Casharka 22aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca!


Casharka 22aad




Hawo oofeed(Pneumothorax )


Waa marka ay hawo gasho moqor sambabeedka, taasoo horseedeysa in sambabka badh uu soo ururo ama gabi ahaantiisa. Xaaladani waxay dhacdaa marka moqorka godka ee sambabka ay hawo gasho, kaasoo carqaladeyneysa cadaadiska taban ee muhiimka u ah  kala baxa xilliga neefshada  ee sambabka. Cadaadiska moqor gudeedka waxa uu noqonayaa mid togan, kaasoo sambabka ku keeneysa in uu kala bixi waayo.Waxay ka iman kartaa jug,  ama xanuun ku dhacay sambabada.  Waxa loo qeybiyaa labo qeybood.



Hordhaca haweedka sambabka aan keenin wax cudur ah( Primary   Spontaneous Pneumothorax)


Qofka malahan wax cudur ee sambabada ku dhaca ee keenna hawo sambabeedka, waxa jirro waxyaabo lala xidhiidhiyo sida, qofka inuu dheer yahay, caato yahay, uu yar yahay, lab uu yahay, sigaarya cabna uu yahay. Waxaa kaloo keenna xaalad dhaxal isku laran ah(marfan syndrome) kaasoo dhibaato gaadheysa hiddaha borotiinka(fibriinka) u nugleysiinaya hordhaca haweedka., gaar ahaan kuwa caatada ah iyo kuwa dhaadheer. Waxa qarxaya  meesha ka hooseysa moqorka sambabka(subpleural) waa xuub jilicsan oo dahaara sambabka. Waxa galeysa hawo yar qeybta hoose ee moqorka(blebs). Taasoo hawada u soo hayaameyso guddaha moqorka godba sambabka.



Dib u dhaca hawo sambabeedka ee keenna xaalad kale(Secondary Spontaneous Pneumothorax): waxa ay dhacda marka ay jirto xaaladdo xanuun ee ku dhaca sambabada,  sida xirranka hawo mareenka, xiiqda, qaaxada, taasoo keeneysa in hawada sambabka gashaa ay ku keeneyso in sambabka uu soo ururo.



Jug haweedka sambabka(Traumatic Pneumothorax).  Waxa keenna jug soo gaadhay saableyda, sida moqorka sambabka, sida in lagu muddo midi, ama rasaas, feedh ay jabto,waxa kaloo keenna gacan ku geyska aadanaha(iIatrogenic) sida in sambabka cad laga soo qaado. Waxay carqaladeynayaan cadaadis haweedka.


 Giigasanaan hawo sambabeedka (Tension Pneumothorax),  waa xaalad qatar ah taasoo ay hawo galeyso moqorka, taasoo aysan wax soo bixid ah aysan jirin,waxay siyaadineysaa cadaadiska gudda saableyda. Waxa keena jug, hawo badan oo qofka moqorka ka gasha.  Cadaadiska sambabka waxa uu noqdaa mid togan. Waxa booskiisa ka dhaqaaya lafta boga dhexada ee feeraha, taaso ku keentay ka dhaqaaqa booskeeda cadaadiska guddaha ka soo fuulay, cadaadiskaas waxa uu isbeddel ku keenayaa wadnaha iyo xiddidada  waa wayn.


Hawo oofeeda(Pneumothorax) waxay saameyn ku yeelaneysaa aroore wayn( superior and inferior vena cava).  Taasina waxay horseedeysa cadadka muruqa wadnaha uu kala bixi waayo, iyo cadadka dhiigga wadnaha uu buufin lahaa. Kacsanaanta cadaadiska guddaha saableyda, waxa uu si toos ah  u saameynayaa qollalka wadnaha inta lagu gudda jirro hakad-wadneedka(diastole), waxa yaraanaya awoodda uu dhiig ku soo gali lahaa wadnaha. Waxa yaraanaya cadadka dhiigga wadnaha uu buufin lahaa, marka uu yaraado dhiigga wadnaha waxa xumaanaya dhiigga soo gali laha dhagyarta taasina waxa ka dhallaneysa  inuu yaraado cadadka dhiigga la tuuri lahaa. Taasina waxay si guud keeneysaa in dhiigga hoos u dhaco(hypotention).



Calaamadaha. 


1:Sudden onset chest pain:  laab xanuun dagdag ah kaasoo qofka uu dareemayo in ay laabta wax lagaga mudayo.


2:Dyspnea: neef-qabatin taasoo neefshada ay yaraaneyso, iyadoo ay ku xidhan tahay heerka hawo oofeedka qofka. 


3:Tachypnea: kororka xaddiga neefshada oo korodha.


 4:Hypoxemia:  ogsijiin yari nuddaha jirka oo soo wajahda, kaasoo jirka uu noqonayo mid buluug ah.


5:Absent breath sounds: Waa yitaanka codadka sambabka, taasoo xilliga la dhageysanaayo aan la arkeyn.


6:Hyperresonance: qallafsanaanta codka sambabada marka faraha la saaro lagu garaacayo lana maqlayo cod aan habbooneyn oo sheegaya hawo oofeed. Codkaasoo loo maqli doonna sidii gurbaan oo kale in la garaacayo.



8:Hypotension: waxa hoos u dhacaya dhiigga jirka.


9: Waxaa kaloo la arki karaa haddii ay xaaladda daran tahay xiddid sureedka oo weynaada(Neck veins).


Baadhitaanka. 


1:Chest X-ray: waxaa la saarayaa raajada saableyda waana midda ugu caasan la isticmaalo oo go'aanka looga gaaro, waxa lagu arkayaa bar xariiqa moqorka sambabka(pleural), taasoo muujineysa xariiqa booska saxda ee sambabka inuu meesha ka baxay, oo uu sameeyay urur(collapse). Haddii uu jirro giigsan hawo oofeed(Tension Pneumothorax) waxa booskiisa ka baxaya bar dhexaadka saableyda ee wadnah uu ku jirro. Raajada ayaa lagu ogaanayaa.



2:CT Scan: iskaanka waxaa loo saarayaa haddii baaritaannada kale waxba laga fahmi waayo, si markaasi loo helo xog dheeraad ah si markaasi qiimeyn saxan loo sameeyo.


3:Ultrasound: kombuyuutarka waxa uu innaga caawinayaa in lagu qiimeeyo heerka ay gaarsiisan tahay hawo oofeeda.  Haddii uu maqan yahay dhaq dhaqaaqa xariiqa moqorka xilliga neefsashada. Sidoo kale waxa lagu ogaanayaa barta saxda sambabka haddii isbeddel ku yimid. 


 

4:Waxaa loo baahanayaa   hubsashada shaybaadh dhiigga laga qaado halbowlaha(Arterial Blood Gas (ABG): kaasoo la ogaanayo heerka ogsijiinta ay gaarsiisan tahay, ama heerka kacsanaanta kaarboon laba ogsaydhka. Haddii uu jirro gabnowga habdhiska neefsashada,  iyo heerka aysiidha dhiigga.



5:Waxaa koloo loo baahanayaa dhiigga guud si markaasi loo eego haddii ay jiraan wax caabuq ah(Complete Blood Count (CBC): haddii ay kacsan yihiin unugyada cad cad.


Daaweynta. 


1:Haddii hawo oofeeda ay tahay mid yar  waxa la siinayaa  ogsijiin si markaasi dhibaatooyin ka iman kara ogsijiin yarida loo yareeyo(Small Pneumothorax <2 cm, asymptomatic): waxa lagu celinayaa 6 ilaa 24 saacad raajada.


2:Daaweynta ugu horreysa waa in laga soo nuugo hawada ku jirta sambabada,  iyadoo la isticmaalayo cirbad, iyadoo laga mudayo feedha shannaad iyo midda lixaad inta u dhexeysa(fifth intercostal space), ilaa sambabada ay booskooda ku soo laabtaan.


3:Chest tube drainage: haddii ay darran tahay hawo oofeeda waxa loo baahanayaa tuubada feedha la galsho(chest tube)  si markaasi hawada moqorka sambabka ku jirtaa loo yareeyo.  Cadaadiska hawada ku jirtaa waxa ay diideysaa in sambabada ay kala baxaan sidii horre ee caadiga ahayd in ay ku soo noqdaan. Tuubadaas ayaa lagu xidhayaa qofka si markaasi xanuunka hoos ugu dhaco.


 

4:Haddii ay jirto giigsan hawo oofeed(Tension Pneumothorax:)

Waxaa si dagdag ah loogu sameynayaa nuugitaan cirbadeed si markaasi looga soo saaro  dhiig ku ururay sambabada( chest tube).


6:Hawo oofeedka haddii uu soo labo  noqdo waxaa loo sameynayaa qaliin muuqaal ah(Video-assisted thoracoscopic surgery (VATS), waa marka uu soo labo laabto hawo oofeeda ama hawaddo ay sameyso habid(leakage).


 7:Jugta haw oofeeda(Traumatic Pneumothorax),  haddii ay jug soo gaadhay saableyda, ama feedha ay jabtay,  ama wax ka duseen feedhaha, waxaa lagu maareynayaa tuubada laabta la galiyo( chest tube) si cadaadiska looga yareeyo waa marka uu bukaanka ogaal leeyahay. 

 Haddii ay xaaladiisa darran tahay dagdag ayaa loo maareynayaa xaaladdiisa oo tuubbada saableyda ayaa la dhigayaa inta u dhexeysa feedha labaad iyo seddexaad dhexdooda(chest tube placement).


8: Waxaa kaloo la maareynayaa sabab walba keentay oo cudur ah kuuwaasoo ku dhaca habdhiska neefsashada,   iyadoo markaasi ku xidhan tahay waxa keenay.  



Tixraaca. 


1. Harrison's Principles of Internal Medicine



2. Current Medical Diagnosis and Treatment



3. Murray and Nadel's Textbook of Respiratory Medicine



4. Clinical Emergency Medicine



5. Amboss



6. Medscape



7. UpToDate



8. Mayo Clinic



9. National Library of Medicine (PubMed)



10. American Journal of Respiratory and Critical Care Medicine











Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad