Casharka 17aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca!


Casharka 17aad


Kansarka sambabbada(lung cancer).


Sambabadu waa xubnaha jirka ee innaga gargaara neefsashada. Waxay ogsijiin siiyaan dhammaan unugyada jirka.Unugyada kansarku waa unugyo aan caadi ahayn(u tarmaya). Unugyada kansarku way ka korniin badan yihiin waana ay ka iskala-qaybin badan yihiin unugyada caafimaad qaba.Unugyada kansarka qaarkood waxay sameyn karaan goobo loo yaqaanno burooyin.Kansarka sambabku waxay dhacdaa marka unugyo ku jira wadnaha is beddelaan oo ay noqdaan kuwo aan caadi ahayn.

Unugyada kansarka sambabku waxay ku safri karaan dhiigga ama dheecaanka jirka oo ay degi karan goob ama xubin kale ee jirka ah, waxaa tan loo yaqaanaa faafitaan(metastasis).


Haddaba Kansarka sambabada (lung cancer) ayaa halis caafimaad oo mudnaanteeda leh. Sambabadu waa xubno muhiim u ah jirkeenna, kuwaasoo shaqadoodu tahay kala beddelka hawada uu jidhkeennu isticmaalayo iyo kuwa uusan u baahnayn. Kansarku wuxuu saamayn balaaran ku yeeshaa hannaanka is dhaafka hawada (oxygen and carbon dioxide exchange).Kansarka ku dhaca sambabadu waxa uu leeyahay qaybo kala duwan, kuwaaso ku kala duwan rejada waqtigu uu la noolaan karo bukaanku xanuunkan, qayb kamid ah kansarku waa mid aad u halis badan soona yareeya cimriga qofka halka qayb kale lala tacaali karo in mudo ah. Sidoo kale waxaa lagu kala saaraa hab ay adeegsadaan xirfadlayaasha caafimaadku kaasoo ka kooban 4 waji (4 Stages).


Xanuunkaan waxuu ku jiraa kuwa ugu halista badan caalamka waxa uu galaaftaa nolosha dadyow badan sannad walba. Wadamada horumaray waxay ku bixiyaan dhaqaale qiyaastii kabadan kan ay isticmaalaan guud ahaan qaar kamid ah waddamada soo koraya.Unugyada kansarka samababada waa marka unugyada kansarka DNA isbeddel ku yimaado, DNA waa meesha awaamirta unugga laga bixiyo, shaqada uu qaban lahaa. Unugyada caafimaadka qaba waxa ay maraan nidaam sax ah si markaasi  unugga shaqadiisa saxda u qabsado. Unugyada caafimaadka qaba waxay qeybsamaan xaddi loogu talagalay,  marka unugyada kansarka curtaan waxay ka dhaga adeygayaan nidaamkii saxda ahaa ee unugga uu mari lahaa, taas waxay keeneysaa inuu sameyso buro, buradaasi waxay noqonaysaa mid sii balaadhata. Buradaasi waxay sii gaadheysaa unuggyada caafimaadka qaba ee jirka intiisa kale. Ugu dambeyn waxa uu sameynayaa faafid(metastasis).


Noocyada kansarka sambabada

Waxa jira 2 nooc oo waaweyn oo ah kansarka sambabka. Nooc kasta si gaar ah ayuu ku koraa, u fidaa, loona daweeyaa.


1:Kansarka Sambabka ee aan ahayn  unugga Yar (Non-Small Cell Lung Cancer)Kani waa nooca ugu badan ee kansarka sambabka. Waxuu u koraa oo u fidaa si ka gaabis badan kuwa kale.


Adenocarcinoma:  waa midka ugu caansan ee aan ahayn midka sigaarka ku yimaada, waxaana laga helaa dibad u baxa sambabada. 


Squamous cell carcinoma: waa midka ugu caansan uu keenno sigaarka.


Large cell carcinoma: waa mid yar oo aan shaacsaneyn, waa mid caris badan.


2:Kansarka sambabka ee unugga yar (Small Cell Lung Cancer).

Noocan  kansarka sambabka waxuu u koraa oo u fidaa si ka dhakhso badan kuwa kale.


Heerarka kansarka sambabbada uu ku saleysan yahay 


Stage 0 (in-situ):  kansarka waxa uu saameeyay dahaarka sarre sambabada ama hunguri cadka. Laakiin ma noqon mid u faafa qeyb kale samaysan ama meel ka baxsan.


Stage I: kansarka uma faafin dibbada sambabada. 


Stage II: waxa uu noqday mid faafafa, isagoo maraya xiddidada lifm(lymph node) gudaha sambabada hal buro ama ka badan


Stage III:  waa mid ku faafay xiddidada qashinka qaada ee jirka ama sambabada meelaha u dhow kaasoo uu ku baahayo.


Stage IV: waa mid ku faafaya sambabbada iyo xubanaha kale ee jirka, hooraha ku hareereysan wadnaha, iyo xubnaha ka fog samababbada. 


Kansarka unugyo yarka sambabada (Small Cell Lung Cancer (SCLC) Staging)


1. Heerka xaddidan: waa marka la xaqiijiyo in kansarka uu gaaray qeyb ka  mid ah  saableyda.


2. Heerka baahsan: kansarka waad mid ku faafay, sambabbada mid qudha ama labada, iyo beerka, lafaha ama maskaxda.


Maxaa keenna?


Sigaar cabista waxay sababtaa kansarka sambabbada iyadoo si toos ah u dhaawaceysa unugyada  sambabbada. Qiiqa sigaarku wuxuu ka kooban yahay in ka badan 7,000 oo kiimikooyin ah, kuwaas oo ugu yaraan 70 ka mid ah ay yihiin kansar-sababayaal, sida, benzene, formaldehyde, iyo hydrocarbons-ka aromatics-ka. Marka uu qofku qiiqa sigaarka uu nuugo, kiimikooyinkan waxay gaaraan xuubka jilicsan ee sambabada iyaga oo dhaawacaya DNA-da.


Dhaawacaas wuxuu carqaladeynayaa shaqada hidde-sideyaasha muhiimka ah ee xakameeya koritaanka unugyada, sida hidde-sideyaasha difaaca kansarka (sida TP53) iyo kuwa kor u qaada koritaanka kansarka (sida KRAS). Natiijada ayaa ah in unugyo aan caadi ahayn ay si xad dhaaf ah u tarmaan, taasoo keenta samayska burooyin. Intaa waxaa dheer, qiiqa sigaarku wuxuu abuuraa xaalad barar joogto ah oo sambabbada ku dhaca. Bararka joogtada ah wuxuu soo jiitaa unugyo difaac kuwaas oo soo sii daaya maaddooyin waxyeello leh, sida oksijiinta falgalka leh (reactive oxygen species, ROS), kuwaas oo sii xumeeya dhaawaca DNA-da oo abuura isbadinta unugyada 


Sidoo kale, sigaarku wuxuu xumeeyaa shaqada timaha(cillia) sambabbada, kuwaas oo u xil saaran nadiifinta wasakhda iyo walxaha waxyeellada leh. Tani waxay sababtaa in kiimikooyinka halista ah ay muddo dheer ku nagaadaan sambabbada, taasoo sii kordhineysa dhaawaca. Waxaa kale oo sigaarku daciifiyaa nidaamka difaaca jirka, taasoo yareysa awoodda jirka ee lagu ogaan karo laguna baabi'in karo wayxaabaha qalaad ee jirkasoo gala. Intaa waxaa dheer, sigaarku waxa uu sameeyaa  xididdada cusub oo dhiig ah(angiogenesis) si ay taranto burada kansarka, taasoo siinaysa nafaqo iyo ogsijiin burooyinka isla markaana sahleysa inay u faafaan meelaha kale ee jirka (metastasis).

Saameyntan isku dhafan ayaa keenta in sigaar cabista ay tahay sababta ugu weyn ee kansarka sambabbada, iyadoo ka masuul ah ku dhawaad 85% kiisaska kansarka sambabbada ee caalamka.


Waxyaabaha kiimikaalka  ah sidoo kale waxaa laga qaadi karaa kansarkaan, dadka u nugulna waxaa kamid ah beeralayda, dadka ka shaqeeya warshadaha iyo dadka ka agdhaw meelaha qashinka lagu gubo. Dadka ku nool wadamada horumay kuwaasoo hawadoodu wasakhaysantahay ayaa khatar caafimaad ugu jira iyaguna, sidoo kale xanuunada qaar sida kuwa loo yaqaan xanuunnada raagge ee saableyda saameeya(chronic obstructive pulmonary Diseases) ayaa sababa xanuunkaan wallow ay aad u yaryihiin. Waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa dhaxalka.


Kansarka sambabada waa  kansarka ugu badan ee adduunka, wuxuuna sababayaa dhimashada ugu badan ee la xiriirta kansarka. Sannadkii 2022, waxaa jiray ku dhawaad 2.5 milyan oo kiis cusub oo kansarka sambabada ah iyo 1.8 milyan oo dhimasho ah. Inta badan, kansarkan wuxuu ku badan yahay dalalka leh dhaqaale sare, sida Maraykanka iyo Shiinaha, hase yeeshee waxaa sidoo kale uu ku faafayaa dalalka dakhligoodu hooseeyo. Sababta ugu weyn ee keenta kansarka sambabbada waa sigaarka, inkastoo arrimo kale sida hawada wasakhaysan iyo dhaxalka (genetics) ay sidoo kale door ka ciyaaraan.


Cilmi-baarisyada cusub ayaa sidoo kale muujinaya in kansarka sambabbada uu sii kordhayo dalalka soo koraya, iyadoo la xusayo kororka tirada dadka isticmaala sigaarka iyo wasakhda hawada, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee ay ku badan yihiin gaadiidka iyo warshadaha. Dhinaca kale, dadaallo xooggan ayaa socda si loo yareeyo isticmaalka sigaarka iyo hawada wasakhaysan iyadoo la adeegsanayo siyaasado caafimaad oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin xeerarka ka hortagga sigaarka, talaabooyinka kor loogu qaadayo wacyigelinta caafimaadka, iyo soo saarista hababka daaweynta kansarka sambabada.Warbixinada cusub ee laga helayo GLOBOCAN iyo WHO waxay sidoo kale muujinayaan in inkastoo tallaabooyin la qaaday, cudurka kansarka sambabada uu  sii kordhayo, taasoo keentay baahida loo qabo in la kordhiyo dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka dadweynaha iyo horumarinta cilmi-baarista caafimaadka. Talooyinka muhiimka ah ee ka dhashay cilmi-baarisyada waxaa ka mid ah taageerida baahida loo qabo inay dadka laga wacyigeliyo halista sigaarka iyo faafidda cudurada hawada wasakhaysan.


1. Calaamadaha 


Qufac aan kala joogsi lahayn.


Miisaanka bukaanka oo hoos u dhaca.


Dhiig soo raaca qufaca.


Codka oo xidhma, bukaanka oo yeesha xabeeb (hoarseness).


2. Calaamadaha Guud ee Jidhka


Madax xanuun.


Laab xanuun.


Lafa xanuun.


3. Calaamadaha ku Xidhan Xubnaha Kale ee uu Gaadho Kansarku


Wadnaha.


Beerka.


Kelyaha.


Maskaxda.


Lafaha.


Baadhitaanka. 


1. Imaging Studies: waxa la isticmaalayaa hubbinta ugu horreysa ee humaaga laabta lagu ogaanayo,  se sidaas uma aha mid go'aan sax loogu gaari, waxaa kaloo la isticmaalayaa CT SCN, waxa uu inna tusinayaa haddii ay jirto burooyin badan uu saameeyay sambabada. 


2:MRI:  waa loo isticmaalayaa hubbintani haddii uu gaaray maskaxda.


3:Biopsy: waxa laga qaadayaa cad si markaasi loogu soo baaro weyneysada loona xaqiijoyo in ay jirraan unugyada kansarka.


4:Bronchoscopy with Biopsy:  habbintani waxaa lagu eegayaa marrinnada hawada, mararka qaar waxa lagu soo qaadaa cadka si baaritaan loogu soo sameeyo.


5:Histopathology: waa hubbinta ugu fiican lagu ogaan karro kansarka sambabada,  waxa la baarayaa cadka sambabada si loo ogaado heerka uu yahay, nooca kansar uu yahay.


Daaweynta. 


Daawaynta kansarka sambabbada badanaa waxay ku bilaabataa qalliin lagu saarayo kansarka. Haddii kansarka uu aad u weynyahay ama uu ku faafay qaybaha kale ee jirka, waxaa laga yaabaa inaan qalliin suurtagal ahayn. Xaaladahaas, daawayntu waxay ku bilaaban kartaa daawooyin iyo shucaac halkii qalliin laga sameyn lahaa.


1)Qaliin(Surgery) iyadoo la jarayo qaybta sanbabka ka midka ah ee uu ku samaysmay kansarku ama haddii uu sambabada mid ka mid ah wada qabsaday gabigiisaba qaybtaa la jaraayo.


2)Chemotherapy-waa hab lagu daweeyo iyadoo la adeegsanayo dawooyin dilaya unugyada kansarka ah ee samaysmay iyadoo la adeegsan karo  ka hor intaan qaliinka la samayn iyo kaddib .


3)Radiotherapy-waa hab la deegsado falaadho shucaac  ah sida  X-ray iyo Protons ,kuwaas oo dilaya unugyada kansarka ah waxaana badanaa la wada adeegsanaa chemotherapy ga .


4)Immunotherapy-waa hab loo adeegsado habdhiska difaaca ee qofka (immune system) kuwaas oo aan sida caadiga ah ay khiyaamaan unugyada kansarka ahi kaddib waa lagu diraa oo lagu cariyaa si ay u dilaan unugyadaa samaysmay ee dhakhsanaha u tarmaya .


5)Maadaama oo bukaanka uu hayo xanuunkani kaar hayo waxa sidoo kale la adeegsadaa kaar jabiyayaal(pain killers).


Tixraaca. 


Harrison's Principles of Internal Medicine

Sabiston Textbook of Surgery

NCCN (National Comprehensive Cancer Network) Guidelines

AJCC Cancer Staging Manual

 American Cancer Society

National Cancer Institute (NCI)

Drmawliid,  hadh-wanaag.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad