiiq ah.
4:Weight Loss: Miisaanka qofka oo hoos u dhaca.
5:Laabta qofka taaganta.
6:Marka dambe inuu qofku u neefsan kari waayo iskii (respiratory failure) iyo wadnaha oo isna talax gaba (heart failure).
Baadhitaanka.
1:Pulmonary Function Tests (PFTs): waxa la fiirinayaa heerka hawo qaadashada qofka. Haddii ay badan tahay ama ay yartahay ayaa la eegayaa, haddii ay ka yartahay 70% waxa muujineysa in ay jirto xirrin hawada ah.
2:Chest X-ray: waxa la fiirinayaa haddii ay sambabada ay kala baxeen, iyo inuu fidsamayay muruqa bogga.
3:High-Resolution Computed Tomography (HRCT): waxa uu inna siinayaa faafahin dheeraad ah, waxa le eegayaa qaabdhiska sambabada. Haddii uu jirro burbur xagga kiishashka hawada iyo darbiyada.
4:Alpha-1 Antitrypsin Level: haddii laga shakiyo haddii uu jirro hidda sida keenay burburka kiishashka hawada ayaa la barayaa borotiinkan. Qofka aan sigaarka cabin ayaa laga baarayaa ama uu yahay qofka mid yar.
5: Arterial Blood Gas (ABG): waxaa loo isticmaalaa heerka ogsijiinta dhiigga iyo kaarboon labo ogsaydha.
Daaweynta.
1:Smoking Cessation: muhiimada ugu wayn qofka xanuunkan hoos loogu dhigi karro waa inuu daayo ama ka fogaado sigaarka. Ama waxyaabo qatarta u ah, kiimada, meelaha wasaqeysan.
2:Bronchodilators: waxa la siinayaa dawooyinka marrinka hawada kala baxsha. Sida waqtiga gaaban)short acting-beta-agonists) sida albuterol taasoo kaaneysa dabac muruqa sisibsan ee hunguri cadka. Waxaa kaloo la siinayaa kuwa mudda dheer(long actin beta-agonists) sida, salmeterol, iyo tiotropium (LAMAs). Waxay wanaajinayaan socodka hawada, iyagoo yareynaya waxyaabaha carinaya.
3:Inhaled Corticosteroids (ICS): waxaa loo siinayaa si looga yareeyo ololka(inflammation) iyadoo la iskugu daraayo LAMAs haddii ay xaalada qofka daran tahay sida Fluticasone, Budesonide. Dawooyinka waxay xidhayaan waxyaabihii keenayay ama kaalinta ku lahaa ololka ayay xidhayaan(cytokines).
4:Mucolytics: waxa la siinayaa dawooyinka hoos u dhiga calyada ama xabka, taasi waxay fududeneysaa in meesha marrinka la nadiifiyo si markaasi loo yareeyo calaamadaha qofka. Sida N-acetylcysteine.
5:Antibiotics: waxa la siinaya jeermis dile si markaasi loo yareeyo xaddiga bakteeriyada iyo ololka, taaasina waxay bukaanka ka caawineysaa in caabuqa laga yareeyo. Waxa ka mid ah:Azithromycin loona isticmaalayo ka hortag (used for prophylaxis in selected patients).
6:Oxygen Therapy: waxa la siinaya ogsijiin haddii uu jirro ogsijiin yari si markaasi sarre loogu soo qaado ogsojiinta.
7:Lung transplant. In qofka loo sameeyo sambab beddelka, haddii lagu fashilmo daaweynta kale. Xaalada bukaanka ay daran tahay.
Tixraac.
1. Harrison's Principles of Internal Medicine
2. Goldman-Cecil Medicine
3. Murray and Nadel's Textbook of Respiratory Medicine
4. Fishman's Pulmonary Diseases and Disorders
5. Clinical Respiratory Medicine
6. Textbook of Pulmonary Diseases
7. Manual of Pulmonary Diseases
8. Current Medical Diagnosis and Treatment
9. Principles of Pulmonary Medicine
10. Respiratory Physiology: The Essentials
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment