Casharka 6aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 6aad


Sambab galayaasha.


Sambab galayaashu waa laba dhuumood oo gaagaaban una dhismo eg hunguri cadka. Dhuumahaasi waxay galaan sam- babada waxayna u sii farcamaan dhuumo badan, kuwaasoo is- la markaa iyana u sii farcama dhuun yarooyin ka dhex dhasha sambabada. Dhuumaha waaweyn ee sambab gaalyaasha waxa ku xeeran carjow sida hunguriga oo kale, dhuunyarayaasha ma laha carjowdaas, waxayna ka dhisan yihiin muruqyo keli ah. Labada kooxood ee dhuumaha ahi ee aynnu kor ku soo sheegnay waxay leeyihiin xuub axal oo gaas leh. Dhuumaha yari xagga dambe waxay ku leeyihiin meelo banbannaan oo u sii daloola alifooliyada. Alfooliyada ama kiishash ka yar yari waa kuwaa soo sheegnay. Waxtarka kiishashkaa yar yari waxa weeye si ay u weynaato, badda ay ka dhacayso isweydaarinta ogsijiinta galaysa dhiigga kabilaariska iyo kaarboon laba ogsaydhka u gudbaya aifiyooliyada si loo qashin saaro.


Sambabada


Sambabadu waa laba xubnood oo waaweyn kuna yaala saablayda labadeeda baalood waxayna labada dhinac ka xigaan wadnaha. Sambabadu waxay u qaab egyihiin toobin wa na buuxiyaan moqorka saablayda intiisa badan. Caarada waxay la gaaraan meel ka horraysa feedha ugu sarraysa, salka hoosena waxay ku hayaan bogga. Sambabadu nacyadooda u jeeda wadnaha way ka xordhan yihiin si wadnaha meel le'eg ay ugu banaanaato. Dhinacaasi xordan ayaa waxa ka gala sambab galayaasha, halbawlaha sambabka, dhuumaha limfka iyo dareenwadayaasha, waxana ka soo baxa arooraha sambabka, dhuumaha limfka iyo aroorayaal yar yar oo kale.


Sambabka wuxu ka kooban yahay :.


1. Marinno hawo iyo alfiyoolyaal.


2. Halbowle sambabeed, kabilaariyo iyo aroorayaal.


3. Nudo isku-xira-yaal ah oo kala jiidma,


Marka sambabadu soo galaan sambab galuhu wuxu u sii farcamaa dhuumo yar oo marba marka ka dambeysa sii yar yaraada, meesha ugu dambeysana ku leh kiishash yar yar oo ha- wo galeen ah. Sidaas oo kale ayaa halbowlaha sambabkuna ugu farcamaa dhuume yar yar oo marba sii yaraada, marka ugu dambaysana noqda kabilaariyo ku falkan gidaarrada alfiyooli- yada. Alfiyooliyada waxa kale oo ku falkan aroorayaal aad u yar yar oo ka ururiya dhiigga kaabilaariska kuna celiya wad- naha. Dhismahaasi ka kooban kabilaariska iyo aroorayaasha ee ku dul falkan alfiyooliyada ayaa hawsha ugu weyn ee iswaydaarinta hawooyinka ka dhacaan.Sambabadu waxay kala yihiin laabab, ka midigtu u qaybsama 3 laab, ka bidixduna 2 laab. Sidaas darteed ayaa wadnaha ugu badan yahay dhinaca bidixda. Sambabada waxa dusha kaga dahaaran xuub la yiraahdo biluura oo ka kooban lakab oo ah xuub siirows ah.


Apex:waa qeybta ku wareegsan sambabka taasoo xigta xagga sare ee qoorta (roof of the neck) asagoo 25cm u jira lafta kalxanta (clavicle) wuxuuna dhacaa uuna u dhowyahay feerta ugu horreysa iyo xididada dhiigga iyo dareensidayaasha ku jirta qoorta korkeeda.


The base (salka): qeybtaan waa qeybta u sameeysan muuqaalkooda sida bisha haafkeeda oo kale waxayna dhacaan qeybta kore ee xuubabka kala saara unugyada jirka bogga( diaphragm)-ka.

Bogga(Diaphragm)-ka waa xuub muruqeed dhuuban oo qaab wareegsan u sameeysan kaasoo kala bara xabadka iyo ubucda jirka, wuxuuna gaaraa xubnaha feeraha, laf dhabarta wadnaha iyo sambabada murqahaan wuxuu aad muhiim ugu yahay neefta jirka sababatoo ah waa mid had iyo jeer kor iyo hoos u kaca marka uu qofka neefsado ama uu neef qaato.


The costal surface: qeybtaani waa qeybta ugu ballaaran waana qeybta banaanka ee wadnaha taasoo si toos ah u dhacda kasoo horjeedka carjawyada (costal cartilage) feeraha iyo murqaha( intercosta muscles-ka.

Intercostal muscules-ka) waxaa loola jeeda feeraha murqaha u dhexeeya haddaan si kale u dhahno feeraha wey isdulsaaran yihiin qeybna waa sagaal 9 qeybna waa toban 10, labadii feerba waxaa u dhexeya murqo, muruqyadaas u dhexeeya feeraha ayaa waxaa loo yaqaana muruq saabley)intercostal muscles).


Media surface: oogada dhexe ee sambabwalba wuxuu si toos ah uga soo horjeedaa sambabka kale ayagoo isaga soo horjeedaan meesha banaan ee u dhexeysa labada sambab, sambabwalba wuu godan yahay wuxuuna leeyahay meel muuqaalkeeda u sameeysan sida seddex xaggal oo kale waxaana lagu magacaabaa xuddun (hilum) heerka 5th, 6th iyo 7th ee ricidh saabley(throcic vertebrae).


Biloowga farac hunguri(bronchus-ka) halbowlaha sambabka dhiigga geeya iyo labada xidid ee gala sambabka sida aroore sambabeed (pulmonary vein) iyo halbowle sambabeed (pulmonary artey) waxay kusoo shubmaan farac hunguriga(bronchus-ka koowaad, halbowlaha bronchus-ka), xididada dareereyaasha iyo neerfayaasha waxay galaan farac hunguriga kowaad inta aan soo sheegnay dhan sida xidida dareerayaasha, neerfayaasha ee ka soo gala dhanka farac hunguriga (bronchus-ka) koowaad waxayna uga sii gudbaan barta xuddunta (hilum-ka.)Farac hunguriga (bronchus-ka)waa qeybo kamid ah sambabada:

Dhex-fur(Media stinum)-ka waxaa ku jira wadnaha, xididada waa weyn, hawo mareenka,farac hunguriga (bronchus-)ka bidix iyo midig, hunguri mareenka, qanjirada loo yaqaano lifm (lymph node), xididada (lymph-aha) iyo dareen wadeyaal.Sambabka dhankiisa midig wuxuu u qeybsamaa ilaa iyo seddex qeybood oo kala ah qeyb hoose, qeyb dhexe iyo qeyb kore.Sambabka bidix wuu yar yahay maxaa yeelay waxaa qeyb ahaan ku fadhiya wadnaha, maadaamaa uu wadnaha ku fadhiyo qeybta banaan ee sambabaka dhankiisa bidix wuxuu u qeybsan yahay laba qeyb oo kaliya qeyb hoose iyo qeyb kore, qeybaha u dhexeeya waxaa loo yaqaanaa godad( fissures).


W/D: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad