Casharka 44aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 



Casharka 44aad



Barar-biyoodka samababbada ( Pulmonary Edema)



Waa xaalad uu barar ku imanayo sambabbada,  waana marka uu hoore ku ururo kiish haweedka iyo unug u dhexeeyaha(interstitial) ee sambabbada,  taasi waxay horseed u noqoneysaa isbeddel inuu ku yimaado is dhaafsiga hawadda( Gas exchange) iyo inuu qalqal ku yimaado habdhiska neefsashada.  Badanaa waxay ka soo curataa  cadaadiska tiiftaafyada sambabka taasoo ugu wacan Fashilka qeybta bidix ee wadnaha(cardiogenic pulmonary edema) ama inuu siyaado habida tiiftaafyada ( noncardiogenic pulmonary edema).



Badanaa xaaladdani waxay ka dhallataa isku dheellitir la’aan ku timaada nidaamka hagida hooraha sambabbada. Awoodda cadaadis hoornagiyeedka(hydrostatic pressure) cadaadiskan waxa uu hooraha u buufiyaa banaanka xiddidada.  Cadaadiska hoore celiska(oncotic pressure) cadaadiskan waxa uu hooraha ku ilaaliyaa xididdada dhexdiisa, taasina waxa ugu wacan borotiinka(albumin) iyo habida tiiftaafyada (capillary permeability) intani aan soo sheegnay haddii ay carqalad ku timaado waxa bilaabanaya in hooraha uu ku soo hooro sambabbada. 




Waxaa kaloo keenna xaaladdo la xidhiidha wadnaha.  Sida in wadnaha uu fashilmo,  wadna fashillanka waa marka uu wadnaha uu awooddi waayo inuu dhiigga u buufiyo sidii la rabay, taasina waxay kordhineysaa cadaadiska  xiddidada sambabada.  Xaaladdani waxay ka timaadaa fashilka wadnaha qeybta bidix(left heart failure) calool yarta qeybta bidix  waxay noqoneysaa mid dabacda, iyo in dhiigga ay hore u buufin weyso si uu gaaro garka wadnaha. Tani waxay sababeysaa in dhiigga uu dib ugu soo laabto sambabbada,  waxa siyaadaya cadaadiska hoore nagiyeedka, kiish haweedka waxa si xooggan kusoo galaya hoore. Waxay la xidhiidha kartaa xaaladdo badan, sida wadna istaag, dhiig Kar, iyo xanuunnada ku dhaca haniyayaasha(valvular heart disease).



Waxaa kaloo keenna xaaladdo aan la xidhiidhin wadnaha(non cardiogenic),  xaaladdani waxay la xidhiidhaa samababbada,  waxay dhacdaa marka kiish haweedka gudubkiisa uu dhawaacmo waxay keenaysaa in hooraha  iyo boorotiinka ay u sameeyaan habid(leakage) samababbada,  xitaa haddii ay shaqada wadnaha tahay mid caadi ah.  Badanaa waxa keenna  qalqalka ku yimaada sambabbada (respiratory distress syndrome) waxa carinaya caabuq sida oofwareen (pneumonia), jug, gubashada, ama qofka oo liqa waxyaabo sun ah. Taasina waxay keeneysaa hafeef iyo inuu siyaado habida,  waxaana kordhaya cadaadiska xiddidada. 



Yaraanshaha cadaadiska hoore celiska ( Low Oncotic Pressure ) marka uu yaraada borotiinka dhiigga( sida ay jiraan xanuunnada beerka, kelyaha iyo nafaqo darro)  hooraha kuma jirrayo xiddidada dhexdeeda waxa uu hooraha habid u sameynayaa  sambabbada. 



Darnaan caabuqeedka(sepsis) waxa uu sababayaa bararka samababbada .  Marka uu daran yahay caabuqa waxa uu ku baahayaa jirka,  difaaca jirka waxa uu soo daynayaa kiimikooyin la dagaalama.  Kiimikooyinka waxay sababayaan hafeef, waxa ay dhaawacayaan xiddidada samababada.  Dhaawacaasi waxa uu keenayaa hooraha iyo borotiinka in ay ka soo dhex baxaan xididdada kaddib ay habid sameeyaan iyagoo soo galaya kiish haweedka. Hooraha ku urura kiish haweedka waxa uu keenayaa in ay adkaato kala beddelka hawadda mida fiican(oxygen) midda aan loo baahnayn ( carbon). Caabuqa waxa uu saameyntaa ilaaliya kiish haweedka ( surfactant) marka uu dhaawac gaaro ilaaliya kiish haweedka waxa uu noqonayaa mid isku duma, neefsashada waxay noqoneysaa mid adag. Ugu dambayn waxa ay keeneysaa xaalad qatar ah(respiratory distress syndrome). 



Calaamadaha. 



1:Shortness of breath (dyspnea): Neefsashada oo adkaata, qofka waxa uu dareemayaa marka uu shaqo qabto ama dhaqdhaqaaq sameeyo, iyo marka uu dhacdiid u seexdo qofka waxa uu dareemayaa in Neefsashada ku adkaaneyso.


2:Coughing: qofka waxa uu yeelanayaa qufac oo ubur la socoto mararka qaar dhiig. 


 3:Wheezing: Cod xiiq ah oo laga maqlo marka la dhageysanayo sambabada. Ama qofka waxa uu dareemayaa cabur.


 

4:Rapid or irregular heartbeat (palpitations): garaaca wadnaha oo dagdag noqda, taasoo ugu wacan heerka ogsijiinta oo yaraata. 


5:Cold, clammy skin:  diirka oo noqda mid diiran ama baraf, mararka qaar waxa uu yeelanayaa buluug taasoo ugu wacan hoos u dhaca ogsijiinta. 


6:Dizziness or lightheadedness: qofka waxa uu dareemayaa  wareer taasoo keeneysa  tabbar darida. 


 

Baadhitaanka. 


A.Chest X-ray (Most Common Test):  waxa loo sameynayaa raajada laabta waana baadhitaanka ugu horeeyo loo sameynayaa,  baadhinkan waxa uu inna siinayaa warbixin haddii uu jirro hoore ku urursan samababbada. 


B. Blood Oxygen Levels (Pulse Oximetry & Blood Gas Test):  baadhitaankan waxa lagu ogaanayaa heerka ogsijiin dhiigga gaareysa, haddii ay hooseyso iyo haddii kale. 


C. B-type Natriuretic Peptide (BNP) Test:  hubbinta borotiinka ah waxaa loogu dirayaa bukaanka haddii laga shakiyo in uu keenay wadnaha xaaladdana bararka samababbada,  haddii uu borotiinkan kacsan yahay waxay caddeyneysaa inuu jirro  wadna fashilan.


D. Electrocardiogram (ECG/EKG): kombuyuutarka wadnaha waxa uu innoo sheegayaa haddii uu jirro wadna istaag  ama qallafsanaanta korontada wadnaha.


E. Echocardiogram (Heart Ultrasound): kombuyuutarkana isagana  waxa lagu ogaanayaa sida wadnaha uu dhiigga u buufiyo, waxaa kaloo lagu ogaanayaa haddii ay jiraan xanuunnada ku dhaca haniyaha wadnaha.


F. CT Scan or Lung Ultrasound:  iskaanka ama kombuyuutarka waxay inna siinayaan warbixin dheeraad ah haddii ku jirro samababbada hoore, iyadoo looga soocayo cabuqa.



Daaweynta. 


1. Diuretics: waxa la siinayaa dawooyinka jirka hooraha ka yareeyo gaar ahaan Furosemide (lasix)  Tani waxay innaga caawineysaa in hooraha ay hoos u dhigto, iyadoo lagu saarayo kaadi ahaan. Waxa yaraanaya muuqa hooraha qulqulka dhiigga, waxa yaraanaya cadaadiska xiddidada dhiigga ee samababbada iyagoo yareynaya hooraha ku ururi lahaa kiish haweedka. 


2. Vasodilators: waxaa kaloo la siinayaa dawooyinka xiddidada kala bixiya sida nitroglycerin, dawaddani waxay ballaadhinaysaa xiddidada  kuwaasoo xiddidada cadaadiskooda hoos u dhigaya, xaddiga wadnaha ee shaqada xakameynaya. Dawadani waxay markaasi hoos u dhigayaan wareegga xiddidada ee samababbada,  waxay innaga caawineysaa hooraha samababbada ku urura.


3: Inotropic Agents: dawooyinkan waxay hoos u dhigayaan awoodda uruurka wadnaha uu sameynaya, iyagoo xaddiga dhiigga wadnaha uu tuurayaa la xakeymanaya, waxa ka mid ah dobutamine, waxaa loo qeybiyaa laba qeybood kuwa togan iyo kuwa taban(positive inotropic Agents, negative inotropic Agents). Waxay wanaajinayaan in wadnaha isku filnaado dhiig qumman tuuro, hoosna waxay u dhigayaan ceejisanka xiddidada samababada. 



4:Oxygen Therapy: waxa la siinaya ogsijiin  taasina waxay saxeysaa ogsijiin yari, haddii ay jiraan qalqal ku yimaada hawo mareenka( Positive Airway Pressure).


5:Daaweynta kale oo ugu mahuumsani waa in laga daaweeyo qofka waxyaabaha ku keenay xaaladdan.  Iyadoo bukaanka lala yeelanayo wadda hadala dhammeystiran, si loo xaqiijiyo xaaladiisa caafimaad waxyaabaha la xidhiidha.





References


1. Harrison’s Principles of Internal Medicine (21st Edition) – Chapter on Pulmonary Edema



2. Goldman-Cecil Medicine (26th Edition) – Pulmonary Disorders



3. Current Medical Diagnosis & Treatment 2024 – Respiratory Conditions



4. Amboss & Medscape – Updated guidelines on pulmonary edema management



5. American Thoracic Society & Mayo Clinic – ARDS and Pulmonary Edema Clinical Guidelines






Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad