Casharka 46aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.
Casharka 46aad
Dhiig-baxa kiish haweedka (Diffuse alveolar hemorrhage)
Waa marka ay dhiig baxaan kiish haweedka sambabbada. Waxa uu keenayaa dhiig baxaasi in isbeddel haweedka samababbada. Waxa adkaaneysa neefsashada, haddii ay hooseyso heerka ogsijiinta dhiigga. Badanaa waxay ka dhallataa dhiigga baxa kiish haweedka, xanuunnada isweerarka difaaca jirka, caabuqyada saameeya samababbada ama dawooyinka qaar.
Xaaladdani waa xaalad qatar ah qofka uu u dhiman karro xitaa. Dhiigga baxa waxa uu ka dhacaa xiddidada yaryar ee samababbada (tiiftaafyada) marka ay dhaawacmaan. Tiiftaafyadan waxay leeyihiin darbiyo jilcan, jilcankaasi waxa fududeynayaa marrida ogsijiinta uga imaneysa samababbada una gudbeysa dhiigga. Marka ay aad u daciifaan xiddidada dhiigga ee samababbada waxa ay samaynayaan habbid waxa ka dhallanaya dhiig baxa kiish haweedka. Waxa jirra siyaabo kale duwan uu dhaawac ku soo gaari karro.
Xaaladdaha qaar difaaca jirka waxa uu si qaldan ugu arkayaa ama weerarayaa samababbada waxa lagu arkaa cuddurada qaar(Goodpasture syndrome or granulomatosis), iyo daawooyin qaar. Ama qofka inuu ku sumoowo hawadda kuwaaso dhaawacaya xiddidada dhiigga. Waxaa kaloo kaalin ku leh xirrinka Hani laba faraalaha(mitral stenosis)ama fashillanka wadnaha, waxay kordhineysaa cadaadiska tiiftaafyada samababbada waxay sababayaan in xididdada dhiigga ay qarxaan sidaasna uu dhiig bax Ku yimaado, marka uu dhiig galo kiish haweedka, waxa xidhmaya caadiyan isku gudubka ogsijiinta. Taasina waxay keeneysaa in ogsijiinta hoos u dhacdo.
Maxaa keenna.
1. Waxa keenna xanuunnada is-weerarka difaaca jirka(Autoimmune Diseases), sida hafeefka xididdada ku dhaca, hafeefkaasi waxa uu dhaawacayaa xiddidada ee samababbada, waxay sababayaan dhiig bax.
2:Goodpasture Syndrome: waxa uu ka mid yahay xanuunnada is weerarka difaaca jirka, kaasoo soo saarayo lid jidh gale(antibodies), waxa uu saameynayaa samababbada isagoo keenaya dhiig baxa xiddidada samababada.
3:Systemic Lupus Erythematosus (SLE): waa xanuunnada raage ee is weerarka difaaca jirka, difaaca jirka waxa uu weerarayaa xubno badan, sida samababbada, taasina waxay keeneysaa hafeef, haddii uu hafeef yimaada waxay keeneysaa dhiig bax.
4:Pneumonia: waxa keena oofwareenta darran, caabuqa oofwareenka waxa keenna fayrusyo, bakteeriyo iyo fangaay, waxay sababayaan hafeefka sambabbada, iyo dhiig baxa kiish haweedka tiiftaafyadiisa.
5:Methotrexate: daawan waxa loo istcimaalaa xanuunnada is weerarka difaaca jirka, mararka qaar waxay keeni kartaa dhaawaca samababbada, sidaas dhiig ayuu ku samaynayaa xiddidada samababada.
6:Amiodarone: dawadan waxa loo isticmalaa qalqalka korontada wadnaha, ama marka ay qallafsanaato korontada wadnaha, waxay dhaawaceysaa xiddidada samababada, waxay keeneysaa dhiig bax.
7:Mitral Stenosis: xirranka Hani laba faraalaha waa xanuunnada ku dhacada haniyaha wadnaha, Hani laba faraalaha ma awooddayo inuu u furmo si dhammeystiran, taasina waxay kordhineysaa cadaadiska sambabbada. Cadaadiskan waxa uu sababayaa xiddidada dhiigga ee yaryar ee sambabbada in ay qarxaan, waxa ka dhallanaya dhiig bax.
Caalamadaha.
1:Hemoptysis: waxa lagu arkayaa qufac uu dhiig la socdo.
2:Dyspnea: Neefsashada oo yaraata, taasoo ugu wacan isbeddelka hawadda.
3:Fever: qandho, taasoo ay keeni karto caabuq ama muujineysa inuu jirro caabuq.
4:Fatigue and Pallor: daal waxa ay ka dhallaneysaa dhiig yarida( anemia).
5:Chest pain: waxa lagu arkayaa laab xanuun, taasoo ugu wacan hafeefka(inflammation)
5:Hypoxemia: ogsijiinta dhiigga oo hoos u dhacda, taasina waxa keeneysaa jirka inuu buluug noqdo.
6:Tachypnea (Rapid Breathing): Neefsashada oo dagdagta, jirka waxa uu isku dayayaa inuu saxo ogsijiin yarida.
7:Tachycardia (Fast Heart Rate) : garaaca wadnaha oo dagdaga, taasoo ugu wacan ogsijiin yarida dhiigga.
Baadhitaanka.
1:Complete Blood Count (CBC): waxa laga qaadayaa guud ahaan dhiigga, si markaasi loo xaqiijiyo dhiig yaraan(anemia).
2:Coagulation Profile: waxa la fiirinaya nidaamka dhiigga xinjirowga, haddii ay jiraan xanuunnada dhiigga ku dhaca.
3:Renal Function Tests: waxa la hubinayaa shaqada kelyaha, xaaladda qaar ama xanuunnadda qaar ayaa saameyn ku yeelanaya(Goodpasture syndrome)
4: Chest X-ray : raajada laabta waxay inna tusineysaa carceerka sambabbada (infiltrates) macnaha haddii uu dhiig ku jirro guddaha sambabbada si loo arko
5:CT Scan (Computed Tomography): waxa uu inna siinayaa warbixin dheeraad, si markaasi loo xaqiijiyo dhiig baxan.
6:Bronchoscopy with Bronchoalveolar Lavage (BAL) : waa kamarad yar la galinayo sambabbada, si markaasi loo soo xaqiijiyo dhiig baxa.
Daaweynta
1. Immunosuppressive Therapy: waxa la siinayaa dawooyinka hoos u dhiigga hafeefka, xaddi badan Corticosteroids: methylprednisolone, si markaasi loo yareeyo hafeefka, waana daawada ugu caansan loo istcimaalo.
2:Cytotoxic Agents: dawooyinkan waxa loo istcimaalaa joojinta falcelinnada difaaca gaar ahaan hafeefka xiddidada(systemic vasculitis) waxa ka mid ah cyclophosphamide
3: Biologic Agents: waxay xidheysaa lid jidh galaha unuggyada( B cells) waxa lagu daaweynayaa qeyb ka mid ah xanuunnada is weerarka difaaca jirka. Waxa ka mid ah Rituximab.
4:Supportive Care: waxaa loo sameynayaa hawo cusbooneysid(mechanical ventilation)haddii uu bukaanka ku jirro fashillanka habdhiska neefsashada si markaasi loo saxo ogsijiin yarida.
5:Blood Transfusions: waxa loo baahanayaa in dhiig lagu shubbo si markaasi looga hortago dhiig yaraan.
6:Antifibrinolytics: dawooyinkan furfuraya miiqow borotiinneedka si markaasi sarre loogu qaado ka hortago dhiig baxa. Waxa ka mid ah:tranexamic.
Tixraacyada.
Harrison’s Principles of Internal Medicine (McGraw-Hill)
Current Medical Diagnosis & Treatment (Lange)
Davidson’s Principles and Practice of Medicine.
Medscape
Amboss
Mayo Clinic
Cleveland Clinic
Comments
Post a Comment