Casharka 15aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 15aad


Miiqsan Sambabeedka(Pulmonary fibrosis).


Waa xaalad nuddaha sambabka uu noqdo mid adag  taasoo hoos u dhigeysa shaqada sambabada. Adkaanshan waxa uu wax ka beddelayaa habsami u socodka shaqada samababbada, taasoo hoos u dhigeysa ogsijiinta dhiigga ku jirta.  Sambabbada waxa ku ururaya kolaajiin, hannaanka ay ku timaada lama yaqaan, ku ururkaas waxay keeneysaa in ay dhaawacdo ibisiiliyamta sambabbada,iyadoo la carinaayo nooc ka mid ah oo sameeya cadka isku xirraha(fibroblasts), unugyadaan waxay soo saaryaaan kollaajiin iyo borotiinka nud gudeedka taasoo keeneya adkaanshaha nuddaha sambabbada.  


Dhaawaca soo gaadha sambabbada waxaa ka dhallanaya inuu adkaado nuddaha sambabbada, taaso keeni karta waxyaabo kala duwan, tusaale ahaan waxyaaba qaar sumowga ah sida deegaanka wasaqeysan, daaweynta shucaaca,  caabuqa iyo xanuunnada isweerarka difaaca jirka waxay dhaawacayaan kiishashka hawada, dhaawacaasi waxa uu carinayaa nidaamka ka falcelsha waxyabaha jirka soo gala(inflammatory response). Nidamaka falcelinta waxa uu soo deynayaa maadooyin sida cytokines (TGF-BETA, IL1) kaaso carinaya unugyada ka qeyb qaata sameysanka cadka isku xirraha(fibroblasts). Miiqahaasi(Fibrobalaastigaas) waxa uu soo saarayaa kolaajiin taasoo keeneysa adkaansha nuddaha sambabka. Adkaanshaha nuddaha sambabka waxa uu keenyaa in isbeddel ku yimaado hawo qaadashada iyo soo saaristeeda, qofka waxa ku adkaanaya ogsijiinta. Akaanshahaasi haddii uu sii jirro waqti badan sambabbada waxay noqonayaan kuwa giigsan, waxa yaraanaya xaddiga hawo cusbooneysiinta.


Maxaa keenna?


1:Lama yaqaan waxa saxda ee keenay(Idiopathic ). Waxyaabaha carinaya inuu dhaawac soo gaadho ibisiiliyamta kiishashka hawada lama yaqaan, carqalad ku timaada unugyada cadka isku xiraha sameysankiis ka qeyb qaata ayaa isbadin xooggan sameynaya, iyo in ay ka buuxsamaan nud gudeedka sambabada.  Waxaa kaloo kaalin ku leh isbeddelka ku yimaada hidda sidaha(TERT, TERC AMA MUC5B)kuwaasoo u nugleysiinaya inuu adkaado nuddaha sambabada. 


2:Waxaa kaloo keenna deegaanka iyo goobta uu ka shaqeeyo qofka. Meelaha busta leh, goobaha warshadaha kiimada sameeya, qofka waxa uu qaadanayaa waxyaabahaas waxay toos u dhaawacayaan ibisiiliyamta sambabbada(Silica, asbestos, coal dust).


3:Isweerarka difaaca(Autoimmune Diseases). Isweeearka difaaca waxa uu dhaawacayaa ibisiiliyamta kiishashka hawo mareenka. Kuwaasoo carinaayo unugyada ka qeyb qaata sameysanka cadka isku xirraha, iyo nud gudeedka inuu ka buuxsamo borotiinka( xanuunnada 

Rheumatoid arthritis (RA), systemic sclerosis, Sjögren’s syndrome).


Rheumatoid arthritis. Waa ololka ku dhaca ama saameeya kala goysyada iyo habdhiska jirka.


Pneumonia: ololka oof-wareenta  waa caabuq saameeya kiishka hawada mid ka mid ah sambabada ama labada sambab.


Lupus: waa xanuun is weerarka difaaca uu keeno, kaasoo saameya nuddaha jirka iyo xubnaha.


4:Waxaa kaloo keenna dawooyinka qaar sida: Amiodarone, bleomycin, methotrexate, nitrofurantoin. Daawooyinka waxay sarre u qaadayaan jareere ku jirra ogsijiinta(reactive oxygen species) kaaso qalqal  ku keenaya, toos waxa u saameynayaa unugyada kiish haweedka. Ugu dambeyn waxa uu keenayaa nuddaha inuu adkaado.


5:Waxaa kaloo keenna Shucaac(Radiation), shucaaca waxa uu dhaawacayaa DNA iyo indhosiiliyamta, kuwaasoo carinaya miiqaqa( fibrobalaasto). Taasoo soo sareysa kolaajiin fara badan, kolaajiintaasi waxay ku urureysaa nuddaha sambabbada.


6:Waxaa kaloo keenna caabuq(Infectious Causes). Sida tiibeyda, covid-19, caabuqa fayngaayga. Waxay kaanayaan dhaawaca kiish haweedka.


Calaamadaha 


1. Shortness of Breath (Dyspnea): Neefshada oo yaraada gaar ahaan xilliga  qofka shaqo uu qabanayo ama Jimisiga.


2. Chronic Dry Cough:  qufac qallan oo raaga.


3. Fatigue and Weakness:  Daal iyo tabbar darro, waxay ka dhallaneysaa ogsijiin yarida,  baahida ogsijiinta oo badata.


4. Chest Discomfort: qofka waxa yu dareemayaa nafis xumo xagga laabta ama xanuun aan badneyn.


 5. Loss of Appetite: qofka oo wax cuni waayo taasoo keeneysa miisaanka oo hoos u dhaca.


6:Clubbing of Fingers:  wareegga faraha oo weynaada, taasoo ugu wacan ogsijiin yari.


Baadhitaanka. 


1:Chest X-ray: raajada waxay inna tusineysaa haddii uu adkaansho nudeed jirro. Mararka qaar wax isbeddel ah innama tusineyso.


 2:Computerized tomography (CT) scan.  Iskaanka waxa laga eegayaa xagal waliba qaabdhiska sambabada,  isagoo innaga caawinaya heerka uu dhaawacan yahay sambabka.


3:Spirometry. Waa hubbin lagu eegayo dagdaga hawada, ama haddii ay hooseyso, inta hawada sambabada ku hadheyso ama la soo saarayo.


4: Lung volume test. Waa hubbin lagu cabiraayo cadadka hawada sambabada.


5: Arterial blood gas test.  Hubbinta dhiiggan oo laga qaadayo xiddidka cumaamunta, waxa la eegayaa heerka ogsijiinta iyo kaarboon laba ogsaydhka. 


6:Echocardiogram. Waxa la eegayaa heerka shaqada wadnaha. Sidoo kale waxa la hubbinayaa cadaadiska xiddidada dhiigga ee sambabada. Iyo qeybta midig ee wadnaha.


Daaweynta. 


1:Oxygen Therapy: waxa la siinayaa ogsijiin,  si markaasi loo hagaagiyo ogsijiinta bukaanka, si markaasi sarre loogu qaado nafaqada nuddaha sambabbada. Isagoo wanaajinaya neefshada qofka.


2:Antifibrotic Agents: sida  Pirfenidone waxay hoos u dhigeysaa badashada unugyada cadka isku xirraha badiya, iyo sameysanka xad dhaafka kollaajiinta, iyo kuwa ka falcelsha ololka(TGF-B).


3:Nintedanib faldajiyaha borotiinka unugga (Tyrosine kinase inhibitor) , waxay kaloo xidheysaa qaabilaha indhosiiliyamta koritaanka xiddidada,  iyo badashada miiqaqa(fibrobalaast). Taasoo hoos u dhigeysa sameysanka ama kororka saa'idka ah ee unugyada cadka isku xiraha sameysankooda.


4:Immunosuppressants waxa la siinayaa dawooyinka ololka yareeya.  azathioprine dawadan waxay hoos u dhigeysaa ololka raagga iyo adkaanshaha la xidhiidha isweerarka difaaca jirka ee saameynta ku yeeshay sambabbada,  sida ololka ku dhaca kala goysyada(rheumatoid arthritis). Dawada waxay hoos u dhigayaan in ay bataan unugyada difaaca jirka( T AND B Lymphocyte) iyagoo hoos u dhigaya falcelinta xooggan ee difaaca.


5:Waxa la siinayaa Corticosteroids si looga yareeyo ololka ( Prednisone): waxay hoos u dhigaysaa daawadani ololka sambabka kuwaasoo hoos u dhigaya cartanka xooggan ee difaaca jirka.  Iyagoo xidhaya unugyada ololka, si markaasi loo yareeyo dhaawaca nuddaha kiish haweedka.


6:Lung Transplantation: Marka ay xaalada darran tahay qofka aanu waxba ka tarin daawooyinka, waxa loo sameynayaa sambab beddel. 


7:Pulmonary Rehabilitation:  waxa loo sameynayaa jimicsiga sambabada isagoo la siinayo qalab uu afuufayo si markaasi loogu jimciyo  saableydiisa,  taasi waxa ay innaga cawineysaa  in ay hoos u dhacaan calaamadaha qofka,  neefsashada yar iyada wanaagsanaata, tayada qofka ay soo reyso.


Tixraaca. 


1. Harrison's Principles of Internal Medicine


2. Current Medical Diagnosis and Treatment


3. Amboss


4. Medscape


5. Mayo Clinic


6. Cleveland Clinic


7. National Library of Medicine (PubMed)


8. American Thoracic Society (ATS) Guidelines


9. British Thoracic Society (BTS) Guidelines


10. Ferri’s Clinical Advisor


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad