Casharka 21aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xannuunada ku dhaca.
Hafeefashada xuub-oofeedka(Pleurisy).
Casharka 21aad
Hafeef iyo xanuun ka yimaada jeermis ku dhaca xuubka daboola sambabada, badanaa waxay sheegtaa jirro ku jirta sambab- ka, oo xuubka wuxuu isku befdellaa mid qaleel ah oo quruxdiisa iyo dhaldhalaalkiisa dhamaa- da oo isku dheg-dhegta, taasoo sababta xanu- un ka yimaada neefta markii la neefsanaayo, guuxeedana lagu maqli karo adeegsiga qalab- ka wax lagu dhageysto( takhaatiirta ay dhegaha gashadaan oo xab- badka ku dhegeystaan).
Waa xanuun ku dhaca xuubka loo yaqaan moqorka(Pleura) ee u dhaxeeya sanbabada iyo feedhaha kaas oo marka uu hafeef (inflammation)ku dhaco loo yaqaan Hafeefashada xuub-oofeedka( Pleuritis ama Pleurisy) ,kaas oo keena xanuun uu dareemo qofku marka uu neef qadanayo ama qufacayo Soomaaliduna markay cabirayaan yidhahadaan hawo ayaa feedhaha iga gashay sidoo kalena ay ku qaldaan badanaa Oof-Wareenka/(Pneumonia).
Waxa ay dhacdaa marka olol uu noqdo moqorka sambabka, u dhexeeya lakabyada ku wareegsan sambabada iyo godadka saableyda. Moqorka waxa u jirra xaddi hoore ah oo subkiyayaal ah taasoo lakabyada moqorka u ogolaanaya inuu dhaqdhaaqo xilliga neefshada. Marka uu noqdo mid olol ah waxa luma isku dheellitirnaanta. Marka la cariyo hannaanka ololka waxa siyaadadaya habbid kalliyeedka(vascular permeability) kaasoo u ogolaanaya hooraha iyo unugyada ololka ay ku ururaan moqorka. Waxay sababeysaa dhidhif (irritation) ku yimaada moqorka, moqorka waxa waraabiya dareensiyadaal badan la yiraahdo dareen jidheedhyo(somatic nerves), kuwaasoo keena mudaal uu qofka ka ka dareemayo laabta. Qofka xanuunka waxa uu ka walwalayaa xilliga neefshado, iyo qufaca. Haddii uu ololka sii jirro waxa is beddelaya sisibka oogada moqorka, kaasoo xilliga neefshado ka ilaalsha is xoqida. Haddii uu ololka yahay mid darran waxa uu keenaya qalaad is jiid(adhesion)u dheexeeya lakabyada moqorka sambabka, taasoo laga yaabo xitaa in ay keento giigsan ku yimaada dhaqdhaaqa sambabada.
Maxaa keenna?
1:Waxa keenna cabuqa fayruska(
Viral Infections) sida influenza, coxsackievirus waxay saameynayaan habdhiska neefsashada iyagoo u sii talaabaya moqorka sambabka. Fayruska waxa uu sameynayaa isbadin, kaaso markaasi uu difaaca jirka ka soo jawaab celinayo, taasina waxay keeneysaa hafeefka moqorka sambabka.
2: Waxaa kaloo keenna hambaabuqa bakteeriyada (Bacterial Infections) sida Streptococcus pneumoniae ama Mycobacterium tuberculosis waxay si toos ah u saameynayaan moqorka, bakteeriyada waxay soo dayneysaa sun, waxaa la carinayaa difaaca jirka, taasina waxay keeneysaa in moqorka dhidhin(irritation).
3:Rheumatoid arthritis (RA) waa hafeef saameeya kala goysyada(inflammation) waa marka uu difaaca jirka uu weerar ku qaado isla jirka, xanuunka waxa uu saameeyaa moqorka sambabka, waxa uu ku hareereysan yahay sambabka. Hannaankani waxa uu curtaa marka uu difaaca jirka uu u arko moqorka si qaldan ama waxqatar ah waxa la soo daynayaa kiimikooyinka hafeefka(cytokines). Kiimikooyinkaas waxay keenayaan carin, iyo barar iyo ololka moqorka sambabka. Hafeefka marka uu gaaro moqorka waxa uu keenayaa is xoqid taasoo qofka xanuun ku keenaysa gaar ahaan xilliga neefshada. Ugu dambeyn hafeefka waxa uu moqorka ka dhigayaa mid adag kaasoo xaddeynayaa dhaqdhaaqa sambabka.
4:In systemic lupus erythematosus (SLE), waa xanuunnada is weerarka difaaca jirka uu weeraro isla jirka, waxa uu saameyn ku yeellanayaa moqorka sambabka ee ku hareereysan xuubka. Marka ay tani dhacdo waxa la soo saarayaa lid-jidh gale iyo difaac marabka ah(immune complexes)kaasoo ku ururaya moqorka. Waxa la carinayaa habdhis duleedka(complement system) sida unugyada(T cells), iyo liqaha, waxa la soo daynayaa kiimikooyinka hafeefka(IL 6,TNF-ALPHA). Ka falcelinta hafeefka waxa siyaadaya habid xiddideedka (vascular permeability) taasoo borotiinka iyo unugyada difaaca iyo hooraha aan shaandheysneyn ku urura moqorka taasina waxay keeneysaa barar iyo hafeef. Lakabka moqorka sambabka waxa uu leeyahay dareen sidayaal badan kaasoo keenaya xauun ee laabta, marka uu noqdo moqorka mid hafeefsan.
5:Awdanka halbowle sambabeedka (pulmonary embolism) waxa ay sababtaa heefashada moqorka sambabka. Waxa la carinayaa nidaamka ololka(inflammation) xirranka ku yimaada halbowle sambabeedka dartiisa. Marka xinjir ay isku gudubto xiddidka waxay sababeysaa dhiig yari, iyo dhimasho ku timaada nuddaha sambabka, gaar ahaan marka ay xinjirta saameyso xiddidada dibad u baxa(prepheral vessels). Dhiig yaradi dhaawaca ay keento waxay horseedeysaa in la soo daayo waxyaabaha ololka ka qeyb qaata(prostaglandins, cytokines) kuwaasii xoqaya xuub sambabeedka. Xuub-sambabeedka waxa uu leeyahay dareensidayaal badan(nociceptors),oo siyaadinaya xanuunka. Ka falcelinta hafeefka nuddaha sambabka kaasoo keenaya hafeefka moqorka.
6:Qalliinka saableyda ama junta soo gaadha saableyda, waxay keeni kartaa hafeefka moqorka sambabka, kuwaasoo carinaya ololka. Sida caadiga moqorka sambabka waxa ku jirra hoore yar kaasoo markaasi ka qeyb qaadanaya subkinta sambabka,taasoo xilliga neefshada ay ka qeyb qaadato dhaqdhaaqa. Marka laabta jugi soo gaadha ama marka qaliin lagu sameeyo, moqorka waxa uu noqdaa mid dhaawac ama hafeefsan(inflammation) taasoo ugu wacan jugta tooska ee soo gaadha sida in ay hawo gasho sambabada (pneumothorax) ama dhiig ay galaan(hemothorax) ama in ay noqoto mid caabuq yeelata. Dhaawacaasi waxa uu carinayaa in la soo daayo waxyaabaha ka qeyb qaata ololka( cytokines, prostaglandins) waxay siyaadinayaan habida xiddidka. Ka falcelinta waxay keeneysaa in meesha ay bararto, iyo waxa dhidhin noqonayaa lakabyada moqorka kaasoo sababaya xoqitaan marka uu sambabka dhaqdhaaqayo.
Is xoqidaas waxay keeneysaa in bukaanka uu xanuun mudaal ah dareemo, gaar ahaan laabta, qofka waxa uu ka walwalayaa xilliga neefshada.
7:sickle-cell disease n. jirro dhaxal ah oo ku dhacda dhiiga, si gaar ahaan loogu arko dadka afrikaanka ah inkastoo dadka degan qaarad dhexaadka lagu arki karo, sida sacuudi carabiya iyo hindiya, laakin waxay si gooni ah u quseeysaa dadka afrika ka yimaada. Waxaa laga dhaxlaa labada waalid, waana jirro dhiigga walaxda midabka u yeela hawo qaadashadana ka caawiya oo aan si caadi aheyn u soo baxa, taasoo sababta in qaabka unugyda dhiigga ay noqdaan qaab shabbaha sida qaabka ciddida oo kale u dheer-dheer, taasoo ka beddeshay si- dii caadiga ahaa oo lagu ogaa in ay ahaadaan qaab ukun oo kale (fiiri masawirka tusmada). Qaabka ciddida shabbaha ee unugyada dhiigga aad ayaa hab dhiska dhiig wareega jirka looga saaraa, sida daraadeed waxaa dhalata dhiig yari joogto ah, cudurka cagaarshawga (indho caseeye) iyo daal badan. waxaa loo maleeyaa dadka cudurkaan qaba noloshooda in ay tahay mid yar ama gaaban
Xanuunkani marka uu qofka leeyahay waxa isbeddel ku imanayaa muuqalka unugyada cas, kuwaasoo noqonaya kuwa adag. Xanuunkan waxa uu xidhayaa xiddidada dhiigga ee sambabada, waxa xidhmaya ogsijiinta, waxa imaneysa in nuddaha uu dhaawacmo. Taasina waxa keeneysaa olol ku yimaada samababada, kaasoo ku faafaya xuubna moqoreedka sambabaka waana mid jilicsan oo ku wareeysan sambabbada. Mararka qaar waxa dhinta nuddaha sambabka, maxaa yeelayay waxa keenaya waa dhiig yarida soo wajahday,taasina waxay ka qeyb qaadaneysaa hafeefka moqorka sambabka.
8:Wadnaha oo fashilma(CHF) waxa uu keenayaa hafeefka moqorka sambabka. Wadna fashillanka waa marka wadnaha uu awooddi waayo inuu buufiyo dhiig ku filan gaar ahaan uu gaarsiin waayo wareeg sambabeedka. Waxa siyaadaya cadaadiska xiddida sambabeedka, taasina waxay keeneysaa in hooraha uu dibbada uga soo baxo xiddidka, una soo baqoolo sambabka iyo fogaan maqoreedka sambabka. Hooraha ku ururay waxa uu keenayaa hafeefka moqorka sambabka, ee ku wareegsan. Ololka ka jawaabista laga sameeyo waxay carrineysaa in moqorka uu dhaawac gaaro,qofkana waxa uu dareemayaa laab xanuun iyo in neefsashada kubadag tahay.
Calaaddaha xanuunka .
Calaamadaha xanuunka waxa ka mid ah, laab xanuun siyaada marka uu qofka qufaco ama hawo qaadashada iyo hindhisada,xumad iyo qufac mararka qaar ah .
Baadhitaanka.
1:Blood tests. Hubbinta dhiigga waxa la eegayaa haddii uu jirro is weerarka difaaca jirka, ama haddii uu jirro caabuq, ama olol, waxaa kaloo laga baadhayaa haddii ay kacsan yihiin unugyada dhiigga cad cad. Waxaa kaloo la baadhayaa haddii uu jirto qaaxada.
2:Chest X-ray. Raajada laabta waxay muu jineysaa in samababka uu kala baxay haddii ay hawo ku jirto aa hoore. Iyado la kala caddeynaayo haddii caabuq uu keenay ama buro ay keentay.
3:Computerized tomography (CT) scan. Waxaa la saarayaa iskaan si markaasi loo helo faahfaahin dheeraad ah, waxa la saarayaa marka xaaladda ay daran tahay, haddii ay jirto in sambabka xidhay xinjir, ama kansar.
4:Ultrasound. Kombuyuutarka waxa lagu ogaanayaa ama inna siinayaa faahfaahin dheeraad ah ku saabsan haddii uu jirro moqorka sambabka haddii uu hoore ku jirra.
5:Electrocardiogram (ECG or EKG). Waa kombuyuutarka lagu ogaanayo haddii ay jirto cillad xagga wadnaha.
Daaweynta.
Marka ugu horraysa, bukaanka waxa lagu daweyn karaa iyadoo la siinayo dawada karjabiye si loo yareeyo xanuunka uu dareemayo. Waxa kale oo muhiim ah in la siiyo antibiyootiko si looga hortago jeermiska sababay caabuqa, iyo kortikosterooyid si loo yareeyo caabuqa loona caawiyo habka bogsashada bukaanka. Sidoo kale, haddii ay jiraan xanuuno kale oo keeni kara xaaladda, waa in si gaar ah loo daweeyo.Haddii aan la daaweyn si habboon, xaaladdu waxay ka sii dartaa oo qofku waxa uu mar kasta dareemayaa xanuunka marka uu qabow ku hawlgalo ama uu taabto gidaar qabow. Dareemayaasha dhaawacmay waxay u keeni karaan qofka xanuun soo noqnoqda, walow muddo kadib xanuunku yaraado. Si kastaba ha ahaatee, arrintani ma aha calaamad muujinaysa in qofku gebi ahaanba ka bogsaday, waana muhiim in la sii wado daryeelka iyo daweynta.
1. Waxa la siinayaa kaarjabiyayaal NSAIDs (e.g., ibuprofen, indomethacin): waxay xidhayaan faldajiya(cyclooxygenase (COX) enzymes (COX-1 and COX-2), waxay hoos u dhigayaan xanuunka iyo ololka.
2. Waxa la siinayaa Corticosteroids (e.g., prednisone): waxay xidhayaan(phospholipase A2)si markaasi ay u yareeyaan keemikooyinka la soo daynayo xilliga ololka, si markaasi xanuunka loo yareeyo. Sababta loo siinayaa waa haddii ay sababeen xanuunnada difaaca jirka marka uu is wareero.
3. Waxa la siinayaa jeermis dile(Antibiotics): sida:Penicillins/Cephalosporins: waxay xidhayaan darbiga unugga bakteeriyada si aysan u diyaarsan borotiinka( binding to penicillin-binding proteins (PBPs).
Fluoroquinolones: waxay xidhayaan DNA.
Waxa kaloo la siinayaa lidiga dawooyinka qaaxadda(Antitubercular drugs ) isoniazid: waxay xidhayaan duxda bilaashka ee bakteeriyadu qaaxada(mycolic acid).
Waxa kaloo la siinayaa lidiga dawooyinka fayruska(Antiviral Drugs): dawooyinkan waxay joojinayaan in fayruska isbadin isku sameeya. Waxa ka mid ah: acyclovir.
4:Waxaa kaloo loo sameyn haddii uu jirro in hoore ku ururay moqorka, in hooraha laga soo saaro si markaasi xanuunka u yaraado(thoracentesis).
5:Waxa kalo la siinayaa lidka dawooyinka xinjirowga(Anticoagulants): waxay ka hortagayaan sameysanka xinjirta waxay xidhayaan faldajiyaha(thrombin, iyo factor Xa) waxa ka mid ah heparin, iyo rivaroxaban, si markaasi looga hortago xinjirowga halbowle sambabeedka (pulmonary embolism).
7:Waxa la siinayaa ogsijiin si markaasi looga hortago qalqalka habdhiska neefsashada. Waxa la siyaadinayaa ribanaanta kiish haweedka, markaasi ogsijiinta dhiigga u wanaagsanaato.
Waxaa kaloo loo sameynayaa jimicsiga saableyda, si markaasi xaaladda neefshada loo wanaajiyo(chest physiotherapy).
Tixraaca.
1. Harrison's Principles of Internal Medicine
2. Current Medical Diagnosis and Treatment
3. Davidson's Principles and Practice of Medicine
4. Murray & Nadel's Textbook of Respiratory Medicine
6. Oxford Textbook of Medicine
7. European Respiratory Society Handbook
Websites
1. Medscape
2. Amboss
3. National Library of Medicine
4. World Health Organization (WHO)
5. American Thoracic Society
6. National Institute for Health and Care Excellence (NICE)
7:Drmawliid kudar.
Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan casharkan bulsho u faa'idaynta ah ilana soco (Follow) hadaanad ila socon si aad bogan uga hesho casharo fa'aido leh.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment