Casharka 24aad aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 24aad aad



Nuddayaal u dhexeeyaha(Interstitial Lung Disease (ILD)


Waa lagu qeexaa koox xanuunno oo saameeya sambabada kuwaasoo ay ku keenayaan hafeef iyo miiqow(fibrosis) inta u dhexeysa kiish haweedka iyo xididdada dhiigga ee yaryar oo ku meegaaran kiish haweedka. Waqti badan kaddib unugyada sambabbada waxay noqonayaan kuwa adkaada, kuwasoo horseedaya in ogsijiinta ay hoos u dhacdo.Hafeefka waqti badan jirra waxa uu keenayaa in unugyada sambabada ay miiqoowaan gaar ahaan kuwa kiish haweedka.   Marka uu dhaawac soo gaaro unugyada kiish haweedka ama tiiftaafyada kuwaasoo ugu wacan deegaanka waxyaabaha la xidhiidha, sumowga,  caabuqyo iyo is weerarka difaaca jirka. Dhaawacaasi waxa la carinayaa hafeefka kiimikooyinkiisa kuwaasoo carqaladeynaya isku dheellitirka kiish haweedka.  Marka qiimowga uu qeybsamo waxa la soo saarayaa kolaajiin badan taasina waxay keeneysaa in kiish haweedka uu adkaado, sidaasna waxa hoos u dhacaya isbeddelka hawada sambabada. Xanuunkani waxa uu beddelayaa qabdhiska sambabada taasoo uu ka dhigayo mid aan soo noqod lahayn.


Maxaa keena?



1:Waxaa keenna qofka shaqada uu ka shaqeeyo iyo daagaanka uu ku nool yahay. Qofka marka uu hawada wasaqeysan, kiimikaaliska qaato waxay keenayaan nuddayaal u dhexeeye( interstitial Lung Disease) toos waxay  saameynayaan unugyada kiish haweedka kuwaasoo hafeefka jirka carinaya. Waxaa la soo  daynayaa liqaha wayn. Linfoosaayd iyo unugyada dhiigga cadcad kuwaasoo meesha dhaawaca ah  aadaya, kaddib waxa la soo daynayaa  kiimikooyinka hafeefka(cytokines, Il1, TNFa). Hafeefka joogta ah waxa uu carinayaa unugyada miiqowga, kuwaaso ay soo daynayaan  kolaajiin badan oo ka buuxsamameysa kiish haweedka. Waqti badan kaddib waxa uu keenayaa miiqowga sambabbada  taasoo sababeysa inuu adkaado kiishashka iyo xuubka tiiftaafyada,  waxa xumaanaya isbeddelka hawada. Ugu dambeyna waxay hoos u dhigeysaa shaqada sambabbada.  Dhaawaca soo gaadha waxa uu noqonayaa mid aan soo noqod lahayn. 


2: Waxaa kaloo keenna isweerka difaaca jirka(autoimmune diseases), waxa uu ka dhallanayaa ololka raagga ee waqtiga dheer sii jirra, kaasoo difaaca jira isbeddel ku keenaya, nuddaha sambabka ka tusaya xagal qaldan, difaaca sidaas ayuu ku weereyaa. Hannaankani waxa uu curtaa  Lid jidh galaha iyo difaaca kuwaasoo weerayaa ibisiiliyamta kiish haweedka, waxa la carinayaa nidaamka hafeefka uu  soo daayo(cytokines, TFN a IL 1, 6). Hafeefkaas joogta waxa uu dhaawacayaa tiiftaafyada kiish haweedka,kaasoo habid ku samaynaya kiish haweedka. Marka uu dhaawacaasi sii xoogeysto waxa la carinaayo nidaamka miiqowga kaasoo soo saaro barootiinno sida kollaajiin, waxay ka buuxsamayaan kiish haweedka, taasoo keeneysa inuu adkaado kiish haweedka, kaasoo uu soo yaraanayo kala jiidanka sambabbada. Waxa isbeddelaya shaqada sambabbada. Xannuunnada is weerarka difaaca jirka dhowr ka mid ah ayaa keenna(Systemic sclerosis,Rheumatoid arthritis,Polymyositis).



3:Waxaa kaloo keena dawooyinka qaar sida kuwa kiimoterapi (Chemotherapy) waxay si toos ah u saameynayaan unugyada kiish haweedka, kaasoo la soo daynaayo kiimikooyinka hafeefka,  kuwaasoo siyaadinaya habida  tiiftaafyada (capillary permeability), kaddib waxa la carinayaa miiqowga kaasoo ay ka buuxsamayaan kolaajiin kiish haweedka ugu dambeyn ka dhigeysa mid adag. 


3:Daawooyinka wadnaha: Qaarkood daawooyinka loo isticmaalo daaweynta garaaca wadnaha aan caadiga ahayn, sida amiodarone (Nexterone, Pacerone), waxay waxyeello u geysan karaan unugyada sambabada.


4:Antibiotics: Qaarkood dawooyinka bakteeriyada ladagaallama, sida nitrofurantoin (Macrobid, Macrodantin, iwm) iyo daptomycin, waxay sababi karaan dhaawac sambabada ah.


5:Daawooyinka ligiga hafeefka(anti-inflammatory drugs): Qaarkood daawooyinka ka-hortagga caabuqa, sida methotrexate (Trexall, Xatmep, iwm) ama sulfasalazine (Azulfidine), waxay dhaawac gaarsiin karaan sambabada.


6:Miiqowga sambabada ee aan la aqoon(Idiopathic pulmonary fibrosis).Miiqowga  sambabada ee aan la aqoon (IPF) waa xanuun sambabada ku dhaca oo si tartiib ah u saameeya, kaas oo dhaca marka unugyada sambabadu dhaawacmaan oo ay samaysmaan nabarro adag, taas oo loo yaqaan miiqow(fibriyoosis). Erayga idiopathic wuxuu tilmaamayaa in sababta xanuunka aan la aqoon.

 Waxaa lagu arki karaa sawir baaris (imaging) ama marka cad(Biopsy)laga qaado sambabada. Unugyada qallafsan ee uu xanuunku sababo waxay adkeeyaan shaqada sambabada, taas oo keenta inaysan si habboon u maareyn hawada.


IPF waa cudurka ugu caansan ee ka tirsan cudurrada sambabada (interstitial), wuxuuna inta badan leeyahay rejo xumo ku timaada sambabada shaqadooda.


7:Oof-wareenta lid-jidheedka. (Hypersensitivity Pneumonitis)

Hafeefka sambabada ku dhaca waxa keena walxaha hawada ku jira ee kiciya xasaasiyadda, kuwaas oo badanaa ka yimaada noole kale, sida dadka ka shaqeeya meelaha shimbiraha lagu xanaaneeyo, ama jecel shimbiraha,waxyaabaha ka yimaada ama deegaankooda ka dhasha ayaa sababi karin carinta ama xasaasiyadda hawo mareenka.

Halka dadka beeraha ka shaqeeya ay iyaga xaaladani haleeli karto ee xasaasiyada, waayo waxyaabaha qalaad ee ku jirra cawska, ama daagaanka dhirta leh taasoo hawada ay ku milmayaan waaxyaabahaasi kaddib qofka ay saameyn ku keenayaan hawo mareenkiisa, qofka sidaas ayuu kaga qaadayaa xasaasiyada. Xaaladani waa laga bogsan karaa haddii uu qofka ka fogaado walxaha keenna, laakiin haddii aanu qofka ka fogaan walxahaasi waxay noqon kartaa mid saameyn ku yeelata samabbadiisa ,gaar ahaan kiish haweedka,  dhaawaac soo gaara aanu noqon mid laga kabsada.



8: Caabuqyada waxay ka qeyb qaadan karaan nudayaal u dhexeeyaha(interstitial lung disease)  iyagoo kaga qeyb qaadanayo siyaalo kalla duwan, caabuqyada qaar si toos ayay u sameynayaan nuddaha sambabka kasoo ay ku sababayaan hafeef iyo dhaawac soo gaadha nuddaha, tusaale ahaan waxa ka mid 

 influenza, respiratory syncytial virus (RSV), iyobcoronaviruses waxay horseedayaan in ay dhaawacaan kiish haweedka kaddib ay ka dhallato nud u dhexeeyaha. Sidoo kale bakteeriyada waxay saameyn ku yeelananeysaa in uu adkaado kiish haweedka  iyadoo uu hafeefka kaalin ku leeyahay sida waxa ka mid ah bakteeriyada qaaxada, ama mycoplasma 


9:Waxaa kaloo kenna caabuqyada ka dhasha fangaska,sida histoplasmosis iyo aspergillosis sidoo kale waxay ka qayb qaadan karaan nuddayaal u dhexeeyaha(interstitiallungdisease), gaar ahaan dadka leh nidaam difaaca jirka oo daciif ah. Caabuqyadaas waxay badanaa sababi doonnaan kuusyo yaryar oo ka dhasha hafeefka (granulomatous ) iyo miiqowga kiish haweedka. 


10:Dadka qaba xanuunnada keenna hoos u dhaca difaaca jirka, ama dadka leh difaaca jirka oo liita waxay qatar ugu jiraan xanuunkan nudayaal u dhexeeyaha, waxa keena sida tuberkulosis ama cytomegalovirus (CMV) waxay dib uga hawlgeli karaan ama waxay weerari karaan unugyada sambabada, iyagoo sababa dhaawac ka qayb qaadanaya kiish haweedka. Jawaabta difaaca jirka ee caabuqyadaas waxay sii xumeyn kartaa dhaawaca sambabada, iyadoo keeni karta hafeef iyo miiqanaan ku timaada kiish haweedka ee sambabada. 


Calaamadaha. 


1. Neefsashada oo yaraata, qofka marka uu dhaqdhaqaaq sameynayo.

2. Qufac qallan, oo joogta ah waan midda ugu caansan.

3. Daal, taasoo ugu wacan ogsijiin yarisa ku timaada nuddaha, ama shaqada samababbada oo xun.

4. Laab xanuun, qofka laabta waxa uu ka dareemayaa nafis xumo taaso ugu wacan hafeefka nuddaha sambabbada. 

5: miisaan lumid aan lahayn qaab loo sheego.

6: Barar ku yimaada faraha.



Baadhitaanka. 



1:Chest X-ray: raajada laabta waxay inna tusineysaa haddii uu jirro olol ama  miiqow, mararka qaar raajada ma noqoto mid xog dheeraad ah laga helo waxa loo baahanayaa iskaan.


2: Blood Tests: hubbinta dhiigga  waxa lagu ogaanayaa waxyaabaha keenay  sida haddii uu jirro is weerarka difaaca jirka,  iyo caabuq. Waxaa kaloo laga badhayaa dhiigga guud(CBC) taaso muu jineysa hafeefka guud ama caabuq innuu jirro.


3:Erythrocyte Sedimentation Rate (ESR) iyo C-reactive Protein (CRP): haddii ay kacsan yihiin labadan faldajiye waxay muujinayaan inuu jirro hafeef(inflammation).


 4:Computerized tomography(CT SCAN)


Waa qalabka ugu horeeyo lagu ogaanayo xaaladdani una ah fure, waana midda ugu horreyso loo istcimaalayo marka la rabo in si fiican loo go'aamiyo xaaladdani, waxay inna tusineysaa  heerka miiqowga sambabada uu gaarsiisan yahay



5:Spirometry and diffusion capacity. Waxaa loo baahanayaa heerka neefsashada qofka uu saarayo ama uu qaadan karro, inta samababada ay hawada hayn karaan ama ay saari karaan ayuu innoo cabirayaa. Sidoo kale waxa uu innoo cabirayaaa si fudud ogsijiin sambabada ka imaneysa ee soo aadeysa dhiigga ama qulqulka dhiigga.


6: Lung Biopsy (if necessary): waxaa loo baahanayaa in cad laga soo qaado sambabada haddii laga maarmi waayoo si markaasi loo qiimeeyo xaaladda qofka  haddii ay waxyaabo kale keeneen aan la aqoon isbeddel ku keenay muqaalka kiish haweedka. 



Daawaynta. 


1:Daawooyinka ugu horeeya la siinayaa waa istiirooydh(Corticosteroids (Prednisone): waxay yareynayaa ololka iyaga  xidhaya faldajiya)cytokines) si markaasi dhaawaca u yaraado. Sababaha loo siinayaa waa marka uu jirro ama keenay is weerarka difaaca jirka. 


2:Waxaa kaloo la siinayaa dawooyinka lidka-miiqowga(Antifibrotic Agents ). Waxay xidheysaa daawadani faldajiya (TGF-B) si markaasi loo yareeyo miiqowga badan ee kiish haweedka adkeynaya(fibroblast). Waxa ka mid ah:Pirfenidone

Nintedanib: waxay xidheysaa faldajiyaha(tyrosine kinase pathways).


3:Waxa la siinayaa ogsijiin, si markaasi loo saxo ogsijiinta, si hoos loogu dhigo dhaawaca sambabada soo gaadhaya.


4:Waxaa kaloo la siinayaa dawooyinka hoos ugu dhiga caabuqa. Si markaasi looga hortago caabuqa neefmareenka. Waxa la siinayaa talaalka fayruska  influenza, pneumococcal, iyo jeermis dilaha si iyada loo dilo bakteeriyada. Sida Levofloxacin waxay xidheysaa DNA ay leedahay bakteeriyada si aanay is  badin u sameyn,Ceftriaxone,Piperacillin-tazobactam, iyagoo xidhaya borotiinka ay sameysan lahayd bakteeriyada. 


5:Daaweynta ugu dambeysa qofka loo sameynayaa waa in sambabada laga beddelo(Lung Transplant), waa marka ay xaaladdu aad u daran tahay.



 Tixraaca. 



Books:


Harrison's Principles of Internal Medicine, 21st Edition.


Murray and Nadel’s Textbook of Respiratory Medicine, 7th Edition.


Fishman’s Pulmonary Diseases and Disorders, 5th Edition.


2. Journals:


American Journal of Respiratory and Critical Care Medicine (AJRCCM).


European Respiratory Journal.


Chest Journal.


3. Online Medical Platforms:


American Thoracic Society (ATS)


National Heart, Lung, and Blood Institute (NHLBI)


Mayo Clinic - Interstitial Lung Disease


Amboss - Interstitial Lung Disease


Medscape - Interstitial Lung Disease Overview


4. Organizations:


American Lung Association (lung.org)


Pulmonary Fibrosis Foundation (pulmonaryfibrosis.org)


Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad