Casharka 41aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 41aad
Xoqada(Tonsillitis)
Xoqaduhu waa laba qanjidh oo ku yaal dalqada. Ilaa hasda lama hubo shaqada dhabta ah ee ay qabtaan, laakiin marka ilmuhu gaadho toban sanno labadan qanjidh way dhadhaan (atrophy) wixii intaa ka danbeeyana lama dareemo haddii aanay bukoon.
Xannuunka ku dhaca labadaa qanjidh, oo inta badan caabuq uu Fayras ama bakteeriyo keento ah, waxaa la yidhaahdaa hafeefka xoqada(Tonsillitis). Waxa jira xannuuno kale oo Xoqado-xannuunka ka duwan laakiin lagu qaldi karo; sida hafeefka ku dhaca dalqada ( Pharyngitis) oo ah barta ay ku kala baydhaan hunguriga iyo qasabada hawo mareenku. Sidoo kale waxa hambaabuqani ku dhici karaa bilowga qasabada hawada oo loo yaqaan hafeefka qulaanqushada (Laryngitis).
Maxaa keena Xoqado xannuunka:
Xoqado xannuunku wuxuu ku badan yahay carruurta iyo da’yarta ilaa labaatan jirka ah. Sababta ugu badan ee xannuunkan keentaa waa Virus. badanaa uma baahna in dhakhtar lala xidhiidho oo dawo loo qaato. Xannuunku wuxuu ku tagaa ugu badnaa afar maalmaad.
Sababta labaad ee Xoqado-Xannuunka keentaa waa Bakteeriyo (Bacteria). Caabuqa Bakteeriyadu wuu ka halisaysan yahay, kana wakhti dheer yahay hambaabuqa Viruska. Qofba si ayuu u qabtaa; waxa lagaga bogsan karaa muddo kooban oo usbuuc ka badnayn. Sidoo kale si degdeg ah ayuu usoo laaban karaa, ama waxa uu isu bedeli karaa mid aan guurin oo Xoqodaha dega (Chronic tonsillitis).
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah: Cuno xannuun uu qofku liqi kari waayo cuntada iyo cabitaanka; Xannuunka waxa laga yaabaa in laga dareemo dhegaha. Xumad aad u saraysa gaar ahaa afar iyo labaatanka saac ee hore. Madax xannuun, xabeeb iyo codka oo qofka kasoo bixi kari waaya ayaa iyaguna lagu arki karaa bukaanta. Carruurta yaryar waxa dhacda in ay ka cowdaan calool xannuun uu keeno Xoqado xannuunku.
Sidee Loo baadhaa Xoqado –xannuunka:
Majiro shaybaadh u gaar ah Xoqado xannuunka. Waxa dhakhtarku ku go’aan qaataa inta badan astaamaha qofku la yimaado iyo calaamadaha uu isagu ku arko marka uu eego dhuunta qofka. Marka ay go’aaminayaan in qof qabo Xoqado xanuun Bacteria keentay, dhakhaatiirtu waxay raacaan hab layidhaa Centor Criteria oo ka kooban afar Astaamood oo kala ah:
• Xumad gaadhaysa ama ka saraysa 38℃
• Dheecaan kasoo baxaya oo dulsaaran xoqodaha.
• Qufac la’aan
• Barar ku yaal qanjidhada qoorta.
Waxa jira in marjicyada qaar ku taliyaan in dheecaan laga soo masaxo qanjaha (throat swab) kadibna lagu eego shaybaadhka laakiin waxa la xaqiijiyay in aanay wax faa’iido oo buuran ku kordhinin xaqiijinta xannuunka ama baratakoolka dawaynta qofka
Dadka qaba xannuunada difaaca jidhka hoos u dhiga (Immunodeficiency) ama la ogyahay in ay qaataan dawooyinka Unugyada dhiigga ee cad yareeya (Agranulocytosis) waa in iyaga laga qaado shaybaadh dhiig oo lagu hubsanayo in aanay Bakteeriyadu dhiiggooda u gudbin.
Sidee loo Dawayn karaa Xoqado xannuunka:
Caabuqa xoqadaha iyo neef-mareenka si fudud ayaa loo kala qaadi karaa, sidaa darteed ayaa ay habboontahay in qofka xannuunkani qabto uu iska dhowro in uu usii gudbiyo dadka inta fayow.
Carruurta Xoqaduhu bukaan waxa fiican in laga joojiyo dugsiga mudada ay bogsanayaan. Waxa kale oo loo baahan yahay in qoyska hal qof ka buko ay isku dayaan laga ilaaliyo in uu u gudbiyo inta kale, iyadoo la joojinayo wadaagida cuntada iyo cabitaankaba.
Cabashada ugu wayn ee Xoqaduhu waa kaar iyo xumad; taasina waa in la dejiyo iyadoo la adeegsanayo dawooyinka kaar-jebiyayaasha sida Ibuprofen iyo Pracetamol. Intaa waxa kasoo hadhay waxa fiican in la sugo oo la baxnaaniyo xannuunka, sababta oo ah ku dhawaad 85% xaaladaha xannuunkani waxay bogsadaan iyagoo aan dawooyin lasiin.
Waxa kale oo daruuri ah in qofku aanu fuuq-bixin (Dehydration), gaar ahaan haddii aanu si fiican wax u cabayn. Taasna waa in si fiican isha loogu hayo.
Su’aasha ugu muranka badan ee daawaynta xoqado-xannuunku waxa weeye Goorma ayaa qofka lasiin karaa daawooyinka Antibiotics?.
Antibiotic-gu waa dawooyin nooco badan oo lagula tacaalo xannuunnada ay keenaan xannuun dhaliye yaasha Bakteeriyada. Sidaa darteed hadii la xaqiijiyo in hambaabuqa xoqaduhu ka dhashay Bakteeriyo qofka waa lasiin karaa Antibiotic iyadoo la raacayo nidaamka ay u dhigeen hay'adaha caafimaadka ee caalamiga ahi.
Waxa muhiim ah in la fahmo dadka badankooda Antibiotic-gu waxba kama besdelaan mudada xannuunku haynayo, mana khafiifiyaan cabashooyinka xannuunka. Sidaa darteed ayaa hay’ada dalka Ingiriiska u qaabilsan tayaynta Daryeelka caafimaadka (NICE) iyo Ururka caafimaad adduunku (WHO) labaduba waxay ku talinayaan in Antibiotic-ga loo qoro xaalado kooban ee hoos ku xusan:
• In ay jirto calaamado muujinaya in infakshanka xoqaduhu gaadhay jidhka intiisa kale.
• In caabuqu gaadho cadka ku hareeraysan xoqada (Peritonsillitis) ku samaysmo xoqadaha.
• Qof la ogyahay in horre uu ugu dhacay xannuunka Rheumatic Fever ee wadnaha.
• Qof difaaca jidhkiisu hooseeyo; sida dadka qaba xannuunada macaanka, aydhiska, ama kansarada.
• Qof lagu arko ugu yaraan saddex ka midd ah astaamaha centor criteria ee aynnu qaybtii hore ee mowduucan kaga soo hadalnay.
Haddii aanu qofku intaas aynnu soo sheegnayn midkoodna ahayn waxa fiican in aanu qaadan wax Antibiotic ah, oo uu u samro inta xannuunku iskii u bogsanaayo. taasi ayaa u faa'iido badan jidhkiisa una khatar yar.
Antibiotic-ga waxa in la bilaabo ugu yaraan shan cisho kaddib markii xannuunku bilaabmay, waxaana la qaadanayaa mudo u dhaxaysa Shan ilaa toban maalmood, hadba sida xannuunku yahay.
Waxa waajib ah in qofku dhamaysto xadiga Antibiotic-ga loosoo qoray xataa hadduu dareemo in uu ladnaaday. Waa in aan lakala reebin dawada. Haddii ay dhacdo waxay keeni kartaa in xannuunkii oo sii bogsanaya laakiin bakteeriyadii wali joogto dawadii la joojiyo. Kaddib uu dib usoo fufo isagoo markan xannuun dhaliyihii la qabsaday dawadii oo aanay sifiican u shaqayn. Kadib qofku isu bedelo xannuun side aad dawoobin oo bakteeriyada faafiya.
Nooca antibiotic-ga ugu habboon ee xannuunkan lagu daweeyo waa Penicilin. Dadka xasaasiyada ku yeesha Penicillin-ta waxa loogu beddeli karaa toban cisho oo Clarithromycin ah.
Dawo dabiiciga sida toonta, sinjibiisha, liin-dhanaanta iyo dawo-biyeedka lagu luqluqdo ayaa la aaminsan yahay in ay leeyihiin faa'iidooyin dhayme iyo kaar yarayn isugu jira. laakiin lama hayo daliil cilmiyeed lagu taageero ( No scientific evidence).
Qalliinka Xoqadaha:
Dad badan oo ama iyagu qaba xannuunka Xoqadaha, ama cid ka tirsan ehelkoodu ay qabto ayaan xog fiican ka hayn marka ay tahay in qaliin lagu sameeyo Xoqadaha oo la jaro. Waxa kale oo ay u baahan yihiin in wax looga iftiimiyo sida Qaliinkaas loo sameeyo, Qaliinku se ma u bogsiin doonnaa Xoqado xannuunka si dhammaystiran. Su’aalahan ayaan kaga jawaabi doonnaa qormadan saddexaad ee kusaabsan Xoqado-xannuunka iyo Maarayntooda.
Goorma ayaa Qalliin lagu jari karaa Xoqadaha?
Qalliinka lagu jaro Xoqadaha waxa loo yaqaan Tonsillectomy. Inkastoo qaliinkan samayntiisu hoos u dhacay labaatankii sanno ee u dambeeyay haddana wali waa mid ka midd ah tobanka qaliin ee ugu badan ee la sameeyo dunida.
Sababaha Qaliinka Xoqodaha loo samayn karo waxa ugu muhiimsan oo la isku raacsan yahay kuwan hoos aan ku xusay:
1. Xoqado-xannuunku in uu qofka awood darro gaadhsiiyo (disabling and disturb normal physical functioning) oo ay qofka ka horjoogsadaan nolol dabiici ah.
Tusaale:
• Marka Xoqaduhu ballaadhaan ee ay cidhiidhi geliyaan hawo qaadashada, haddii ay sababaan hurdo la’aan.
• Haddii qofku cuntayn kari waayo xannuunka ama xajmiga Xoqadaha dartood iyo ugu dambayn haddii ay saamayn ku yeeshaan garaaca wadna.
2. Xoqado-Xannuun soo noqday todoba goor sannad gudihii. Soo noqoshadooda waa in si dhab ah dhakhtar u xaqiijiyay, una daweeyay.
3. Xoqado-Xannuun soo noqday shan goor sannad kasta, labadii sanno ee ugu danbeeyay; waana in si dhab ah dhakhtar u xaqiijiyo una daweeyay
4. Xoqado-Xannuun soo noqday sadex goor sanad kasta, saddexdii sanno ee ugu dambeeyay; si dhab ah dhakhtar u xaqiijiyay una daweeyay.
5. Haddii dheecaan ku ururo Xoqadaha ama hareerahooda laguna dawayn kari waayo dawooyinka antibiotic-ga.
6. Haddii dareenka Dhadhamada ee qofku isbeddelo, ama ay xumaato Urta afku oo la hubo in xoqado xannuunku sababeen.
7. Hadii laga shakiyo xannuun kale oo aan ahayn infakshan, sida Kansar oo loo baahdo in cad yar laga jaro Xoqadaha si loo shaybaadh, markan waa lawada jari doonnaa Xoqodaha.
Bukaanka aan buuxinin shuruudaha Qalliinka waxa fiican in mudo lixbilood ah la sugo iyadoo isla markaana si mug leh loola soconayo xaaladooda.
Noocyada Qalliinka Xoqadaha:
Dariiqada ugu caansan ee inta badan lagu sameeyo wadama soo koraya waa (Cold Steel Tonsillectomy). Habkani waa in Qanjidhka Xoqada mindi lagu saafo kadibna dhiigga lagu joojiyo tolid meeshii qodobo lagu xidhaayo.
Hab kale ayaa ah in la adeegsado kul laga dhalaaliyay danabka laydhka oo aad u sareeya (Diathermy) oo toos loogu gubayo Xoqadaha. Qalliinka noocan ah wuxuu u fiican yahay yaraynta Dhiig-baxa iyo ka hortaga nabarada caabuqa.
Waxa sidoo kale la adeegsadaa habab kale oo lagu jaro Xoqadaha iyadoo la adeegsanayo aalado kala duwan.
Faa’iido Intee le’eg ayay Leedahay Qalliinka Xoqaduhu?
Cilmi baadhis lagu faafiyay Website-ka caanka (cochrane.org) ah ee lagu soo bandhigo Cilmi-baadhisaha caafimaadka taasi oo soo koobaysa gorfayn lagu sameeyay todoba cilmi baadhisood oo dhammaantood qiimeeyay Faa’iidada qallinka Xoqadaha ayaa
waxay kusoo biyo shubanaysaa. sidan:
1. Qalliinka Xoqaduhu wuxuu faa’iido wax ku ool ah u leeyahay dadka marka hore xoqaduhu aad u bukeen ee ay noloshooda wax yeelo wayn gaadhsiiyeen.
2. Ta labaad,waxay faa’iido wayn u leeyihiin dadka qaba xannuunada hoos udhiga difaaha jidhka, iyo kuwa qaba xannuunda wadna.
3. Dadka xoqado xannuunku aanu ku badnayn ama si fudud uga bogsan kara, ama aanayn faro geli wayn ku lahayn noloshooda waxaa u fiican in aanay ku degdegin Qalliinta Xoqodaha.
W/Q: Dr Cabdikariin D. Xasan.
Comments
Post a Comment