Casharka 37aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 37aad
Dhiig Oofeed(Hemothorax ).
Waa marxalad uu dhiig ku ururayo moqorka samababada (pleural cavity), fogaanta u dhexeysa samababada iyo saableyda.Si aad u fahamto waxa dhaca marka moqorka samababka dhiig ku ururo(hemothorax), waa muhiim in la fahmo shaqada moqorka samababada. Moqorka(pleural-ka) wuxuu xakameeyaa cadaadiska gudaha iyo hareeraha sambabada marka ay jirto neefsashada. Waxa uu ka kooban yahay lakab khafiif ah oo dareere ah ( pleural), kaasoo fududeeya dhaqdhaqaaqa nuddaha (pleura) ee daboolaya sambabada iyo darbiga gudaha ee laabta marka la neefsanaya.Dhaawac laabta soo gaara, jug, qalliin ama cudurro kale ayaa sababi kara in dhiig galo moqorka( pleural-ka), halkaasna uu ku milmo dareeraha moqorka.
Waa xaalad uu dhiig ku ururo moqorka samababada(pleural space), taasoo inta badan ay sababaan dhaawac, qalliin, dillaaca xididdada dhiigga, ama cudurro keena dhiig-bax. Caadi ahaan, moqorka sambabeedka (pleural ) waa meel bannaan oo ay ku jiraan dareere yar oo subkiya si sambabbadu si fudud ugu dhaqaaqaan. Marka uu dhiigga galo moqorka sambabka waxay carqaladeyneysaa shaqada samababada, isbeddellada hawadda (ogsijiinta iyo karboon labo ogsaydhka). Marka xiddidada dhiigga ee saableyda ay dhaawacmaan(intercostal artery, pulmonary artery,vein), dhiigga waxa uu ku ururayaa moqor sambabeedka, taasoo meesha ka saaraya cadaadiska taban(negative pressure) taasoo loo baahan si ay sambabada u kala baxaan.
Taasi waxay sababi kartaa in sambabka isku dumo(atelectasis) taasoo hoos u dhigeysa ogsijiinta dhiigga. Dhiigga ku urura waxa uu kordhinayaa cadaadiska saableyda(interpleural pressure), taasoo keeneysa xiddidada wadnaha in ay cadaadis fuulaan, taasoo keeneysa carqalad ku timaada wareegga guud ee dhiigga. Haddii dhiig baxa uu sii socdo waxa uu keenayaa mugga dhiigga hoos u dhaca(hypovolemia) , taasoo keeneysa dhibiib(shock). Dhiigga ku urura moqorka sambabka, waxa uu carinayaa hafeefka, taasoo keeneysa sameysanka xinjirowga dhiigga, muddo kaddib xinjiraha iyo miiqsananowga(fibrin) ku ururaya waxay keeneysaa xanibaab joogto ah, taasoo keeneysa in ay ballaariso xiddidada samababada.Haddii dhiigga aan la saarin, wuxuu noqon karaa mid caabuq yeesha, taasoo horseedi karta malaxow( empyema).
Sababta ugu badan ee keenta (hemothorax) waa dhaawac culus oo soo gaara saableyda, waxaana loo yaqaannaa dhaawac xoog leh (blunt force trauma). Dhaawacan wuxuu dhici karaa marka saableyda si lama filaan ah oo dhaawac u soo gaara. Tusaale ahaan waxa ka mid ah : qofka marka uu dhaawac xooggan ka soo gaaro saableyda. Waxaa kaloo keenna Shil gaari, kaasoo haddii uu qofka si darran shil u galo.Dhaawacyadan waxay waxyeello u geysan karaan darbiga saableyda, sambabbada, iyo xididdada waaweyn ee dhiigga ee ku wareegsan saableyda.
Taasi waxay keeni kartaa in dhiiggu ku fataho gudaha moqorka, taasoo cadaadis saara sambabbada.Hemothorax wuxuu sidoo kale dhici karaa haddii qofka mindi la galiyo ama lagu muddo saableyda, waxay keeni kartaa dhiig ku urura moqorka sambabka.Sidoo kale, hemothorax wuxuu si caadi ah ugu dhici karaa dhibaato ka dhalata qalliin weyn oo lagu sameeyo wadnaha ama sambabbada.Waxaa muhiim ah in xaaladdan si degdeg ah loola tacaalo si looga fogaado dhibaatooyin halis ah.
Calaamadaha.
1:Dyspnea (shortness of breath): Neefsashada oo yaraata, taasoo ugu wacan cadaadiska fuulla sambabada.
2:Tachypnea (rapid breathing): Neefsashada oo dagdagta, jirkana waxa isku dayayaa inuu isi saxo.
3:Chest pain: laab xanuun.
4:Cyanosis: haddii ay xaaladda daran tahay qofka waxa noqonayaa mid jirkiisa uu buluug noqdo, taasoo ugu wacan ogsijiin yarida.
5:Hypotension: waxaa kaloo lagu arkayaa cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca, taasoo ugu wacan dhiigga oo luma.
6:Garaaca wadnaha oo sarre noqda. Taasoo ugu wacan lumitaanka dhiigga.
7: Waxa la weynayaa maqalka codka Neefsashada(absent breathing sound).
Baadhitaanka.
1:Chest X-ray (CXR): Raajada waxa lagu arkayaa haddii samababada dhiig fadhiyaan. Waxa badanaa lagu arkaa muruqa bogga iyo feedhaha meesha iskaga kulmaan(costophrenic angle).
2:Computed Tomography (CT) of the Chest: waa humaaga ugu muhiisan oo lagu ogaado haddii uu jirro dhiig baxa, iyadoo la caddeynaayo haddii uu jirro jabniinka feedhaha, ama dhaawaca xiddidada.
4. Blood Tests (Supportive in Diagnosis): hubbinta dhiigga waxay innaga caawineysaa haddii uu jirto dhiig yaraan. Coagulation Profile: waxaa kaloo loo dirayaa baadhitaanka xinjirowga dhiigga si loo qiimeeyo ama qatarka dhiigbaxa looga hortago.
Daaweynta.
1:Talaabada ugu horreysa ee Daaweynta.
Waxa la hubinayaa Neefsashada qofka. Haddii uu ogsijiin u baahan yahay waxa la siinayaa ogsijiin.
Haddii uu dhiig baxaayo waxa la xakameynayaa dhiig baxa, iyadoo lagu xidhayo xiddid gudbiye(IV) iyadoo laga siinayo hoore.
Waxa la hubbinayaa cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha, heerka ogsajiinta.
2:Chest Tube (Tube Thoracostomy): waxa saableyda la dhigayaa tubo si markaasi dhiigga looga soo saaro saableyda, taasoo innaga caawineyso kala baxa sambabbada, iyo shaqada sambabbada.
3:Surgery (Thoracotomy or VATS): haddii saableyda tubbada la dhigayo ay ku filnaan weyso ayaa qaliin loo sameeyaa qofka.
4:Blood Transfusion: haddii uu dhiigga bax xooggan ku yimid waxa lagu shubbayaa dhiig, waa haddii uu u baahdo bukaanka.
5:Waxaa kaloo la siinayaa jeermis dile xooggan, si looga hortago caabuq(Empiric antibiotic therapy). Sida ceftriaxone ama piperacillin-tazobactam. Si looga hortago malaxda ku sameysanta samababbada.
Waxaa muhiim ah in daaweynta ay noqoto mid degdeg ah oo ku habboon bukaanka, sababtoo ah haddii dhiigga uu ku sii ururo gudaha sanbabada, wuxuu keeni karaa xaalad khatar ah oo dhimasho keeni karta.
References:
Current Diagnosis & Treatment in Surgery (Harrison's)
Trauma, 8th edition, by David R. King and others
UpToDate
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment