Casharka 12aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 12aad


Awdanka Halbowle Sambabeedka( Pulmonary embolism). 


Waxay dhacdaa marka xinjir ay ka soo huleesho addimaha hoose gaar ahaan lugaha, soo gaadho sambabada taasoo xirreysa halbowle sambabeedka,  taasoo keeneysa in dhiigga qulqulkiisa uu xumaado, isbeddel ku yimaado hawo qaadashada, ama soo saaritaanka, waana xaalad qatar ah. Asalka xinjirta waxay ka imaneysaa addimaha hoose, waxaana u nugleysiinaya qofka aan socod badan lahayn, qofka oo qaalinka lafaha galay ama xanuunnada xinjirowga dhiigga haddii uu qofka leeyahay  waxaas oodhan waxay sahlayaan in ay xinjir sameysanto.Xinjirtaasi waa ay soo safreysaa, waxa ay soo gaadheysaa wadnaha qeybta midig, kaddib waxa ay u soo gudbeysaa halbowle sambabeedka, waxay keeneysaa in ay xidho halbowlaha sambabka. Xirrinka xiddidkaasi waxa uu keenayaa in uu xumaado qulqulka dhiigga ee xiddidada samababada, waxaana siyaadaya iska caabinta xiddidka sambabka. Cadaadiska xooggan ee xiddidada sambabada waxay keenayaa in ay xoog badato shaqada wadnaha ee qeybta midig, haddii cadaadiska wadnaha qeybta midig uu kordho waxa ay keeneysaa in ay shaqo gabto, ama ay fashilanto. Haddii ay daran tahay xaaladani xinjirtana xiddidka si dhammeystiran u xidhay waxay sababeysaa inuu dhiigga yaraado qulqulkiisa ee sambabada dhex mushaaxaya, waxana yaraanaya cadadka wadnaha uu dhiigga tuuri lahaa, taasina waxay keeneysaa in si guud qofka hooraha jirkiisa hoos ugu dhaco. Xinjirtaasi waxay keeneysaa inuu xumaado isbeddelka hawada, taasoo keeneysa ogsijiin yari ballaadhan.  


Maxaa keena?


1:Socod xummada. Waxyaabaha badanaa keenna waxa kamid ah qofka aan socodkiis badneyn, jiifkiisa uu badan yahay. Haddii aysan murqaha helin dhaqdhaqaaq waxa yaraanaya qulqulka dhiigga xiddidada,  taasoo keeneysa inuu dhiigga xiddidada iska dhex taagnaado,  dhaqaaq xumada dhiigga ku timaada waxay keneysaa in ay sameysanto xinjir, inuu dhaawac soo gaaro indhosiiliyamta xiddidka.


2:Qaliin iyo jug.Qaliinka gaar ahaan qaliimada lafaha iyo dhaawac lafaha waa wayn waxay ka qeyb qaadanayaan sameysanka xinjirta. Qaliinka ama jugta waxay dhaawaceysaa darbiyada xiddidada dhiigga, taasoo la carinayo waxyaabaha ka qeyb qaata sameysanka xinjirowga(clotting factors),sidaas waxa ku unkumaya sameysanka xinjirta. 


3:Kaankaro(cancer). Kansarada qaar sida kansarka gacana, sambabada, kan ugxaansidaha  waay keenaan, kansaradan waxay carinayaan qoddobada ka qeyb qaadanaya sameysanka xinjirowga dhiigga,  waxay sahlahayaan in xinjirtaasi ay safarto kaddib sidaasi xiddidada samabada ku xidho.


4:Hormoonka ostarajiinka dawo ahaan loo istcimaalo(Estrogen Therapy ) waxa uu siyaadinayaa heerka sameysanka xinjirowga,  isagoo hoos u dhigaya lidiga maadada ka hortageysay xinjirowga  taasoo keeneysaa qatarta sameysanka xinjirowga, waxa uu ku badan yahay dumarka.


5:Caabuqa ama ololka: waxa la soo daynayaa maadada(cytokines, and inflammatory mediators) waxay carinayaan nidaamka xinjirowga, caabuqa ama ololka waxa uu dhaawacayaa xiddidka indhosiiliyamtiisa , taasina waxay ka qeyb qaadaneysaa sameysanka xinjirta. 


6:Cayilka.  Xad-dhaafka cayilka waxa uu jirka u nugleyneysiinayaa ololka, taasina waxay ka qeyb qaadaneysaa nidaamka sameysanka xinjirowga, waxa kordhaya qodobada ka qeyb qaadanaya sameysanka xinjirowga, dadka cayilan badanaa ma badna firfircoonida jirkooda, waana qatar wayn keeni karta sameysanka xinjirta. 


7:Cudurrada hidde-raaca ah ee sababa xinjirowga dhiigga.


Waxay kordhiyaan halista xinjirowga xiddidada sambabada (PE) iyaga oo keenaya in dhiiggu si aan caadi ahayn u xinjiroowo, gaar ahaan xididdada dhiigga ee lugaha. Cudurradani, waxa isbeddellaya  Factor V Leiden, isbeddelka hidde-raaca ee prothrombin, iyo yaraanta borotiinka C, borotiinka S, iyo antithrombin, waxay carqaladeeyaan habka dabiiciga ah ee kahortagga xinjirowga dhiigga, taasoo ka qeyb qaasaneysa xinjirowga sameysankiisa(hypercoagulability).


 Tani waxay sababtaa in xinjiro ku samaysmaan xididdada dhiigga ee qotada dheer, gaar ahaan lugaha (deep vein thrombosis, DVT). Markay qaybo ka mid ah xinjirooyinkani sameysmaan, waxay ku safraan xididdada dhiigga ee u gudba sambabada, halkaas oo ay xiraan halbowlayaasha sambabada, taas oo keenta xinjirowga xiddidada sambabada. Xannibaaddan waxay carqaladeysaa socodka dhiigga, taas oo keenta is-waafajin la’aanta neefsashada iyo wareegga dhiigga, oksijiin la’aan, iyo kordhinta cadaadiska halbowlayaasha sambabada, taas oo culays saarta wadnaha isla markaana keenta neefsasho xumo.


Calaamadaha. 


1:Neefsashada oo yaraata.

2: Laab xanuun. 

3:Dhidid.

4: Garaaca wadnaha saa'id noqda.

5:Ogsijiinka oo hoos u dhaca.

6: Qofka oo miir daboolma.

7: Qufac uu la socdo dhiig.

8: lugaha qofka barara.

9: Wareer.


Baadhitaanka. 


1:CT Pulmonary Angiography (CTPA): waana midka ugu caansan loo isticmaalo xinjirowga xiddidada sambabada,  si markaasi loo arko heerka xirrinka xiddidka.


2: Ultrasound of your leg.  Waxa uu innga caawinayaan haddii ay jirto xinjirowga lugaha,  taasoo u soo talaabtay sambabada.


3:Echocardiography:  waxaa loo isticmalayaa haddii wadnaha qeybta midig haddii ay dhibaato soo gaadhay.


4:Hubbinta dhiigga (D-dimer Test), waxa la cabirayaa fibriinta ay burburka ku yimid, haddii ay sarreyso waxa muujineysaa inuu jirro sameysanka xinjirowga.


Daaweynta. 


1:Oksijiinka: Bukaanka waxa la siinayaa ogsijiin,  si loo saxo ogsijiin yarida, gaar ahaan haddii bukaanka leeyahay neefsashada oo adag.


 IV Fluids: waxa la siinayaa hoore haddii uu bukaanka ku jirro xaalad dhibiib (shock).


2:Vasopressors/Inotropes: dawooyinka waxay saxayaan wareegha guud ee dhiigga,  cadadka wadnaha dhiigga uu buufin lahaa. Waxa ka mid ah

 Norepinephrine waxay xiddidda ku sameyneysa ceejisan,(vasoconstriction), Dobutamine waxay saxeysaa ama sarre u qaadeysaa cadadka dhiigga wadnaha uu buufin lahaa. (enhances cardiac output).


3:Blood thinners. Waxa la siinayaa dawooyinka dhiigga furfura, kana hortaga sameysanka xinjirowga, waxa la siinayaa lidiga dawada dhiigga jilcisa(heparin). Waana dawooyinka ugu horeeya lagu daaweeyo xinjirowga Low Molecular Weight Heparin (LMWH). Waxaa kaloo la siinayaa kuwa afka laga qaadayo lidiga xinjirowga dhiigga sida:rivaroxaban or apixaban.


4:Thrombolytics (Daawooyin mila xinjirowga):  daawooyin fibrinolytic ah sida alteplase ayaa loo isticmaali karaa si ay u milaan xinjirta.


5:Qaliin: kaasoo lagu soo saarayo xinjirta, iyadoo laga soo saarayo xiddidka halbowle sambabeedka (Pulmonary Embolectomy). Waxaana loo sameeyaa marka bukaanka ay xaaladiisa daran tahay uu ku jirro dhibiib(shock).


6:Catheter-Directed Embolectomy:  waa qalab tubo ah oo la galinayo xiddidka wayn bowdiyaha iyadoo laga galayo ilaa xiddidada sambabada si looga so saaro xinjirta.


Tixraaca. 


1. Harrison's Principles of Internal Medicine

2. Current Medical Diagnosis & Treatment

3. Amboss

4. Medscape

5. Mayo Clinic

6. National Library of Medicine (PubMed)

7. UpToDate

8. Cleveland Clinic

9. American Heart Association (AHA)

10. European Respiratory Journal (ERJ)


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad