Casharka 31aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 31aad


Neefsi Xumo(Respiratory distress).


Waa xaalad ku timaadda ilmaha marka ay dhashaan sambabadooda oo isku ballaariyo si aan caadi ahayn, taasoo keenta in xuubabka mas'uulka ka ah neefsashada iyo kala qeybinta hawada aysan awoodin inay si sax ah u shaqeeyaan. Is-ballaarintaas waxaa sabab u ah dheecaannada sambabada oo yaraada ama la'aanta, taasoo caqabad ku noqota hawada inay si fudud ugu kala socoto.Xaaladdan badanaa waxaa lagu arkaa ilmaha dhicis ku dhasha oo aan awooddin in unugyadooda koraan ama ay ku yaryihiin dheecaannada caawiya xubnaha sambabada. Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah:


Neefsashada oo dhib ku noqota ilmaha.


Guux ka soo baxa sambabada marka uu ilmuhu neefsanayo.


Baaritaan dheeraad ah oo muujinaya xuubabka sambabada oo shaqadoodii joojiyay iyo dheecaanno adag oo isku ururay sambabada.


Maalmahan dambe waxaa la adeegsadaa dheecaanno lagu shubo sambabada si loogu beddelo kuwa maqan ama yaryar, taas oo caawisa in xuubabka sambabada ay dib u bilaabaan shaqadoodii caadiga ahayd. Daryeelka noocan ah wuxuu si weyn u caawiyaa badbaadada iyo soo kabashada ilmaha dhicis ku dhasha. Sidaan soo sheegnay waa marxalad keeneysa in neefshada adkaato, ama ogsijiin fiican jirka uu gaari waayo, taasoo ugu wacan sababo badan. Xaaladdan waxay saameysaa ilmaha isbuuca dhalan, carruurta, dadka waa wayn, waxay muujineysaa xaalad qatar ah,una baahan in si dagdag loo daaweeyo. Waxaa loo kala saaraa saddex qeybood: 


1:Acute Respiratory Distress:  waa marka ay neefsashada si dagdag ah u adkaato, waxa keenna xaaladdo kala duwan, sida xiiqda, oofwareenta, xirrinka xiddidada sambabada,  wadna fashillanka dagdaga.


2. Chronic Respiratory Distress: in waqti badan neefsashada soo jiitanto adkaanshaheeda, waxa keenna xirranka ku yimaada sambabbada( COPD)iyo xanuunka unug u dheexayaha(intestinal lung disease).


3: Neonatal Respiratory Distress Syndrome (NRDS):  waxay ku dhacdaa ilmaha aan billa dhammeysan, taasoo ugu wacan inuu yaraado waxyaallo ka kooban dux iyo barootiin, kaasoo unugyada sambabbada nooca labaad ee gaar ahaan kiish haweedka ku jira, waxay yareeyaan giigsanaanta oogada, si looga hortago isku urursanka kiish haweedka,  xilliga lagu jirro neefsaarista(surfactant).


 Waxay dhacdaa marka jirku uusan heli karin ogsijiin ku filan ama uusan si habboon uga saarin kaarboon labo oksaydhka, taasoo keenta dhibaatooyinka xagga neefsashada. Tani waxay ka dhici kartaa xaalado badan oo hoosaad ah marka ay jiraan, waxaana jirku la tacaali karaa buuxinta baahida oksijiinta, taasoo saameyn ku yeelata dhammaan nidaamyada xubnaha.Marka hannanka neefsiga uu xannibnaado ama  yaraado, waxa keenna xaaladdo qaar sida xiiqda, xirranka raaga ee neefsashada(COPD), falcelinta lid-jidheedka(allergy reaction). Xaaladdahan waxay horseedayaan in ogsijiinta si nidaamsan aysan u gaadhin sambabbada taasoo keenta ogsijiin yaraan.Waxaa kaloo jirro sababo kale oo keennaya in sambabada hoore ku ururo, sida oofwareenka,  fashillanka wadnaha,  bararka sambabbada. 


 Dareerahan wuxuu ka hortagayaa in sambabadu ay si habboon u beddeli waayaan gaasaska, taasoo yareyneysa oksijiinta ku jirta dhiigga iyo iyadoo keeneysa in kaarboon labo ogsaydhka inuu ku ururo jidhka.Awood la'aanta sambabada ee beddelka gaasaska waa muhiim, sababtoo ah dhiigga wuxuu ku tiirsan yahay oksijiinta sambabada si uu ugu qaado unugyada jirka iyo inuu ka saaro kaarboon labo ogsaydhka oo ah qashinka ay unugyadu soo saaraan.


 Dhaawaca ku yimaada kiish haweedka(alveoli), waa halka isbeddel haweedka midda fiican iyo tan wasaqda uu ka dhaco. Waxa yaraaneysa awoodda sambabada ay dhiigga ogsijiin ugu dari lahaayeen, loogana soo saari lahaa karboon labo ogsaydhka. Arrinkaasi waxay kordhineysaa baahida ogsijiinta loo baahanayo. Marka nidaamka neefsashada uu fashilmo waxay keeni kartaa cawaaqib xumo xagga neefsashada, taasoo ay hoos u dhaceyso heerka ogsijiinta dhiigga, heerka sumowga karboonka labo ogsaydhka uu sarre u kaco.


  Maxaa keenna?.


1:Ilmaha aan gaarin dhallashada bil ka badan, waxa ku yimaada qalqal xagga habdhiska neefsashada. Waxay ku dhacdaa ilmaha aan bila dhammeysan maxaa yeellay si fiican uma sameysmin sambabadooda, mana soo saarayo borotiinnada waxyaallaha difaaca kiish haweedkooda inuu giigsamo(surfactant), Tani waxay ka taageereysaa in aanu adkaanin kiish haweedka. Haddii aanu jirrin difaac ku filan kiish haweedka oo si fiican u sameysan(surfactant), taasi waxay keeneysaa in ilmaha yari ay ku adkaado neefsashada,  ogsijiinta dhiigga raaci lahayd ay yaraato. Haddii uu kiish haweedka uu soo ururo, waxa yaraanaya hawada soo galeysa sambabbada,  taasina waxay hormuud u noqoneysaa heerka ogsijiinta dhiigga in ay hoos u dhacdo, kaarboon labo ogsaydhka uu xadka dhaafo. Ilmahani waxay noqoneysaa neefsashada mid dagda badan, adag. Waxa adkaaneysa in ogsijiinta dhiigga soo gaadho, si nuddaha uu helo ogsijiin fiican. Waqti badan kaddib qalqalka ku yimaada sambabbada waxa uu keenayaa dhaawaca soo gadha nuddaha,  taasina waxay sababeysaa in hoore iyo borotiin ay habid ku soo sameeyaan kiish haweedka.  

Kaasoo  sameysanaya inuu kiish haweedka adkaado(hyaline membranes) waxa xidhmaya ogsijiinta, qofka waxa ku adkaanaya neefsashada. Ilmaha yari waxa uu muujinayaa dagdag neefsiyeed.


2:Respiratory distress Waxa keenna caabuqa fayruska, waxa uu ka dhashaa isku tagagyo dhaawac soo gaadha unugyada,  kuwaasoo carinaya difaaaca jirka,  waxay carqalad ku imaaneysaa ama shaqo xumaanaya habdhiska neefsashada. Marka uu fayruska soo galo marrinka hawo mareenka, waxa uu qabsanayaa qaabila gaar ah unugyada ibisiiliyamta (ACE2 SARS-COVID) kaddib soo galistaasi fayruska waxa uu sameynayaa taran waxa uu keenayaa in unugyada ay dhintaan. Falcelinta uu ka bixiyo difaaca waxa uu soo daynayaa nidaamka kiimikooyinka hafeefka(cytokines sida IL 6, IL1B IYO TNFa)oo gaaraya aagga caabuqa.  Nidaamkan la cariyay waxa uu dhaawacayaa tiiftaafyada ku gudban kiish haweedka.  Waxa siyaadaya habida xiddidka,taasoo keeneysa in hooraha balaasmaha uu habid sameeyo, unugyada hafeedka aynna dhex ceegaagsamaan fogaanta kiish haweedka, waxay keeneysaa bararka sambabbada.  Carinta hafeefka waxay keeneysaa in la soo daayo xab badan  iyo xirranka hawo mareenka, taaso ugu wacan kala shaan dhayn la'aanta unugyada difaaca, xabkaasi waxa uu noqonayaa mid adag, waxa uu keenayaa hunguriga cadka inuu ceejismo, qulqulka  hawada hoos u dhac ku yimaado. Fayruska waxa uu toos u dhaawacayaa kiish haweedka (type II pneumocytes) kuwaasoo hoos u dhigaya giigsanka kiish haweedka  waxa kordhaya isku soo ururka kiish haweedka. Tanina waxay beddeleysaa  hawo cusbooneysiinta, ugu dambeyn keeneysa ogsijiin yari.


3:Sepsis: waxa uu sababayaa qalqalka hawo mareenka,  waxa la carinayaa hafeefka jirka. Hafeefkani waxa uu saamaynayaa sambabada,  kaasoo keenaya  dhaawaca xiddidada yaryar. Marka xiddidada ay dhaawacmaan  waxay noqdaan kuwa habid sameeya, kiish haweedka waxa galaya hoore, hoorahaasi waxa uu carqaladeynayaa  isbeddelka hawada, iyadoo ay hoos u  dhaceyso cadadka ogsijiinta soo galaysa  qulqulka dhiigga, taasoo keeneysa adkaanshaha neefsashada. Caabuqan iyo hafeefka waxay qatar galinayaan unugyada samababada kuwaasoo masuul ka ah soo saaritaanka walaxda ilaaliya kiish haweedka(surfactant). Haddii walaxdaasi ilaalisa kiish haweedka la waayo, waxay carqaladeyneysaa isbeddelka hawada. Intaas waxa dheer in caabuqa guud uu keenayo dhiigga inuu noqonayo mid xinjiroowa, xinjirtaasi waxa xidheysaa xiddidada yaryar, taasina waxay keneysaa dhiigga ogsijiinta in ay ku yaraato. Heerka ogsijiinta haddii ay hoos u dhacdo jirka waxa uu dareemayaa daal, waqti badan kaddib murqaha waxay noqonayaan kuwa daala. Ugu dambeyn waxay abuureysaa qalqal ku yimaada hawo mareenka.


4:Oofta waxay keeneysaa (pneumonia) waxay sababeysaa qalqalka hawo mareenka, waana xaalad qatar ah.  Marka uu cudur dhalliya uu dilaaciyo habdhiska neefsashada qeybtiisa hoose, waxa la carinayaa nidaamka difaaca,  iyadoo la soo daynayo nidaamka hafeefka ka qeyb qaata(cytokines, Interleukins). Waxay siyaadineysaa habida tiiftaafyada,  kuwaasoo ku soo ururaya kiish haweedka. Tanina waxay carqaladeyneysaa nidaamka hawo kala beddelida(exchange) taasoo uu diidayo in ogsijiinta dhiigga raacdo, kaarboonka labo ogsaydhka uu bato.


 Ku ururka dareeraha ee kiish haweedka (alveoli-ga )waxay keentaa is-waafaqi la’aanta hawo-qaadashada iyo ogsijiin dhiigga gaareysa  (ventilation-perfusion mismatch). Kiish haweedka (alveoli-da) dareeraha buuxsamay awgeed waxay sababtaa in dhiig aan ogsijiin lahayn uu meelo gaar ah maro, taasoo keenta ogsijiin yari(hypoxemia). Isla mar ahaantaas, falcelinta caabuqa ayaa keenta in derbiyada kiish haweedka (alveoli-gu) ay dhumuc yaraadaan, taasoo yareysa dabacsanaanta sambabbada, isla markaana adkeyneysa neefsashada iyo kordhinta dadaalka loogu jiro neefsashada caadiga ah. Bukaanadu waxay la kulmi karaan neefsasho degdeg ah (tachypnea) iyagoo isticmaalaya muruqyada caawiya neefsashada, taasoo sii kordhinaysa daalka habka neefsashada.


Saameynta guud ee falcelinta caabuqa, sida qandho iyo baahida kordhaysa ee tamarta, waxay sii xumeyn kartaa xaaladda. Haddii xaaladdu si daran u sii socoto, waxay isu rogi kartaa xaalad degdeg ah oo loo yaqaan Acute Respiratory Distress Syndrome (ARDS) ama fashillanka neefsashada, oo lagu garto ogsijiin yari(hypoxemia) aad u daran iyo kaarboon laba ogsaydh oo sareeya. Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, waxay horseedi kartaa dhibaatooyin halis ah ama dhimasho.


5:Wadna fashillanka waxa uu sabayaa. In aanu wadnaha dhiigga si fiican u buufin. Waxa daciifaya wadnaha qeybta  bidix, dhiigga waxa uu dib ugu laabanayaa wadnaha. Taasina waxay sababeysaa in hooraha uu sameeyo habid(leakage)uu galo kiish haweedka.  Marka uu hooraha ku ururo waxa uu sameynayaa in ogsijiinta ay adkaato oo dhiigga la raaciyo. Taasina waxa keeneysaa neefsashada oo adkaata. Sambabada waxay noqonayaan kuwa   adag, neefsashada waxay noqoneysaa mid adag. Ugu dambeyn waxay abuureysaa qalqalka hawada.


Calaamadaha. 


1. Severe shortness of breath: Neefsashada oo qofka ku adkaata.


2. Rapid breathing (tachypnea): Neefsashada oo dagdagta.


3. Hypoxemia: Heerka ogsijiinta dhiigga oo hoos u dhaca, qofka wasa uu noqonayaa buluug,gaar ahaan maqaarka, dibnaha.


 4. Chest discomfort or pain: laabta uu qofka ka dareemo xanuun. 


 5. Fatigue: Qofka waxa uu dareemayaa  daal darran.


6. Confusion or altered mental status: qofka isku dhex yaaca ama maankiisa isbeddela. Taasina waxay ka dhallaneysaa ogsijiin yarida maskaxda gaadhay.


 7. Cough: qofka waxa uu yeelanayaa qufac, qalalan, ama la socda ubur. 


8. Crackles or wheezing: waxa laga maqlayaa sambabbada codad qallafsan marka la dhageysanaayo.


9. Low blood pressure (hypotension):  cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca, gaar ahaan marka uu darran yahay qofka xaaladiisa, ama ay jiraan fashillanka xubna badan(multi-organ failure).


10: Garaaca wadnaha oo kordha.


11: Flaring Nostrils: Sanka waxa uu noqonayaa mid ballaadha carruurta xilliga neefshada, taasoo muujineysa neefshada in ay adag tahay.


12:Grunting:  ilmaha waxa ay yeelanayaan cod jilcan marka ay neefsashada soo saarayaan, waxay muujineysaa in ilmaha ay neefta ay u baahan yihiin hawo badan.


13:Pulling in Between Ribs (Retractions):   waa marka feedhaha ay hoos u dagaan marka uu neefqaaadayo. Taasoo muujineyso hawo qaadashada ama soo saaristeeda.


14:Tiredness or Difficulty Feeding (in Babies): Waxa uu noqonayaa mid daalan, ama ay ku adag tahay quudashada.


Baadhitaanka. 


1:A chest X-ray : waxaan ku ogaanayaa haddii sambabbada hoore ku jirra, waxaa kaloo la saaraaya iskaan si markaasi xog dheeraad ah loo helo, qabdhiska samababada iyo wadnaha.


2:Echocardiogram (ultrasound of your heart): waxa fiirinayaa heerka shaqada wadnaha, nidaamkiisa saxda ee dhiigga in uu si wanaagsan u socdo gudbintiisa. 


3: Electrocardiogram (or EKG): waxa la cabirayaa garaaca wadnaha ama korontada wadnaha.


4:Arterial Blood Gas (ABG): waxa la eegayaa heerka ogsijiinta dhiigga, waxa kaloo la eegayaa heerka kaarboon labo ogsaydhka jirka, kaasoo muujinaya in ay jiraan. Waxa kaloo la eegayaa aysiidha dhiigga,  iyo dheefsashada(Metabolic or respiratory acidosis).


5:Complete Blood Count (CBC): waxa laga qaadayaa dhiig si loo baadho haddii uu jirro caabuq ama hafeef, iyo dhiig yaraan taaso ka qeyb qaadaneyso ogsijiin yarida.


6:Cardiac Markers: waxa la baadhayaa dheecannada ama insaamyada wadnaha so loo ogaado heerka qalqalka wadnaha ka jirra.


7:Bronchoscopy: waxa lagu baadhayaa ama si toos loogu arkayaa xirran haddii uu jirro ama waxyaabo qalaad ay galeen, ama buro ka soo baxda hawo mareenka.


Daaweynta. 


1. Oxygen Therapy: waxa uu innaga caawinayaa in heerka ogsijiinta dhiigga uu wanaagsanaado, shaqada sambabka ay qummanaato, kaarboon labo ogsaydhka jirka aanu ku sumoowin. Isagoo loo xidhayo ogsijiin af-xidh(face mask).


Ilmaha waxaa la siiyaa daryeel joogto ah oo heer sare ah.Biyaha iyo nafaqada waxaa loo siiyaa si toos ah xididdada.Hawo si toos ah ayaa afka looga siiyaa si ay u caawiso neefsashada.


2. Bronchodilators: waxa la siinayaa dawooyinka marrinka hawadda balaadhiya, waxay innaga caawinayaan in ay dabciyaan murqaha marrinada hawadda ay dabciyaan, taasoo keeneysa in si fudud u neefsado. Waxay hoos u dhigayaan ceejisan hunguriga cadka.  Waxa ka mid dawooyinka:Albuterol, Salbutamol, Ipratropium, Theophylline.


3. Corticosteroids: waxay hoos u dhigayaan hafeefka sambabbada ka jirra(inflammation in the lungs). Waxay hoos u dhigeysaa bararka marrinka hawo mareenka iyo xabka(mucus). Waxa ka mid ah:Prednisone (oral), Methylprednisolone (IV), Budesonide (inhaled).


4. Antibiotics: jeermis dilayaasha waxay hoos u dhigayaan ama  joojinayaan koritaanka bakteeriyada,  taasoo sababeysa caabuqa sambabada.  Waxa ka mid ah

Amoxicillin, Azithromycin, Ceftriaxone. Kaliya waxa la siin karaa marka la xaqiijiyo in ay bakteeriyo jirto.


5. Diuretics: waxay hoos u dhigayaan hooraha jirka,  gaar ahaan sambabbada hooraha ku ururay. Waxay innaga caawineysaa, haddii uu qofka uu leeyahay wadna fashillanka,  in hooraha jirka lagu yareeyo iyo bararka. Waxa ka mid ah Furosemide, Bumetanide.


6. Anticoagulants: waxa la siinayaa lidiga dawooyinka xinjirowga ka hortaga, si markaasi looga hortago sameysanka xinjirowga dhiigga,  sida haddii qabo xirranka halbowle sambabeedka(pulmonary embolism). Waxa ka mid ah:Heparin, Warfarin, Rivaroxaban.


7. Surfactant Therapy (For Neonates):  ilmaha waxa la siinayaa daweyn ka taageyreysa borotiinka iyo waxyaabo difaaca kiish haweedka (surfactant Therapy), waxa loo siinayaa si markaasi loo ilaalsho kiish haweedka 


8. Ventilation Support: waxa la siinayaa hawo cusbooneysiinta taageyreysa in marrinka hawadda cadaadiska ka jirra ay saxdo si markaasi marrinka hawadda u furmo(CPAP), waxaa kaloo loo sameynayaa in soo toos loogu buufiyo hawo samababada iyadoo tubo la dhigayo hunguriga cadka. Waxaana loo isticmaalayaa qalqalka hawo mareenka darran(severe respiratory failure).


Tixraac


PubMed


2. UpToDate


3. Amboss


4. Medscape


5. Cleveland Clinic


6. Mayo Clinic


7. BMJ Best Practice


8. National Library of Medicine


1:Harrison's Principles of Internal Medicine


2. Current Medical Diagnosis and Treatment (CMDT)


3. Gray's Anatomy


4. Robbins and Cotran Pathologic Basis of Disease


5. Kumar and Clark's Clinical Medicine


6. Nelson Textbook of Pediatrics


7. Williams Obstetrics


8. Bailey & Love's Short Practice of Surgery


9. Goodman & Gilman's: The Pharmacological Basis of Therapeutics


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad