Casharka 40aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 40aad
Hafeefka qulaanqushada (Laryngitis).
Waa Hafeefka ku dhaca qulaanqushada, qofka waxa uu yeelanayaa codka faraska, mararka qaar waxa uu waynayaa codka, cunnaha waxa uu ka dareemayaa culeys, waxa uu noqon karaa mid raagga ama mid dagdag ah. Badanaa waxa keenna fayrus, iyo sigaarka, iyo laabjeexa. Hafeefka qulaanqushada sidaan sheegnay waxa uu dhacaa marka uu olol saameeyo qulaanqushada. Caadiyan waxay innaga caawisaa neefsashada, hadalka, iyo ilaalinta marrinka hawadda. Waxa dahaara, dahaar gaar ah kaasoo soo saara xab, si uga ilaaliyo waxyaabaha qatarta. Waxa keenna fayrusyo badan, caabuqa fayruska ka dhasha waxa uu dhaawacayaa dahaarka qulaanqushada.
Waxa uu sababayaa barar ku yimaada qulaanqushada, waxay noqoneysaa mid casaata, waxa la soo daynayaa xab badan. Qulaanqushada waxay noqoneysaa mid hafeefsan, codka waxa uu noqonayaa codka faraska oo kale. Caabuqa ay keento bakteeriyada waxay keeneysaa hafeef, iyadoo dhaawaceysa nuddayaal dheeri ah. Hafeefka qulaanqushada waxaa kaloo keenna xaaladdo kala duwan, sida sigaarka, hawadda waaaqeysan ama aysiidha caloosha dib ugu soo laabata hunguriga waxay murxinaysaa qulaanqushada.
Waxay keeneysaa taasi barar ku yimaada qulaanqushada iyo isbeddel ku yimaada nuddaha kaasoo codka ka dhigaya mid daciif ah. Cuduradda qaar(rheumatoid arthritis) ay keenaan kuwaasoo sababaya is weerarka difaaca jirka waxa uu saameyn ku yeelanayaa qulaanqushada kaasoo waqti dheer kaddib keenaya barar iyo nabar. Haddii cod gudbiyaha uu bararo, taasina waxay dhallineysaa in hadalku adkaado, mararka qaarna la waayaba. Haddii hafeefka uu sii xooganaado nuddaha waxa uu noqdaa mid adag.
Maxaa keenna.
Hafeeka Qulaanqushada waa dhuun xanuun barar iyo dhaa-wac leh oo ka yimaada xubnaha codka hadal-ka soo saara ee dhuunta ku yaala. Waxaa keena cudur ku dhaca xubnaha ama jeermis jirro ku dhaliya. Dhuunta aad ayey u barartaa, cuncun iyo qufac xanuun leh latimaadaa iyo codka xabeeb yeeshaa. Qofka xaaladaan qaba waxaa ku habboon inuu hadalka yareeyo, meel kuleel ahna ku nasta oo qabowga iyo sig-aar cabka ka fogaado.
Qulaanqushada dagdaga.
Badanaa, waa mid ku-meel-gaar ah oo hagaaga marka sababta keenta la daweeyo. Sababaha hafeefka degdegga ah waxaa ka mid ah:
1:Caabuqyada fayraska sida kuwa keena hargabka, sida rhinovirus, influenza virus, parainfluenza virus, adenovirus, iyo coronavirus.
2:Daalka xad-dhaafka ah ee codka, sida qaylo dheer ama adeegsiga codka si joogto ah. Qofka si xooggan u qeyliya.
3:Caabuqyada bakteeriyada, inkastoo ay dhif tahay
Qulaanqushada muddada dheer jirta.
1:Hafeenka soconaya wax ka badan saddex toddobaad waxaa loo yaqaannaa hafeefka joogtada. Noocaan wuxuu inta badan ka dhashaa waxyeellooyin muddo dheer saameeya xargaha codka. Waxay sababi karta xarkaha codka oo daala, dhaawac, ama burooyin yaryar (polyps ama nodules) oo ku samaysma xargaha codka. Sababaha keena heefkan raaga waxaa ka mid ah:
2:Neefsashada oo waxyeello soo garta, waxyaabo la xidhiidha deegaanka sida kiimikooyinka, waxyaallaha xasaasiyadaha ka dhasha, ama qiiqa sigaarka
3:Dib u soo noqoshada aashitada caloosha (Gastroesophageal Reflux Disease – GERD)
4:Cabitaanka aalkolada xad-dhaafka ah
5:Isticmaalka codka si joogto ah oo xad-dhaaf ah (sida fannaaniinta, macallimiinta, ama dhiirrigeliyayaasha)
Caalamadaha.
1: Qofka oo yeesha codka faraska.
2: Codka oo daciifa.
3: Cunnaha oo qofka xanuuna.
4: Cunnaha oo qofka qaleel noqda.
5: Qufac qallalan.
6: Liqitaanka oo adkaada.
7: Hadalka oo adkaada.
8: Qandho aan badneyn.
9: Qofka oo yeesha xabeeb.
Baadhitaanka.
1:Laryngoscopy. Waxa lagu ogaanayaa qulaanshada, iyadoo cunnaha haddii dhib ka jirto lagu ogaanayo. Waxa la raadinayaa haddii uu jirro barar, ama casaan uu noqday qulaanqushada. Haddii ay jiraan kuusyo.
2:Biopsy. Waxa laga qaadayaa cad, si markaasi loo ogaado haddii uu jirro wax kuusan ah, waxa loo dirayaa cudur baaraha.
3:Hubbinta sheybaadhka. Waxa laga qaadayaa hubbinta cunnaha(Throat swab or culture), haddii laga shakiyo bakteeriyo ama fangaay.
4:Waxaa loo dirayaa baadhitaanka fayruska si loo ogaado haddii uu jirro fayrus(PCR), Waxaa kaloo laga qaadayaa dhiigga guud si markaasi loo sii xaqiijiyo haddii uu jirro caabuq ama hafeef.
5:Waxaa la hubbinayaa heerka ay siidha iyadoo laga baraayo cabirka(pH monitoring ). Waa haddii uu keenay in laga shakiyo laab-jeexa.
Daaweynta.
1:Waxa loo sameynayaa taageerid daweyneed(Supportive Treatment)
Badanaa haddii uu yahay mid dagdag ah hafeefka qulaanqushada, uuna fayrus uu keenay, waxa loo sameynayaa in laga yareeyo caabua iyo bararka. Marka waxa loo sameynayaa in qofka hadalka laga yareeyo, si markaasi xargaha codka kabasho u sameeyaan. Waxaa loo sameynayaa cokanaan si karkaasi oogada xuub xaleedka looga dhigo mid qoyan si markaasi kabashada sarre loogu qaado(hydration).Waxaa kaloo loo sameynayaa nidaam qoyaaneed si markaasi looga hortago qalaylka(Humidification). Waxaa kaloo loo sameynayaa haddii ay jiraan waxyaabo carinaya xaaladdan waa mid laga fogaanayo si markaasi u yaraato xaaladdan.
2:Waxaa la siinayaa dawooyinka hafeefka hoos u dhiga(Anti-inflammatory and Symptomatic Relief) waxa la siinayaa dawooyinka ibuprofen, aspirin. Waxay xidhayaan faldajiyaha (Inhibits cyclooxygenase enzymes) si loo yareeyo hafeefka iyo xanuunka.
3:Waxaa kaloo la siinayaa
Corticosteroids ( dexamethasone, prednisone) si markaasi hoos loogu dhigo hafeef cariyayaasha( immune-mediated inflammation) iyagoo xidhaya insaamka( inhibiting phospholipase A2) si markaasi loo yareeyo soo daynta kiimakaadka iyo bararka qulaanqushada.
4:Waxaa la siinayaa lidiga dawooyinka jeermis dilayaasha(Antimicrobial Therapy). Waxa ka mid ah amoxicillin-clavulanate, azithromycin, waxay xidhayaan sameysanka insaamka bakteeriyada (Beta-lactam) ama sameysanka borotiinka. Si markaasi loo xaalufiyo bakteeriyada. Waxa la siinayaa kaliya marka la xaqiijiyo in ay bakteeriyo keentay
5:Waxaa kaloo la siinayaa dawooyinka lidiga fangaayga(Antifungal Therapy ), waxa ka mid ah, fluconazole, nystatin. Waxay xidhayaan insaamka (ergosteral synthesis) ee xuubka unugga fangaayga taasoo sababeysa dhimashada fangaayga.
6:Haddii uu yahay hafeefka mid raagga. Waxa la siinayaa lidiga dawooyinka aysiidha(Proton Pump Inhibitors) waxa ka mid ah omeprazole, pantoprazole. Waxay xidhayaan unugyada baraataylka(gastric parietal cell) si markaasi loo yareeyo aysiidha ku soo laba rogmeysa qofka.
References
1. Amboss – Laryngitis: Causes, Diagnosis, and Treatment.
2. Medscape – Laryngitis: Evaluation and Management.
3. Mayo Clinic – Laryngitis: Overview and Treatment Options.
4. Harrison’s Principles of Internal Medicine, 21st Edition – Approach to Laryngeal Disorders.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment