Casharka 39aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 39aad
Hargab( Common cold).
Hargabka ama Dureyga waa cuddur faafa oo si baahsan la isagu gudbiyo. Wuxuu ku dhacaa qaybta sare ee habdhiska neefsashada ee kala ah sanka, cunaha,iyo gododka sanka. Hargabka waxaa keena ugu yaraan labo boqol oo nooc jeermiska Fayraska ah oo kala duwan. Nooca ugu balaaran ee keena hargabka waxaa la yiraahdaa Rhinoviruses.
Fayrasku wuxuu ku dhegaa qaabilayaasha(unugyada )sanka iyo dhuunta, halkaas oo uu ku tarmo. Marka fayrasku sii faafo, waxa la carinayaa difaaca jirka.Jirka difaaciisu (nidaamka difaaca) wuxuu ogaadaa fayraska, wuxuuna bilaabaa la dagaallankiisa. Wuxuu sii daayaa kiimikooyin keena hafeef, xanuun, iyo sanka oo cabursama.
Taasi waxay sababtaa in qofka qaba hargabka uu dareemo cabursanaan
qufac, dhuun xanuun, iyo hindhiso badan. Mararka qaar jirku waxa uu yeeshaa qandho.Jirka wuxuu sameeyaa difaac gaar ah oo la yiraahdo lid-jidh gale(antibodies), kuwaas oo burburiya fayraska. Dhowr maalmood gudahood fayrasku wuu baaba'aa, calaamaduhuna way sii yaraanayaan. Badanaa, dadku si buuxda ayay u bogsadaan toddobaad gudihiis, inkasta oo qaar ay weli dareemaan qufac ama sanka oo cabursan. Difaaca jirka waxa uu xusuus ka reebanayaa fayruska, laakiin waxa jira noocya badan oo fayrus ah oo keenna hargabka, taas ayaa keneysa inuu qofka uu dareemo calaamaddaha hargabka.
Carruurtu wax badan bay qaadaan hargabka laakiin isla markiiba isla noocii oo durey ah ayaa ku soo noqda. Waa maxay sababtu? Waxaan sheegnay in labo boqol oo nooc oo fayras ah oo kala duwan inay keenaan hargabka, markaas haddii hadda ilmaha hargab ku dhaco cunnugu wuxuu samaysataa difaac iyo tallaal uu uga hortago in mar kale isla fayraskii jirro ku keeno. Nasiibdarose, waxaa ilmihii haddana ku dhaca nooc kale oo Fayras ah.
Hargabka waa cuddurka ugu badan ee ku dhaca binu-aadamka. Qofka qaan-gaaray wuxuu hargabku sannadkii celcelis ahaan ku dhici karaa labo ama saddex jeer, halka ilmaha celcelis ahaan uu hargabku ku dhici karo lix ama labo iyo toban jeer.
Hargabka waxaa la isagu gudbiyaa marka qof hargabsan uu hawada ku qufaco ama hindhiso, oo markaas dhibco jeermiga wataa hawada galaan, dabadeed qof fiyoobi neefsado hawada fayrasku la socday. Waxaa kale oo lagu kala qaadaa marka ilmuhu taabto meel ama shay uu saaran yahay fayraska hargabka keena oo markaas ilmihii gacmaha afka ama sanka ku taabtaan.
Calaamadaha lagu garto Hargabka
1:Sanka oo duufa
2:Cabur sanka ah iyo hindhiso badan
3:Qandho ladifan iyo madax-xannuun
4:Cunnaha oo xanuuna
5:Qufac
6:Daal iyo murqa-xannuun
Daawaynta Hargabka
Hargabka waxaa keena fayras oo ma lahan wax daawo ah. Waxaa muhiim ah in ilmaha la siiyo cabitaan badan iyo nasiino. Haddii qandho jirto waxaa la siin karaa daawooyinka qandhada hoos u dhiga sida Paracetamol iyo Ipubrufen.
Ka hortaga Hargabka
Cuddurka hargabka tallaal ka hortaga ma leh, laakiin waxaa looga hortagi karaa carruurta oo la siiyo cunto nafaqo leh iyo cabitaan ku filan. Mar walba waa in la baraa carruurta inay gacmahooda dhaqaan inta aysan cuntada cunnin iyo marka ay musqusha ka soo baxaanba.
Carruurta qabta hargabka waa in laga karantiilaa carruurta fiyoow, tusaaale carruurta hargabsan waa in aysan isku weel kula cunin kuwa caafimaadka qaba. Carruurta waa in la baraa habka loo isticmaalo fasaleetiga.Waalidiinta sigaarka cabta carruurtoodu waa ka qaadis badan yihiin hargabka kuwa aan waalidkood cabin sigaarka, markaa waa in carruurta laga ilaaliyaa meel sigaar lagu cabay.
Dheegasho :DAADAH.
Comments
Post a Comment