Casharka 30aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 30aad
Oofwareenta sixashada(Aspiration pneumonia )
Waa caabuq ku dhaca samababada, kana yimaada marka cunto, ama cabitaan, ama calyo, matag si qaldan u galay marrinka sambabbada ayaa keena caabuqa. Maxaa yeelan waxyaabaha la liqay waxay sidi karaan ilma aragte, kaddib waxa uu sababayaa hafeefka sambabbada iyo caabuq. Sidaan horrey u soo sheegnay waxay dhacdaa marka walxo sida cunto, cabitaan, candhuuf, ama waxyaabo ku jira caloosha ay si qalad ah ugu galaan sambabada halkii ay mari lahaayeen hunguriga. Tani waxay inta badan dhacdaa marka hannaanka difaaca jirka, sida hindhisada ama fashillanka cadhibka(epiglottis)
Fashilkaas waxaa sababi kara xaalado sida cudurrada dareensidaha ku dhaca, miyir-beelka, faaliga, ama dhibaatooyinka la xiriira liqidda.
Marka walxo qalaad ay galaan sambabada, waxay sababi karaan dhaawac iyadoo ay ku xiran tahay nooca walxahaas. Tusaale ahaan, haddii walxo aashito leh oo caloosha ku jira ay galaan sambabada, waxay dhaawacayaan unugyada jilicsan ee sambabada, taasoo dhalinaysa xaalad loo yaqaan kiimiko oofeed(chemical pneumonitis). Dhaawacan kiimika ah wuxuu kordhiyaa hafeefka iyo biyaha ku ururaya sambabada, taasoo sii adkaynaysa in ogsijiin fiican ay gaadhi weyso nudayaasha.
Bakteeriyada afka ama caloosha ayaa sidoo kale geli karta sambabada marka walxo qalaad la liqo, taasoo sababi karta caabuq. Bakteeriyada ugu badan ee sababi karta cudurkan waxaa ka mid ah Streptococcus pneumoniae, Staphylococcus aureus, iyo noocyo aan u baahnayn oksijiin (anaerobes). Nidaamka difaaca jirka ayaa u diraya unugyada cad ee dhiigga si ay ula dagaallamaan caabuqa, taasoo keenta hafeef iyo biyo ku ururaya sambabada. Bararka iyo biyahan ayaa adkayn kara neefsashada, waxaana dhici karta inay keenaan calaamado sida qufac, qandho, iyo xanuun xabadka ah.
Haddii aan si degdeg ah loo daaweyn, aspiration pneumonia waxay horseedi kartaa dhibaatooyin halis ah sida sameysanka malaxda sambabada ka buuxsanta (lung abscess) ama xaalado daran sida fashillanka habdhiska neefshada(respiratory failure). Xadiga halista cudurka wuxuu ku xiran yahay nooca walxaha la liqay, iyo awoodda qofka ee uu cudurka isaga difaaci karo.
1. Swallowing Difficulties (Dysphagia): waxa keenna liqitaanka oo adkaada, waxyaaba keenna in liqitaanka adkaadaba waxa ka mid ah qofka faalig ku dhaca(stroke) xanuunnada dareensidaha saameeya(neurological disorders) ama qofka oo qaaliin looga sameeyay cunnaha, kuwaasoo carqaladeynaya liqitaanka, kuwaasoo sufud cuntada ama cabitaanka u gali kara hawo mareenka.
2. Reduced Consciousness: qofka oo ogaalkiisa yar, sida qofka la suuxiyay isagoo calooshiisa buuxdo, taasoo ay keeneysa waxa caloosha ku jiraa dib ugu soo laabtaan hawo mareenka, waxaa kaloo keenna sumowga qamriga,waxa uu siyaadinayaan qatarta waxyaabaha qalaad ee soo galo hawo mareenka.
Dental Issues: waxaa keenna xaaladdo la xidhiidha nadaafa afka, haddii ay qofka nadaafada afkiisa aad u liidato waxa uu qatar ugu jiraa in bakteeriyada afka in ay u so gudubto hawo mareenka. Sidaasna sambabbada ay ugu keento hafeef.
Neurological Disorders: xanuunnada saameeya hannaanka dareensidaha kuwaasoo saameynaya murqaha hunguriga. Murqahana waxa ku imanaya xakameyn la'aan kuwaasoo keeneyso liqida oo xumaata taasina waxay qatar ku keeneysaa in hawo mareenka ay wax u gudbaan(Parkinson's or multiple sclerosis ).
Gastroesophageal Reflux Disease (GERD): Waxa keena gaaska, aysiidha caloosha ayaa dib ugu soo noqoneysa hunguriga, cadadka yar aysiidha ee ka timaada hunguriga ayaa waxay soo galeysaa sambabbada inta lagu gudda jirro noqodka(reflux) gaar ahaan marka uu qofka dhacdiid u seexdo, aysiidhaasi waxay dhaawaceysa nuddaha sambabada, waxay keeneysaa in caabuq dhasho.
Feeding Tubes: waxa kaloo keenna tubbada lagu quudiyo, ama cadaadis ka jirra caloosha lagu yareeyo. Tubbada quudinta waxay keeneysaa in ay sameyso habid taasoo ay hawo mareenka u gudbayaan cuntada ama dareeraha, habidaasi waxay keeneysaa oofwareen.
Mataga waxa uu keenayaa aspiration pneumonia marka uu waxyaallaha mataga la socdaa uu soo galo sambabada. Caadiyan jirka waxa uu leeyahay nidaam ilaaliya jirka,marka qofka uu wax cunnayo waxa xidhma marinka hawo mareenka, taasoo ilaalineysa in marinka hawadda wax u gudbaan. Marka samababada mataga uu galo waxa uu dhaawacayaa nuddaha samababada, maxaa yeelay mataga waxa la socda aysiidha caloosha. Waxay xoqayaan sambabada waxay keeneysaa taasi hafeef. Bakteeriyada la socota mataga waxay ku dhex koreysaa samababada ugu dambeyn waxay keeneysaa caabuq.
Waxa ugu badan keenna:Oof wareenka shay hungiraga cad maray laga qaado(Aspiration Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto cunto ama biyo ama hungaaco kasoo aad ku saxatay kabacdina hungiraga cad martay waxaad qufacdabana aan dib u soo noqon sidaana ku fadhiisatay meel ka mid ah sambabka taasoo wadatay jeermiska keena oof wareenka .
Calaamadaha.
1:Cough: qofka waxa uu yeelanayaa qufac, uu la socdo xab ur leh.
2:Fever: qofka waxaa kaloo uu lahaanayaa qandho, xaraarada jirka intii loogu tala galay ka badan ayuu gaarayaa.
3:Shortness of breath (dyspnea): qofka waxa ku adkaanaya neefsashada, ama waxa uu dareemayaa in naqaska ku dhagayo.
4: Chest pain: qofka waxaa dareemayaa xanuun laabta ah.
5: Fatigue: qofka waxaa kaloo uu dareemayaa daal, ama tabbar darri.
6: Wheezing: waxa la maqlayaa cod qallafsan qofka oo xiiq oo kale ah.
7:Bad breath: qofka waxa uu yeelayaa neefsasho ur leh, oo aan la mahdin.
8:Coughing up blood or pus: waxaa kaloo lagu arkayaa matag dhiig ama waxyaabo malaxeysan.
Baadhitaanka
1: Hubbinta sheybbaadhka(Laboratory Tests):
2:Complete Blood Count (CBC): baadhitaankan waxa lagu ogaanayaa haddii uu jirro caabuq, taasoo ay jiraan kacsanaanta unugyada dhiigga cad.
3:Arterial Blood Gas (ABG): baadhitaankan waxa lagu ogaanayaa heerka ogsijiin yarida, asidoosiska habdhiska neefsashada (respiratory acidosis).
4:Inflammatory Markers: baadhitaankan marka loo sameynayo waxa laga baadhayaa kacsanaanta boorotiinka (Elevated C-reactive protein (CRP) taasoo muujineyso inuu jirro hafeef.
5:Chest X-ray: waxa loo baahanayaa raajo, si markaasi loo fiiriyo heerka saameynta ama dhanka ay jirto cillada(consolidation).
6:Chest CT Scan: iskaanka laabta, kaasoo lagu hubbinayo haddii sambabka uu mala xooway, ama hoore uu ku ururay.
7: Microbiological Tests: baadhitaankan waxa lagu ogaanayaa noolaha keenay, iyadoo la beerayo, noolaha ugu badan keenna si loo xaqiijiyo.
8:Bronchoscopy: baadhitaankan waxaa loo isticmaalayaa in lagu xaqiijiyo in dhaawac gaaray hawo mareenka. Sidoo kale waxa lagaga soo saaraa waxyaabaha qalaad ee galay marrinka hawada.
Daaweynta.
1:Waxaa loo sameynayaa difaac marrin haweed(Airway Protection). Si markaasi dagdag loogu xalliyo waxyaabaha qalaad ee hawo mareenka galay. Waxaa loo xidhayaa mishiinka hawada lagu siiyo bukaanka si markaasi looga hortago ogsijiin yarida. Haddii ay xaaladda daran tahay waxaa loo xidhayaa mishiinka hawo cusbooneysiinta(mechanical ventilation). Haddii uu dhiiggiisa hoos u dhaco waxa la siinayaa hoore si dhiigga kor loogu soo qaado(IV fluids).
Muhiimada ay leedahay in ogsijiinta la siiyaa bukaanka waxay ka hortageysaa in nuddaha uu dhinto, ama in ay dhintaan xubnaha muhiimka ah, ogsijiinta waxay ka hortageysaa shaqo gabka xubnaha.
Ogsijiin ku filan marka uu helo bukaanka waxay innaga caawineysaa in difaaca jirka uu wanaagsanaado, jeermis dilaha uu si fiican u shaqeeyo, markaasi loola dagaalamo caabuqa.
2:Daaweynta ugu horreysa(Community-Acquired Aspiration Pneumonia).
1. Ampicillin-Sulbactam. Daawaddani waxay xidheysaa sameysanka darbiyada unugyada bakteeriyada, sulbactam waxay xidheysaa insaamka (beta-lactamase).Amoxicillin-Clavulanate (PO).
2:Clindamycin (IV or PO): waxay xidheysaa borotiinka bakteeriyada sameysankeeda(binding 50S ribosomal subunit).
3:Daaweynta(Hospital-Acquired Aspiration Pneumonia).
1:Piperacillin-Tazobactam (IV): waxay xidheysaa insaamka beta-lactamase
2:Meropenem (IV): waxay xidheysaa sameysanka darbiyada unugyada bakteeriyada.
4:Chest Physiotherapy: jimicsiga laabta waxa uu innaga caawinayaa sambabbada shaqadiisa in ay wanaagsanaato.
References
1. Books:
Harrison's Principles of Internal Medicine, 21st Edition.
Current Medical Diagnosis and Treatment 2024.
Cecil Essentials of Medicine.
2. Websites:
Amboss
Medscape
Mayo Clinic
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment