Casharka 16aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca!


Casharka 16aad


Malaxaysiga moqor sambabeedka(Empyema).


 Malax lagu arko duleel(moqor) ku yaala feeraha hoostiisa, waxay ka dhalataa cuduro jeermis ah oo ku dhaci kara sambabada, waa xaalad aad halis u ah oo dawadeeda tahay qaliin lagu soo saaro wixii malaxdaas sababay oo keliya.  Badanaa waxa keenna waa caabuq ay dhallisay bakteeriyo,  caabuqaasi waxa uu horseedayaa in uu olol ku yimaado moqorka sambabka (pleura) iyo kiisha haweedka, taasi waxa ka dhallaneyso in moqorka burbur soo gaadho hoorohii ku jirray ee isku dheellitirnaa. Xaaladani marka ay jirto xiddidada indhosiiliyamteeda ayaa qarxa, dilaacaasi ku yimid waxa uu keenayaa in hooraha iyo borotiinka ku jirra uu ku soo ururo, unugyada cad, moqorka sambabka,  taasina waxa ugu wacan ololka(infalamayshanka), taasina waxay dhaawaceysaa nuddaha moqorka sambabka. Waqti badan haddii ay sii jirto malaxda ku sameysanta sambabada moqorkooda , waxa ka buuxsamaya madada fibriinta, taasoo horseedeysa sameysanka qalaad isjiidka u dhexeexaya moqorka sambabka banaanka iyo midka ku dhagan,taasina waxay keeneysaa ka buuxsankaasi in sambabada ay adkaadan. Moqorka waxa uu noqonayaa mid adag, oo nabar yeesha. Sunta bakteeriyada soo deyso(exotixin, endotoxins) waxay dhaawaceysaa moqorka, taasoo ka qeyb qaadaneysa sameysanka malaxda. Waxyaabaha marka ololka jirra la soo daayo(IL1,TNF-a) waxay ka qeyb qaataan iyagana sameysanka malaxda.


Maxaa keenna?


Oof wareenku waa xanuun ku dhaca sambabada kaas oo ay keento jeermisyada sida (Virus,Bacteria ama Fungi) kuwaas oo sambabbada gudihiisa dhammaan ama qayb ka mid ah ku samaynaya olol(inflammation) kiishashka hawada (alvеoli) ka buuxsamayaan dareere ama malax. Oof wareenta waxay horseed u noqoneysa in moqorka sambabka uu ku ururo malax, marka uu caabuqa saameyso nuddaha sambabada  waxa uu keenayaa olol, waxa ka dhallaneysa in hooraha uu ku ururo godka moqorka(pleural cavity), haddii aan la daweyn oofwareenta  waxa uu noqdaa mid malaxoowa moqorka iskuna beddella malaxaysiga moqorka(empyema). Noolaha ugu badan Keenna  Streptococcus pneumoniae, Staphylococcus aureus, iyo Klebsiella pneumoniae.


 Waxaa kaloo keenna Dhaawaca soo gaara laabta ama jug, waxa ay keeneysaa malaxda malaxaysiga moqorka sambabka, taasoo si toos u keeneysa ama si dadban, qofka  oo lagu muddo midi ama waxyaabo kale sida rasaas, bakteeriyada waxay toos u tageysaa moqorka,  taasoo keeneysa caabuq, taasina waxay keeneysaa sameysanka malaxda moqorka. Mararka qaar waxa keenna xaalado bukaanka loo sameynayo sida in feeraha laga soo saarayo hoore loona galinayo tubbada saableyda(chest tube), iyadana way ka qeyb qaadan kartaa sameysanka malaxda.


 Laab-jeexa waxa uu keenayaa malaxaysiga moqorka sambabada(Gastric acid reflux), marka uu qofka laab-jeexiisu daran yahay aysiidha caloosha ka soo roganta waxay soo gaadheyaa hunguriga,  iyadoo markaasi aadeysa marinka hawada lana yiraahdo marrin mar qaldan, cunno,dareere,calyo, u gudubta marrinka hawada(aspiration),taasi waxay keeneysaa asalka nuddaha sambabada in ay olol noqdaan kaddib ay keento oofwareen, haddii caabuqaasi ku sii baaxad weynaado moqorka(pleura) waxa uu keenayaa sameysanka malaxda.


 

Difaaca jirka oo hooseeya wuxuu kordhiyaa halista qatarka qofka moqorka sambabka uu ku sameysmo malax taasoo ka dhigaysa mid u nugul caabuqyada. Marka nidaamka difaaca jirka uu xumaado, jirku ma awooddo inuu si hufan uga hortago bakteeriyada, taasoo u oggolaanaysa inay ku faafaan sambabada oo gaaraan fogaanta moqorka (pleural space). Tani waxay keeni kartaa oofwareen taasoo haddii aan si wanaagsan loo maareyn, ugu dambeyntii u horseedi karta malaxda moqorka. Liidnaanta difaaca dadka leh sidaas ayay ugu nugul yihiin xaaladan. Difaaca ma awooddayo, awood uu ku xakaameyo bakteeriyada.


Xanuunka macaanka(Diabetes mellitus). Waa qatar siyaadin karta inuu qofka yeesho malaxaysiga moqorka sambabka, tasoo ugu wacan sokorta qofka aan xakameysneyn, taasina waxay keeneysaa inuu daaciifsanaado difaaca jirka,  jirka waxa uu awooddi weynayaa inuu la dagaalamo caabuqa. Xaddiga sokorta jirka oo sarreysa waxay keeneysaa inuu caabuq jirka saameeyo, bakteeriyadaasi waxay keeneysaa oofwareen, taasoo haddii aan laga hortagin u gudbeysa in ay ku faafto fogaanta moqorka sambabada, ugu dambeyn keeneysa sameysanka malaxda. Macaanka waxa uu dhaawacayaa xiddidka yaryar ee nuddaha sambabada taasoo keeneysa in qofka u nuglaado hambaabuqa(Infection).


Qaaxada(Mycobacterium tuberculosis) waxa sababeysa caabuqa raagga ee fogaanta moqorka, taasina waxay keeneysaa in qofka yeesho ama ku sameysanto malax moqorka.


 

Calaamadaha. 


1. Chest pain: laab xanuun, qofka uu dareemayo in laabta wax looga jarrayo oo kale

2. Cough: qufac joogta ah kaasoo uu la socdo xaako ur leh.

3. Fever: qandho, jarees.

4. Dyspnea (shortness of breath): Neefshada oo qofka ku adkaata, gaar ahaan xilliga uu dhacdiidja u saeexdo.

5. Fatigue: qofka oo daal xoogga dareema.

6. Sweating: dhiddid marka qaar habbeen ayuu dhiddidayaa.

7.Decreased breath sounds: codadka sambabka oo yaraada, taasoo ugu wacan hooraha ku ururay godka moqorka.


 

 Baadhitaanka. 


1:Chest X-ray:  raajada waxay inna tusineysaa haddii uu jirro hoore Ku urursan moqorka, iyadoo lagu ogaanayo heerka hooraha.


2:CT Scan:  waa baadhitaanka ugu fiican lagu ogaanayaa warbixin dhammeystiran, haddi uu jirr hoore ku urursan moqorka, ama malax.


3:Ultrasound:  waa Hage marka loo baahdo in laga soo qaado dheecan tusaale ah si loo ogaado sababta keentay xaaladan(thoracentesis). 


4:. Thoracentesis (Fluid analysis): waxa laga soo qaadayaa hoore, haddii uu yahay malax ama hoore,si markaasi loogu saameyo soocid,  haddii muuqalka waxaasi yihiin malax iyo in kale. 


5:WBC count: badanaa unugyada cad waxay noqdaan kuwa kacsan.


6:Gram stain and culture:  waxa laga qaadayaa baadhitaan si markaasi loo xaqiijiyo noolaha saxda ee keenay nooca bakteeriyada. 


Daaweynta.


1:Oxygen therapy: Bukaanka waxa la siinayaa ogsijiin si markaasi loo saxo ogsijiin yarida heysa.


2:IV fluids:  wax la siinayaa hoore si markaasi loo saxo qalqalka curaarta jirka. 


3:Nutritional support: waxa la siinayaa nafaqo dhammeystiran, si markaasi bogsashadiisa u qummanaato.


1.  Malaxaysiga moqor sambabka bulshada dhexdeeda laga qaado (Community-Acquired Empyema):


Doorashada Koowaad:


Ceftriaxone ama Cefotaxime oo lagu daray Metronidazole. Ama Ampicillin-sulbactam.


Levofloxacin ama Moxifloxacin (haddii qofku leeyahay xasaasiyad β-lactam) oo lagu daray Metronidazole.


Malaxaysiga moqorka sambabka laga qaado xarrumaha caafimaadka  (Hospital-Acquired Empyema):


Doorashada Koowaad:


Piperacillin-tazobactam.


Cefepime oo lagu daray Metronidazole.


Meropenem ama Imipenem-cilastatin (kuwa xooggan ee caabuqyada lagu dawayn kara).


Talooyin Muhiim ah:


1. Daawada antibiyootiga waa in lagu hagaajiyaa natiijooyinka baaritaanka iyo nooca jeermiska (culture and sensitivity).


2. Waxaa wanaagsan in antibiyootiko la bilaabo ka dib markii laga qaado muunada dheecaanka xabadka si loo baaro jeermiska sababay.


4:Tube Thoracostomy (Chest Tube):  waxa loo galinayaa tubbo, si  markaasi looga soo saaro malaxda ceegaagta moqorka sambabka, hannaankani waxaa Hage ahaan loo istimaalayaa kombuyuutarka(ultrasound). 


Video-Assisted Thoracoscopic Surgery (VATS), waa qalab loo isticmaalo in lagu soo saaro dareeraha ama malaxda ku ururta moqorka sambabka. Waxa la isticmalaa marka lagu fashilmo tubbada xabadka. Si looga soo saaro waxyaabaha adag. 


Tixraaca. 


Harrison's Principles of Internal Medicine


2. Current Medical Diagnosis and Treatment (CMDT)


3. Fischman’s Pulmonary Diseases and Disorders


4: Oxford Handbook of Respiratory Medicine


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad