Casharka 11aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 



Casharka 11aad



Ololka hunguriga cadka(Chronic bronchitis)


Waa ololka ku dhaca hunguriga cadka, taasoo keeneysa qufac raagga, xab aad u badan ugu yaraan seddex bilood ilaa  inuu socdo labo sanno. Xaaladani waxay saameysaa  hawo mareenka, taasoo keeneysa ciriirsanka  socodka hawada.Boronkiitada raagto (Chronic bronchitis) waa cudur waqti dheer jira. Waa mid ka mid ah koox cudurro sambabka ku dhaca( COPD )lagana soo gaabiyay cudurka sambabka xanniba ee raaga (chronic obstructive pulmonary disease).

Waxyeelladu badanaa waxay ka sii dartaa waqti kaddib. Waxa jirro waxyaabo carinaya in ay xaaladani timaado,  sida tubaakada, sigaarka, waxyaabaha wasaqeysan, sumowga deegaanka, kuwaasoo dhaawac gaarsiinaya ibisiiliyamta hunguri cadka.


 Durbadiiba waxa falcelin ka bixinaya waxyaabaha qalaad ee jirka soo gala(inflammatory response) sida nooc ka mid ah unugyada cad, kuwa wax liqa(macrophages),   limfosayt(Lymphocyte), ololkaasi waxa ka dhallanaya inuu siyaado soo deynta  xabka (mucus) kuwaasoo laga soo saarayo unugyada xabka(goblet cells, submucosal gland), kuwaasoo noqonaya kuwa weynaada. Dhaawaca ku soo noqnoqda  iyo ololka hunguriga waxa uu keenayaa inuu isbeddel ku yimaado darbiyada hunguriga cadka. Adkaanshaha darbiyada hunguriga cadka waxa ka buuxsamaya kolaajiin, taasoo keeneysa ciriisanka  hawo mareenka. Intaas waxa dheer inuu xabka xirro hawo mareenka  taasoo isbeddel ku keenaya qaadashada hawada iy soo saarista. Sigaarka waxa uu carinayaa kiimada ku jirta hawada(Ros) taasoo dhaawac gaarsiineyso nuddaha sambabada, taasoo keeneysa olol, kana qeyb qaadaneyso dhaawaca raaga ee hunguriga cadka. Ololka raagga ee hunguriga cadka waxa uu carqaladeynayaa timihii nadiifin lahaa xabka, hawa mareenka waxa ku ururaya xabka taasoo keeneysa inuu hawada xidho.  Taasina waxay siyaadineysaa inuu soo noqnoqdo hambaabuq. Ololka raaga ee hunguriga cadka waxa ka dhallanaya inuu yaraada cusbooneysiinta hawada(alveolar ventilation) taasoo keeneyso hawo yari, waqti dheer kaddib waxay keeneysa kacsanaanta cadaadiska dhiigga halbowle sambabeedka.


Maxaa keena?


1:Ololka hunguriga cadka waxa keena  Virus sida kuwa keena dureyga oo kale ,waxyaabaha ugu badan ee kale ee keenaana waa wasaqowga hawada ,dhaska ama hawooyin sumaysan ,caabuga(inflammation) ay sababaan, waxa uu keenayaa inay dhuumaha hawadu maraan ururaan kuna samaysanto xab (mucus)intaas ka bacdina waxa qofka ku adkaanaysa hawo qaadashada iyo soo celinta ,xanuunku waxa uu qofka ku sameeyaa xidhan dhuun haweed aan laga soo kaban  karin. 


2:Sigaarka waxa uu keenayaa ololka raaga ee ku dhaca hunguriga cadka, waana xaalad qatar ah, taasoo carqaladeyneysa hannaanka neefshada, iyo shaqada hawa mareenka. Qofka marka uu liqo waxyaabaha uu ka sameysan yahay sigaarka ee kiimikada, waxay xoqayaanka ibisiiliyamta  hunguri cadka,  kuwaasoo carinaya waxyaabaha qalaad ee jirka soo gala ee ka falcelsha. Taasina waxay keeneysaa in difaaca jirka la dagaal galsho sida unugyada dhiigga cad, kuwa wax liqa, linfaha kuwaasoo soo deynaya kiimikooyin, kuwaaso dhaawac sii gaarsiinaya  darbiyada kiishashka hawada. Waxaa ka dhallaneysa xaalad in la soo daayo xab aad u badan, qanjirada laga soo deynaya  ee hawa mareenka ay weynaadaan qaabdhis ahaan iyo unugyo ahaanba, taasi waxay keeneysaa in xab badan la soo daayo. Xabka waa mid adag kasoo xirraya marrinka hawada, taasoo xumaaneysa qulqulka hawada, qofka waxa ku adkaanaya neefshada. Sigaarka waxa uu dhaawacayaa timaha marrinka hawada ee nadiifiya xabka. Shaqa gabka ku yimaada timahaasi waxay keenayaan in  bakteeriyada meesha ka curato, soona talaabsato taasoo keeneysa caabuqa hawa mareenka ee soo laalaabta. Waqti badan kaddib ololka iyo dhaawac  nuddaha hawa mareenka waxa uu beddelayaa qaabdhiska  hawo mareenka.


 Hunguriga cadka darbiyadiisa waxa ay noqonayaan kuwa adkaada, intaas waxa dheeraanaya hawa mareenka inuu ciriirsamo, sidaasna hawa mareenka uu ku xirmo.  Intaas waxa dheer,  in faldajiyayaasha burburiya borotiinnada iyo kuwa dhaawaca ka ilaaliya nuddaha hawa mareenka in ay qalqalaan. Sigaarka waxa uu siyaadinayaa faldajiyayaasha wax burburiya, isagoo xidhaya kuwa wax difaacaya(alpha-1-antitrypsin) taasoo keeneysa in la burburiyo nuddaha hawa mareenka iyo in la waayo kala jiidanka hawo mareenka. Intaas oo dhibaato dhacdo waxa yaraanaya  is dhaafsiga hawada, qaadashadeeda iyo soosaaristeeda, taasina waxay keeneysaa ogsijiin yari(Hypoxemia), kororka kaarboon laba ogsaydhka (hypercapnia). Bukaanka waxa ku badanaya caabuqa haddii ololka uu noqdo mid raagga. Sigaarka sidaas ayuu ku keenayaa ololka raaga ee ku dhaca hunguriga cadka (chronic bronchitis).


Calaamadaha. 


1:Qufac joogta, gaar ahaan subixii.

2: Xab aad u badan qofka yeesho.

3:Neefshada oo yaraata.

4: Dhawaaq xiiq ah, iyo laabta taaganta.

5: Daal, iyo warwareer.

6:Xumad iyo qadhqadhyo.

7:Cune xanuun

8:Sanka oo  biyo ka dareerayaan ama cabbursan.


Baadhitaanka. 


1:Chest X-ray. Raajada waxay go'aamineysaa hadii ay jirto oof-wareen  ama xaalado kale keeni kara qufaca, gaar ahaan qofka sigaarka caba.


2:Pulmonary function test. Waxa la hubbinayaa heerka qofka uu hawo qaadan karro ama soo saari karro, hubbintan waxay innoo caddeyneysaa inuu jirro ololka raagga ee hunguriga cadka.


3: Laboratory Tests:  hubbinta dhiigga waxay innoo caddeyneysaa inuu jirro caabuq ama waxa la eegayaa heerka ama cadadka dhiigga inta ogsijiin ku jirta ama carboon labo ogsaydha. 


4:Sputum Culture: waxa laga qaadayaa tijaabo fudud(simple) waxa innaga caawinayaa haddii ay jirto caabuq ay keentay bakteeriyo. Marka tijaabadan laga qaado qofka qaba ololka raagga ee hunguriga cadka waxa ku jirra xaddi badan unugyada ololka gaar ahaan unugyada cad jaad ka mid ah.



Daaweynta.


 Dhaawaca uu u gaysto xanuunkani sambabka waa mid aan laga soo kaban karin(irreversible) sidaa daraadeed  ma laha dawo sambabka sidoodii hore kusoo celinaysa se waxa la siin karaa dawooyin ka hortagi kara inuu xanuunku sii fido ,waxaana ugu muhiimsan dawaynta :


1)In uu qofku joojiyo cabitaanka sigaarka oo ah sababaha ugu badan ee keena .


2) Qofka uu ku sababo xanuunku ogsijiinta dhiiga oo yaraata(Hypoxemia) in la siiyo ogsijiin(Oxygen therapy)


3)In la siiyo dawooyinka leh awooda kala bixinta sambabka si uu bukaanku u qaadan karo hawo(bronchodilators) sida kuwa loo yaqaan beta agonists iyo anticholinergics) sida Albuterol,ipratropium. 


4)Haddii looga shakiyo inay keentay xanuunka bakteeriyana waa in la siiyo Antibiotics sida macrolides, ,fluoroquinolones  ama cephalosporins ka .


5) Si bukaanko dhakhso u raysto caabuqana(inflammation) waa in la siiyo dawooyinka caabuga lagaga raysto ee loo yaqaan Corticosteriods ka .


6:Mucolytics : waxa innaga caawineysaa dawadani in ay  hoos u dhigto xabka, iyo qufaca soo laalaabta. Sida:acetylcysteine.


7:Haddii ay intaas wax isbeddel ku iman wayaan xaalada bukaanka ay daran tahay waxa loo sameynayaa in sambabka loo beddelo(lung transplant).


Tixraaca. 


1. Goldman-Cecil Medicine

2. Murray & Nadel’s Textbook of Respiratory Medicine

3. Kendig and Chernick's Disorders of the Respiratory Tract in Children

4. Fishman’s Pulmonary Diseases and Disorders

5. Harrison's Principles of Internal Medicine

6. Kumar and Clark's Clinical Medicine

7. Current Medical Diagnosis and Treatment (CMDT)

8. Global Initiative for Chronic Obstructive Lung Disease (GOLD) Report

9. Davidson’s Principles and Practice of Medicine

10: Dr mawliid Kudar.



Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad