Casharka 5aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.


Casharka 5aad


 Hunguriga cadka(Trachea):


Hawo mareenka waa tubbo dhuunta ku taala oo hawada jirka u marta wuxuuna u dheer yahay xagga hoose asagoo gaaraya heerka 5aad ee 5 ricidh saableyda( ththoracic vertebra) halkaas oo ugu sii qeybsamo dhanka sambabada midig iyo bidix.Sambab walba waxaa ku yaala  hal farac (bronchi) qiyaas ahaan dhererkooda wuxuu gaarayaa 10 ilaa 11sm waxayna dhacaan qeybta dhexe ee hunguri mareenka (esophagus).Qaab dhismeedka hawo mareenka (trachea)


Xagga kore waxaa ka xiga qulaanqushta (larynx-ka) halka xagga hoosena uu ka xigo waxa loo yaqaano farac hunguriga (bronchi) midig iyo bidix, dhanka gadaale hunguri mareenka ayaa kala saara hawo mareenka iyo laf dhabarta sidoo kale dhinacyada waxaa ka xiga sambabada iyo labada qeyb ee qanjirka tayroodhka thyroid-ka).

Darbiga hawo mareenka (trachea) wuxuu ka kooban yahay seddex xuub oo cad ah, afka furan ee hawo mareenka waxaa isku haaya unug u sameeysan sida calaamada xarafka C oo kale kuwaas oo tiradooda u dhexeysa 16 ilaa 20 waana kuwa is dhammeystira.


Xuubabkaan waxay ka sameeysan yihiin carjawyada loo yaqaanno hyaline cartilage waana kuwa is dulfuula ama isa saarsaaran xuubabkaan u sameeysan sida xarafka C oo kale qeybta gadaale ma dhammeystirna maadaama hawo mareenka uu ka soo horjeedo (esophagus-ka).


Carjawyada waxaa ku xir xiran murqo jilicsan iyo cadaha isku xiraha kaas oo sidoo kale sameeya darbiga gadaale.Hawo mareenka waxaa ku dahaaran seddex xuub oo kala ah xuubka sare, xuubka dhexe iyo xuubka hoose.

Xuubka dibada wuxuu ka kooban yahay unugyada loo yaqaano miiqane( fibrous) iyo nudde loodsane(elastic tissue ) sidoo kale xuubka dhexe ee hawo mareenka asigane wuxuu ka kooban yahay carjawyo iyo xargaha murqaha jilicsan taasoo dabeysha ay ku wareegto hawomareenka waxayna hawada ugu wareegtaa sida moolada oo kale (helical arrangement).Gudaha hawo mareenka waxaa laga helaa qaar kamid ah cadadka loo yaqaano isku xirayaal nuddeed(areoler tissue) oo ku jira dhiig xididada dheecaannada (lymph vessel) waxaa kaloo ku jira dareenwade lagu magacaabo dareenwadaha ismaamula( autonomic nerves).

Carjawayada aan dhammeystirneyn meelaha ay ku dhammaadaan waxaa isku xira murqaha uu lee yahay hawo mareenka, murqahaas oo u ogalaada in uu isku dubarido shaqada hawo mareenka.


Xuubka hoose ee hawo mareenka waxaa ku dahaaran unugyada loo yaqaano (ciliated columner epithelium) waxaana ku jira unugyada soo daaya xabka(mucous-ka) unugyadaas waxaa lagu magacaaba unugyada soo saara xabka(globet cell).

Carjawyada hawo mareenka ayaa ka shaqeeya in hawo mareenka had iyo jeer ahaado mid furan laakin nudaha jilicsan xargaha u dhexeeya carjawyada ayaa u ogolaada in ay noqdaan kuwa dabacsan sidaasi darteed madaxa iyo qoorta si xor ah ayey u dhaq dhaqaaqi karaan.

Hawo mareenka qeybtiisa gadaale ee aan carjawyada laheyn ayaa u ogolaata hunguri mareenka in uu si waasac ah ugu fidsamo hawo mareenka inta lagu guda jiro liqida raashiinka.


Isku soo aruurka ama fidsanaanta uu sameeyo murqaha hawo mareenka ayaa wuxuu isku xiraa meelaha dhammaadka carjawyada muuqaalkooda sida C-da oo kale u sameeysan (C shape cartilage) waxayna ka kaalmeeyaaa in uu xoojiyo dhexroorka hawo mareenka.Halbowlaha dhiigga siiya hawo mareenka inta badan wuxuu ka yimaadaa xagga kore ee qanjirka tayroodhka (thyroid-ka) halka halbowleyaasha iyo xididada farac hungurig(bronchi-ka) ka yimaada ay ku noqdaan xagga kore ee xididada qanjirka tayroodhka (thyroid-ka ) ilaa ay ugu darsamaan arooreyaasha lagu magacaabo xiddido sureed( brachiocephalic vein).

Dareenwadaha dareenka siiya hawo mareenka wuxuu ka yimaada dareenaidaha qulaanqushta(laryngeal nerves) iyo qeybaha kale dareensidaha naxariista(vagus parasympathetic nerve) hadii lagu sameeyo kicin waxay xiraan hawo mareenka, sidoo kale sympathetic nerves ayagane haddii lagu sameeyo kicin waxay balaariyaan hawo mareenka dareeraha ka yimaada marinada hawo mareenka wuxuu ku soo shubmaa qanjirada dheecaannada (lymph node) kuwaas oo ku yaala wareegga hawo mareenka iyo barta loo yaqaano carjow dheer(carina )waa meesha uu ugu qeybsamo laba farac hunguriga (bronchi).


Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan casharkan bulsho u faa'idaynta ah ilana soco (Follow) haddii aadan ila socon si aad bogan uga hesho casharo faa'ido leh.


W/DIndha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad