Casharka 9aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 9aad


Neefta(Asthma).


Neefta waa xaalad caafimaad oo muddo-dheer saameysa marinnada hawada. Waxay sababtaa barar iyo ciriiri taas oo xaddideysa isku socodka hawada ee sambabada.Si aad u fahamto cudurka neefta, waxaa lagama maarmaan ah in wax yar aad ka fahamto waxa dhaca markaad neefsaneyso.


Caadi ahaan, neef kasta oo aad qaadatid waxay martaa sankaaga ama afkaaga waxayna hoos ugu dhaadhacdaa hungurigaaga iyo marinnadaada neefta, ugu dambayntiina waxay gaaraysaa sambabadaada.Waxaa jira marinno haweedyo badan oo yar yar oo sambabadaada ku dhaxyaalla kuwaas oo kaa caawiya in ogsijiinta hawada ka soo baxda ay gaarsiiso dhiiggaaga.Astaamaha neefta waxay imaaddaan markii dahaarka marinnada hawadu maraan ay bararaan ka dibna muruqyada yar yar ee ku hareeraysan ay adkaadaan. Waxaa markaas kaddib marinnada hawada buuxinaya  xab, waxaana sii yaraanaya xaddiga hawo ee mari kara meesha.Marka ay sidaasi dhacdo waxaa dareemeysaa neef “qabasho” iyo qufac, waxa kaloo culeys ka dareemaysaa laabta taas oo astaan u ah cudurka neefta.


Calaamadaha neefta


Astaanta ugu caansan ee neefta waa xiiqitaan, oo ah dhawaaq uu qofka sameeyo marka ay neefta ku dhagto.


Calaamadaha kale ee neefta waxaa ka mid noqon kara:


1:Qufac, gaar ahaan habeenkii, markaad qosleyso, ama marka aad ordayso


2:Culeys dhanka laabta ah


2:Neef qabasho


3:Hadalka oo kugu adkaado


4:Cabsi la xiriirta in neefta ay kugu dhagtay


5:Daal


Nuuca cudurka neefta ee aad qabtid ayay ku xirantahy astaamaha aad isku arkayso.Qof kasta oo cudurkan neefta qaba qasab ma aha inuu lahaado calaamadaha aan kor kusoo xusnay. Haddii aad u maleyneyso in calaamadaha aad isku aragtay ay calaamad u noqon karaan xaalad sida neefta oo kale.


Maxaa keena neefta?


Xirfadlayaasha caafimaadku wali si sax ah uma oga waxa keena neefta, laakiin arrimaha la xiriira hiddaha iyo deegaanka ayaa labaduba waxay umuuqdaan inay door muhiim ah ka qaataan cudurka neefta.


Waxyaabaha  keena neefta waxaa ka mid ah:


1. Uurka


Sida lagu sheegay hal daraasad oo lagu kalsoonaan karo, Sigaar cabista xilliga hooyada ay uurka leedahay waxay u muuqataa inay kordhinayso halista cunugga uurka ku jiro inay ku dhacdo neef waqti dambe oo noloshiisa ka mid ah. Haweenka qaarkood waxay sidoo kale isku arkaan astaamo neef yari ah inta ay uurka leeyihiin.


2. Cayilka


Maqaal ayaa sheegay in cudurka neefta uu u muuqdo inuu ku badan yahay dadka cayilan marka loo eego dadka aan cayilneyn. Qorayaashu waxay xuseen in daraasad ay sameeyeen ay ku arkeen in carruur horay u cayilneed marka uu miisaankooda hoos u dhacay ay ka yaraadeen astaamaha neefta.


3. Sigaarka


Sigaar cabiddu waxay kicin kartaa astaamaha cudurka neefta, maqaal laga qoray arrintaan ayaa sheegay in neefta, waxyeello u geysato sambabada qofka xataa haddii uusan cabin sigaar, kawarran marka haddii qofka uu sigaar sii cabo, waxaa qofka kusii kordhaaya halista ah inay ku dhacaan cudurro kala duwan oo saameeya sambabada, kuwaas oo saameen ku yeesha neefsashadiisa.


4. Bay’ada


Waxyaabaha xasaasiyadda keenna sida wasakheynta hawada, guriga gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxay kicin karaan cudurka neefta.


Waxyaabaha bay’ada ka imaada ee kiciya xasaasiyadda neefta waxa ka mida:Boorka,Dufta xayawaanaadka.

Busta ka imaata nadiifinta guryaha iyo rinjiga,Inniinaha kasoo baxa cowska,Qiiqa baabuurta


5. Isku buuqa.


Isku buuqa ama walbahaarka wuxuu keeni karaa calaamadaha neefta, Saynisyahannadu sidoo kale waxay heleen caddayn lagu kalsoon yahay oo sheegaysa in neefta ay u badan tahay dadka qaba xaaladaha caafimaadka maskaxda sida niyad-jabka.Daraasado kale ayaa waxay soo jeediyeen in stress ka muddada-dheer uu horseedi karo isbedello keena neefta joogtada ah.


6. Hiddaha


Waxaa jira ilo lagu kalsoon yahay oo sheegaya in neefta ay ku dhacdo qoysaska. Taasoo macneheedu tahay in waalidka haddii uu qabo cudurka neefta ay u gudbi karaan ilmaha.Dhawaan, saynisyahannadu waxay muujiyeen qaar ka mid ah isbedellada hidde-sidaha ee door ka ciyaari kara cudurka neefta.


1) Intrinsic or idiosyncratic asthma oo ah sabab xaga gudaha jidhka ka timi sida caabuq (infectionka ku dhaca hawo mareenku waa waxa ugu badan ee keenna waxaana ugu badan kuwa uu keeno virus ku),hawo qabaw oo bukaanku qaatay ,jimicsi bukaanku  sameeyay ama isbeddel nafsi ah oo dareenku isbeddelo ,neef qabatinka ay qaybtan koobaad keento waa mid halis ah natiijadiisuna aanay fiicnayn .


2) Extrinsic(allergic,atobic)asthma  waxa keena waxyaabaha qofku allergy ka ku leeyahay ,waxaana sababi karta qofka oo qoyskiisu leeyihiin taariikhda xanuunnada lid-jidheedka  ah leh ,waxaana jidhku soo saraa immunoglobulin khaas ah (IgE type 1).natiijada laga filayo qaybtani waa mid wanaagsan .


Sidoo kale waxa sababi kara inay bukaanka ku kacdo neefta waxa weeye dawooyinka sida Asprin ,dawooyinka kasoo hor jeeda ama cagsi ku ah  kuwa loo qaato xiiqda ee loo yaqaan (Beta-adrenergic antagonist )ama dawo kasta oo lef saamayn taban oo hawo mareen urur ah iyo waxyaabaha lagu midabeeyo cuntooyina ee loo yaqaan (coloring agents”tartrazine”).


Nuucyada neefta


Cudurka neefta waxa uu u dhici karaa siyaabo badan oo kala duwan, laakiin waxyaabaha kiciya inta badan waa isku mid. Waxaa ka mid ah wasakhda hawada ka soo baxda, fayrasyada, dufta xaywaanada, iyo qiiqa sigaarka


Nuucyada cudurka neefta waxa ka mid ah:


1. Mid bilaabata xilliga carruurnimada


Waa muhiim in cunugga uu helo daryeel caafimaad haddii lagu arko astaamaha neefta, maadaama ay noqon karto mid naftiisa halis ku ah. Dhakhtar ayaa kaala talin kara qaar ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee loo maareeyo xaaladda cunuggaaga.


Mararka qaarkood, neefta ayaa laga yaabaa inay soo fiicnaato marka uu ilmuhu qaan gaaro. Balse badanaa, waa ay sii jirtaa ilaa uu qofka ka weynaado waa uuna la noolaadaa.


2. Mid bilaabata xilliyada dambe


Neefta waxay qofka ku dhici kartaa da ‘kasta oo uu jiro. Sida lagu sheegay daraasad la sameeyay 2013, dadka waaweyn waxay uga badan yihiin carruurta inay yeeshaan calaamado joogto ah.


Waxyaabaha qaarkood ee saameeya halista cudurka neefta ee xilliga dambe bilaabata waxaa ka mid ah:


Xasaasiyadda


1:Arrimo la xiriira hormoonno


2:Cayilka


3:Walbahaarka


3:Sigaar cabidda


3. Mid ku xiran xilli gooni ah


Neefta nuucaan ah waxa kiciyo waxyaabo qofka u keena xasaasiyad waxyaabahaas oo imaada xilliyo ka mid ah sanadka. Tusaale ahaan, hawada qabow ee xilliga qaboobaha ama iniinaha ka imaada cowska xilliga xagaaga ayaa kicin kara calaamadaha neefta.


Dadka qaba neef xilliyadeedka, kaliya ma qabaan neefta xilligaas balse badanaa ma dareemaan astaamo xilliyada kale ee sannadka.


Baadhitaanka. 


1:Spirometry. Waxa la miqiyaasayaa ciriirsanka hunguri cadka, waxa la hubbinayaa hawada la saarayo iyo hawada qaadashadeeda.


2: Imaging tests. Raajada waxay innaga caawineysaa qaabdhiska hawa mareenka, ama haddii ay jiraan waxyaabo kale.


3:Allergy testing. Waxa la hubbinayaa waxyaabaha lid-jidheedka ku kicinaya, ama haddii ay jiraan waxyaabo uu cunno ku keenna.


4:Methacholine: waxaa go'aan looga gaarayaa qofka neefta qaba,  taasoo loo istcimaalayo qofka needta qabta. Waxa lagu ogaanayaa heerka cariska hawo mareenka. Waxa la istcimaalaa haddii baaritaannada kale ay caad noqdaan.


5:Fractional Exhaled Nitric Oxide (FeNO): waxa la cabirayaa heerka nitirik ogsaydha, haddii ay kacsan tahay  waxay sheegeysaa ololka hawo mareenka. Gaar ahaan waxa la qiimeynayaa unugyada cad qaar ka  mid ah ololkooda.


 Daaweynta.


Daawooyinka cudurka neefta waxay u kala baxaan labo qaybood oo aasaasi ah:


1. Daawo deg deg ah


Daawooyinkan waa in loo isticmaalaa oo keliya haddii ay jiraan calaamadaha neefta ama “neef qabasho” deg deg ah, Waxay qofka siiyaan gargaar deg deg ah si ay kaga caawiyaan inuu neefsado.


Daaweyntaas waxaa ka mid ah:


Dhanka dawooyinka waxa la adeegsadaa kuwa la yidhaah sambabo kala bixiyayaasha(Bronchodilators) sida:


1)kuwa wakhtiga kooban hawl gala (short acting beta-2  agonist inhalers) sida Albuterol sidoo kalena loo yaqaan  Salbutamol iyo Terbutaline.Walaw ay tahay in laga taxadaro dadka leh xanuunnada wadnaha,fiixda gaar ahaan hypothyroidism,macaanka iyo dhiigkarka .


2) Kuwa loo yaqaan (Anticholinergic drugs ) sida Ipratropium bromide iyo Tiotropium waana kuwo faa'ido u leh in la siiyo bukaannada qaba xanuunnada wadnaha kuwaas oo ay halis u tahay in la siiyo dawooyinka aynnu qaybta 1aad ku sheegnay iyo Theophylline oo ah iyana dawo loo adeegsado xanuunnada sambabada ku dhaca sida asthma oo kale  .


Markay aadka u darantahay heerka xiiqduna waxa la siiyaa bukaanka dawooyinka (Corticosteriods ) la yidhaah oo maalin leh ah kuwaas oo badanaa la siiyo dadka waawayn hoosna u dhiga ololka(inflammation) hawo mareenka kuwaas oo hoos u dhiga kicitaanka neef qabatinka dawooyinkaasna waxa ka mid ah Fluticasone .)


Sidoo kale markay aadka u darantahay waxa la siiyaa bukaanka kuwa wakhtiga dheer hawl gala ee la yidhaahdo (Long acting beta-2 agonist inhalers) sida Salmetarol iyo Formeterol.


Dawooyinka kale ee la siiyo xaaladaha ay aadka u darantahay xiiqduna waxa ka mid ah nooca loo yaqaan (Leukotriene modifiers.) sida  Montelukast,Zafirlukast iyo  Zileuton .


Dawooyinkaan waxay ku fal galaan daqiiqado gudahood si ay u dabciyaan marinnada hawada ee adkaaday. Waxaa loo qaadan karaa qaab neefsasho ah.


Gargaarka deg degga ah


Haddii aad u maleyneyso in qof kula joogo oo qabay cudurka neefta ay kusoo kacday neefta, u sheeg inay si kore u fariistaan kuna caawi inay isticmaalaan dawooyinkooda neefsashada. 


Labo ilaa lix mar ku buufi daawada, Haddii astaamuhu ay sii socdaan in ka badan 20 daqiiqo, mar labaad sii daawada, haddii wareegga labaad ee daawada uusan wax ka tarin, waa inaad ka gaarsiisaa isbitaal si daryeel deg deg ah uu u helo qofka.


Haddii aad tahay qof mar walba u baahan inuu isticmaalo daawooyinka deg degga ah, waxa lagama maarmaan ah in dhakhtarka aad weydiisatid nooc kale oo daaweyn ah oo muddo dheer xakamayn karta neefta.


2. Dawooyin muddo dheer ah


Daawooyinkan, oo maalin walba la qaato, waxay kaa caawinayaan yareynta calaamadahaaga neefta, laakiin ma maareeyaan calaamadaha deg degga ah ee neefta.


Tixraaca 


Healthter


Kumar and Clark's Clinical Medicine


Harrison's Principles of Internal Medicine


Davidson's Principles and Practice of Medicine


Imamu Danish Textbooks of Medicine


Dr-mawliid ku-dar


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad