Casharka 27aad.

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 27aad.


Koronofayrus(COVID-19).


COVID-19 waa cudur aad u faafa oo ka dilaacay caalamka oo dhan, waxa uu ka dhashay caabuqa fayraska corona. COVID-19 wuxuu ku dhici karaa qof kasta, mararka qaarna malaha wax calaamad ah.


Cudurkaan wuxuu keeni karaa calaamado aad u daran iyo dhibaatooyin keeni kara dhimasho, wali lama oga saamaynta buuxdo uu cudurkaan ku leeyahay jirka, laakiin wuxuu caadi ahaan saameeyaa nidaamka neefsashada ee jirka.

Xitaa haddii uusan qofka lahayn astaamo, wuxuu cudurka u gudbin karaa dadka kale, waana muhiim in la qaado tillaabooyin looga hortagaayo arintaas.Ma jirto wax daawo ah oo ilaa hadda loo soo saaray cudurkaan, balse waxa loo soo saaray tallaal ka hortagi karo saamaynta badan ee cudurka, tallaalada ayaa hadda la heli karaa, xilligaan la joogana waa u bilaash qof kasta oo joogo soomaaliya.Si aad uga hortagtid COVID-19, waa muhiim inaad raacdid tilmaamaha hay’adaha caafimaadka ay soo jeediyeen oo ah:

Gacmaha oo si joogto ah loo dhaqo

Afka iyo sanka oo la daboosho

In laga fogaado meelaha dadka aadka ugu badanyihiin.

In qofka uu is karantiilo hadduu isku arko calaamadaha

Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa astaamaha COVID-19 iyo sida uu u faafo, waxaan sidoo kale sharxaynaa waxyaabaha la sameeyo haddii qofka uu isku arko astaamaha. 


Marka hore aynu ku horrayno fayrusku wuxuu yahay. Ilma-aragtada nololayda ah waxa si kooban loogu qaybiyaa sadeex; Fungi, Backteria iyo Fayrus. Fayruska ayaa ugu sii yaryar saddexdaa oon xataa microscope-ka caadiga ah lagu arki karin, sidoo kale halka labada kale kelidood u tarmi karaan, faryusku keli ma tarmi karo, waxay u baahan yihiin inay unug kale oo nool (sida unugyada dadka, xoolaha, dhirtaa ama bakteriayada) dhexgalaan halkaasna ku tarmaan. Unugyada nololayda kale waxay leeyihiin dhaxal abuurka loo yaqaan DNA iyo maadadda kale ee u dhow ee RNA loo yaqaan oo iyadu innoo samaysa borotiinka aan la’aantood la noolaan karin. Fayruska ama RNA bay leeyihiin ama DNA, ma wada laha labadaba. Sidaa daraadeed waxa loo qaybiyaa faryuska laba –––RNA ama DNA fayrus.


Koronofayrusku waa RNA fayrus. Waxayna ka mid tahay qayb balaadhan oo loo yaqaan Nidovirales. Jirataankkoda waxa la ogaaday 1960kii. Waxa laga helaa xayawaanka, xoolaha iyo dadkaba. Hore waxaynu u ogayn afar dadka ku dhaca oo kala ahaa HCoV 229E, HCoV 043, HKU1 AND NL63 (2006) oo intuba duriga caadiga ah (common cold) sababa. Hana la kala saaro duriga caadiga iyo cudurka loo yaqaan influenza ama flu oo badiyaa ka xoog badan. Duriga ama common cold waxa sababa caadi ahaan Rhinofayruses halka flu ka ay sababaan Influenza fayruses. Afarta kronofayrus ee aan kor ku sheegaynaya waxay sababaan duriga caadiga ah ama marmar  hafeefka hunguriga cadka(Bronchitis). Waxa laga yaabaa qof walba oo waayeel ah in nololishiisa uu la kulmay afartaa koronofaryus in ka mid ah.


Qarnigan aynnu ku jirno bilowgiisii waxa inaga soo krodhay saddex koronofayrus oo kale oo intuba ka soo boodeen xawayaan ama xoolo (zoonotic baa markaa loo yaqaan). Horantii 2003kii waxa dad qaadeen cudur neef mareenada ku dhaca oo loo bixiyey Severe Acute Respiratory Syndrome (SARS) waxana sababay koronfayrus ka soo booday Civet cats, waa xayawaan xoorka u dhow. Koronofayruskaa waxa loo bixiyey SARS-CoV. Sannadkii 2012 waxa lagu arkay dalka Saudi Arabia fayrsus kale oo iyanna sababta cudur isna neef mareenada wax yeela oo isna loo malaynayo inuu ka yimid xoolaha geela iyo fiidmeerta. Cudurkaana waxa loo bixiey Middle Eastern Respiratory Syndrome ama MERS, fayruskiina waxa loo bixiyey MRRS-CoV.Lixdaa Koronofayrus ee imika dadka ku dhaca waxa ku soo biiryey mid todobaad oo ah tan imika dunidii wada saamaysay oo laga helay bishii December 2019 gobolka Hubei magaaladiisa Wuhan ee China. Faryuskan markaa cusubaa oo loo bixiyey novel coronoviurus ama koronofayrus cusub waxa la ogaaday in dhaxal abuurkeeda iyo kii hore ee SARS-CoV ay aad isugu dhow yihiin waxa markaa loo bixiyey SARS-CoV-2 hase yeeshee sidii labada cudur aan la isugu khaldin ayaa cudurka cusub loo bixiyey Coronovirus Infectious Disease-2019 ama COVID-19. Fayruskii cusbaana waxay noqotay tii todobaad ee dadka ku dhacda. Weli lama oga dhab ahaan xayawaankay ka soo booday, in kasta oo loo malaynayo inay fiidmeerta ka timid.


Calaamadaha COVID-19


Astaamaha COVID-19 waxay bilaaban karaan 2–14 maalmood ka dib marka uu qofka haleelo fayraska, calaamadaha ayaana aad u kala duwanaan karo.Mararka qaar qofka ma laha astaamo, mararna qofka waxa uu leeyahay astaamo fudud, balse xaaladaha qaar, cudurkaan wuxuu keenaa calaamado aad u daran iyo dhimasho. 


Calaamadaha uu qofka isku arki karo waxaa ka mid ah:


1:Qandho ama qar qaryo

2:Qufac

3:Neefsashada oo adkaata

4:Daal

5:Madax xanuun

6:Murqo xanuun

7:Dhadhanka iyo urka oo qofka ka tago

8:Dhuun xanuun

9:Diif

10:Lalabbo ama matag

11:Shuban

Astaamaha kale aan badnayn ee uu lahaan karo cudurkaan waxaa ka mid ah:


1:Finan maqaarka ah

2:Indhaha oo guduuta

3:Midabka faraha ama suulasha oo isbadala

4:Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), qiyaastii 80% dadka uu ko dhoco COVID-19 ayaa ka bogsado iyaga oo aan u baahan daaweyn ama isbitaal. 

Sidoo kale WHO waxay sheegtay in 20% dadka uu ku dhoco ay aad u jirradaan, halka 5% dadkana ay u baahdaan daryeel caafimaad oo deg deg ah.


Yaa halis ugu jiro?


Sida aan horay usoo sheegnay COVID-19 waxa uu ku dhici karaa qof kasta, balse dadka waa ay u kala halis badanyihiin cudurka, dadka qaar ayay halistooda aad u badan tahay, oo ay ka mid yihiin:


Dadka da’da ah

Halista COVID-19 ayaa kusii kordheyso qofka marka uu sii weynaado, khatarta ugu weynna waxay ku badantahay dadka da’doodu tahay 85 sanno iyo ka kor.

Waa in si weyn looga taxaddaraa dadka da’dooda ay weyntahay, lagana ilaaliyo goobaha dadka ay ku badan yihiin, waxaa kaloo muhiim ah in dadka guriga kula nool dadka da’da ah ay marwalbo iska dhaqaan gacmaha maskina ay xirtaan marka ay banaanka aadayaan.


Maadaama aan tiro koob guud laga samaynin dalka soomaaliya, ma sheegi karno da’da ugu badan ee cudurkaan uu ka saameyey wadankeena.Dadka qabo xaalado caafimaad oo hore u jiray

Khubarada caafimaadka waxay wali baaritaan ku wadaan inay ogaadaan waxyaabaha kordhin karo halista ah in dadka qabo xaaladaha kale ee aad ugu xanuunsadaan COVID-19.


Xaaladahaas waxaa ka mid ah:


Sigaarka

Uurka

Sokorowga

Cayilka

Cudurrada kilyaha

Cudurrada sambabada

Cudurrada wadnaha

Difaaca jirka oo daciif ah

Kansarka

Dhiig karka

Cudurrada beerka

Marka la barbardhigo dadka caddaanka ah, dadka madow ayaa leh halis badan oo dhanka COVID-19 ah iyo inay yeeshaan astaamo daran, sababtana waxay noqon kartaa:


Helitaanka daryeel caafimaad oo liita

Saboolnimada iyo cadaadiska dhaqaale

Guryaha ciriiriga ah.


Sidee ayuu corona u faafaa?


Fayraska corona ayaa waxa uu faafaa marka qof uu haleelay fayraska uu tacaamul la sameeyo qof kale, xataa qofka hadduusan lahayn wax calaamado ah. 


Marka qof qaba fayraska uu hadlo, qufaco, ama hindhiso, dhibco yaryar oo uu ku jiro fayraska ayaa kasoo boxo sankiisa ama afkiisa, sidaa darteed fayraska wuxuu u gudbi karaa qof kasta oo u dhow qofkaas.

Waxaa jiro caddaymo muujinaayo in dhibcaha kasoo boxo qofka sankiisa oo uu ku jiro fayraska ay hawada ku sii jiri karaan in muddo ah.Qofka wuxuu kaloo qaadi karaa caabuqa haddii uu taabto dusha sare ee meelaha uu fayraska saaranyahay ka dibna uu taabto wejigiisa gaar ahaan sankiisa, afkiisa, ama indhihiisa.


Daraasad ayaa sidoo kale soo jeedinaysa in fayraska uu sii saarnaa karo dusha sare ee kartoonnada ama caagagga ilaa 24 – 72 saacadood.

Tilmaamaha hadda jira waxay ku talinayaan in dadka ay kala fogaadaan ilaa iyo labo mitir, laakiin nuucyada cusub ee fayraska waxay u muuqdaan inay si fudud u faafayaan, taas oo muujinaysa in masaafo intaas kasii fog loo baahanyahay in la kala fogaado.Guud ahaan, taxaddarrada badan ee uu qofku sameeyo waxay yareynaayaan fursadaha uu ku faafi karo cudurka.


Sidee la isaga ilaali karaa corona?


Qofka wuxuu iska ilaalin karaa oo ka hortagi karaa faafitaanka COVID-19 isagoo raacaya tilmaamahaan:


Gacmaha badanaa ku dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi markiiba.


Marka saabuun iyo biyo la waayo, isticmaal gacmo nadiifiye leh aalkolo badan.


Ka fogow taabashada wajiga, indhaha, sanka, iyo afka.


Ka fogow dadka kale ugu yaraan 2 mitir.


Ku qufac ama ku hindhis tiish ama suxulka dhaxdiisa.


Si joogto ah u nadiifi miisaska, qantaarrada albaabada iyo meelaha badanaa la taabto.


Ka fogow isla wadaagista alaabta sida koobabka iyo shukumaannada

Xiro mask marka aad joogto meelaha dadka ay ku badan yihiin


Samee baaritaan haddii aad isku aragto calaamadaha cudurka

Is karantiil haddii lagaa helo cudurka

Iska tallaal cudurka isla marka aad fursad u hesho.


Xirashada maskiga ayaa ka hortagi karto in fayraska uusan ku faafin hawada, waxay kaloo yareyn kartaa halista ah in fayraska uu u gudbo jirka haddii qofka uu taabto wejigiisa asagoo horay usoo taabtay meelo kale.


Maxaa sameenaysaa haddii aad yeelato calaamado?


Qof kasta oo leh astaamo muujin kara COVID-19 waa inuu:


Joogaa guriga haddii uusan aadeynin hospital.Sameeyaa baaritaan si loo hubiyo inuu qabo caabuqa iyo in kale

Ka fogaadaa dadka kale guriga inta suurtogal ah.Raadsadaa daryeel caafimaad haddii ay dhibto neefta

Usii sheegaa hospital ka inuu isaga shakiyay COVID-19.


Ma jirtaa dawo loogu tala galay COVID-19?


Ilaa iyo hadda ma jirto daawo loogu tala galay COVID-19, laakiin waxyaabaha kaa caawin karo in calaamadaha ay kaa yaraadaaan waxaa ka mid ah:


Nasasho badan

Cabitaan badan

Cunto nafaqo leh.

Isticmaal qandho jabiye ama xanuun baabi’iye.Ha isticmaalin kaniiniyaasha qallajiyeyaasha ama antibaayootika, sababtoo ah cudurka COVID-19 waxaa sababay faayras, qallajiyahana waxba kama taraayo, maadaama qallajiyaha loo isticmaalo caabuqyada ay keento bakteeriyada.


Tixraaca 


Healthter 

Dr. Axmed Xuseen


 Healthline Media

PubMed

WHO (World Health Organization)

CDC (Center for Disease Control)

NIH (National Institutes of Health)

MayoClinic

WebMD


Dheegasho.


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad