Casharka 13aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 13aad


QAAXO( Tuberculosis).


Cudurka Qaaxada waxaa keena Bakteeriyada la yidhaahdo Maykoobaktiiriyam Tubbarkaloowsis (mycobacterium Tuberculosis). Baktiiriyadaasina waxay weerartaa sambabbada, waxay kaloo weerartaa xubnaha kalee jidhka sida, Kelyahha, Laf-dhabarta, Maskaxda iyo meelo kaloo badan wayna dhib yar tahay in aad cudurkan si sahlan u qaaddid una faafisid. Haddii aan layska daweyna wuxuu cudurkani noqdaa mid halis ah oo qofku uu udhiman karo.Cudurkan waxaa loo yaqaannaa magacyo badan oo ay ka mid yihiin: Tiibbeyda (TB) iyo ama qaaxo.


Haddaba cudurkan waxa uu maraa heerar kala duwan iyo noocyo kala duwan oo kala khatar badan sida:


1. Primary tuberculosis ama bilow waxay ku dhacdaa marka ugu horreysa ee qofka ay haleesho bakteeriyada noocan khatar badan maleh.


2. Secondary ama heerka dhexe

Heerka dhexe waa marka bakteeriyada ay horay usii gasho hawada, ku tarmaysa kaddibna usii gudbi karta xubnaha kale sida kelyaha iyo maskaxda.


3. Disseminated Tuberculosis:

 waa nooc khatar badan oo ku faafta dhammaan jirka. Waxay gali kartaa lafaha, kala goysyada, iyo xubnaha taranka haweenka, waxayna usii dhaadhici kartaa caloosha. Noocaan waa dhif, inta badan lama helo.


4. Miliary Tuberculosis: Waa nooca ugu khatarsan dhammaan. Waxay ku faaftaa jirka oo dhan iyadoo raacaysa dhiigga kuna milmaysa dareeraha dhiigga. Meel kasta oo dhiig tago waa laga helaa, mararka qaarna waxay keentaa kansar dhiigga u eg.


Noocyadan qaaxada iyo heerarka Kala duwan ee bakteeriyadu marto

noocyadan qaaxada waxay ku salaysan yihiin heerar kala duwan oo bakteeriyadu marto marka ay jirka soo gasho. Dhibkeeda waxa uu ku xidhan yahay heerka ay joogto. Baaritaanka cudurku wuxuu ku salaysan yahay meesha uu jirka kaga jiro.


Sidee cudurka qaaxadu u fidaa?


Qaaxadu waxay ku fiddaa hawada marka uu qofka buka cudurka gudbiyo. Dhalliyaha cudurka qaaxada ayaa hawada gala marka uu qofka cudurka qaba uu qufaco, hindhiso, ama heefsado. Dadka u dhow ayaa halkaas cudurka ku qaadi kara marka ay neefsadaan.Qaaxada waxaa kale oo lagu kala qaadi karaa meelaha dadku ku wada nool yihiin, sida qolalka iyo guryaha ama goobaha lagu qayillo. Dadka qaba qaaxadu waxay cudurka ku fidiyaan marka ay candhuuftooda dhulka ku tuuraan, halkaas oo bakteeriyadu ku sii noolaan karto. Markay cadceeddu qallajiso, dabayshu way qaadi kartaa, dadkuna way neefsan karaan, sidaasna cudurka qaaxada ayay u qaadaan.


Xaaladaha Qaaxada


Qof kasta oo qaaxada qaada ma bukoodo, waxaana jira laba xaaladood oo la xidhiidha qaaxada.


1) Tiibbeyda Qarsoon (Latent TB) iyo (2) Cudurka Tiibbeyda (TB Disease)


TIIBBEYDA QARSOON (Latent TB)


Xaaladdani waa marka ay Baktiiriyada Tiibbeydu ku nooshahay jidhka laakiin aan lagu bukoonayn. Inta badan dadka neefsada Bakteeriyada Tiibbeyda ee qaada cudurkaasi, jidhku kari karaa in uu la dagaallamo Bakteeriyadaas si aanay u korin ama jidhka ugu tarmin.Dadka ay ku dhacdo Tiibbeyda Qarsooni ma xanuunsadaan mana laha wax calaamado (astaamo) ah oo lagu garto in ay jirran yihiin. Isla markaasna ma bukaan oo uma gudbiyaan Tiibbeyda Qaaxada cid kale. Laakiinse haddii ay Baktiiriyada Tiibbeydu noqoto mid firfircoon oo  ku taranto jidhka, markaas ayay Tiibbeydii qarsoonayd isu beddeshaa Cudurka qaaxada ee la kala qaado.


CUDURKA QAAXADA (TB Disease)


Baktiiriyada qaaxadu waxay noqotaa mid firfircoon marka aanu difaaca Jidhku ka joojin karin in ay taranto. Sidaa awgeed, marka Baktiiriyadaasi firfircoon tahay oo ay jidhka ku tarmayso ayaa la yidhaahdaa cudurka qaaxada.


Dadka qaba cudurka qaaxaduna way bukoodaan waxayna u gudbin karaan oo qaadsiin karaan cudurka dadka kale ee ay waqti-dheer la qaataan (la joogaan) maalin kasta. Dad badan oo qaada Qaaxada qarsooni ma noqdaan kuwo qaba Cudurka Qaaxada; dadka qaarna waxaa markiiba ku dhaca Cudurka qaaxada kaddib markay qaadaan cudurkaas (isbuuc gudahiis) ka hor inta aanu difaaca Jidhkoodu la dagaallamin Baktiiriyada Qaaxada. Dadka qaarkiina waxay bukoodaan sannado kaddib marka uu habka difaaca Jidhkoodu uu nuglaado.


Haddaba, dadka uu habka difaaca Jidhkoodu nuglaado, gaar ahaan kuwa qaba Cudurka HIV-ga, ayay khatarta qaadista Cudurka Tiibbeydu ku badan tahay marka loo eego kuwa ay caadi tahay habka difaaca Jidhkoodu.


Ururka Cafimaadka Aduunka(WHO) waxay Tiibishadu ka diiwaan galisay in sannada 2017-da 10 milyan qafood ay la’ildarnaayeen halka  1.6 milyan ay udhintaan(0.3 milyan kamid ah waxay ahaayeen bukaanno ay udheertay cudurka aydhiska) dunida oodhan.Soomaaliya  sannada 2009ka waxa laga diiwaan galiyay in 100,000(Boqol kun) qof kastaba laga dhex helo  290 bukaanno qaba Tiibisho.


ASTAAMAHA LAGU GARTO CUDURKA QAAXADA


1:Qufac ilaa seddex isbuuc sii jirra. 

2:Neefshada oo adkaata.

3: Laab xanuun. 

4: Candhuuf dhiig leh.

5:Tamar-darro iyo daal.

6: Cunto xummo.

7: Qadh-qadhyo.

8: Xummad(qandho).

9:Dhiddid xad-dhaaf(habbeenkii).

10:Sambabada  oo laga helo calaamaddaha lagu garto qaaxada marka lagu eego X-ray sida qanjidhaha ama unugyada kaalshiyamoobay (Calcified nodules) ama loo yaqaan( Ghon complex ).


DADKA UU CUDURKA QAAXADU KHATARTA KU HAYO


Marka uu qofku qaado Baktiiriyada Qaaxada, fursada uu cudurka Tiibbeyda ku qaadi karaa wuxuu aad u sarreeyaa marka uu qofku:


1:Qabo cudurka HIV / AIDS-ka.


Dhawaan qaaday Baktiiriyada Qaaxada (illaa iyo labadii sanno ee ugu dambeeyyey).


2:Haddii uu leeyahay dhibaatooyin caafimaad oo kale sida Kaadi-macaanka, oo ay ku adkaan doonto jidhka in uu la dagaallamo oo iska celiyo Baktiiriyada.


3:Si xun u isticmaalka isbiirtada iyo maandooriyaha mamnuucca ah.


4:Dadka waayeelka ah.


5:Dhallaanka yar-yar.


6:Dadka uu difaaca jidhkoodu nuglaado sida kuwa qaba HIV/AIDS-ka, Kaadi-macaanka iyo ku daweeynta Kimikada.


7:Iyo dadka qaata dawooyinka difaaca Jidhka laciifiya.

8: la noolaanshaha qof qaba.

9: Guryaha isku raranka.

10:Nafaqa-darro qofka haysa.


Maxaa Lagaga hortagaa?


1. Talaal gaar ahaan carruurta markay dhalato ama qofka inta aanu ku dhicin cudurka.

2. Daawaynta qofka uu ku dhacay cudurkan iyo in la ilaaliyo heerka ay marayso ilaa ay noqoto bakteeriyada mid howl gab ah.

3. Ilaalinta nafaqada jirka iyadoo nafaqa la’aanta ay tahay hooyada cudurada dhammaan.


Talo Bixin: Cudurka Qaaxada


Cudurka qaaxada wuxuu ku dhacaa dhammaan qaybaha bulshada, waxaana muhiim ah in taxadar la sameeyo. Waxaana ku talinayaa in laga fogaado xaaladaha soo socda si looga hortago faafitaanka cudurkan.


1. Ka Fogaanshaha Cudurka Qaaxada:


Cudurka qaaxada wuxuu ku faafaa ciriiriga, sida marka la wada seexdo guri ka badan tirada loogu talagalay. Hubi inaan qof qaba cudurkan kula seexan, kana fogow ciriiriga, hindhisada, iyo qufaca dadka cudurkan qaba.


2. Qaaxada Xoolaha iyo Ilaalinta Caafimaadka:


Cudurka qaaxada wuxuu ku dhici karaa xoolaha, wuxuuna ugudbi karaa bini’aadamka marka hilib xoolo cudurka qaba la cuno. Sidaa darteed waa inaan hubinnaa caafimaadka xoolaha la qalayo ee sayladaha ama xaafadaha.


3. Nafaqo Daro iyo Difaaca Jirka:


Nafaqo darada waa hooyada cudurrada oo dhan, sababtoo ah waxay hoos u dhigtaa difaaca jirka. Marka cun cunno nafaqo leh oo jirka difaaciisa si aad isaga ilaaliso cudurrada oo ay ku jirto qaaxada.


4. Tallaabooyinka qofka qaaxada qaba:


Qofka qaba cudurka waa inuu isticmaalaa maro ama faasaleeti uu afka saaro marka uu hindhisayo ama qufacayo si uu uga ilaaliyo bulshada la nool. Qofka qaadanaya daawada waa inuu dhammaystaa sida uu dhakhtarka ugu qoray oo uu yeesho ilaalin joogto ah, sida ballamada asbuuc walba ama sida uu dhakhtarka kula ballamo.


5. Nadaafadda Cunnada iyo Jirka

Waa inaan ilaalinaa nadaafadda cunnada aan cunayno iyo tan jirka si aan uga fogaanno cudurrada oo dhan, oo ay ku jirto qaaxada.


6. Baaritaanka Cudurka Qaaxada:

Haddii aad isku dareento calaamadaha qaaxada qaar ka mid ah, si degdeg ah u tag goobta caafimaad ee kuugu dhow.


Baarista Cudurka Qaaxada


Waxaa jira laba nooc oo baaris ah oo lagu ogaado bakteeriyada cudurka qaaxada ee jidhka ku jirta:


1. Baarista tubbada ee dubka (TB Skin Test)


2. Baarista tubbada ee dhiigga (TB Blood Tests)


3:Baaristaas waxaa lagu sameeyaa goobaha caafimaadka, waxaana haddii lagaa helo falgal togan (positive reaction) mid ka mid ah baaristaas, laguugu gudbin doonnaa baaris kale si loo ogaado inaad qabto qaaxada qarsoon ama cudurka qaaxada.


4:Haddii aad u malaynaysid inaad la dhaqantay qof qaba cudurka qaaxada, la xiriir kooxaha daryeelka caafimaadka si lagaa baaro cudurka qaaxada, ugana sheeg dhakhtarka ama kalkaaliyaha muddadii aad la joogtay qofka cudurka qaba.


5:Baarista waxaa kaloo ku jira:


Cad yar oo laga soo jarayo nudka buka (biopsy of the affected tissue).


Dheecaan laga qaadayo hunguriga (bronchoscopy).


Raajo lagu sawirayo laabta.


Sawirka iskaanka ee (CT scan).


Candhuufto lagu baaro shaybaadhka oo la beero.


Ilayska interferon-gamma oo dhiigga lagu baaro sida QFT-Gold oo xanuunka tubbada lagu baaro.


6:Dhakhtarka ama kalkaaliyuhuna waxay ka baaraan jidhka sida:


Faraha gacmaha iyo kuwa cagaha oo laga eegayo (clubbing of the fingers & toes).


Qanjidhada qoorta iyo kuwo kale oo barara ama adkaada.


Dheecaan ku samaysma xuubka sanbabka (pleural effusion).


Sanqadh neefsashada ka dhasha (crackles).


Ka Hortagga Cudurka Qaaxada


Si looga hortago cudurkan qaaxada, badanaa dalalka uu sida aadka ah ugu dhaco cudurkani waxaa dadka la siiyaa tallaalka BCG, in kastoo aanu tallaalkani ahayn mid wax-ku-ool ah, oo uu waxtarkiisu yar yahay.


Qaaxada iyo Adduunka


Qaaxadu waa cudur la iska daweyn karo, daweyntiisuna waa mid ka mid ah kuwa ugu kharashka yar, oo waxaa ku baxa daweynta 6-da bilood ah. Sannadkiiba illaa 9 milyan oo qof ayaa qaada cudurka qaaxada, saddex-daloolna ma helaan adeegyada caafimaad iyo daryeel. Cudurkaasna waxaa sannad walba u dhinta illaa 1.3 milyan oo qof.


Lacagta loo qoondeeyey in lagula tacaalo qaaxada ee loo qorsheeyey 108 waddan oo dunida ka tirsan waxay dhan tahay $4.7 bilyan oo Doollar Mareykanka ah. Maalinta Qaaxada adduunka oo ahayd 24-kii Maajo 2014, waxay ujeedadeedu ahayd in ay kor u qaaddo wacyigelinta 3 milyan oo qof oo qaba cudurka Qaaxada dunida oo dhan oo aan haysan wax daryeel iyo daweyn ah. Kuwaas oo ay intooda badani ku nool yihiin dadyowga ugu faqiirsan iyo bulshooyinka ugu nugul dunida oo ay ka mid tahay Soomaaliya.


Waxaa hadda la xaqiijiyay in ay soo yaraatay tirada dadka qaadaya Qaaxada sannadihii u dhexeeyey 1998 – 2000. Ku dhicitaanka cudurka Qaaxadu wuxuu ahaa sannadkii 1998-dii 58%, 1999-kiina wuxuu ahaa 44%, 2000-na wuxuu ahaa 21%. Waxaa la oddorosayaa in dalka intiisa kalena ahaa mid la mid ah.


Guud ahaan cudurka Qaaxada waxa uu ka mid yahay aafooyinka caafimaadka guud ee caalamka, gaar ahaan Soomaaliya, oo tiro aad u badan ay u dhimato sida ay sheegayaan warbixinada xarumaha caafimaadka. Taasna waxaa ugu wacan dadka Soomaaliyeed oo aan dhib weyn u arag cudurada ama qofka oo aan iska daweyn ilaa cudurka uu soo rito ama uu u dhaqaaqi waayo. Tani waxay keentaa in difaaciisa uusan u dulqaadan daawada, taas oo sababi karta in uu cudurka u dhinto ama daawadu wax ka tari waydo, bakteeriyaduna xoog yeelato ama ay dhaafto heerka dawada ay dili karto.


Daaweynta. 


Qaybaha loo qaybiyo qaaweynta cudurka qaaxada.


Qaybaha Daaweynta bukaanka.


1. Bukaan cusub oo xaakadiisa laga helay bakteeriyada.


2. Bukaan aad ula liita cudurka qaaxada sambabbada Xaakadiisa aan laga helin bakteeriyada.


3. Bukaan qaba qaaxada qaybaha kale ee jirka ee ka baxsan( sambabada)


Aad ula liita cudurka.


Daawooyinka la siinayo


1:2 bilood oo la siinayo dawooyinka:

Isoniazid + Rifampicin + Pyrazinamide + Ethambutol = 2 (HRZE).


2:4 bilood oo la siinayo:

Isoniazid + Rifampicin = 4 (HR)

Ama 6 bilood oo la siinayo:

Isoniazid + Ethambutol.


Qeybta 2aad


Bukaannada qaaxada ku soo laabatay ama ku fashilmay daaweyntii horre


1. Bukaan Qaaxada Ku Soo Laabatay:


Bukaan hore u qaatay daawada qaaxada balse cudurku dib ugu soo noqday.


2. Bukaan Lagu Fashilmay Daaweyntiisii Hore:


Bukaan aan si buuxda uga bogsan daaweyntii hore ee qaaxada, iyadoo ay u muuqato in bakteeriyadii weli firfircoon tahay.


3. Bukaan Daawada Kala Jaray in Ka Badan 2 Bilood:


Bukaan daawada qaaxada hakad geliyay muddo ka badan 2 bilood, taasoo keentay halis sare oo dib u soo noqosho cudurka ah.


Habka Daaweynta:


2 Bilood:Waxaa la siinayaa dawada Isoniazid (H), Rifampicin (R), Pyrazinamide (Z), Ethambutol (E) iyo Streptomycin (S).


Qaacidada: 2(HRZES).


5 Bilood:Waxaa la siinayaa dawada Ethambutol (E), Rifampicin (R) iyo Isoniazid (H).


Qaacidada: 5(ERH).


Qaybta 3aad


1:Bukaannada qaba qaaxada jirka ee ka baxsan sambabada oo iska sahlan.


2:Bukaanada carruurta ah oo ay da'doodu u dhaxyso 7-14 sanno oo xaaladoodu sahlantahay.


Daaweyntooda.


1:2 bilood oo la siinayo Isoniazeid + Refampcin + parazinamide = 2(HRZ).


2:4 bilood oo la siinayo Isoniazeid + Refampcin = 4(HR).


Qaybta 4aad


Bukaan hadda ka hor laba jeer daaweyntiisa lagu guul-darreystay.

Waxaa loo wareejinayaa daawooyinka safka labaad (2nd line Anti TB drugs).


Waa daawooyin kayd ah oo loogu talagalay in loo isticmaalo bukaannada ay daawooyinka safka hore waxba ka tari waayeen, waxaana kamid ah:


1:Aminoglycosides.

2:Theoamides.

3:Fluoroquinolones -Cycloserine.


Waxa qasab ah in la baro bukaanka saamaynta ay ku yeelan karaan dawooyinkani loona sheego halista ay ku keeni karaan. Qaar ka mid ah dawooyinkan ayaa waxa ay u baahan yihiin in xubno gaar ah aad loo ilaaliyo oo lala socdo hadba xaaladooda maadaama ay hagardaamayn karaan dawooyinkani.  Bukaanku waa inuu la socdaa aragiisa guud ahaan iyo midabada qaarkood gaar ahaan. Waxa uu la kulmi karaa bukaanku in ay is beddesho midabka kaadidu, kabiibyo ku timaada qaybo ka mid ah jidhka( gacmaha iyo lugaha), matag iyo yalaalugo. Dawooyin kan waa in lala isticmaalo vitaminada qaarkood si ay hoos ugu dhigaan dhibaatada dawooyinkan. Waxa ma huraan ah in aad u sheegto Dr-kaaga haddiiba ay xaalad kale kugu timaado inaad qaadato dawooyinka TB-da waayo waa ay saamayn karaan dawooyin ka kale. Waxa aad muhiim u ah in aad joogtayso dawooyinkan si aad uga baaqsato dawooyin ka dheef yar, ka dhib badan kana kharash badan. Waxa aad u kordhaya tirada dadka ku yeelanaya adkaysi dawooyinkan, waana mid ka mid ah carqaladaha ugu weyn ee hor taagan la tacaalidda cudurkan.


Dheegasho.


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad