Casharka 45aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca!


Casharka 45aad


Fayruska bu'dahana hawo-mareenka (Respiratory Syncytial Virus (RSV)


Waa hambaabuq uu keenno fayrus,  kaasoo saameeya habdhiska neefsashada  gaar ahaan samababada iyo marinka hawadda. Waxa uu keenaa xanuun darran qofka uu ka saameeya hawo mareenka gaar ahaan ilmaha billa dhalladka ah, carruurta yaryar, dadka duqowda ah, dadka difoocooda uu liito.  Haddii xanuunka uu yahay mid aad u darran waxa uu keenayaa oofwareenka sambabbada iyo hafeefka hunguriga cadka(bronchiolitis).


 Respiratory Syncytial Virus (RSV)

Waxa ku meegaaran borotiin kaliyaale(single-stranded RNA), Waxa uu ka tirsan yahay qoyska Paramyxoviridae, waxa uu ugu horreyn saameynayaa ibisiiliyamta neef-mareenka,  taasina waxay keeneysaa hafeef iyo xirranka marrinka hawadda, sidaan horrey u soo sheegnay waxa uu saameeyaa carruurta,  dadka difaacooda uu liito. Marka uu fayruska jirka soo galo waxa marrin u ah xuub xaleedka sanka iyo jilladda (conjunctiva), waxa uu qabsanayaa unugyada ibisiiliyamta ee qeybta sarre ee marrinka hawo mareenka (upper respiratory tract) isagoo isticmaalaya fayruska oogo borotiinneedka uu leeyahay (G and F glycoproteins). Borotiinkan F waxa uu fuddudeynayaa isku dhagga(fusion) fayruska marti galiyaha dahaarka unugiisa taasoo u ogolaaneysa fayruska in uu taran sameeyo. Tani waxay toos u keeneysaa burburin unugyada, iyo dhimashada unugyada(necrosis), fayruska waxa uu ku faafi karaa habdhiska neefsashada qeybtiisa kore iyo hoose, waxa uu saameynayaa laamahunguriga cadka iyo kiish haweedka. 


Difaaca jirka waxa kaalin ku leeyahay dheeraadka jirka soo gala inuu la dagaalamo. Unugyada ibisiiliyamta marka ay caabuqoobaan waxaa la soo daynayaa kiimikooyin( interleukin-6 (IL-6), IL-8, and tumor necrosis factor-alpha (TNF-α) kuwaasoo keenayaa inuu siyaado habida xiddidada (vascular permeability), barar, in la soo saaro xab badan.   Unugyada dhiigga cad  cad(Neutrophils and monocytes) ayaa waxay ku ururayaan nuddaha samababada,  waxay keenayaan hafeef dheeraad ah iyo ciriirsanka marinka hawadda.  Isku taga waxyaabaha dhintay, iyo xabka iyo hafeefka hunguriga cadka waxa ka dhallanaya in toos uu xirmo hawo mareenka, hawadii uu qofka qaadan lahaa ay carqaladowdo, iyo isku dunka sambabbada (atelectasis).


Maxaa keenna?


Sidaan soo sheegnay waxa keenna qoysk uu ka mid ah qoyska fayruska(Paramyxoviridae family),  badanaa waxa uu ku gudbaa taabashada tooska ah, waxyaabaha wasaqeysa oogadooda,kaddib qofka waxa uu u gudbayaa marka uu taabto sanka, afka, indhaha. Waxaa kaloo uu ku gudbaa hindhisada, qufaca, sidaas ayuu ugu gudbayaa qofka caafimaadka qaba. Waxaa kaloo uu ku gudbi karaa dhunkashada, gaar ahaan carruurta marka la dhunkanayo marka ay yaryihiin.Fayrasku wuxuu saacado badan ku noolaan karaa meelaha adag sida miisaska, biraha sariiraha carruurta, iyo alaabta lagu ciyaaro. Haddii aad taabato afkaaga, sankaaga, ama indhahaaga ka dib markaad taabato shay fayrasku ku yaallo, waxa kordhaya fursada uu ku gudbi karro.


Sannad kasta, (RSV )waxa uu ku dhacaa in ka badan 3.6 milyan oo dad ah  iyo ku dhawaad 100,000 oo dhimasho carruur ka yar 5 sanno. Inta badan dhimashada carruurta ee ka dhalata RSV (97%) waxa uu saameeyaa dalalka dakhligoodu uu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah, halkaas oo helitaanka daryeel caafimaadka  uu xaddidan yahay.

Qiyaasta cudurka RSV ee dadka waaweyn guud ahaan dunida lama oga. Si kastaba ha ahaatee, dalka Mareykanka, waxaa la qiyaasay in RSV uu sababo ilaa 160,000 oo bukaan-jiif ah iyo 10,000 oo dhimasho ah dadka ka weyn 65 sanno. Heerka bukaan-jiifka ee dadka qaba RSV ayaa sareeya dadka qaba xaalado caafimaad oo hore u jiray sida neefta, cudurka sambabada ee raagga(COPD), ama shaqa gabka wadnaha (congestive heart failure).


Dadka halista ugu jirro. 


1:Ilmaha, gaar ahaan kuwa aan billa dhammaysan (premature) ama kuwa ka yar 6 bilood


2:Carruurta qabta xanuunnada lagu dhasho ee wadnaha(congenital heart disease).


3:Carruurta ama dadka waaweyn uu difaacooda uu liito. Haddii ay leeyihiin xanuunnada sida Kansar,  ay qaadanayaan dawooyinka kiimotarabiga


4:Dadka da'da ah, gaar ahaan kuwa ka weyn 65 sanno.


Calaamadaha. 


1. Xaaladda dhexdhexaadka ah waxa lagu arkaa qofka wayn ama carruurta. 


*Sanka ciriirsama ama cabur.

* Hindhis.

* Cuna xanuun. 

*Qufac dhex dhexaad ah.

*Qandho iska hooseysa.

*Sanka oo duufa.


2:Xaaladdaha darran.


* Qufac darran

* Qofka sida xiiqda oo kale u xiiqa(Wheezing).

*Neefsashada oo adkaata. 

* Dibnaha oo buluug noqda.

* Qandho.

* Fuuq bax.

* Qalqal ku yimaada habdhiska neefsashada. 


Baadhitaanka. 


1:Polymerase Chain Reaction (PCR):  waa Baadhitaanka ugu muhiimsan lagu baadhayo fayruskan, si markaasi go’aan looga xanuunkan, waxa qofka laga soo qaadayaa muunad(sample).


2: Viral Culture: waxa baadhitaan ahaan loogu dirayaa beeris ahaan fayruska  si markaasi loo xaqiijiyo inuu jirro fayruskan.


3:Chest X-ray: waxaa loo baahanayaa raajo si markaasi looga saaro haddii ay jiraan xaaladdo sida oofwareen, ama qalqal ku yimaada habdhiska neefsashada. 


4:Pulse Oximetry: waxa lagu ogaanayaa heerka ogsijiin dhiigga,ama shaqada samababbada,  haddii ogsijiinta ay hooseyso waxay muujineysaa in ay jirto xaalad darnaasho.


Daaweynta. 


1:Ma jirto daaweyn gaar ah loo sameeyo bukaanka xaaladdan ku sugan, waxa laga daaweynayaa darnaashaha xaaladdan waxa loo sameynayaa taageerid, sida in laga soo nuugo xabka, in la siiyo hoore si markaasi looga hortago fuuq baxa, waxaa kaloo la siinayaa ogsijiin si markaasi sarre loogu soo qaado ogsijiinta dhiigga .


2:Ribavirin waxa la siinayaa lidiga dawooyinn fayruska,  daawadani waxay xidheysaa bu'da uu taranka ku samayn lahaa, waxa ay joojineysaa  taranka fayruska , taasoo fara galineysa sameysanka boorotiinka faysruska. 


3:Palivizumab (Synagis): waxay toos u saameynaysaa daawadan borotiinka F iyadoo qabsaneysa borotiinka, si markaasi uga hortago in fayruska uu u tarmo jirka. Waxay xidheysaa tarankiisa. Waana daawada ugu horeysa ilma loo siiyo ka hortago, gaar ahaan ilmaha aan billa dhammeyska ku dhallan.


3:Waxaa jira tallaallo iyo daawooyin difaac ah oo la heli karo si looga hortago  RSV ee ku dhaca dhallaanka iyo dadka waayeelka ah.


Si loo ilaaliyo dhallaanka, waxaa jira tallaal la siiyo haweenka uurka leh xilliga dambe ee uurka (usbuucyada 32 ilaa 36). Tallaalkani wuxuu suurtagelinayaa in difaaca jirka  uga soo gudbo hooyada una sii gudbi ilmaha iyadoo u dhex marayo mandheerta.Waxaa kale oo jira daawo difaac ah taranka fayruska (monoclonal antibody), looguna talagalay dhallaanka. Daawadan waxaa lagaga mudayaa muruqa. Waxaa la siinkaraa carruurta yaryar(8-19 bilood) kuwaasoo u unugul xanuunka.


 

1. Tallaalka loogu talagalay dadka waaweyn (RSVPreF – Arexvy iyo Abrysvo)


Waxaa la siiyaa dadka da'doodu ka weyn tahay 60 sanno si looga hortago cudurrada neef-mareenka hoose.


Waxa kale oo la siin karaa haweenka uurka leh (24-36 toddobaad ee uurka) si ay ugu gudbiyaan  dhallaanka marka uu dhasho.


Magacyada tallaallada caanka ah waa Arexvy (GSK) iyo Abrysvo (Pfizer).


References:


Feigin & Cherry’s Textbook of Pediatric Infectious Diseases


Harrison’s Principles of Internal Medicine


Mayo Clinic (www.mayoclinic.org)


Medscape (www.medscape.com)


National Library of Medicine (www.ncbi.nlm.nih.gov)


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad