Casharka 43aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 43aad
Xinjirowga adimaha hoose(Deep vein thrombosis).
Xinjirowga xididdada lugaha waa marka ay xidho xinjir xiddidada lugaha. Waxay sababtaa barar, xanuun, iyo in lugaha ay noqdaan casaan(redness) waxayna ku xidhan tahay barta ay saameysay. Mararka qaar xinjirtaasi waxay u soo haliili kartaa sambabbada waana xaalad qatar ah.Sameysanka xinjirta adimaha hoose gaar ahaan lugaha waxay ku timaadaa wayxaabo badan oo isku tagay(Virchow’s Triad). Waxa ugu horeeya ee keena waa qulqulka dhiigga lugaha oo hooseeya(venous stasis) marka uu qulqulka dhiigga uu yaraado dhiigga waxa uu noqdaa mid noqda xinjir. Waxay dhacdaa marka aanu qofka socod badnayn, uu fadhiidh yahay muddo aad u dheer, sida inuu qofka sariir jiif yahay, ama safar dheer uu ku jirro, iyo inuu xad dhaaf qofka u cayilan yahay ama uu leeyahay wadno fashillan.
Waxaa kaloo keenna dhaawac soo gaara xiddidada (endothelial Injury), dhaawacani waxa uu soo gaarayaa guddaha xiddidada( tusaale ahaan haddii uu qofka galo qaliin ama ay soo gaadho jug), waxay u badan tahay in ay taasi keento sameysanka xinjirowga. Dhaawacaasi soo gaaray nuddaha xiddidada kuwaasoo kaalin ka gaysanaya unugyada ka qeyb qaata sameysanka xinjirowga (platelets), kaasoo ku istaaga xiddidada dhexdooda, sidaasna waxa ku curanaya nidaamka xinjirowga.
Inuu siyaado xaddiga xinjirowga (hypercoagulability). Xaaladdani waxay dhacdaa dadka qaar oo leh xinjirowga dhiigga oo ku yimaada dhaxalka kaasoo ka qeyb qaadanaya sameysanka xinjirowga xiddidada dhiigga(Factor V Leiden mutation), iyo xaaladdo kale caafimaad sida uurka, kansarka, daawooyinka ilmaha lagu kala korsho dumurka u qaataan waa ay keenaan. Marka uu bilowda sameysanka xinjirowga, guntinka dhiigga waxa uu xanibayaa xiddidada kaasoo uu u geysanayo dhaawac xiddidada, xaaladdani waxay abuureysaa sameysanka miiqowga(fibrin). Borotiinkan waxa uu ballaarinayaa baaxadda xinjirowga. Waxa uu kaalin ku yeelanayaa hannaanka sameysanka xinjirowga.
Sigaarka waxa uu kaalin ku leeyahay xinjirowga xiddidada dhiigga gaar ahaan kuwa lugaha. Sigaarka waxa uu sarre u qaadayaa xaddiga xinjirowga inuu kordho. Kiimikooyinka ku jirra sigaarka waxay dhaawacayaan nuddaha xiddidada, kaasoo carqaladeynaya isku dheellitirka nidaamka sameysanka xinjirowga iyo lidiga xinjirowga. Tani waxay keeneysaa carinta sameysanka xinjirowga (fibrinogen and factor VII) waxay siyaadineysaa sameysanka xinjirowga. Sigaarka waxa uu hoos u dhigayaa miiqowga caamilka(fibrolytic Agents like tissue plasminogen activator),taasi ay keeneyso dheelli ku yimaada milanka guntinka xinjirowga.
Da'da waxay kaalin xooggan ku leedahay xinjirowga xiddidada lugaha( 60 sanno) waxay ka mid tahay qataraha qofka u nugleysiin kara in qofka xaaladdan haleesho.
Oral contraceptives dawoyinka ilmaha lagu kala koriyo waxay siyaadinayaan qatarta xinjirowga xiddidada. Istorgiinka ee ku jira dawooyinkan waxa uu sarre u qaadayaa waxyaabo ka mid ah hannaanka sameysanka xinjirowga. Dawooyinkan waxay saameynayaan xiddidada dhiigga, isagoo sababaya hafeef dhex dhexaad ah, taasoo ay si fudud ku sameysmi karto xinjir. Waxa adkaanaya xiddidada taasina waxay keenayaan in hooraha ay dib u ceshado, xididdada dhiigga uu ku dhex maro si tartiib ah gaar ahaan xiddidada lugaha. Waxa kordhaya qatarka ay ku sameysmi lahayd xinjirta.
Calaamadaha.
1. Barar ku yimaada lug qudha gaar ahaan shanshada.
2. Xanuun ama danqasho, xanuunkaasi waxa uu imanayaa xilliga socda, qofka socodka waxa uu ku dareemayaa walwal.
3. Lugta midabkeeda oo isbeddel oo casaan noqoto.
4. Barta uu saameeyay xinjirowga waxa uu keenayaa diirimaad.
5. Lugaha oo daal uu ka dareemo qofka ama culaab.
6. Xiddidada oogaada ee maqaarka in ay noqdaan kuwa ballaarta.
Waxa jirro caalaamado halis. Sidaan soo sheegnay xinjirowga xididdada lugaha waxa ka dhallankara xirrinkan xiddidada samababada.
Haddii uu xirrankaasi dhaco qofka waxa lagu arkayaa
1: Neefsashada oo dagdag u yaraata.
2: laab xanuun xilliga qofka neefsasho qaadanayo.
3: Garaaca wadnaha oo siyaada.
4:Qufac dhiig la socda.
5:Wareer.
Baadhitaanka.
1:Ultrasound: kombuyuutarka waa hubbinta ugu horreysa ee loo isticmaalo waaye, si loo eego heerka qulqulka dhiigga xiddidada, si markaasi loo xaqiijiyo xinjirta.
2:D-dimer Test: hubbintan waxa loo isticmaalayaa si loo xaqiijiyo inuu jirro xinjirow. Haddii heerka D-dimeter uu badan yahay waxa uu muujinayaa xinjir. Baadhitaanka waxa loo isticmaalaa sameysanka xinjirowga in lagu ogaado, waa calaamadiye muujinaya inuu jirro xinjirow.
3:MRI ama CT Scan: hubbintan waxa lagu ogaayaa xinjirta, gaar ahaan xinjirowga xiddidada dhiigga ee miskaha ama ubucda, haddii kombuyuutarka wax lagaga ogaan waayo.
Daaweynta.
1:Anticoagulants (Blood Thinners): dawooyinkan waxay ka hortagayaan sameysanka xinjirowga. Waxa ka mid ah Heparin (Unfractionated Heparin or Low Molecular Weight Heparin), waxay carinayaan lidiga xinjirowga dhiigga, si dhiigga u noqdo mid aan guntamin.
2:Warfarin (Coumadin): daawadani waxay hoos u dhigtaa nidaamyada ka qeyb qaadanaya sameysanka xinjirowga(factors II, VII, IX), waxa la isticmaalayaa waqti dheer, iyadoo lagaga warqabayo qofka..
3:Dawooyinka lidiga xinjirowga ee tooska afka looga qaato(Direct Oral Anticoagulants ). Waxay toos u xidhayaan hannaanka gaar ah ee xinjirowga kaalinta ku leh(Factor Xa, Factor lla). Waxa ka mid ah daawooyinkan apixaban, rivaroxaban, dabigatran.
4:Dawooyinka miiqowga mila(Thrombolytics) waxay si dag dag ah u burbiriyaan xinjirowga. Waxay milayaan borotiinka miiqowga, waxa ka mid ah : Tissue plasminogen activator (tPA), streptokinase.
References:
1. Medscape: Deep Vein Thrombosis Treatment Overview
2. Harrison's Principles of Internal Medicine (20th Edition)
3. Mayo Clinic: DVT Treatment Overview
4. American College of Chest Physicians (ACCP) Guidelines
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment