Casharka 25aad.

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 25aad.


Neefsi hakadka hurdada(Sleep Apnea).




Naafsi hakadka hurdada, gaar ahaan waqtiga la hurdo oo neefta soo bixi weyda.Tani waxaa sababa hab dhiska neefta marta  oo xerma ama carqaladeen yar ku dhacda.Sababaha Keena iyo khataraha ka dhalan kara

neefta oo qofka ku xiranta hurdada,

Neefta oo qofka ku dhegta xilliyada hurdada siiba habeenkii ayaa ah khatar caafimaad oo taxadarkeeda leh. Marka uu qofku khuuriyo ama uu aad u daalanyahay ayuu badanaa la kulmaa xaaladan. Neefta ayaa noqota mid hakad ku jirta mudo udhaxaysa ilbiriqsiyo ilaa daqiiqad. Waxayna dhibaato ku keentaa waqtiga uu qofku ku seexan karo hurdo ku filan, waxaa dhacda inuu qofku soo tooso marka uu marxaladaan lakulmo. Dadka khuurada saa'idka ah leh ayaa ugu badan dadka lakulma xaaladan.

Waxaa loo qaybiyaa xanuunkaan la xariira hurdada saddex qaybood oo leh sababo kala duwan. Inta badana astaantaan waa mid raagta oo aan si dhaqso ah looga kabanin. Waxaa kamid ah sadixda qaybood.


1:Obstructive sleep apnea: oo ah nooca ugu caansan lana xariirta marka ay murqaha dhuunto dabcaan.


2:Central sleep apnea oo ah marka ay maskaxdu u dirin wax farriin ah ama fariin ku filan murqaha xakameeyo hawo qaadashada iyo saarida.


3:Complex sleep apnea: ayaa ah nooc ay ku midaysan yihiin labada kor ku xusan.



Waxaa sababa neefta qofka ku dhegta oo loo aaneeyaa qodobo kala duwan kuwaasoo wax laga qaban karo. Haddii la daweeyo sababta keentay ama meesha laga saaro, astaantaanta meesha ayay ka baxaysaa. Neefta oo xiranta waxaa ay timaadaa marka ay dabcaan murqaha sare ee ku shaqada leh neef qaadashada, waxaa jira hilib ka dambeeya cadka dalqaha kaasoo isku gudbiya hawo mareenka, waxay yaraanaysa hawada galaysa hunguriga waxuuna qofku isku dayayaa inuu si xoog ah ku qaato hawada. Marka ay dabcaan murqaha waxa yaraanaya dhumucda hawo mareenka, hawada la qaadanayo ayaa yaraanaysa, dhiigga ayaa waxaa ku yaraanaya oksijiinta. Maskaxda ayaa helaysa farriimo ah in hawo qaadashadu yartahay waxaana ay soo dirtaa farriimo ah in la furo afka si loo helo hawo qofka ku filan, taasoo keenta in qofku uu tooso. 


Obstructive Sleep Apnea (OSA)


Waa midda ugu horreysa sababta in hawo mareenka qeybta sarre ay isku soo ururto xilliga hurdada, ururkaasi waxa uu ka iman karaa qaabdhiska, iyo dareensidaha waxyaabo la xidhiidha.  Isbeddelka qaabdhiska waxa uu ku imanayaa sidaan soo sheegnay ciriirsan ku imanaya hawo mareenka qeybta sarre, waxa ugu wacan cayilka, dalqada oo xadkii loogu talagalay ka wayn, lafaha qalka oo aad u waa wayn, kuwaasoo hawadda xidha.



Dareen muruqeedka(The neuromuscular tone)


Waxay door muhiim ka qaataan isku dheellitirka marrinka hawadda qeybtiisa sarre, xilliga hurdada. Qeybta sarre hawo mareenka waxa kala bixiya muruqa(genioglossus) kaasoo nidaamsha hawo mareenka iyo ururka marinka hawada, cadaadiska taban ee xilliga neef qaadashada.  Isku dheellitirka waxa uu xaqiijinayaa furintaaka marrinka hawada, waxa u ogolaanayaa in hawada qulqulkeeda u dhacdo sidii la rabbay iyadoo aysan wax carqalad ah la kulmin. Haddii murqaha nidaamsha qeybta sarre ee hawo mareenkan ay shaqadiisa hoos u dhacdo waxa yaraanaya dhexroorka kala baxa muruqa. Dhexroorka muruqa haddii uu soo yaraado waxa u sabab ah qaabdhiska marrinka hawada oo isbeddel ku yimaada  ama ciriiri ah, xilliga neefshada waxa siyaada tabnaanta cadaadiska  kaasoo abuuraya xirran badh ah ama mid dhammeystiran  


Central Sleep Apnea (CSA):


Waxay dhacdaa marka farrima maskaxda loo dirayaa ay istaagaan si markaasi muruqa xilliga neefshada loo xakameeyo gaar ahaan xilliga hurdada. Waxay ka dhallaneysa awood yari ku timaada neef mareenka, taasina waxay hoos u dhigeysaa neefshada.  Badanaa waxa keenna arrimo la xidhiidha jirrid maskaxeedda(brainstem), wadna fashillanka, meelaha jooga sarre leh, waxay isbeddel ku keenayaan nidaamkii caadiga ahaa ee neefsashada. 



Xirrinka neefshada xilliga hurdada(obstruction sleep apnea).


Waxa keenna miisaanka xad-dhaafka ah, waana midka ugu caansan keenna, cayilka xadhaafka waxa uu la xidhiidhaa baruurta fuuleysa cunnaha, xilliga hurdada, marka cunnaha iyo murqaha carabka ay dabcaan, duxdii ka buuxday qoorta  waxay sababeysaa in ay xidho marrinka hawada. 


Waxaan kaloo aan soo sheegnay in ay keenaan xaaladdo la xiidha qofka qaab dhiskiisa jireed gaar ahaan  qoorta wareegeeda oo wayn, qummanka oo iyaga xad dhaaf u wayn, daamanka kuwa sarre oo iyagana xadkooda ka wayn, ama daanka qeyb hoose aad u yar, kuwani waxay ka qeyb qaadanayaan xirranka hawada.


Dadka iyo nooca jinsiga waa ay ku xidhan tahay, waxa uu ku badan 40 wixii kabadan ayay yiraahdaan cilmibaarisyadda, ragga waa uu ku badan, laakiin da' a waliba waa uu saameyn karaa, lab iyo dheddig waa uu saameyn karaa.


Waxaa kaloo keenna isbeddelka Hab-nololeedka qofka ama qaabka u nool yahay: qofka caba sigaarka, qamriga,  waxa uu qatar ugu jirranka xirranka hawadda xilliga hurdada. Qamriga waxa uu dabcinayaa murqaha hunguriga,  waxa aynna keeneysaa xirranka hawo mareenka. Halka sigaarka uu siyaadinayo ololka  habdhiska neefsashada qeybtiisa sarre.


Calaamaddaha. 


1:Khuurada ayaa ah sababta ugu weyn ah, waxaana keena marka ay isu ururaan murqaha hunguriga, dadka qoorta gaaban.


2:Hawa qaadashada oo hakad gasha mudo sikino ilaa daqiiqad ah.


3:Hurdada oo laga soo kaco mararka la dareemo marxaladaan.


4:Hurdada marka laga soo tooso oo la dareemo af qalayl iyo cuno xanuun.


5:Subixii oo la dareemo madax xanuun


6:Qofka oo dareema daal, wareer.


7:Qofka oo yeesha qulub.


8:Qofka hami yarada xagga rabitaanka dareenka oo yaraada.



Baaritaanka. 


1:Polysomnography: waa baadhitaanka qofka lagu baadhayo heerka hurdadiisa, inta jeer uu hurdada ka soo kaco qofka.  Waxa kaloo lagu ogaanayaa heerka darnaanshaha xanuunka qofka uu yahay. Waxa la eegayaa qulqulka hawada, heerka ogsijiinta uu gaar siisan yahay.


2:Waxaa kaloo la isticmaalayaa danabarka maskaxda iyo shaqadeeda heerka uu yahay(Electroencephalogram (EEG)


3:Waxaa kaloo la fiirinaya danabka koronteedka wadnaha heerka uu yahay(Electrocardiogram (ECG))


 4:Waxaa kaloo la baadhayaa danab muruqeedka si loo ogaado heerka murqaha ay kala baxayaan ama kogayaan(Electromyography (EMG)


5: Waxaa kaloo la baadhayaa dhaqaaqa indhaha( electrooculogram (EOG).


6:Baaritaanka Hurdada ee Guriga Lagu Sameeyo.


Baaritaanka noocan ah wuxuu qofka u oggolaanayaa inuu sameeyo baaritaan hurdada ah isagoo jooga gurigiisa. Waa hab la mid ah baaritaanka lagu sameeyo xarunta caafimaadka, balse ma cabbiro mowjadaha maskaxda. Noocan baaritaanka ah laguma ogaan karro nooca xirranka marrinada hawadda iyo maskaxda qeybta qaabilsan ee hurdada oo aysan farriinta gaadhin(central sleep apnea). Waxaa badanaa loo isticmaalaa heerka hurdada qofka ay ku xun tahay, inta jeer uu soo kaco.



Daaweynta. 


1:Waxaa qofka lagu la taliyaa inuu hoos u dhigo miisaanka xad-dhaafka ah, sidaan soo sheegnay cayilka saa'idka waa qatarta ugu wayn sababta xaaladdani, si markaasi qofka xaaladiisa u soo wanaagsanaato waxa muhiim ah inuu yareeyo miisaankiisa. 


2:Continuous positive airway pressure (CPAP). 


 Haddii uu qofka yahay mid darran ama dhexdhexaad xirranka hawadda xilliga hurdada,waxa lagu xidhaa qalab cadaadiska hawadiisu tahay mid togan, kaasoo soo qaadaya hawo, waxaana loogu xidhayaa af-xidh ahaan. Waxa loo baahanayaa hawadda caadiga mid ka xoog badan, taasoo furi kara hawo mareenka sarre si looga hortagi xirranka hawo mareenka iyo quurada. Qalabkani waa mid la isku haleyn karro,  waana midka ugu caansan ee lagu daweeyo neefsi hakadka hurdada.


3:Waxaa kaloo lagu daaweeyaa qalliin 

(Uvulopalatopharyngoplasty (UPPP): qaaliinkaasoo lgu soo saarayo nuddaha xad-dhaafka ee xidhay hunguriga (throat) si markaasi loo balaariyo hawo mareenka. Waa haddii ay cunnaha xidhay dalqo wayn.


4:Maxillomandibular Advancement (MMA):  waxaa loo sameynayaa haddii labada qal midka kore iyo midka hoose dib loogu saxayo haddii qaabdhiskooda isbeddel ku yimid ama uu yar yahay midkooda ama uu ka weyn yahay intii loogu tala galay.



5:Waxa la siinayaa dawooyinka miisaanka lagu rido(Zepbound (Tirzepatide): waa dawooyinka ugu horeeya la siinayo marka la joogo xaaladdani si markaasi miisaanka hoos loogu soo dhigo, si loo yareeyo marxaladda xirranka hawo mareenka sarre.


 6:Waxaa kaloo lagu daweynayaa carrinta dareen sidaha(Nerve stimulation). Waxaa loo baahanayaa qaliin lagu carinayo dareensidaha xakameeya dhaqdhaaqa carabka (hypoglossal nerve)  carintaasi waxay ilaalineysaa in hawo mareenka uu furmo. Cilmi baadhisyada sidaas ayay ku taliyaan.


7:Waxa kaloo loo baahanayaa haddii uu cad xidhay sanka qaliin(Septoplasty), si loo saxo cadka isku gudbay, ama isbeddel ku yimaaday sanka. Si markaasi loo saxo nidaamka qulqulka hawadda.


Waxa muhiim in la doorto ama qaalin yahanka qalaya bukaanka waa inuu doortaa qaliinka ku habboon, iyadana waxay ku xidhan tahay meesha xidhanka uu ka jirro ama cillada ka soo curatay. Ma hunguriga, ma sankaa, ma daankaa, dhammaan meelaha ay qatarta kaga iman karto in hawadda ay xidhanto ayuu dhaqtarka qaliinka ku habboon dooranayaa.


Tixraac.


Medical Books:


1. Harrison's Principles of Internal Medicine



2. Murray & Nadel's Textbook of Respiratory Medicine



3. Principles and Practice of Sleep Medicine (Meir H. Kryger)



4. Fishman’s Pulmonary Diseases and Disorders



5. Current Medical Diagnosis and Treatment



6. Goldman-Cecil Medicine




Websites:


1. American Academy of Sleep Medicine (AASM)



2. National Heart, Lung, and Blood Institute (NHLBI)



3. Mayo Clinic



4. Cleveland Clinic



5. Medscape



6. Amboss



7. National Library of Medicine (NLM)


Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad