Casharka 32aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 32aad
ISKU GUDDA DHACA SAMABABBADA (ATELECTASIS)
Isku gudda dhaca samababbada waa urursan ku yimadaada nuddaha sambabada qeyb ama gabi ahaanba, taasina waxay keeneysaa hoos u dhac haweed oo ku timaada kiish haweedka, waxa ka dhallaneysa in ay hoos u dhacdo kala beddelka hawada. Haddii ay kiish haweedka shaqo gabaan ama carqalad ku timaado waxay kordhineysaa in ay hoos u dhacdo hawo cusbooneysiinta. Ururka nuddaha samababada waxa loo kala saarayaa qeybo iyadoo lagu saleynaayo waxa keenay.
Obstructive (Resorptive) Atelectasis:
Waxa keenna xirran hawo mareenka ku yimaada, waxay ka hortageysaa in hawadda ay gaadho kiish haweedka. Waa marka ay xidho xab, buro, ama waxyaabo kale uu qofka ku saxdo, ama hafeef ku dhaca, wayxaabahaasi waxay xidhayaan hawo mareenka. Xirrankaasi waxa uu carqaladeynayaa in a hawo nadiif ah gaadho nudda samababada, haddii aysan hawo soo gaadhi kiish haweedka oo aanu sameyn isbeddel haweed waxa uu noqonayaa mid urursama. Badanaa waxa lagu arkaa bukaannada qaaliinka ka soo baxa kaddib, ama xirranka samababada ee raagga(COPD). Sidaan soo sheegnay waa natiija ka dhallataa yaraanshaha mugga iyo hawo cusbooneysiinta oo yaraata, taasina waxay keeneysaa inuu sambabka ururo.
Compressive Atelectasis: waxay ka dhallataa cadaadis uga yimid samababbada dibada. Sida in moqorka sambabeedka uu hoore galo, ama buro ka soo baxda(pleural effusion or tumors). Samababbada ma awooddayaan in ay kala baxaan xaddigii loogu tala galay. In ay sambabada isku buusmaan waxa keenaya in uu hoore ku ururo ama hawo ay gasho moqor sambabeedka, ama uu dhiig galo. Cadaadiska dibbada kaga imanayo waxa uu riixayaa nuddaha sambabbada. Cadaadiskaas sidoo kale waxa uu dhacaa marka uu jirro Cadaadiska ubucda(ascites) ama cayil uu jirro gaar ahaan marka uu qofka u seexdo dhacdiid. Xaaladaasi waxay keeneysaa in uu yaraado baaxadda samababbada, waxa hoos u dhacaya isbeddel haweedka sambabada.
Adhesive Atelectasis: waxay dhacdaa marka uu yaraado difaaca kiish haweedka (surfactant) badanaa waxa lagu arkaa ilmaha aan billa dhammeysan ama xaladdo kale sida qalqal haweedka ku yimaada habdhiska neefsashada (acute respiratory distress syndrome). Sidaan soo sheegnay waxay ka timaadaa marxaladdani marka la waayo difaacaha kiish haweedka (surfactant)taasoo yaraaneysa oogada kiish haweedka. Haddii difaacaha la waayo kiish haweedka waxa uu noqonayaa mid giigsan, soo urura, taasoo ugu waca balaarashada oogada kiish haweedka. Badanaa sida aan soo sheegnay waxay saameysaa ilmaha aan billa dhammeyska ahayn ku dhasha.
Passive Atelectasis: waxay dhacdaa marka uu yaraado xaddiga kala baxa sambabbada, taasina waxa ugu wacnaaneysaa dhaqaaq la'aanta. Waxayna badanaa ku badan tahay dadka muddada dheer sariirta jiifa, ama dawooyinka suuxdinta la siiyay, ama dadka qaliinnada ka soo baxa ayaa gala xaaladdan, neefsashada dagdaga waxay keeneysaa haddii ay waqti badan sii jirto in kiish haweedka uu soo ururo. Waa xaalad laga bogsan karo, haddii qofka jimicsi iyo dhaqdhaqaaq uu sameeyo.
Calaamadaha.
1:Difficulty breathing (dyspnea): Neefsashada oo adkaata.
2:Coughing: qufac joogta ah, kaasoo uu la socon karo xab ama bilaa xab ah.
3:Chest pain: qofka laabta waxa uu ka dareemayaa nafis xumo ama xanuun, xilliga uu qufacayo oo kale.
4:Wheezing: waxa la maqlayaa qallafsanaant codadka samababada , taasoo muujineyso inuu jirro ciriirsanka marrinka hawadda.
5:Low oxygen levels: heerka ogsijiinta oo hoos u dhacda, kaasoo beddelaya midabka maqaarka, dibnaha.
6:Increased heart rate (tachycardia): waxa kordhaya garaaca wadnaha, taasina waxa keenaya yaraanshaha ogsijiin.
7:Confusion: haddii heerka ogsijiinta ay yaraato waxay keneysaa in qofka ogaalka uu ka tago.
Baadhitaanka
1. Chest X-ray (CXR): raajada waa midda ugu caansan loo isticmaalo, waxa la fiirinayaa haddii xaddiga samababada ay soo yaraadeen. Sidoo kale waxa la fiirinayaa hunguriga cadka inuu booskiisa ka sikaday(trachea)
2. CT Scan: iskaanka waxa uu inna siinayaa faahfaahin dheeraad ah intii raajada ay sheegi lahayd, waxay innaga caawineysaa urursanka uu sameeyay samababbada, haddii ay keentay buro, ama hoore samababbada.
3. Bronchoscopy: waa kamarad, lagu ogaanayo guddaha marrinka hawadda, haddii uu jirro xirran ama xab uu xidhay ayaa lagu ogaanayaa.
4. Pulmonary Function Tests (PFTs): hubbintani waxa lagu ogaanayaa heerka shaqada samababbada, haddii ay jirto xaaladdani samababbada waxa yaraanaya xaddigooda, macnaha inta hawo uu hayn karo sambabbada ama hadhaaga hawo haraya, iyo inta la saarayo.
Daaweynta
1. Waxa loo sameynayaa qofka neefsi jimicseed, si markaasi barta sambabada isku dhacday(collapse) ay u gaadho hawo, qofka isagoo si qoto dheer hawo u qaadanayo. Taasina waxay ka caawineysaa inuu sambabka kala baxo. Waxaa kaloo loo seexinayaa dhacdiid, si markaasi cufnaanta ay u sahasho in laga soo saaro xabka. Qaabkani la sameynayaa waxay hagaajineysaa shaqada sambabka.
2:Chest Physiotherapy (CPT): waxa loo sameynayaa fisotarabida laabta, mishiinka waxa innaga caawinayaa in la yareeyo xabka, si markaasi banaanka looga saaro samababada gudihiisa. Waxa uu hoos u dhigayaa xirranka samababada, waxa uuna ballaarinayaa samababada.
3:Oxygen Therapy: waxa la siinayaa ogsijiin haddii uu yaryahay heerka ogsijiinta bukaanka. Waxa loo xidhayaa af-xidhka(mask) si markaasi loo saxo heerka ogsijiinta jirka.
4: Treating the Cause: waxa la Daaweynayaa waxa keenay. Sida haddii uu xab xidhay hawo mareenka, iyadoo la galinaayo tubo yaro si markaasi looga soo saaro xabka(suction).
5:Nebulizer: waa mishiin qofka afka looga xidho, qofka waxa loogu daraa dawooyinka marrinka hawadda kala bixiya. Si xabkaasi loo yareeyo.
6:Mucolytics ( acetylcysteine): dawooyinkan waxay jilcinayaan xabka adag ee xidhay marrinka hawada, si markaasi loo yareeyo qufaca.
7:Bronchoscopy: haddii marrinka hawadda waxa isku gudbay ama xidhay waxa la adeegsanayaa kaamiro si markaasi looga soo saaro walaxda xidhay marrinka hawadda.
8:Tumors: burooyinka waxa ay xidhi karaan marrinka hawadda, waxa loo sameynayaa qaliin, si loo saaro buradaasi.
9:Radiation ama Chemotherapy: waxaa kaloo loo sameyn karaa in shucaac iyo keemotarabi la isticmaali si loo yareeyo burada kansarka ah.
10:Thoracentesis: waa hannaan looga soo saaro samababada biyaha gala, si loo yareeyo cadaadiska sambabbada.
11:CPAP (Continuous Positive Airway Pressure): mishiinkan waa af-xidh qaadayo hawadda si markaasi loo balaariyo marinka hawadda.
12:Mechanical Ventilator: mishiinkan waxaa loo xidhayaa haddii aanu bukaanka neefsan karin, markaasi loo siiyo hawo, hawadaasina waxay innaga caawineysaa inuu sambabka ballaarto.
13:Bronchodilators: waxa la siinayaa dawooyinka dabciya marrinka hawadda, si markaasi hawadda si fudud uu qofka u neefsado. Waxa ka mid ah: Albuterol, Salmeterol.
14:. Antibiotics: jeermis dilayaasha waxay dilayaan bakteeriyada, si markaasi ay hoos ugu dhigto tarmidda bakteeriyada.
15:. Steroids: waxay hoos u dhigayaan heefashada, iyo bararka marrinka hawo mareenka, si markaasi u furmo.
Waxa ka mid ah Prednisone, Budesonide.
References:
1. Current Medical Diagnosis and Treatment (2024 Edition).
2. Harrison's Principles of Internal Medicine, 21st Edition.
3. Amboss Medical Library.
4. Mayo Clinic: Atelectasis Overview.
5. Medscape: Clinical Presentation and Management of Atelectasis.
Comments
Post a Comment