Casharka 23aad

 

Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 23aad


Dillanka unugyada sambabka(Pulmonary Infarction).


Waa marka uu dhinto nuddaha sambabka, taasoo ay ugu wacan tahay xirranka qulqulka dhiigga, badanaa waxa keenna xirrinka halbowle sambabeedka(pulmonaryembolism). Waxay dhacdaa marka ay xinjir isku xidho halbowlesambabeedka, badanaa waxay ka timaadaa xiddidada hoose ee lugaha, miskaha, xinjirtaasoo u soo baqooleysa halbowle sambabeedka, taasoo ugu dambeyn keeneysa dhiig yari, haddii ay dhiig yaraani dhacdo waxa meesha ka baxaya nafaqada uu heli lahaa nuddaha sambabka.

Sida aan soo sheegnay xaaladdani waa dhimasho ku timaada nuddaha sambabada, taaso ugu wacan dhiig yari soo wajahda. Hannaankani waxa uu ku curtaa xirran ku yimaada halbowle sambabeedka, taasoo xidha xinjir, waxa ugu caansan waa marka ay xinjirta ka soo safarto addimaha hoose. Xirrankaasi waxa uu carqaladeynayaa socodka dhiigga, gaar ahaan kuwa sambabada, kuwaasoo nafaqo iyo ogsijiin soo gaarsiiya nuddaha sambabbada. Haddii uu xumaado socodka dhiigga waxa uu sababayaa dhiig yaraan, taasoo keeneysaa in unugyada ay dhintaan, gaar ahaan kuwa sambabada. Marka dhiigyarida ay dhacdo waxa la carinayaa hannaanka jawaab celinta ololka, waxa ka dhallaneysa in xiddidka habid ku timaado(vascular permeability) iyo xannibaad ku timaada unugyada dhiigga cas ee kiish haweedka. Dhimashada nuddaha sambabbada waxay horseedayaan hawo cusbonaysiinta in ay isku dheellitirnaan weyso(Ventilation ), taasoo bartaasi ay noqoneyso mid dhimata, ugu dhambeyna ogsijiin yari timaado. Iyadoo ay ku xidhan tahay cabirka, goobta ay ka dhacday dhimashada, ka dhallaneysa qalal ku yimaada habdhiska neefsashada. 


 

 Maxaa keenna?


1:Xirranka halbowle sambabeedka (pulmonary embolism) waxa uu sababayaa dhimashada nuddaha sambabbada, marka xinjirta ay ka soo huleesho addimaha hoose(deep vein thrombosis) ay timaado xiddido halbowleedka taasoo isku gudbeysa laamo badan oo xididdada sambabada. Xirrankaasi waxa uu xumeynayaa qulqulka dhiigga iman lahaa nuddaha sambabbada. Xirrinka xiddidadaasi waxa ka curanaya in quudinta iyo nafaqada ay hoos u dhacdo, haddii socodka dhiigga uu yaraado laamaha xiddidada isku gudban ku yimaado(xidho xinjir) qulqulka dhiigga hoos u dhac ayaa ku imanaya. Xirrankaasi waxa uu horseedayaa isku qasan haweed aan fiicneyn kaasoo saameynaya sambabada, haddii hawo cusbooneysiinta ay xumaato waxa ka dhallaneysa u nuddaha ku yimaado hawo yari iyo nafaqo. Haddii ay waqti badan sii jirto hawo yaridaasi iyo nafaqo xumada waxay sababeysaa dhaawaca ku yimaada kiish haweedka iyo qaabdhiska xiddidka. Nuddaha waxa uu noqdaa mid dhinta, iyo xididdada hunguriga cadka waxay Keenaan dhiig bax. Intaas waxa dheer waxa la soo daynayaa nidaamka hafeefka ka qeyb qaata(inflammatory response) iyo nidaamka carinta xinjirowga, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya dhaawaca nuddaha soo gaadha taasoo ugu dambeyn keenysa in nuddaha sambabka sidaas ku dhinto. Dhimashada nuddaha badanaa waxa uu ka dhacaa laamaha yaryar, iyo laamaha dibad u baxa xiddidada sambabbada. Haddii aan la daaweyn waxay keeneysaa in shaqada sambabbada neesha ka baxdo, sidaasi sambabbada ku shaqo gabaan.


2:Hawo xidhka(air embolism) waxay soo galeysaa wareegga dhiigga kaddib waxay soo aadeysaa qoqobka wadnaha qeybta midig, iyo calool yarta midig, taasoo dhiigga ay u soo buufineyso xiddidada sambabada. Hawadaasi waxay xidheysaa xiddidada sambabada iyadoo carqaladeyneysa qulqulka dhiigga. Xirrankaasi waxa uu siyaadinayaa iska caabinta xiddidka, taasoo ay horseed u noqoneyso in nuddaha sambabka uu heli waayo quudin fiican iyo nafaqo. Ku filnaansho la'aanta dhiigga nudaha waxay keeneysaa inuu dhinto, nuddaha dhiigga soo gaadha waxa uu ka helaa nafaqo iyo ogsijiin nadiif ah. Sidoo kale hawo xidhkani waxa uu dhaawacayaa(indhosiiliyamta) ee xiddidada sambabka. Dhaawacaasi waxa la carinayaa nidaamka hafeefka jirka, iyadoo la carinayi nidaamka xinjowga, taasoo ka dhallaneysa in xinjir sameysanto. Xinjirtaasi waxay xumeyneysaa qulqulka dhiigga. 


3:Hafeefka xiddidada (vasculitis) waxa uu sababaa qudhbaxa nuddaha sambabbada, kuwaasoo xiddidada ay noqonayaan kuwa hafeefsan ee sambabada. Hafeefka xiddidada waxa ay ka bilaabanayaan darbiyada xiddidada kuwaasoo keenaya in ay bararaan, unugyada difaaca waxaas oodhan waxay ka qeyb qaadanayaan dhaawaca soo gaadhaya indhosiiliyamta, waxa ka dhallanaya ciriirsan ama xirran ku yimaada xiddidada dhiigga, taasoo ugu wacan sameysanka xinjir, waxa adkaanaya darbiyada xiddidada. Marka qulqulka dhiigga sambabbada ay hoos u dhacaan ama istaagaan waxa hoos u dhacaya ogsijiin iyo nafaqada nuddaha uu heli lahaa(ischemia). Haddii ay tani dhacdo(ischemia) waxa imaaneysa qudhbadhaxa nuddaha. Hafeefka xiddidada sidoo kale waxa uu keenayaa qarraxa xiddidada, kaasoo keenaya dhiig bax. Taasina waxay carqaladeyneysaa ama saameyn xooggan ku imaaneysaa nuddaha sambabbada.


4:In sickle cell disease (SCD), waa xanuun hidda side oo ku dhaca dhiigga. Kaasoo unugyada dhiigga ay isbeddelayaan qaabkooda, aynna adkaadaan,waxa uu keenayaa in ay dhacdo qudhbaxa nuddaha sambabka. Unugyada dhiigga cas cas isbeddelka ku yimaaday waxay keenayaan in a noqdaan qalaad isjiid(adhesion) kuwaasoo ku dhagaya indhosiiliyamta, qulqulka dhiigga waxa uu noqonayaa mid xumaada, isagoo markaasi sarre noqonaya mid teedan(occlusion). Xiddidada sambabada marka ay teedsamaan waxa yaraanaya ogsijiinta in la qaado. Ugu dambeyn waxa ay keenayaan in nuddaha sambabka uu dhinto. Intaa waxa dheer in uu dhaawac soo gaarsiiyo xanuunkan(sickle cell disease) waxay sarre u qaadeysaa hafeefka, iyo carrinta xinjirowga dhiigga, kuwasoo ka qeyb qaadanaya xirrinka xiddidada. 


5:Dux xidh( fat Embolism) waxay horseedeysaa qudbaxa nuddaha sambabka, marka ay dux soo dhex gasho qulqulka dhiigga badanaa waxay ka timaada jugta iyo lafaha dhaadheer oo jaba ama qaliimada lafaha, duxdaasi waxay carqaladeyneysaa xiddidada, iyadoo u soo talabeysa xiddidada sambabbada, marka ay xiddidada soo gaadho waxay ku istaageysaa xiddidada yaryar, kuwaaso ay xidhan ku keeneyso(obstruction), haddii ay xidhanto waxaa hoos u dhac ku imanayaa qulqulka dhiigga ee nuddaha sambabbada soo gaadhayay. Xidhanka xiddidka waxa uu abuurayaa in ay ogsijiin yari iyo nafaqo darro soo wajahdo nuddaha. Marka uu xidhankaasi dhaco, duxda bilaashka ah waxa ku jirra sun xooggan, suntaasi waxa carineysaa hafeefka(inflammatory response) waxa ka dhallanaya marka hafeefka la cariyo inuu siyaado habida tiiftaafyada(capillary permeability), iyo inuu horaaha ka soo baxo xiddidada dhexdooda uuna soo gaaro kiish haweedka, kaasoo markaasi isbeddel ku keenaya isbeddelka hawada. Ugu dambeyn xidhanka xiddidada iyo carinta hafeefka waxay sameynayaan in ay xiddidada teed uu xidho. Sidaan uu ku dhinto nuddaha sambabka.


6:Kororka sameysanka xinjirowga (hypercoagulable states), waa xaalad ay kordheyso sameysanka xinjirowga dhiigga, taasoo qalqal ku imanaya nidaamka xinjirowga, xinjirowgaas waxa uu ka imanayaa addimaha hoose(Dvt), xinjirtaasi waxay ka soo dhex mushaaxeysaa nidaamka xiddidada, wadnaha ilaa sambabada. Marka ay xinjirta ay gaadho sambabada, waxay xidheysaa xiddidada yaryar, taasina waxay keeneysaa teedsanka xiddidka. Xirranka xiddidada waxay ka hortageysaa ogsijiin iyo nafaqadii gaari lahayd nuddaha sambabka. Nidaamkaas xinjirowga ee xadhkaha goostay waxa uu keenayaa in ay xidhaan xiddidada sambabada, ugu dambeyntii keenaya qudhbaxa nuddaha sambabka.


7:Buro(Tumor): Qudhbaxa nuddaha sambabka waxa keenna burooyin ka soo baxa aagga sambabada kuwaasoo carqaladeynta soocodka dhiigga. Burooyinkaas gaar ahaan meelaha u dhow sambabka. Kuwaasoo si toos u saameeya xiddidada dhiigga sambabada. Sida kansarka sambabada waxa uu duleelinayaa halbowlaha, xiddidada, tiiftaafyada. Sidaas ayuu ku carqaladneysaa qulqulka dhiigga, taasoo keeneysa xidhanka xiddidada. Marka uu xidhmaan xiddidada sambabada waxa uu keenayaa in nuddaha samababka uu noqdo mid bilaa nooli ah aan heysan wax ogsijiin ah iyo nafaqo, taasoo ugu dambeyn keeneysa qudhbaxa nuddaha sambabka.  


Calaamadaha. 


1:Chest Pain: qofka waxa uu dareemayaa laab-xanuun, iyo in laabta wax lagaga muddayo, qofka waxa uu ka walwalayaa marka uu neefsanayo ama qufac.


2:Shortness of Breath: Neefsashada oo adkaato taasoo ugu wacan cadaadiska nuddaha sambabka.


3:Cough: qufac oo dhiig la socda.


4: Fever: qandho iska yar, taasoo ugu wacan hafeefka(inflammation).


5:Tachypnea: Neefsashada oo oo dagdagta.


6:Hypoxia: ogsijiinta oo yaraata, taasina waxay keeneysaa miir daboollan.


Baadhitaanka. 


1:CT Pulmonary Angiography (CTPA): waa midka ugu muhiimsan ee loo isticmaalo haddii ay jirto xinjir xididdada xidhay, waxa uu inna tusinayaa qudbaxa iyo xirranka xiddidada sambabada. 


2:Ventilation-Perfusion (V/Q) Scan: waxa uu inna tusinayaa barta ay ka jirto isku qasanka hawada cusub, haddii ay jirto quudxumo.


 3:Chest X-ray: raajada badanaa iyada waxa lagu ogaanayaa haddii muuqaalka isbeddel ku yimid (sambabka).


4:Arterial Blood Gas (ABG): sheybaadhkan waxa uu inna tusinayaa haddii ay jirto ogsijiin yari, haddii ay jirto alkaloosis(Respiratory alkaloosis).


Daaweynta. 


Ogsijiin: Ogsijiin waxa loo siinayaa si nuddaha uu u noqdo mid bad qaba, nafaqada iyo Ogsijiinta ay u gaadho, si markaasi sarre loogu qaado ogsijiinta heerka dhiigga, si markaasi nuddaha sambabka loo wanaajiyo, shaqada sambabka u qummanaato.


 2:Waxa la siinayaa Lid xinjirowga(Anticoagulation Therapy), waxa laga hortagayaa sameysanka xinjirowga, iyo in xinjirta guntanka ah in la milo. Taasoo hoos u dhigeysa soo laabashada xinjirowga. Waa daaweynta ugu horreysa xidhanka halbowle sambabeedka, ha jirro ama yaanu jirin qudhbaxa nuddaha sambabbada. Waxa ka mid ah Low Molecular Weight Heparin (LMWH) (e.g., enoxaparin) iyo Kuwa waqtiga dheer la qaato(Long-term Anticoagulation:) sida Rivaroxaban, Apixaban.


3:Mile xinjirow(Thrombolytic Therapy) waxay milayaan xinjirta iyadoo la carinayo(plasminogen)si markaasi loo burburiyo fibriinta. Sida Alteplase.



4:Xinjir saarid(Pulmonary Embolectomy).


Qaaliinkan waa marka xinjirta ay xidho xiddidka, taasoo laga saarayo xididdada. Waana marka dawooyinka lidiga dhiigga furfura ay keeni waayaan isbeddel. Iyadoo qaaliin furan la galinayo bukaanka ama kateerar lagaga soo saarayo, waana tubi jilicsan iyadoo loo isticmaalo xaaladdo kala duwan(catheter-based techniques).


5:An Inferior Vena Cava (IVC) filter: Waa aalad loo isticmaalo in looga hortago xinjirta xidha halbowle sambabeedka, iyado si toos looguma daaweyn karo qud baxa nuddaha sambabka,laakiin waxay door muhiim kaga qeyb qaadataa in lagaga hortago xinjir xidha dheeraadka. Waxay mamnuuc ka tahay qof qaadanaya dawooyinka xinjirowga furfura,haddii la istcimaalo qalabkani iyadoo dawooyinka la qaadanayo waxay keeni karaan dhiig bax.


 Tixraaca. 


1. Harrison's Principles of Internal Medicine



2. CURRENT Medical Diagnosis & Treatment



3. Fishman’s Pulmonary Diseases and Disorders



4. Murray & Nadel’s Textbook of Respiratory Medicine



5. Amboss



6. Medscape



7. National Library of Medicine (PubMed)



8. Cleveland Clinic



9. Mayo Clinic



 

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad