Casharka 36aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 36aad
Sarcoidosis.
Waa jirro joogta ah oo la ogeyn meesha ay ka timid. Taasoo ah in qanjiro ku yaal jirka qaarkiisa ay noqdaan wax soo kuus- kuusan oo qaab hilib ah yeesha, waxaa si gaar ah loogu arkaa beerka, sambabka, xuub yar oo beerka ka hooseeya abuura dhiigga jirka, qanjir- ada candhuufta iyo maqaarkaba. Astaanteeda waxay shabbahdaa cudurka qaaxada, dadka daawo lagu billaabo seddex marka loo dhigo laba waa ay ka kacaan jirradaan.
Waa xanuun ay unugyadu hafeefka ay is urursamaan jirka kuwasoo saameynaya jirka qeybo badan oo ka kimid ah, waxa ugu caansan uu saameeyana waa samababada iyo qanjirlinfeefka. Sidoo kale waxa uu saameyn karaa indhaha, maqaarka, wadnaha iyo xubnaha kale ee jirka.Xaaladdan waxay dhacdaa marka uu difaaca jirka falcellino badan ka bixiyo sida caabuq, waxyaabo deegaanka ka yimaada, ama waxyaabo aan la aqoon. Falcelinnadaasi waxay keenayaan hafeef(Inflammation) iyo inuu sameysmo kuusyo yar yar ee difaaca jirka ah gudaha nuddaha sambabada dhexdiisa. Hannaankan waxa uu bilowdaa marka unugyada difaaca sida liqa wayn(macrophages) gartaan waxa la carinayaa iyo fariin loo dirayaa unugyada kale ee difaaca, sida T-helper cells. Unugyadan waxay soo daynayaan kiimikooyin kuwaasoo sababaya in ay ku urursamaan nuddaha samababada. Waqtiga badan kaddib waxa uu yeelanayaa sambabka kuusyo yaryar (granulomas). Kuusyaadaasi waxay xidhayaan marrinnada hawada, waxay dhaawacayaan nuddaha samababada. Haddii hafeefka ii soo socdo waxa uu keenayaa nabar, lagu magacaabo miiqow. Miiqowgaasi waxa uu keenayaa inuu samababada giigsamo, uuna awooddi waayo inuu kala baxo. Tanina waxay saameyneysaa in ay adkaato neefshada. Dhaawaca soo gaaray samababada waxay horseedeysaa kacsanaanta dhiigga samababada(pulmonary hypertension).
Waxa uu ku dhici karaa qof kasta, balse inta badan waxa uu ka dhacaa dadka da'doodu u dhexeyso 20 ilaa 60 sanno. Haweenka ayaa si yar ugu nugul inay qaadaan xanuunkan marka loo barbar dhigo ragga.
Qowmiyadda: Dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika iyo kuwa asal ahaan ka yimid Waqooyiga Yurub ayaa u badan inay qaadaan xanuunkan. Dadka Afrikaanka ah ayaa inta badan la kulma inay xanuunku ku faafo xubno kale oo jirka ah, iyadoo sambabada ay tahay meesha ugu badan ee uu ka bilaabmo.
Taariikhda Qoyska: Haddii qof qoyskaaga ka mid ah uu qabo sarcoidosis, waxaad leedahay halis dheeraad ah oo aad xanuunkaas u qaadi karto.
Sababta saxda ah ee sarcoidosis weli lama oga, laakiin khubaradu waxay aaminsan yihiin inay ka dhalato habka difaaca jirka oo si aan caadi ahayn uga jawaabaya maaddo aan la garanayn. Cilmi-baarisyo qaar ayaa soo jeedinaya in wakiillo caabuq (caabuq dhaliya), kiimikooyin, boor, ama falcelin aan caadi ahayn oo jirku ku sameeyo borotiinnada iska leh (self-proteins) ay keeni karaan samayska kuusyada yaryar (granulomas), gaar ahaan dadka leh hidde-side u nugul cudurkan.
Xaaladdani waxay martaa afar heer oo kala duwan.
Stage 0: heerkan marka la joogo raajada waxba kama muuqaneyso. Samababbada iyo qanjir limfeedkaba. Raajada waa mid caadi ah.
Stage 1: heerka kowaad waxa la arkayaa kuusyo yaryar guddaha qanjir limfeedka oo kaliya.
Stage 2: heerka labaad waxa uu gaarayaa qanjirka limfeefka iyo sambabada.
Stage 3: heerka seddexaad kuusyada yaryar ee hafeefka waxa lagu arkayaa sambabada oo kaliya.
Stage 4: heerka afraad raajada waxay inna tusineysaa miiqowga sambabada ama nabar ku sameysma samababbada.
Calaamadaha.
1. Cough: qufac joogta ah, iyo qufac qallalan waa midda ugu caansan calaamadaha uu leeyahay qofkani.
2. Shortness of breath: Neefsashada oo adkaata, xilliga uu qofka wax qabto.
3. Chest pain: laab xanuun.
4. Wheezing: Cod xiiq ah laga maqlo sambabada, xilliga neef saarista.
5. Fatigue: daal waxa ugu wacan hafeefka guud.
6. Pulmonary nodules or infiltrates: qofka marka raajo la saaro waxa la arkayaa kuusyo yaryar wareegsan.
7. Crackles: Cod aan caadi ahayn oo laga maqlo samababada.
Baadhitaanka.
1. Humaag(Imaging).
Chest X-ray ama CT scan: waxa la saarayaa raajada laabta, iyadoo inna tusineysa kuusyo yaryar (granulomas) ama dhaawac soo gaadhay sambabbada(bilateral hilar lymphadenopathy).
2. Blood Tests: hubbinta dhiigga, waxa la baadhayaa heerka insaamka(
(angiotensin-converting enzyme). Kacsanaanta heerka kalshiyamta, iyo muujiyayaasha hafeefka(Markers inflammation)
3. Pulmonary Function Tests (PFTs): hubbintani waxa la cabirayaa heerka shaqada samababbada.
4. Biopsy: qaadista muunada(sample)cadka laga soo qaadayo iyadoo la xaqiijinayo in ay tahay kuusyo yaryar(non-caseating granulomas).
Daaweynta.
1:Corticosteroids
Waa dawadda ugu horreysa lagu daweynayo xanuunkan, taasoo saameyn ku leh hoos u dhigga hafeefka, waxay hoos u dhigtaa ololka iyo sameysanka kuusyada yaryar. Daawadda ugu caansan la siinayaa waa Prednisone, haddii uu waqti dheer qaadanayo bukaanka waa in laga warqabaa, saameynteeda waa mid xooggan,waxay keentaa miisaanka kordha, xanuunka macaanka, dhiigkarka, lafo burbur.
2:Immunosuppressive: waxay hoos u dhigayaan hafeefka iyo xakameynaya difaaca jirka. Waxa ka mid ah methotrexate daawadan waxay xidheysaa insaamka(dihydrofolate reductase), taasoo hoos u dhigeysa sameysanka DNA iyo xakameynta nidaamka difaaca iyo azathioprine daawadan waxay carqaladeyneysaa insaamka(purine synthesis) ayay xidheysaa si aanay u tarmin T iyo B lymphocytes.
3:Tumor necrosis factor-alpha (TNF-alpha) inhibitors. Daawooyinka waxa badanaa loo istcimaalaa hafeefka. Sidoo kale waxay wax ka tartaa xaaladdan(sarcoidosis) haddii ay Daaweynta kale wax jawaab ka bixin waayaan. Waxa ka mid ah:infliximab iyo adalimumab.
4:Oxygen Therapy: waxa kaloo la siinayaa ogsijiin si markaasi loo yareeyo heerka ogsijiinta yarida jirka soo wajahday.
5: Pulmonary Rehabilitation: waa nidaam loo sameynayo jimicsi laabeed, iyo nafaqeyn.
References
1. American Thoracic Society (ATS) guidelines.
2. Raghu G, et al. "Diagnosis and management.
3. European Respiratory Society. "Management of
4. Mayo Clinic and Medscape for practical clinical approaches.
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment