Casharka 20aad
Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.
Casharka 20aad
Hooraha moqor sambabeedka (Pleural Effusion)
Waa marka moqor sambabeedka uu ku ururo hoore fogaanta moqorka sambabka, waxa u dhexeeyaa godka u dhexeeya sambabka iyo darbiyada laabta, kaasoo carqaladeynaya neefshada. Moqor sambabeedka waxa ku jirra cadad hoore yar ah oo gaaraya 10-20 ml, hoorahaasi waxa uu subkinayaa sambabada si ay u dhaqdhaqaan
Waxa siyaadaya Cadaadiska biyaha negi(Hydrostatic pressure), waxa keenna haddii uu jirro wadna fashilan, waxa uu siyaadinayaa cadaadiska xiddidada sambabada, taasina waxay horseedeysaa in hooraha uu ka soo baxo tiiftaafyada, una soo gudbo moqorka sambabka.
Yaraanshaha cadaadiska hoore celiska.(Decreased Oncotic Pressure): waxa keenna marka uu jirro in borotiinka(Albumin) uu yaraado, ama nafaqo darro, taasina waxay hoos u dhigeysaa balaasmaha, waxa ka dhallaneysaa in hooraha uu ka soo duso xiddidka una soo talaabo moqorka sambabka.
Waxaa loo qeybiyaa labo qeybood.
1:Transudative Effusion: waa xaalad ka dhallata habdhiska guud, sida inuu siyaado Cadaadiska biyaha negi(Hydrostatic pressure) ama uu yaraado Yaraanshaha cadaadiska hoore celiska.(Decreased Oncotic Pressure), waxa lagu arkaa dadka qaba wadna fashillanka, iyo xanuunnada beerka.
2:Exudative Effusion: waa marka ay keenaa moqor biyoodka sambabka sida olol, caabuq ama kansar, kuwaasoo muujinaya xad-dhaafka borotiinka, iyo heerka sarreynta(lactate dehydrogenase levels).
Maxaa keenna?
1:Wadna fashillanna waxa uu keenaa in moqorka sambabka uu ku ururo hoore, waa midka ugu caansan keenna, waxa uu la xidhiidhaa siyaadiyaanka, iyo hoos u dhaca cadaadiska xiddidada ka dhex jirra, iyo ololka saameeya moqorka.
Fashillanka wadnaha qeybta midig, waa marka uu wadnaha uu awooddi waayo inuu dhiigga buufiyo, taasina waxay keeneysaa inuu siyaado cadaadiska xiddido sambabeedka. Cadaadiska siyaaday waxa uu ku soo laabanayaa tiiftaafyada sambabbada, waxay keeneysaa in hooraha uu ka soo gudbo xiddidada una soo gudbo unug hoore u dhexeeyaha(interstitial), kaddib godka moqorka sambabka. Haddii uu darran yahay wadna fashillanka qofka waxa dhacaya si guud in xiddidada ciriirsamaan sabtoo ah waxa jirra fashillanka wadnaha qeybta midig. Ciriirsanka xiddidada waxay sarre u qaadayaan Cadaadiska biyaha negi(Hydrostatic pressure) ee wareegga guud, sida tiiftaafyada moqorka, taasoo sarre u qaadeysa hooraha ka soo buuxsamaya moqorka sambabka. Sidaas ayuu ku keenayaa haddii uu wadnaha fashilmo hooraha ku urura moqorka sambabka.
2:Adkaanshaha beerka(cirrhosis) waxa uu keennaa hooraha ku urura moqorka sambabka, waxa uu dhacaa marka hoore ka yimaado caloosha una soo gudbo laabta(chest). Marka uu beerka dhaawacan yahay waxa uu keennaa kacsanaanta cadaadiska xiddidada beerka(portal hypertension), cadaadiskan xooggan waxa uu u soo gudbayaa caloosha loo yaanno hooraha ku urura caloosha(ascites). Muqura boogga ee kala saara bogga iyo caloosha, taasoo waxa uu fududeynayaa in hooraha uu ka soo gudbo una soo talaabo godadka saableyda, gaar ahaan qeybta midig waxa ku yaalla beerka. Cadaadiska togan ee laabta xilliga neefshado waxa uu keenayaa in hooraha uu dhaqaaqo una soo talaabo moqorka sambabka. Isla mar ahaantaas adkaanshaha beerka waxa uu hoos u dhigayaa borotiinka(albumin) kaasoo ilaaliya hooraha xiddidka dhexdiisa. Haddii aanu borotiinka aanu ahayn mid ku filan xiddidada, taasi waxay keeneysaa in hooraha uu ka soo baqoolo xididdada ina soo gudbo moqorka samababada
3:Nephrotic sydrome waa xaalad ah in boro- otinka jirka iyo kan ku jira dhiigga ee biyaha ku milma oo si xad dhaaf ah ku beerdarowba kaadida, taasoo dhalisa xubno barar ka timid biyo xuubabka jirka gala. Waxaa sababi kara cuduro badan oo jirka ku dhici kara, laakin tan ugu weyn waxay tahay kelliyaha oo hawlgaba. Waxa uu horseedayaa in hooraha uu ku ururo moqorka sambabka. Waxa ugu horeeyo uu keenayaa waa in borotiinka uu hoos u dhigo(albumin) waxa ka dhallaneysa in borotiinka uu aad u lumo( kaadida ay raacdo). Borotiinka waxa uu muhiim u yahay inuu dheellitiro cadaadiska xiddidada dhiigga, waxa uu innaga caawinayaan in hooraha uu ku hayyo xididdada dhexdiisa. Marka uu hoos u dhaco borotiinka, cadaadiska dhiigga durbadiiba hoos ayuu u dhacayaa, taasoo keeneysaa in hoora u soo talaabo unug hoore u dhexeeyaha(interstitial) taasoo uu hoore uu ku ururayo moqorka sambabka.
4:Oofwareenta(pneumonia)waxay keeni kartaa hooraha ku urura moqorka sambabka, marka ay sambabada noqdaan caabuq ha keennaa waxyaabo dhowr sida bakteeriyo, fayrus, ama cudur dhalliye kale, isla durbadiiba waxa laga bixinayaa falcelin, ololka waxa uu gaarayaa moqorka sambabada, taasoo ku hareeysan xuub sambabada. Caabuqa oo sii jirra waxa uu keenayaa in hoore ku ururo moqorka samababada. Caabuqa waxa uu keenayaa in xiddidada ay dilaacsamaan, kaasoo siyaadadaya caadiska xididdada, hoorahaasi ka soo baqoola xiddidada waxa uu aadayaa moqorka sambabada.
5:Qaaxada (TB) waxay sababi kartaa ururka biyaha moqorka sambabka(pleural effusion) marka hambaabuqa uu ku fido moqorka laabta (pleura) ee ku xeeran sambabka. Bakteeriyada TB waxay ka soo gali kartaa samababada iyadoo qulqulka dhiigga raaceysa kaddib gaareysa moqorka. Tani waxay keentaa olol, taasoo sababaysa in xididada dhiigga ee moqorka laabta ay noqdaan kuwo dilaaca, taasoo u oggolaanaysa hooraha inay ku ururaan moqorka sambabka.Hoorahaasi badanaa waxa uu ka kooban yahay borotiin iyo unugyo cadcad (white blood cells), waxaana loo yaqaan (exudative pleural effusion). Haddii aan qaaxada si fiican loo daaweyn waxa ay sahleysaa in hoore ku ururo moqorka sambabka.
6:Kansarka waxa uu keenayaa hooraha ku urura moqorka sambabka, iyadoo buradaasi ka duseysa moqorka toos ah ama si dadban. Kansaradaasi waxa ka mid ah midka sambabada ku dhaca, kan horadaada), waxay markaasi ka soo dusayaan ama carqaladeynayaan moqorka caadiga ee caafimaadka qaba, marka uu ka soo duso xiddidada hooraha dhex muquuraya waxa u soo gudbayaan moqorka. Burooyinka waxay xidhayaan sodoo kale xiddidada qaada qashinka jirka, taasoo carqalad ku imaneysa in la soo nuugo hooraha, hoorahaasi waxa uu ku ururayaa moqorka samababka. Kansarka waxa uu keenayaa isku dheellitir xumo ku timaada soo saarista iyo nuugista hooraha moqorka.
Calaamadaha.
1. Shortness of Breath (Dyspnea): Neefshada oo yaraata. Waana calaamada ugu caansan lagu yaqaanno.
2. Chest Pain: laab xanuun, qofka waxa uu dareemayaa mudaal in laabta wax laga kawinayo, marka uu qofka neef qaadanayo ama qufacayo.
3. Dry Cough: qufac qalallan.
4. Orthopnea: Neefshada oo adkaata xilliga uu qofka dhacdiid isku dhigo.
5. Decreased Exercise Tolerance: awood uma yeelanayo socodka, waxa uu dareemayaa daal.
6. Fever and Chills: waxaa kaloo lagu arkayaa qandho, taasoo ugu wacan caabuq haddii uu jirro.
7. Weight Loss and Fatigue: haddii uu kansar jirro waxa lumaya miisaanka qofka.
Baadhitaanka.
1:Chest X-ray: waxa lagu arkaya haddii isbeddel ku yimaado bogga iyo darbiga laabta uu yahay mid caadi ah(costophrenic angle). Waxa lagu arkayaa haddii uu jirro hoore badan.
2:Ultrasound: kombuyuutarka waa mid saameyn leh haddii uu jirro waa xoogaa yar oo hoore ah iyo waxa uu innoo kala saarayaa haddii ay waxani yihiin buro ama hoore.
3:CT Scan: iskaanka waxa uu innaga caawinayaa sababta keentay xaaladan, haddii ay kansar tahay, ama caabuq, waxa kaloo uu innoo sheegayaa haddii moqorka uu adkaaday.
4:Thoracentesis: baadhitaanka ugu muhiimsan, waxa saableyda lagu mudayaa irbad si markaasi dheecaan looga soo qaado, kaddib loo ogaado waxa uu hoorahan yahay, heerka borotiinka ku jirra iyo lakteedka(lactate dehydrogenase). Sababaha hooraha loo badhayaa waa in laga ohaado sokorta, pH, unugyada cad ee dhiigga, in laga qaado beeritaanka noolaha si markaasi loo ogaado sababta ka dambeysa(microbiological culture). Waxa kaloo lagu ogaanayaa nooca hooraha, haddii uu yahay jaalle, ama mid dhiig dhiig ah, haddii yahay ciiro(Infection)
5:Pleural Biopsy: waxaa loo baahanayaa in cad la qaado si markaasi loo baadho haddii uu jirro kansar ama qaaxo.
Daawaynta.
1:Si dagdag looga yareeyo xanuunka(qofka) waxa loo baahanayaa hannaanka soo nuugista hooraha(Thoracentesis)
2:Waxaa loo baahanayaa tubbada laabta si markaasi hooraha ama haddii malax ku jirto looga soo saaro(Chest Tube Drainage).
3:Waxaa kaloo la siinayaa ogsijiin, si markaasi loo yareeyo ogsijiin yarida.
4:Waxaa kaloo la siinayaa kaarjabiyayaal sida( NSAIDs ama opioids).
5:Haddii uu wadno fashillan keenay waxa la siinayaa dawooyinka kaadi badiyayaasha(diuretics) sida furosemide, spironolactone. Waxay siyaadinayaan socodka kaadida, iyagoo yareynay mugga guddaha xiddidka iyo hooraha ku ururaya moqorka samababka.
6:Waxa kaloo la siinayaa dawooyinkan
ACE Inhibitors/ARBs (e.g., Lisinopril, Losartan): waxay hoos u dhigayaan cadaadiska wadnaha, waxay saxayaan shaqada wadnaha.
7:Haddii uu keenay Nephrotic Syndrome: waxa la siinayaa Corticosteroids (e.g., Prednisone): waxay hoos u dhigayaan ololka.
8:Haddii uu jirro adkaanshaha beerka (Liver Cirrhosis) waxa la siinayaa kaadi badiyayaasha (Spironolactone + Furosemide): waxay hoos u dhigayaan cadaadiska arooraha beerka(portal hypertension).
9:Waxaa kaloo la daweynayaa caabuqa, haddii uu ay keento bakteeriyo ama qaaxada. Waxa la siinayaa jeermis dile( Ceftriaxone, Vancomycin): si markaasi loo dilo bakteeriyada.
10:Waxaa kaloo la siinayaa lidiga dawooyinka qaaxadda( Isoniazid, Rifampin): si markaasi loo xaalufiyo bakteeriyada keenta qaaxadda( Mycobacterium tuberculosis).
11:Haddii uu kansar keenay waxa la siinayaa keemotarabi(Chemotherapy (e.g., Cisplatin): si markaasi loo yareeyo xaddiga burada.
Tixraaca.
1. Harrison's Principles of Internal Medicine
2. Current Medical Diagnosis & Treatment
3. Fishman's Pulmonary Diseases and Disorders
4. Nelson Textbook of Pediatrics (for pediatric cases)
5. Light's Criteria for Pleural Effusions
6. Amboss
7. Medscape
8. Mayo Clinic
9. National Library of Medicine (PubMed)
10. BMJ Best Practice
Comments
Post a Comment