Casharka 34aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 


Casharka 34aad


Malaxowga samababbada (lung abscess).


Malaxowga sambabka  waa marka uu caabuq noqdo qeyb ka mid ah samababada, caabuqaasi waxa uu burburinayaa nuddaha samababada,  isagoo abuuraya goob malaxda ku ururto.  Badanaa waxay dhacdaa marka bakteeriyo ama cudur dhalliye kale  uu soo galo samababbada,  badanaa waxa ka mid ah cunno si qaldan u soo gashay hawo mareenka,  ama dareere(Aspiration).Badanaa waxay ka soo gashaa afka, bakteeriyada keenta malaxowga samababada. 


Malaxowga sambabka waxa uu dhacaa marka uu caabuq saameeyo nuddaha samababada,  kaasoo keenaya burburinta unugyada iyo samaysanka moqorada ay ku ururi lahayd malaxda.  Tani waxay dhacdaa kaddib marka walax ay si qaldan u gasho marinka hawadda sida cunno, ama dareere, aysiidha caloosha, ama dheennacada cunnaha, waxa ugu caansan waa in ay cunno ama dareere si qaldan u galaan marrinka hawadda(Aspiration). Marka bakteeriyada ama noolaha dhaliya cudurka, uu soo galo sambabada waxa la carinayaa hafeefka. Nidaamka difaaca  waxa uu dirayaa fariin, unugyada dhiigga cad cad(neutrophils and macrophages) waxay dagaal ku qaadayaan  noolaha soo galay.  Sikastaba haddii caabuqa uu noqdo mid joogta ah ama difaaca jirka uu yahay mid taag darran, hafeefka waxa uu noqonayaa mid daran,  ugu dambeyn waxa uu keenayaa in nuddaha uu dhinto(necrosis). Dhabaqa ku yimaada nuddaha sambabbada waxa uu abuurayaa bar malaxda ku sameysanto. Godkaasi waxa ka buuxsamaya malax, isku qasanka unugyada dhintan, bakteeriyada iyo waxyaabihii hafeefka la socday(inflammation debris). Waqti badan kaddib  haddii aan laga hortagin waxa uu sameynayaa caabuqa  miiqoowid adag. Jaxaasta(capsule) waxay xaddideysaa faafitaanka cabuqa laakiin,waxay hoos u dhigeysaa saameynta jeermis dilaha, taasoo u sabab ah in aysan u talaabeyn barta malaxowga daryibyadeeda. Haddii aan malaxdaasi laga soo nuugin waxay keeneysaa ur.  Haddii xaaladda sii darnaato waxay kordhineysaa in uu dilaaca moqor sambabeedka.


Maxaa keena?


1. Hambaabuqa bakteeriyada (Bacterial Infection). Bakteeriyada ugu caansan keenta waa Streptococcus pneumoniae, Staphylococcus aureus, iyo Klebsiella pneumoniae. Marka bakteeriyada afka, cunnaha ama caloosha ay kaga timaado si filan waa ah aynna ugu gudubto marrinka hawwdda, badanaa waxay dhacdaa xilliga hurdada, iyo dadka aan miirka lahayn,  bakteeriyada waxay gaareysaa qulqulka dhiigga iyadoo gaareysa qeyb ka mid ah jirka gaar ahaan samababada.  Caabuqa waxa uu ka dhex curanayaa samababada dhexdooda, isagoo kaga imanayo oofwareenta, ama tiibeyda. Badanaa waxay ka timaadaa cunnada iyo dareeraha si qaldan ugu talaabay hawo mareenka, walxahaasi waxay keenayaan caabuq, caabuqaasi waxa uu keenayaa in ay sameysanto malaxowga samababada. 


3. Waxa keenna xanuunnada raagga (Chronic Obstructive Pulmonary Disease): waa koox xanuunno ah  waxay horseedayaan in nuddaha samababada ay noqdaan kuwa daciif ah, waxay si fudud bakteeriyada u soo galeysaa samababada,  kaddib waxay keeneysaa malaxowga samababada. 


4:Ballaarashada laanhungurida (

Bronchiectasis)xaaladdani waxa dhaawac soo gaarayaa marrinka hawadda, waxa uu sababayaa in ay bakteeriyo soo gasho, kaddib ay taran sameyso, ugu dambeyn waxayn keeneysaa caabuq iyo malaxowga samababada. 


 5:Nadaafad darrada afka(dental poor hygiene), bakteeriyada ka timaada caabuqyada ku dhaca ciridka, waxay ku faafi kartaa samababada. Sidaan soo sheegnay dadka leh dhibaatooyinka ilkaha, bakteeriyada ka timaada afka waxay si qaldan u aadeysaa samababada,  gaar ahaan marka uu qofka dhacdiid u seexdo xilliga hurdada.


 6:.liidnaanta difaaca (Immunocompromised ): haddii uu qofka qabo xanuunnada difaaca jirka hoos u dhiga sida aydhiska, ama daaweynta kansarka, bakteeriyada caadiyan jirka ku jirta  ayaa taran sameyneysa ama is badin, taasi waxay keeneysaa caabuq, sida malaxowga samababada. 


Malaxowga sambabada waa xaalad uqayb ka mid ah sambabada ku dhintaan oo uu  ku samaysmo god ka buuxa dheecaan qudhmay (pus). Inta badan waxaa sababa caabuq ka dhasha marka qofku si qalad ah u liqo cunto, cabitaan, ama waxyaabo kale oo gala sambabada. Dadka isticmaala khamriga xad-dhaafka ah ama leh difaaca  jidhka oo daciif ah ayaa khatar badan ugu jira xaaladdan.Si loo ogaado, dhakhaatiirtu waxay isticmaalaan raajo (X-ray), baaritaan CT-scan ah, ama mararka qaarkood qalab kamarad leh (bronchoscope) oo gudaha sambabada lagu fiiriyo.


Daawaynta waxaa lagu bilaabaa antibiyootiko xooggan si loo dilo bakteeriyada keentay caabuqa. Haddii antibiyootikada aysan waxtar lahayn, waxaa dhici karta in dhakhtarku isticmaalo irbad uu ku soo saaro dheecaanka qudhmay ama qalliin lagu sameeyo xaaladaha daran.Cilmi-baarisyadii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in malaxowga sambabada ay sidoo kale ku dhici karaan bukaannada qaba COVID-19 ama kuwa isticmaala mashiinnada neefsashada, taas oo muhiim ka dhigaysa in xaaladdan si degdeg ah loo ogaado loona daaweeyo.


Calaamadaha. 


1. Calaamadaha guud.


Qandho.

Jareys.

Daal.


2. Calaamadaha habdhiska neefsashada. 


Qufac uu la socdo xab.


Candhuufta oo ur la socdo.


Qufac uu dhiig la socdo.


Neefsashada oo adkaata.


Laab xanuun.


3.  Caalamadaha kale.


Dhidid habbeenkii


Miisaanka hoos u dhaca.


Faraha oo weynaada.


Codadka neefsashada oo yaraada.


Baadhitaanka. 


1:Chest X-ray: raajada laabta waxay inna tusineyaaa haddii hawo ama dareere ku jirro moqorada samababada. 


 2:CT Scan:  iskaanka waxa uu inna siinayaa  warbixin dheeraad ah, haddii unugyada moqoradooda ay dhaawacyihiin,  haddii ay jirto malaxowga(empyema) ama kansar.


3. Microbiological Tests: waxa baadhitaan lagu sameynayaa candhuufta(sputum Culture) , baadhitaanka dhiigga, baadhitaanka waxa uu sahlayaa noolaha keenay. 


4:Waxaa kaloo loo baahanayaa cirbad lagu soo qaado cad(lung biopsy) haddii laga maarmi waayo.


5: Laboratory Tests: hubbinta sheybbaadhka,  waxa la firiinayaa haddii ay kacsan yihiin unugyada dhiigga cad(leukocytosis) taasoo muujineysa caabuq,  hafeef inuu jirro.


 6:Inflammatory markers (ESR, CRP):  kacsanaanta muujiyayaasha hafeefka, taasoo muujineyso inuu jirro hafeef ama caabuq.


 

Daaweynta 


1:Isku-darka antibiyootikada baaxadda ballaaran ayaa inta badan loo adeegsadaa in lagu daaweeyo bakteeriyada kala duwan ee jirta. Antibiyootikada waxaa badanaa lagu bilaabaa si xidid ah (IV), waxaana lagu sii wadaa muddo afar ilaa lix toddobaad, ama ilaa laga waayo caddeyn muujinaysa jiritaanka malaxowga( absess-ka ).Haddii malaxowga( absess-ka )uu sabab u yahay fangas, iyo dulin (parasites), ama caabuqyada ay keeneen Mycobacterium, Actinomyces, ama Nocardia, waxaa laga yaabaa in muddo daaweyn dheer loo baahan yahay—oo gaari karta ilaa lix bilood.

Haddii malxowga(absess-ku) lagu daaweyn kari antibiyootikada, waxaa loo baahan karaa daaweyn kale.

Fisioterabiga sambabada iyo soo-saaridda dareeraha sambabada (postural drainage) ayaa inta badan faa'iido leh, waxaana badanaa lagu daraa antibiyootikada si loo hagaajiyo natiijada daaweynta.


Waxa la siinayaa jeermis dile(Antibiotic Therapy).Dawooyinka ugu horeeya la siinayaa waa:Clindamycin: waxay xidheysaa borotiinka bakteeriyada ay sameysan lahayd .Beta-lactam/beta-lactamase: amoxicillin-clavulanate, piperacillin-tazobactam). Waxay xidhayaan sameysanka unugyada darbiyada bakteeriyada. Waxa loogu beddelayaa haddii ay wax iska beddeli wayaaan dawooyinka: Carbapenems (e.g., Meropenem).


2:Waxaa loo sameynayaa qaliin kaasoo looga soo saarayo malaxda(Percutaneous or surgical drainage) haddii aysan wax ka beddelin jeermis dilaha.


3:Respiratory physiotherapy: waxa loo sameynayaa jimicsiga laabta,  kaaso sare loogu qaadayo  shaqada sambabbada. 


4:Procedures: haddii xaddiga malaxowga samababada uu aad u ballaaran yahay waxa uu u baahanayaa qeyb ka mid ah in la saaro sambabbada(Lobectomy )


5:Surgery:  qaliinka waa dhif, dadka qaar waxay u baahanayaan qaliin.  


 

Tixraaca.


1. Current Medical Diagnosis and Treatment (2024 Edition).


2. Harrison's Principles of Internal Medicine, 21st Edition.


3. Amboss Medical Library.


4. Mayo Clinic: Atelectasis Overview.


5. Medscape: Clinical Presentation and Management of Atelectasis.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad