Casharka 7aad.

 



Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 7aad.




Moqor iyo moqor sambabeed(Pleura iyo pleura cavity):


Ugu horeyn intaanan cashirka u gudi galin waa maxay moqor(pleura) muxuuse yahay moqor sambabeed( pleura cavity)?

Moqor:- waa xuub weyn oo ka hooseeya xabadka kasoo daboola sambabada, wuxuu ka kooban yahay qaab kiish oo kale u samaysan waxaana ku jira dheecaanno, dheecaankaas waxay xuubka ka caawiyaan ilaalinta xubnaha in aysan is xoqin.



Moqor sambabeed (Pleura cavity):waa qeyb banaan oo u dhexeeya xuubabka ubucda qeybtooda kore iyo salkooda.

Hadda waxaan filaa inaad fahantay waxa loola jeedo moqor(pleura) iyo moqor sambabeed (pleura cavity). waxay yihiin.Moqorka wuxuu ka kooban yahay kiishash xuubeed isku xir xiran kuwaas oo ay ku jiraan xadi yar oo dheecaan ah.Sambabka wuxuu riixaa kiishkaan markaas kaddib wuxuu sameeysanyaa laba lakab ama xuub mid kamid ah wuxuu ku dhegaa sambabka halka midka kale uu ku dhegaayo gidaarka xordinta saableyda(throcic cavity).

Moqorka : wuxuu u qeybsamaa laba nooc oo kala ah visceral pleura iyo parietal pleura.

Visceral pleura: wuxuu ku dhegan yahay sambabaka wuxuuna ku wareegsan yahay (lobe) wuxuuna ka maraa godka(fissures-ka ) kaas oo kala sooca.



Partietal pleura: wuxuu ku dhegan yahay gudaha darbiga xabadka iyo oogada xuubka lagu magacabo bogga( diaphram-ka) laakin kuma dhegna qaab dhismeedyada loo yaqaano joog u taxa(media stinum-ka )oo aan hore ugu soo hadalnay waxa uu ka kooban yahay.

Moqor sambabeedka(Pleura cavity-ga) waa meel banaan oo aanan hawo ku jirin sidaasi daraadeed cadaadiska gudahiisa waa taban( negative) marka lagu dabaqaayo cadaadiska hawada sare  hawada ku heeraarsan deegaanka(Atmosphere).Caafimaad ahaan labada lakab ama labada xuub ee moqorka (pleura) waxaa kala saara dheecaan qafiif ah waxaana lagu magcaabaa hoore moqoreed (pleura fluids) kaas oo u ogolaada in ay isla dhaq dhaqaaqaan midba midka kale ayagoo ka hortagaya in ay is xoqaan inta lagu guda jiro neefsashada.



Hoore moqoreedka(Pleura fluid-ka) waxaa soo daaya unugyada ibitiiliyam  ee xuubka ah, labada xuub ee moqor( pleura-aha) waxay kamid yihiin xuubka wadnaha (pericardium of the heart).Marinnada hawada ee sambabada waxaa ku wareegsan unugyada loo yaqaanno nudde-jiidme(elastic tissue) kuwaas oo si joogta ah u jiida nudeyaasha sambabka xaggahilum-ka maxaa yeelay dareeraha moqorka(pleura) ayaa isku haayaa sambabakane wuxuu ahaanayaa mid kala baxsan.

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad