Casharka 19aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 19aad


Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka (Pulmonary hypertension).


 Nooc dhiig kar ah oo ka yimaada carqaladeyn ku dhaca xididada dhiigga gaarsiiya sambabada, kaasoo

ah cadaadis weyn gala xididadaas. Waxay ka dhalan karaan jirrooyinka wadnaha, sambabka iyo xinjiro ku bata xididdada dhiiga jirka oo idil.

Waa kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka( pulmonary hypertension). Xididada waxay qaadaan dhiig ogsijiinta aan lahayn iyagoo ka keenaya wadnaha una sii gudbinaya sambabada si ogsijiin nadiif ah loogu soo daro. Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waxa keenni kara waxyaabo kala duwan,  waana dhibaato ka dhallatay xanuunnada wadnaha ama  sambabada ku dhacay, iyo waxyaabo kale lala xidhiidhsho deegaanka, sare u qaadi kara khatarka kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waa mid qatar ah, maxaa yeelay waxa carqalad ku imaneysaa socodka dhiigga ee wadnaha ka imanayay kuna socday sambabada.  Sarre u kaca dhiigga halbowle sambabeedka  waxa uu keenayaa in ay xiddidada ciriri noqdaan.  Natiijada ka dhallaneysa waxay tahay in wadnaha si xooggan u shaqeeyo si uu u buufiyo dhiig una gaarsiiyo sambabada. 


Kogitaanka xiddidka ( vasoconstriction).  Ogsijiin  la'aanta daba dheeratay halbowle sambabeedka waxay keeneysaa inuu ciriirsamo xiddidka, waxa balaaranaya murqaha hawo mareenka. Iska caabinta xiddidka waa ay siyaadayaan. Waxa siyaadaya cadaadiska  xiddidka,  wadnaha qeybta midig waxa uu noqonayaa mid waynaada( hypertrophy), kaddib waxa dhacaya fashilka qeybta midig ee wadnaha, iyo korontada wadnaha xumaaneyso( arrhythmias) kaddib waxa ku xiga geeri.


Waxa kaloo dhici kara inuu siyaado ololka( inflammation),  ololka waxa uu keenayaa in aan la hufin unugyada xiddidka  darbiyadiisa, waxa adkaanaya indhosiiliyamta darbiyadeeda,  kaddib waxa uu noqonayaa mid adkaada. Hawlgabka ku yimaada  indhosiiliyamta waxay siyaadineysaa borotiinka ka qeyb qaata sare u kaca dhiigga(endothelin) waxa hoos u dhaca kala baxa xiddidka,  waxa siyaadaya urursanka xiddidka,  kaddib waxa dhacaya in xiddidka uu xirmo. Haddii uu siyaado cadaadiska xiddid sambabeedka,  waxa badanaya mugga ama cadaadiska qeybta bidix ee wadnaha.


Hay'ada caafimaadka adduunka waxay u qeybisay dhowr qeybood kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. 


1: Waxa ugu wacan kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka: waxa keeni kara waxyaabo kala duwan, qaarkooda ka imanaya xanuunno, iyo dawooyin. Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waxa uu noqonayaa mid cariirsan, adag.  Dhiigga dhex marayaa waa mid aad u yar, waxa siyaadada cadaadiska halbowle sambabeedka dhexdiisa.


2: kacsanaanta dhiigga halbowle  waxa ugu wacan xanuunnada haleela calool yarta bidix:  qeybta bidix ee wadnaha waxa uu buufiyaa dhiigga si uu jirka u wadda gaarsiiyo. Haddii ay dhibaato soo gaadho( left ventricular problem), waxa uu saameynayaa qeybta midig ee wadnaha, dhammaan xiddida sambabeedka.  Dhiigga waxa uu dib ugu soo laabanayaa wadnaha waxa siyaada cadaadis sambabeedka. 


3:Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waxa ugu wacan xanuunnada ku dhaca sambabada ama cadadka ogsijiinta oo yaraata( hypoxia): dhibaatooyinka qaar samababada soo gaadha  waxay sababaan halbowle sambabeedka inuu adkaado. Socodka dhiigga waa mid yar,  waxa siyaadada cadaadiska halbowle sambabeedka. 


4:  Waxa ugu wacan kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka,  inuu xidhmo sambabada: xinjir dhiig ah  oo ka timid meel waxay ka hortageysaa in dhiigga si caadi ah u socdo.  Tani waxay keenaysaa qalqal ku yimaada calool yarta midig ee wadnaha, waxa siyaadaya cadaadiska halbowle sambabeedka. 


Kacsanaanta cadaadiska dhiigga halbowle sambabeedka waxa uu keenayaa fashillanka wadnaha qeybta midig(right side heart failure). Iska caabinta xiddid halbowle sambabeedka waxa uu keenayaa inuu siyaado cadaadiska halbowle sambabeedka, waxa ka dhallaneysa  in xiddidka uu ceejismo,ama sameysanka xinjirowga. Iska caabintaasi waxay xoojineysaa shaqada wadnaha qeybta midig. Qeybta midig ee wadnaha waxay  noqonaysaa mid weynaata, taasoo ka  dhallaneysa shaqada xooggan ee saaran, cadadka dhiigga la tuurayo waxa uu noqdaa mid hoos u dhaca.


 Wadnaha waxa ku dadaalayaa inuu isi saxo, si cadaadiska saaran uga dago, murqaha waxay noqonayaan kuwa daala, una baahda xogsijiin xooggan. Waxa dhaceysa in calool yarta ay noqoto mid aad u ballaadhan, marka uu cadaadisku muddo ka tan bato, ballaarashada caloolyarta midiga waxa keenaya dhiigga badan ee ku soo hooraya. Kala baxaasi waa miiqsanka murqaha wadnaha, waxa xumaanaya kogitaanta wadnaha, taasoo hoos u dhigeysa in la tuuro cadadka dhiigga. Waxa dhiig noqod ku imanaya haniya qeybta midig ee wadnaha( tricuspid regurgitation) waxa ku imaneysa inuu kala jiidmo haniya taasoo dhiigga uu dib ugu soo noqonayo.


 Taasina waxa ka qeyb qaadaneysaa awoodda dhiigga ku soo urureya  calool yarya midig ee wadnaha, taasoo ugu dambeyn keeni karta shaqo gab. Waxa hoos u dhacaya, Cadadka dhiigga uu buufin lahaa wadnaha qeybta midig. Shaqa gabka ku yimaada caloolyarta midig, waxay hoos u dhigeysaa  qulqulka dhiigga aadi lahaa wareeg sambabeedka (pulmonary circulation) una sii talaabi lahaa wadnaha qeybga bidix. Taasina waxay yareeneysaa wareegga dhiigga guud ee jirka. Haddii shaqo gab ku timaado wadnaha qeybta midig, dhiigga waxa uu dib ugu laaban doonna xiddidada waa wayn ee wadnaha dhiigga soo gaarsiiya, haddii dhiigga dib u laabto waxa weynaaya xiddid sureedka(jugular venous distension),beerka oo weynaada, caloosha oo hoore ka buuxsama(ascites),addimah jirka oo barara.


Maxaa keenna.


Waxa keenna waxyaabo badan. Waxa kamid ah:


1:  Xanuunnada lagu dhasho ee wadnaha( congenital heart disease).

2: Isbeddel ku yimaada hidda sidaha( genetic mutation).

3:Glycogen storage diseases (GSDs): Waa koox xanuunno oo dhif ah in la arko, jirkeenna si qumman uma isticmaalayo galaykojiinta( glycogen).  Waa sokorta jirka u istcimaalo tamar ahaan.

4: Aydhiska( HIV).

5:Xanuunnada beerka ku dhaca.

6:Lupus  waxaa xaalad ay sababto olol( inflammation),  haddii aan si kale u niraahno waa is weerarka difaaca jirkeenna uu weeraro jirka qudhiisa halkii ahayd inuu difaaco.

7: Kacsanaanta dhiigga aroora qaadaha(Portal hypertension),  waa xiddido  yaryar laamo ku leh hab aroore qaadaha( portal venous system).


8:Dhibaatada ka timaada wadnaha waa midda ugu caasan keenta kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. Maxaa yeelay qeybta bidix iyo midig ee wadnaha  waxay si wadda jir ugu shaqeynayaan si xooggan. Dhibaatada ka timaada qeybta bidix waxay saameyneysaa qeybta midig. Qeybta midig ee wadnaha waxay masuul ka tahay in ay buufiso dhiigga si ay gaarsiiso halbowle sambabeedka.   Qeybta bidix waxa keeni kara dhowr xanuun  waxa ka mid ah.


Gar haniya wadneedka(Aortic valve ) waxa uu isku xidhaa calool yarta bidix iyo garka wadnaha. Garka wadnaha waa xiddidka dhiigga ka qaada ee jirka ugu wayn,  waxa uu masuul ka yahay inuu qaado dhiig ogsijiin ka buuxa uu gaarsiiyo jirka. Haddii uu xanuun ku dhaco( aortic valve disease) waxa uu sameynayaa dilaac ama dhiig noqod ( regurgitation), ama  ciriirsan( stenosis).


Fashilka  qeybta bidix:  mcnaha qeybta bidix ee wadnaha ma awooddeyso in ay dhiigga buufiso. Calool yarta bidix waxay noqoneysaa mid daciifta ama in ay adkaato. Ma gaarsiin karto ogsijiin ku filan jirka, xubnaha iyo nudayaasha. Waqti dheer kaddib waxa dhacaya in ay shaqo gabto qeybta bidix,  haddii  ay dhacdo midan waxay horseedeysaa  shaqo gabka qeybta midig iyo dhibaatooyin kale.


8: Weyninka calool yarta bidix( left ventricular hypertrophy). Waa adkaansho uu adkaanayo muruqyada darbiyada ee dhagta calool yarta bidix, waxay keeneysaa in dhiigga la buufinayo uu yaraado. Waxa keenaya waqti dheer uu jiro kacsanaanta dhiigga( hypertension), ama dhibaatooyin kale.


9: Dhibaatooyinka ka yimaada samababada waa kuwa ugu caansan iyaga ee keenna kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. Waxa kamid ah.


Chronic obstructive pulmonary disease (COPD). Waa koox xanuunno waxa ka mid ah hunguri cadka ololka ku dhaca( bronchitis) iyo dhaawac soo gaadha darbiyada alfiyoolaha( emphysema), waxay keenayaan in ay adkaato neefshada.


Adkaanshaha sambabada(Interstitial lung disease).  Waa inuu adkaado ama nabar  uu yeesho nudaha sambabka. Adkaanshaha waxa uu horseedayaa neefshada oo xumaata iyo qufac.


Obstructive sleep apnea.  Xaaladani waxay sababeysaa in badh ama gabi ahaanba uu xidhmo  hawamareenka xilliga hurdada, waxa ka dhalaneysa in ogsijiinta ay gaadhi weyso xubnaha jirka. 


 Pulmonary embolism: waa xinjidh  ka soo safreysa meel kale ee jirka ka mid ah taasoo xidheysa xiddada samababada. Xinjirtan badanaa waa mid la daweyn jaro.


10:  Waxa jira xanuunno kale oo keenna,  cilmi baarayaasha waxay sheegaan in la aqoon  habka saxda ay ku keenaan. Waxa ka mid ah.


 Gaucher disease:  waa xanuun hidda dhaxaleed la iska dhaxlo, waxa keenna waxyaabo dux ah ku urura lafaha, beerka.


Langerhans cell histiocytosis: waa xanuun dhif ah saameeya habdhiska difaaca, waxa  keenna nabar iyo buro ku sameysmata sambabada. 


Sarcoidosis:  waa olol saameeya sambabada iyo qanjir linfeedka.


Thyroid disease:  waxa uu saameynayaa qanjirka taydhroodka kaa soo soorayo hormoonno badan.


Calaamadaha


1: Neefsashada oo adkaata.

2: Maqaarka iyo bishimaha oo buluug noqda.

3:Laab xanuun. 

4: Wareer.

5: Daal.

6: Xanuun laga dareemayo ubucda qeybta sare.

7:Garaaca wadnaha oo kordha.

8: Adimaha hoose oo barara.


Baadhitaan. 


1: Hubinta dhiigga( blood test) waxay innaga caawineysaa in aynnu ogaanno waxa keenay kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka.


2:Chest X-ray.  waxay innoo caddeyneysaa wadnaha iyo sambabada muqaalkooda, waxa kale aynnu u isticmaaleynaa in lagu hubbiyo xaaladaadaha samababada  ama waxa sababay kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. 


3:Electrocardiogram (ECG or EKG). waa hubbin fudud lagu ogaanayo garaaca wadnaa.


4:Echocardiogram.  waxa lagu ogaanayaa qulqulka dhiigga ama socodka dhiigga, waana midka ugu fiican ee go'aan looga gaari karo kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. 


5:Right heart catheterization. Wa tubba la dhex dhigayo xiddidka dhexdiisa, iyadoo la cabbirayo cadaadiska halbowle sambabeedka iyo calool yarta midig 


 

Daaweynta. 


1:Calcium channel blockers. Dawooyinkan waxay innaga caawinayaan cadaadiska ka dhex jira halbowle sambabeedka in ay hoos u dhigaa. Waxa ka mid ah:diltiazem,amlodipine,nifedipine


2:Diuretics. dawooyinkan  waxay innaga caawinayaan in kelyaha ay ka saaraan hooraha badan jirka ku jira. Waxay hoos u dhigayaan cadadka shaqada wadnaha. Waxa lagu yareeyaa dheecanka ku urura sambabada, lugaha.


3:Digoxin (Lanoxin). waxay innaga caawineysaa in ay xakameyso garaaca wadnaha. 


4:Blood thinners.  waa lidka dawooyinka dhiigga xinjireysan lagu furfuro. Waxay ka hortagayaan xinjirowga dhiigga.  Tusalaha: warfarin.  Laakiin waxay siyaadinayaan qatarka dhiig baxa qofka, gaar ahaan xilliga qaliinka ama  haddii qofka jirkiisa wax la galinayo. 


5:Soluble guanylate cyclase (sGC) stimulators.  daawooyinkan waxay kala bixinayaan halbowle sambabeedka,  iyo cadaadiska samababada hoos ayay dhigayaan. Tusaale:riociguat (Adempas).  Hooyada uurka leh ma qaadan karto.


6:Medicines to relax blood vessels.  dawooyinka kala bixinaya xiddidka ( vasodilators) waxay innaga caawinayaan in xiddidka uu furmo ciriirsanka uu ka qaadmo,  socodka dhiigga uu wanaagsanaado. Tusaale:epoprostenol (Flolan, Veletr), treprostinil (Remodulin, Tyvaso, others), Iloprost (Ventavis) and selexipag (Uptravi).


7:Waxa la siinayaa bukaanka ogsijiin.


8:Endothelin Receptor Antagonists (ERAs): waxay xidhayaan indhosiiliyamta qaabilaha uu leeyahay, waxay hoos u dhigayaan ceejisanka halbowle sambabeedka. 

Tusaale ahaan:Bosentan, Ambrisentan, Macitentan.


Phosphodiesterase-5 Inhibitors (PDE-5i):  waxay xidhayaan faldajiyahan(PDE-5)taasoo keeneysa in ay siyaadiso faldajiyaha(cylindrical guanosine monophospahte)heerkiisa,waxay sarre u qaadayaan kala baxa xiddidka, iyadoo ay yareyneyso iska caabinta halbowle sambabeedka. Waxa ka mid ah: Sildenafil, Tadalafil.


Books


1. Harrison's Principles of Internal Medicine


2. Fishman’s Pulmonary Diseases and Disorders


3. Braunwald's Heart Disease: A Textbook of Cardiovascular Medicine


4. Current Medical Diagnosis and Treatment


5. Pulmonary Hypertension: A Patient's Survival Guide


6. Advanced Pulmonary Hypertension: Hemodynamics and Clinical Management


Websites


1. Pulmonary Hypertension Association (PHA)


2. American Thoracic Society (ATS)


3. European Respiratory Society (ERS)


4. National Library of Medicine (NLM) - MedlinePlus


5. UpToDate


6. Mayo Clinic


7. Amboss


8. Medscape


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad